Al-xizbul Islami oo ka Hadley Jubooyinka & Shirkii Mambasa.

Sh Max'ed MacalinXog-hayaha Warfaafinta Al-xizbul Islami, Sh Maxamed Macalin Cali oo Maanta Saxaafada Shir Jaraa’id u qabtey ayaa ka waramey go’aan cusub oo ay ka qaateen Gobolada Jubooyinka, ka dib dagaalo halkaa ka dhacey.

 

Sh Maxamed, waxa uu sheegay Gobolada Jubooyinka inaaney uga bixin Jab ka soo gaaray Dagaaladii halka ka dhacey ee u dhaxeeyay Iyaga Iyo Xarakada Shababul Mujaahidiin, balse go’aan kale oo ay ka qaateen uga baxeen ka dib markii ay u soo baxeen arimo ayna horey ugu xisaabtamin, sida uu hadalka u dhigay, balse aanu faahfaahin.

 

Inkastoo aanu faahfaahin ka bixin go’aanka Jubooyinka ka qaateen, hadana dhinaca kale waxa uu sheegay inay jiraan wali ciidamo rasmiya oo ka joogo qeybo ka mida Gobolada Jubooyinka ayna joogaan tuulooyinka qaar iyo dhulka Howdka.

 

Dhinaca kale waxa uu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaadey Shir dhawaan Magaalada Mambasa ee Kenya ugu soo gebo geboobay Ururada ku bahoobay Bulshada Rayidka, waxa uuna sheegay shirkaasi inuu ahaa mid taageero loogu muujiyay ciidamada AMISOM ee Xasuuqa rayid Dalka ka wada.

 

 Shirkaas ayuu sheegay in la isugu geeyay dhowr kooxood oo banaanada laga soo abaabuley, looguna talo galey talada dalka iyo degenaansho ka dhasha in looga hortago oo lagu hagar daameeyo.

 

Ururada shirkaas la isugu geeyay ayuu ku sheegay kuwo ku tagri faley taladii Dalka, sidoo malena dhaqaale xoogan ku qaata arimahaas iyo kala geynta Bulsha weynta Soomaaliyeed iyo sidii dhibaato looga dhex abuuri lahaa.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

33 Comment(s)

  1. mujadinta xisbul islaam waxey xaqiiqsaden in walalahooda alshabab muhadin ay xaq ku socdeen waxeyna xaqiiqsaden in madoowe iyo ragiisa xariir la leyhiin ethiopia iyo mareykan taas aya ku kaliftay in ay dagalka ka baxanxisbul islaam

    daahir | Dec 12, 2009 | Reply

  2. ac haye hada maa lasoo baraarugay Hurda weynoow huradada ka kac.
    Axmed madoobe xaalkiisa waa cadaaday baan filayaa

    Caloofi alsomali | Dec 12, 2009 | Reply

  3. ilahay baa xaal og axmed madoobana wuu ku fashilmay qorshihii uu watay

    alcalawi dec 12 2009

    maxamed | Dec 12, 2009 | Reply

  4. ensha’allah haddii xaaqiiqsateen oo dib u garateen , lakin Axmed madoobe gacamaha in loo geliyo waaye shabaabul mujahidiin waaye dartiisa mujahiddin badan uu ku dhimteen oo sacaan ladagalahaa cadowga shishiye, marka midkale oo mujahidiinta ka mid eh su lacag u qaadan oo laalush eh, Madoobe aa meel fiican la marsiinaa , Marka qalada afka laga qirto keliya wax mataraayo Madoobe shabaabul mujaahidddin faraha halaga saaro wixii ku dhaco aan aragnee ..ensha’allah…

    Abu MuCaD | Dec 12, 2009 | Reply

  5. Walalaha xisbiga ee muqdisho joga wan isdhahayay iney tuhun qaden oo kashakiyeen barnaamishka axmed madobe allena waxan ka baryayaa inuu fahamsiiyo qorshaha cadowga uu malegayo waxaa lagu xantaa jilec dhanka wada hadalada dhanka galada ah iyo qabyaalada ee walalaha waxan dhihi lahaa foojignaada galada iyo murtadinta sida alshabab isaga ilaaliyan oo kale isaga ilaaliya dhabar jebiya ciidankiina caqiidada kadhisa hagaajiya nidaamiya hadafkiinana ka dhiga koryelida kalimada allaah

    Khaalid almadani | Dec 12, 2009 | Reply

  6. Shir jaraaid kulahaa. Waxaa dadka dhamaantood og yihiin in maalin dhoweyd uu qabtay sheekhan shir jaraaiid aan laga warhayn taasi oo ay ku qabsatay sh. Xasan Dahir inuu la cirbiyo oo uu saxo. Tii kama duwana tan maanta.

    Maantay waa tan oo weliba kuwana maskiinta ilaa hadda tacqliisay ay la aadeen halkan nafahooda jirran jeclaani lahayd.

    Waxaa uu sheegay

    1) In jubbooyinka dagaal looga saarin

    Qultu: run ma’aha taasi, dagaal iyo guluf ayaa looga saaray qaybo badan oo gobolka

    2) In weli joogaan jubbooyinka

    Qulnaa: Run weeye waxay joogaan,
    degmooyin iyo tuulooyin ay ka mid yihiin:

    Diif
    Hoosingow,
    Kudha
    Wadajir
    Badda Madow
    Dallaayad
    Badhaadhe
    Kolbiyo
    Ras Kambooni iwm.

    3) Inay ku soo baxeen arrimo ay ku xisaabtamid

    Maxay noqon kartaa:

    Qaaluu: Shabaab oo ah : kuwa dhigga walaalahooda banneystay waxay u arkaan sida kuwan faallada ilaa hadda haadaanka ka tuurey

    Laakiin rag aniga ku jiro waxay tahay in

    - Xisbiga ogaaday in shabaab takfiir yihiin ama u sii dhutinayaan

    - In loo baahanaayo in la huro dhiig badan si loo jabiyo shabaab iyada oo gulufka ku soo socda guud ahaan Somalia

    - In la fool xumaatay in loo banneeyo AMISON Xamar sida ay shabaab sameeyeen markii ay u jibbaysnaayeen daadinta dhiiga mujaahidiinta Kambooni/canoole

    - In midnamadii Xisbiga khaakhuul galay kaddib markii mowqif midaysan laga qaadan waayey dhiig daadinta shabaab

    - In Komandooskii kambooniyiintii ka baxday saaxada Xamar ee isku urursanaysa gobollada jubbooyinka keentay in la waayo wax beddala kaalintay kaga jireen Xamar

    - In talataaliskii shabaabka ku fureen xisbiga oo ah xabad iyo midnimo been ah ka hadalkeeda ay keentay in xisbiga lagu dhex tuuro qunbulud qiiq culus watada taasi oo keentay inay mowqif sax qaadan kari waayeen.

    Si kastaba ha ahaatee shirkan jaraaid waxaa uu imaanaya kaddib markii shabaab ku fashilmeen in Xasan Dahir u adeegsadaan kala burburinta xisbiga iyaga oo ku gabanaya midnimo loola jeedo marin habaabin.

    Caloofi iyo kooxdiisa waxaan idin leenahay yeesha garasha aad ku garataan waxa haddallada ka dambeya haddii kale wallee laf cad ayaad weligiin toobin ku haynaysaan.

    Cali Guure | Dec 12, 2009 | Reply

  7. Asc
    Haddii aynu ka hadalno danta shacabka Soomaaliyeed maxaa walaalayaal inoo dan ah ka soomaali ahaan mise waxaynu ilaalinaa danaha reer galbeedka carabta afgaanistaanka bakistaanka ereteriyaanka iyo itoobiyaanka

    Hadii aynan danaheena ka fakarin waa hubaal in aysan jirin cid danteena noo ilaalinaysa oo ananaga aheyn hadii kale waxaa marqaati ka noqon doonaa iyada oo soomaaliya la qayb sanayo oo ay qayb sanayaan quruumo soo qaxay oo aan qayb ku laheyn dalkeena hooyo.

    waxa aad u haboon in Ururada Islaamiga ah ay yeeshaan Ajende iyo qorshe fog oo ka duulaan siyaasadaha is barkan ee Mandaqada, mana aha in ay wax ku bineeyaan hadba waaga barya iyo waayihiisa ee waa in ay yeeshaan waxa la yidhaahdo “Strategic plan” ama “wiqaayatul min axdaath”.

    rabi aan ka baqno dhammaanteen

    asc wr wb

    xog-ogaal | Dec 12, 2009 | Reply

  8. Wax uu xaqiiqsaday iyo wax awal kaqar soonaa toona majiraan ninka udhaqma sida cilmaaniyiinta runta markii loo hadlana ninkankan iyo madobe waa isku fikir

    Nasrullaho5 | Dec 12, 2009 | Reply

  9. Asc walalayal waxa muhim ah in la’ogaday xalada iyo siyasada rasmiga ah e alshabab wayo balanti ay lagalen sheekh axmed maxamed islam iyo xizbigisa way oga bexen dhiga mujahidinta qar kamid ah xizbul islam way banaysten laakiin waxa hada cad in arintu noqotay malinti dibigi cada lacuna anigana la’icunay marka xasan dahir aweys adiga yan lagu cunin koley wad aragta in hada lagu sojestay o hiiraan laqabsaday ceelashana wa lagu somaqanyahay ama cir gal ama shabab isku dhib ama sxbka sharif kucarar

    Cabdullaahi garane | Dec 12, 2009 | Reply

  10. a.s
    walaal waxaan idiin sheegayaa inta taageerta shabaab iyo kuwa xisbi shaydaanka ahba inaad ilaah u toobadkeentaan dhiiga muslimiintana how sacab tumin hadii akle ragbaa ilaah idinka dhigee ordoo doontaa dagaalka naarta lagu shaqaysanayo

    same wade | Dec 12, 2009 | Reply

  11. asc walaalaha mujaahidiinta xisbul islaam waxaan umaleeyaa in ay xaqiiqsadeen in madoobe uu ushaqeynaayay lkn ilaah mahadii uu ku fashilmay ilaah waa fashilaa wixii aan xaq ku socon waxaan leeyahay ilaah xaqqa hanagu hanuuniyo

    isaaq idriis | Dec 12, 2009 | Reply

  12. asc.waan idin salaamay dhamaan bahada somalimirror iyo akhristayaasheedaba.

    shabaab ma waxay inla tahay in ay axmed badoobe oo kaliya ay la dagaalamayaan runtii
    ma is waydiisay axmed badoobe jubooyinka ayuu joogaa ama haduu doono ha ka cararo ee maxaa fariisimada xizbiga ee muqdisho ay maalinba mid ugu dhacayaan????.maantadaan ugu dambaysay ayey u dheceen saldhiga huriwaaa oo ay xizbigu gacanta ku hayaan dagaalna ku qaadeen iyaga oo ku amraya in ay baneeyaan.
    ok taaasi iyo waxyaabe kale oo ay waayadii dambe shabaab samaynayeenba waxay muujinaysaa in shabaab aanay doonayn cid iyaga aan ku fikir ahayn ay soomaaliya meel ka mid ay kaga sugnaato waaaa haddiiiii ay taasi u suurto galayso maba filyeeeee!!!.
    hadaba waxaa lagama maarmaan ah odayaasha xizbigu inay talo dib isugu laabtaan oo ay koley meesha way ka baxayaane ay intay awooda iyo magaca leeyihiin ay la heshiiyaan dowladda sh, shariif isla markaana ay garab istaagaan.haddii taasi dhici waydo waxy u muuqataa in sh. xasan daahir iyo ragiisii ay asmara markale dantu ku qasbidoonto inay ma ciinbidaan.

    political analyst | Dec 12, 2009 | Reply

  13. xaqii waacadaday ilaahayoow mujahidiinta garabsii ilahayoow garab nasii waqti xun ayaa lagu jiraa balyaa dhahay tastuur noosameeya walee wax la arak galadan weey kibirtay alamaxeey kibirtay illahyoow kuwayar ee xaqa kutaagan gacmahooda kudali galadan aduunka kuwas kucadaab aaqirana naartaada marna yeeysan salka dhul dhigin ha iska dawawareegaan nacalat haku dhacdo dhaaquutka iyo cidii uhiilisa

    faadumo | Dec 12, 2009 | Reply

  14. marka axmed madobe faraha lagasaaro shaabul maslaxa in godane xisbul islaam haloo dhiibo
    waxaan citiqaadsanahay in axmed madoobe iyo in godane uu mijaahid xaq udirir ah uu yahay axmed madoobe sababtoo ah axmed madoobe waa layaqaan taariikhdisa yaa sheegi karo in godane
    hadii eey karuntahay in godane diinta uu sheegaa aa way waqooyi bari jubooyinka waxaa joogo dad asaga oo ga horeeyay diinta jihaadka iyo caqiidatu salaf

    xasan | Dec 12, 2009 | Reply

  15. Dadka la isugu geeyey Mombasa Kenya waa dad damiirlaawye yaal ah waayo haddii ay yihiin kuwo dhibaatada Somalia ka damqanaya shir lagu qabtay Kenya, Ugandha iyo Itoobiya weligood ma yeeleen, waayo Kenya waa meesha talada lagu duminayo Somalia laga curiyo Itoobiya iyo Ugandhana waa laga fuliyaa.

    Waxaan ku qanacsanahay in ay dadkaasi seddex u kala baxaan:

    1. Qaar daba dhilifyo u ah kuwa isku magacaabay beesha caalamka ee aan anigu u aqaan beesha caada qaata caalamka

    2. Qaar doqommo ah oo ay wax weyn la tahay in uu ka qayb galo shir gaalo soo abaabushay, si uu meelahaas uga sheego in gaal hebel uu la kulmay

    3. Caada qaate hungurigiis ummadda iyo dalka ku cabiraya, oo haddii ubadkiis ha lagaa gado ee lay lagu dhaho aan midh dhaafayn.

    waxaana isugu yeedhay kuwii kooxda Jabuuti soo dhistay ee doonaya in ay ummadda sanka ka geliyaan.

    Omer Suleiman Ali | Dec 13, 2009 | Reply

  16. Xisbi aan jirin maxaa makarafoon maalin walba loo horwadaa. Cid walba waa ogtahay Xisbul Islam iyo Xassan Dahir Aweys inayan hada tirsi ku jirin (they are irrelevant). Maanta xaalka xisbigu wuxuu la mid yahay heestii “hasaha Labada Geel Jecel waanan wada ognahay meesha hashaas waraabuhu ku cunay.

    Hululfka tirada yar ee xisbiga waxaa u bannaan maanta inay ama fallaagada toos u raacaan ama dawlada iyo ddhiska qaranka ku biiraan. In meel cidla iyo ciirsi la`aha maalin walba laga qalaado waxba soo kordhin mayso. Shiik Xasan asaga waxaa uba haboon inuu Asmara iskaga laabto inta goori goor tahay mar haduu hogaan gabay.

    Sidaa awgeed SomaliMirror waa inayan ummada usoo gudbin hadal aan ahmiyad lahayn oo aan shacabka Soomaaliyeed khusayn. Shiikh Xasan Dahir Aweys asagaa tiisii la ciiraya oo nafta kula gabanayaa barakacayaasha maatada ah. Malaha waa siduu horay u yiriye waa kalluun biyo u baahan. Ama ha dhawaato ama ha dheeraato biyahan fariistay mar ayaa dadka Soomaaliyeed iska muusin oo balligu gurin.

    Allemagan | Dec 13, 2009 | Reply

  17. AQLI YAR AAMUS BAA LAGU KABAA
    waayahan waxaa laiska maqley
    1-waa lasoo afjarey
    2-wuu fashilmey
    3-warkiisu wuu cadaadey
    war dadkaan yaa kanaxaya oo wax usheega oo wax garada, waxayse wax ku taageerayaan yaa weydiiya.
    soomaaliyeey waxaa wax lagu taageeraa hubaal iyo inaad si dhab ah ujeceshahay cida aad taageereyso xaqana aad la jirto,laakiin haduu iska noqdo warkii lasoo galiyo”somalimirror”wax baan ka dhahayaa taas macneheedu waa hadal badni iyo sheekadii fadhi kudirirka.waxaa laga wariyey suubanaha[scw]“hadal waxaa uwanaagsan midka yar ee wax tusiya”{wax laga fahmo}
    wallaahu yaquulul xaqa wahuwa yahdissabiil!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    keenadiid | Dec 13, 2009 | Reply

  18. AS,
    Xaqa ilaahay baa garanaya laakiin,waxaan arkaa
    Ina dadkiina meelahan wax kuqora badankiin inaynaan xaqa iyo baadilka toona kalagaran karin, markaa waxaan idiinsheegayaa inaad cadaalada kudadaashaan ilaahayna kabaqadaan,shabaab teegirideedu xaqa uuna idin hilmaansiinin.Haddaad wax uqabanaysaan cadhada allah uga diga.ilaahayna xaqa ha ina tusiyo amiin.
    Asw.

    Dalmar | Dec 13, 2009 | Reply

  19. Haddii aynu ka hadalno danta shacabka Soomaaliyeed maxaa walaalayaal inoo dan ah ka soomaali ahaan mise waxaynu ilaalinaa danaha reer galbeedka carabta afgaanistaanka bakistaanka ereteriyaanka iyo itoobiyaanka

    Hadii aynan danaheena ka fakarin waa hubaal in aysan jirin cid danteena noo ilaalinaysa oo ananaga aheyn hadii kale waxaa marqaati ka noqon doonaa iyada oo soomaaliya la qayb sanayo oo ay qayb sanayaan quruumo soo qaxay oo aan qayb ku laheyn dalkeena hooyo.

    waxa aad u haboon in Ururada Islaamiga ah ay yeeshaan Ajende iyo qorshe fog oo ka duulaan siyaasadaha is barkan ee Mandaqada, mana aha in ay wax ku bineeyaan hadba waaga barya iyo waayihiisa ee waa in ay yeeshaan waxa la yidhaahdo “Strategic plan” ama “wiqaayatul min axdaath”.

    rabi aan ka baqno dhammaanteen

    asc wr wb

    xog-ogaal | Dec 13, 2009 | Reply

  20. asc marka hore ilaah ayaa mahad iska leh marka xiga al shabab kama guleesan Alxisbul islaam
    ee Alxisul islam ayaa gartay oo garowsaday inaysan qof muslim ah xabad ku ridin marka gaalado aya jogta dalkena oo kusoo duushay iayada ayaanaku rideenaa xabadaheena iyada ayana diinka na faray markaan dalka ka saarno cadowga ayaan usoo jesan doono kuwa kale asc

    xassan dahir | Dec 13, 2009 | Reply

  21. asc wuu dhamaday cadowga la shaqeenaayay gaalada ahmed madoobe iyo ragiisa ilaah ayaa mahad iska leh oo gusha siiyay xarakada mujaahidiinta al shabaab
    waxaadna ogaataan in al shabaab ay yihiin mida kaiya ee u taagan kor u qadida diinta islamka wad aragteen ragii dab dhilifyada u ahaa galada oo waday danaha galada ahmed madoobe iise gambooni islow abdulahi iyo kuwo kale inta ilaah fahansiiyay xaqana waad aragtaan sida sh hassan dul yaden iyo kuwo kale marka walaalayaal aan raacno wlalaha muslimiinta ah xarakada mujaahidiinta al shabaab sc

    mahamed | Dec 13, 2009 | Reply

  22. walaalayaal ruux muslim ah ninkii gaaleeya isaga ayay dib ugu laabanaysaa mujtamac dhanna kaba sii darane arintaas halaga fiirsado intaad ceebaha dadka fiirinaysana bal taada ee naftiinan ha dhahirina ilaahay ayaa og cida ka baqaysa ee

    yusuf | Dec 13, 2009 | Reply

  23. mida kale shabaabku haday xaq wadaan mujaahidiinta walaalahood ah maxay xabadda ugu bilaabeen aniga waxaan filayaa dagaal fidna ah inay bilaaabeen waxyaaba badanna ayna ka fiirsan aqoon la aan iyo khibrad darro iyo aduunya jacayl ayaanna filayaa waxa ay go,aankaas oo kale u qaateen mana filayo in istiraatiijiyad dheer oo dadka muslimiinta ah ay ku soo ceshadaan khalaafa islaamiya in ay wadaan sababta oo ah waxaa taas ka horaysa in umada la isu keeno la heshiisiiyo la walaaleeyo , mida kale jamaacaadyada islaamiga ah afkaarta way ku kala duwanaan karaan ee cida ay isqabtaan ma iyaga ayaa gacanta ku haya gaalnimadooda ama islaamkooda iyagu waa koox lagana yaabo inay khaldanyihiin ee arintaa ha ogaadaan.

    yusuf | Dec 13, 2009 | Reply

  24. Asc marka hore ilaahey waxaan kabaryayaa in uu xaqa cadeeyo.
    Tan labaad waxaan aaminsanahay al shabaab in ayna kushaqaynin kitaabka alle ee ay kushaqeeyaan amarka axmed godane asaguna uu fuliyo danaha gaalada.
    Hadana waxaan aaminsanahay shabaab in ay yihiin daalimiin axmed modoobe iyo ciidankiisuna ay yihiin rag ladulmay.
    Waxaana ku boorinayaa dadka fikirka dhiibanaya iney xaqa cadeeyaan.
    Axmed godane allow islaamka kaqabo .

    Basam | Dec 13, 2009 | Reply

  25. mohamed
    waxaan kuu arkaa inaad tahay nin muran iyo indhacadeys usoo tafa xeytey waxaadna jeceshahay in qoraalkaaga lagu mashquulo,qoraalkana maana kuugu soo qorin inaan kula murmo laakiin waxaan oogu cadeynayaa walaalaha afkaartooda dhabta kahadlaya ineyna kuu arkin nin in loo jawaabo mudan,waana intaas oo kakiya

    keenadiid | Dec 13, 2009 | Reply

  26. Ceesaantii madax shabeel leeftaa wallee malageedi baa geli idinkoo ingriis iyo talyaani eeyaha u dhaqa ayeey reer jubooyinka jihaad ku jireen waa boqolaal sano ka hor xitaa diin ma aydan laheen soomaalida qaar hada waxaa waxaa taagan xaqii ayaa baadil lagu sheegay marka baadilkana ma xaqbaa? runta weey soo dhawaatay walaaca ha la yareeyo xaqa iyo baadilka mar walba xaqa ayaa guuleysto waa ka baxay….

    RUNTA | Dec 13, 2009 | Reply

  27. cali guure waa nin qatar ah fahmay warka la yiri laakiin rag sadxiyiin ah(aan fiiro dheereen) ayaa la booday wax kale walee ninkan waa qatar faham dheer

    xasan aadan | Dec 13, 2009 | Reply

  28. maxamed macalin cali waa jaajuus kale sida ahmed islam e ku milmay mujaahideenta xizbul islam insha alaah waalaga qaban jaajuusada ku dhexjiro.

    bilan | Dec 14, 2009 | Reply

  29. akh xog xogaal

    masha Allah faalladaada. Laakiin nasiib darro halkan mataallo aragti dheer oo heerar kala duwan leh oo lagu gaaro hadafka wayn.

    Dadka aragtida dheerna leh waxaa hafiyey kuwa aan lahayn aragti ama u jidbaysan aragtiyooyin dhow dhow.

    Ilaahow mujaahidinta dhabata u gargaar

    Cali Guure | Dec 14, 2009 | Reply

  30. Ali guure,

    Walaal faahfaahin ma ka bixin kartaa shabaab
    waa takfiiriyiin.

    Waa iga su’aal ee ha moodin inaan ama kugu diideanahay ama aan kugu raacsanahay.

    Runtii tala waa cakiran tahay ma haddii dadkii
    isku mabda’a ahaa aysan is fahamsanayn.

    Tan kale, takfiir iyo takfiir la’aan, ma kula quman tuu axmad madoobe sameeyay??

    Gar ha lahaadee ama halaga gardarnaadee!!.

    Yaase u taliya shabaab? Ma Godane mise??

    farah | Dec 14, 2009 | Reply

  31. Akh farax
    ACW

    akhil karim sidaan wax u ognahay waxba uma qori karno. Waxaa saaxada ka dhacay waa guul la doonayo in la qubo ama la gubo. Taasi weeye tan aan ka hadlaayo. haddii tala la iska yeelaayo marnaba ma dhacdeen waxaa maanta dhacay ama soo soo socda.

    Jawaaba

    Waxaad i waydiisay:

    1) Tan kale, takfiir iyo takfiir la’aan, ma kula quman tuu axmad madoobe sameeyay?? Gar ha lahaadee ama halaga gardarnaadee!!.

    Jawaab

    Haddaad ula jeeddo inuu jabhadayo ama uu kismaayo ku soo noqdo midday rabta ha ahaatee, walaal haddii hoggaamiye Islaami ah dhiiggiisa la banneeysto, laga been sheego, la doono dilkiisa iyo daldaliddiisa, lagu sallido dad diin sheeganayey, la doono inuu gaalo isu dhiibo, la yiraahdo soo dhiibo qoorta haddaad carartana waxaad tahay gaal…….waxaas oo dhan ku dhisan tahay been iyo marin habaabin lagu sameeyey diinta islaamka, waxaa la gudboon ruuxaasi laba arrimood:

    1) Inuu dagaallamo oo yiraahdo man qutila duuna nafsihi wa diinihi fahuwa shahiid. Waa tiiba oo uu hoggaaminayo boqollaal ciidama raska iyo cannoole ama xisbiga Islaamka ee gobolka u sii yahay.

    2) Inuu iska tago oo u huleelo dhul gaalo, warana hilibka mujaahidiinta xisbiga ayda waamo iyo jubbbooyinka.

    Talada uu qaatey oo ah inuu badbaadiyo miraha mujaahidinta waa sax. Waana tan maanta culimo badan ku taageersan yihiin. Laakiin kuma raacsani takfiiriinta mudhlaqa ah ee ah u dhigganka kan shabaab ay ku tuureen.

    Waxaana rajeynayaa inay soo baxaan dad culima ah oo wax ka qaban kara arrinkan cakiran.

    Waxaan kuu darayaa waxaan maanta xamar nagu banneeyey Kumaandooskii Kambooniyiintii oo iminka ku sii jeeda jubbooyinka si ay ugu biiraan xisbiga Islaamiga uu hagayo Axmed Madoobe.

    Arrinkan waxaa uu ku istaagi karaa

    1) in la soo celiyo heshiiskii hore ee shabaab jebiyeen
    2) In labadada meesha laga saaro oo maamul cusub oo dhexdhaad ah oo islaami ah loo dhiibo. Ogow way jiraan dadkaasi

    2) Yaase u taliya shabaab? Ma Godane mise??

    Shabaab waa xisbi thaatul shaksi alwaaxid. Waxaa u taliye Godane, ku xigeenna waa Afgaan.

    Alqaacida xiriir xubannimo lama laha. waa isku qor iyo qiiq isku qarin warka qaacida ayaan nahay. Taageridda alqaacida camaliyaatka shabaabka waa wararka ay shabaab u sheegaan. Labayka iwm waa guulwadayn waayo alqaacida ma aqbali karaan warkan oo kale.

    Godane haddii uu meesha ka baxa waxaan ka baqaynaa in kooxo badan oo shabaabka ku jira u xuubsiibtaan beelahoodii maadaa beeloyin ku jiraan. Kama fadli badna saxaabadii lagu jabiyey Uxud markii ay maqleen rasuulkii waa la diley iyada oo goobihii dagaalka la joogo magan geliyo iyo cafis ka dalbaday madaxii munaafiqiinta Ibnu Ubay.

    Cali Guure | Dec 14, 2009 | Reply

  32. akh faarax

    Waan illaabay su’aashi kowaad”

    “Walaal faahfaahin ma ka bixin kartaa shabaab
    waa takfiiriyiin”.

    Walaal waxay isug jiraan takfiiriyiin, takfiir u yaal iyo kuwa badan oo caamo ah sida kuwa soo baxa bil kasta oo ku biira xisbul islaam ama shariifka sheegaan ama aynu ka war hayno.

    Aniga waxaa ku jira laba walaalayda ah oo weliba da’ yar midna waxaa uu ku jiraa xisbul islaam oo waa ii dhow yahay. Marka aynu xaafadda isugu nimaadno oo niqaash diini ah furno waxaa ka muuqata kuwan shabaabka ah hawas iyo takfiirin aan meelna jirin. Ogow intoodaba aniga ayaa u akhriyey fatxul majiidka. inay na gaalaysiiyaan waxba ku maha marka aan doodno. Waxay ku doodaan shabaabku waa waddo diin ah ciddii khilaaftana waa in maxada laga jaraa.

    Laakin iyaga waa kuwa taddarufka ku jira. Shabaabku waa madaris. Kuwa kismaayo joogo waa takfiriiyiin sida Godane, iyo afgaan. Kuwa bay jooga waa salafiyiin jihaadiyiin ah oo weliba xikmad badan ku jirto. Kuwa Marka waa dhexyaal oo labadaa madraso ayay leeyihiin. kuwan xamar nala jooga waxay u dhow yihiin kuwa Kismaayo. Hiiraan kuwa jooga waa madraso aan sidaa u fogeyn.

    Sidaa awgeed xukun guud lama siin karo. Afcaashooda in xukun la saaro ayay ku fiican tahay. Laakiin khadkooda siyaasiga haddii ay isku raaceen waxaa la dhihi karaa waa takhfiiriyiin.

    Walaal shabaab horta malaha culimo iyo marjic diini ah.

    Marjicooda diiniga waa fahamka mucwajka Godane. Culamadii oo dhan way tuureen. Cilmina ma bartaan oo malaha hal xalqo keliya. Mana soo saarin xitaa hal macalin oo dugsi quraan dhiga iskaa muxadith ama fiqiih.

    Marka u akhri warkeyga war isku dayaya inaan u cadaalad sameeyo raggan doonaya inay dhumiyaan miraha jihaadka.

    Cali Guure | Dec 14, 2009 | Reply

  33. bismilaahi
    cali guure
    runtii waaan aqriyay qoraaladaada doodahaaaga in door ah,hase ahaatee runta hadaan ka hadlo waxaan kuu arkay taageero xisbul islaam , waayahay si walba ha ahaatee in badan caawa meeshaan waxaa looga doodayay axmad madoobe ma murtad baa ma mu’minbaaa , alshababa ma takfiirbaa masaxan yihiin i.w.m
    marka loosoo noqdo ;
    1 – axmad madoobe haduu yahay waxaa dartii muslimiinta ay balaayada uga dhex dhacday soo kuma fina inuu yiraahdo ninkaad rabtaan oo kale u dhiibta sidu balanta ahayd , markaas waxaa laga yaabaa shabaabka in ay ku kalsoonaan karaan oo kale sh. xasn turki , lakiinse waxaan la yaabanahay waxaa uu asga kaliyo xukun jacayl ugu soo taagan yahay , nabiga wuxuu yiri ” arinkeenaan uma dhiibano qofkii dalbo ama ku dadaalo’ maxaa yeelay qofkaa arinkaas saas ugu dadaaalayo waxaa lasocdotuhun badan oo daacad daradu ay ka kaw tahay.
    dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay soo daliilsadaan qisidii nabi yusuf uu ku dalbaday in uu noqdo ninka ilaaliyo khasnadaha, laakiin waxaa leeyay taas waxay ahayd sharci naga horeeyay oo waliba sharcigaynu uu khilaafay , middda kale laguma hayo siirada in khulafadu ay isa soo sharaxeen si loo doorto , kaliya waxay ahaaan jirtay ayaga ayaa lalasoo raadsan jiray hawlahaan oo kale.
    2- marka laga hadlaayo shababku ma takfiirbaa waxaan leeyahay ma’aha takfiir waxayna haystaan madhabka salfka ahlusunah waljamaacah , mana la mid aha takfiirka sommaliya ama meelo badan ee caalamka ka jiro
    ilaa ay aaminsanyihiin cidaan ayaga ahayn in aysan muslin u ictiqaadinin ilaa ay hubsadaan sidaan ka dareemay kolay.
    marka dadka nasiibdaro arrimihii oo dhan ayaa isaga dhex walaaaqan oo wax walbo takfiir ayay iska leeyihiin, ilaa aan arkay cali guure laftiisa in uu la yaabay in shababku ay yiraahdaan ” dadka muslimiinta ah ee muqdisho joogo” sababtoo ah waxaan u malaynayaa in uu ku tuhmayay in ay yihiin takfiikii la yaqaanay,
    hadee diinteena islaamka ahna way qabtaaa cidii masalan gaalo walaal iyo ahel ka dhigataa ama gargaarayaal ama gaashaanbuur iyo xulufo in ay gaalo yihiin gaaladana lamid yihiin , marka tii ayada ahayd haday cadeeyeen shabaaku maxay bi’iyeena waxaana u daliil aayada ku jirto suurtul maa ida ( cidii adinka idin kamid ah ee wali ka dhigato ayaga ayay kamidyihiin)
    waayahay wax hadda shababka ay xmad madoobe ay kaga dhigeen murtadka: maxaa kuu diiday dhulkaa xukuntid in aad shareecada islaamka ah ku xukuntid intaad qabiil iyo qawaaniintiisa aad ka dooranaysid, hada markay shababku dhulkaa qabsadeena hadee isbadalka islaamiga ah ee ka dhacay waa lawada ogyahay,
    midaan haduu gaal jaajuus uyahay iyo haduu hoos kala xariiro taas waa arin dheeraad ciddii soo xaqiisaana ka hadli karta.
    marka cali guure gunta iyo gabagabo waxaan ku leeyahay arimahaan aad dhex dabaalanaysid in badan waa lagaaga cilmi ron yahay , mujaahdiinta shabakana ha sharaysan cadawga gaalada ah ayay kaa dhicinayaan , wixii islaamku qabana waxaan ogahay in ay ogalyihiin, in badana xitaa aniga shakhsayin waan kala niqaashay wax dhib ah inaan ahyna iimaysan arkin , waana xaqiiq taasi hadaad ku qancayso iyo hadii kaleba , marka xawaaraha badan hala yareeyo yaanan cadawga naga faaiidaysane , asraartana hala xajiyo ,waxaa kamid waxaan layaabay ciidaamo kumaandoos kambooni baa xamar kasoobaxay hadaan ku shaacino intarnetkaa yay dan u tahay aan cadwga ahayn , marka waxaa la rabaa qofku haday mujaahidnimadau dhabkatahay inuusan arimahaas oo kale shaacin
    khayrkana allaha nagu hanuuniyo.

    cabdalla | Dec 15, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo