Dagaal u dhaxeeya DKMG ah iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa Xalay Fiidkii ka dhacay Nawaaxiga Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaasi waxaa Bar-bar socday Madaafiic Xoogan oo ka soo dhacaysay Fariisimaha Ciidamada AMISOM qaarkood, waxaana la sheegay inay 2 Qof oo rayid ahi ku dhaawacmeen Rasaas wiifto ah oo gaartay Degmada Dayniile.
Lama sheegi karo Khasaaraha Rasmiga ah ee kala gaaray labadda dhinac, mana jirto Cid ka hadashay Dagaalkii xalay.
Ciidamada DKMG ah ee Dhawaan la dajiyay Warshadii hore ee Kabka ayaa Saaka diiday inay wadada hor marta isticmaalaan Gaadiidka Noocyadiisa kala duwan, balse markii danbe ayay Dib ka fureen.
Ma aha markii ugu horeysay oo weerar ka fool ka fool ahi lagu qaado ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Fariisinka ku leh Kuliyaddii hore ee Jaale Siyaad, waxaana lagu tiriyaa Halka ugu badan ee ay Dagaaladu ka dhacaan.

Related posts:
Naclad Allaha ku rido Amisom iyo wixii la qaraabta ee Saliib-ka ku gabada.
Dadka galadaa ladagalamaya ayaa wax laga sheegaya duf kubaxa idim Alle.
ILLAAGHEEY CARADIISA HA IDINKU DHACDO AMISOON DAGAALKIISANA HA IDIN KUSALIDA IDINKA IYO INTA IIDIN LASHAQEEYSO FANACLATULLAAHI CALALA AMISOON
Allahu akbar ilahow u gargar mujahidinta ilahow jabi galada iyo gala racyaasha bi idnilah bari