
Afhayeenka Dowlada FKMG, Cabdi Xaaji Goobdoon, Shir jaraa’id oo uu qabtey waxa uu sheegay inuu heshiis hor dhaca uu maanta dhex maray iyaga iyo Ururka Suufiyada ee sheegta Ahlu-sunnah Wal-jamaaca.
Heshiiska labada dhinac sida horu dhaca ah isula gaareen waxaa qodobadiisa ka mida, sida uu Goobdoon Shirka jaraa’id ka sheegay:-
1. In Dalka Shareecada Islaamka lagu dhaqo iyada oo la qaadanayo Mahabka Shaaficiyada.
2. In Ahlu-sunah iyo DKMG ku midobaan Dowlada KMG ah.
3. Si loo gaaro fulinta qodobka labaad in labada dhinac fulintiisa u saaraan gudi.
4. In labada dhinac inta lagu jiro bishan December yeeshaan kulamo toosa.
5. In dhinac amniga iskaashi buuxa ka yeeshaan.
Intaa ka dib Goobdoon waxa uu sheegay dhankoosa heshiiskan inuu u saxiixay Sh C/qaadir Cali Cumar oo Wasaarada Arimaha Gudaha ugu qaabilsan, halka uu suufiyada u saxiixay Sheekh C/wali Sheekh Maxamed Sheekh Cadulle.
Sh C/qaadir oo sidoo kale shirka jaraa’id ka Hadley waxa uu sheegay heshiiskan inuu daba socdo kulamo horey labada dhinac u dhex maray qeybna uu heshiiskan ka yahey natiijadii ka dhalatey kulamadaas.
Dhinaca kale waxa uu sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhex taagnaa iyaga iyo ahlu-sunnah, balse ay ahaayeen dad isku dhinac u socda oo isku yool ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan kulamo iyo wadahadalo wali isugu dhiman oo Muqdisho ka dhacaya, basle heshiiskan uu hor dhac u sii yahey.
Dhinaca Suufiyada ma jirin xubno ka socdey oo ka muuqday goobta shirku ka dhacey iyo sidoo kale wax hadal ah oo ka soo baxey oo heshiiskan ku aadan.
Waxaanse la ogeyn sababta dhabta ah ee ka danbeysa heshiiskan deg dega ah ee dhex maray DKMG iyo Suufiyada, xilli uu taagnaa Isbuucyadii tegay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galey, ka dib markii uu Sh Shariif Suufiyada ku tilmaamey Jabhad hubeysan oo aan Dowladiisa ka tirsaneyn.

Related posts:
Walaalayaal runtii aad baan u booqdaa Somali Mirror marka dhinaca update-ka wararka iyo faallooyinkaba laga eego. Hase yeeshee waxaan ka niyadjabaa sida caaddifaddakooxda aad taageersan tihiin idinka xoog badiso.
Alshabaab waxay isku magacowday “Xarakada Shabaabul Mujaahidiin”. Dad badan oo aan ka mid ahay ayaan aaminsaneyn inay mujaahidiin yihiin, haddana maadaama ay qasab ka dhigeen in magacaas loogu yeero waad ka yeesheen. Ahlu Sunnah inaad iyagana magacooda ugu yeertaan maxaad ugu diiddeen?
Inaad siyaasad caddaalad ah qaadataan oo qolo waliba aadan magaceeda ugu yeerin waa wax la fahmi karo, laakiin in qolana aad warkeeda yeeshaan kuwa kalena ka diiddan waxay wax u dhibeysaa misdaaqiyadiina.
Liibaan – Muqdisho
sxb waad ku mahadsantihiin wararka kookooban hadana nuxurka badan intaa ka bacdi waxan tacsi
dadkii maalintii dhaway muqdisho lagu qarxiyey gaar ahaan sadexdii wasiir iyo ardaydi
markii hore maxay kala ahaayeen labadoodu,midkoodna raalli kama ahayn in dalkan shareecada islaamku ka hana qaaddo,mid reer galbeedka iyo xabashidu raalli ka tahay ayay wataan taasina shacabka islaamka ah uma cuntanto,ee melas senawi iyo reer galbeedka tooda ha ka soo ansaxsadeen sidii horeba u dhacday.
Tillaabo daahday oo loo baahnaa in mar hore dawladu wax ka qabato. Shiikh Shariif dawladiisu waxaad moodaa inaysan nuuxnuuxsan ilaa ba’ii iyo hoogii Hoteelka Shaamow Khamiistii ka dhacay oo kale dhaco. Shiikh Shariifow ummadani hogaan xamaasad galin kara, baraarujin kara oo u babac dhiga hororka dhiigeeda magaca diinta ku xalaalaystay ayay u baahan tahay.
Nasiib darro Shiikh Shariif uma eka ninkii Soomaali midnimadeeda iyo qaranimadeeda soo celin karay. Shiikh Shariif waa inuu ka dago diyaarada uu maalin walba saaran yahay oo hor kacaa guutada u horraysa oo fallaagada godkeeda ugu gasha inta ayan dadka inta hartay xasuuqin. Hadii uusan Shiikh Shariif taas fulin karin, ha u banneeyo kursiga cid asaga taya dhaanta.
Dadka reer galbeedka gurayana waxaan waydiiyay somalia ma soomaali baakunool mise reergalbeed?
Marka hore waxaan tacsi udirayaa dadkii muslimiinta ahaa ee ay mashaqada ku dhacday waxaan leeyahay ilaahay janada ha ka waraabiya ehelkooda samir iyo iimaan alla ha ka siiya intaas kadib. Nimankan isku magacaabay ahlu suna waljamaaca runtii ma ahan dad sunada ku shaqa leh badelkeeda waa baadi’liin waxaana dhihi lahaa ahlu suna ma ahan ee waa “ahlu shar wa dhalaal” sidaad ka warqabtaan nimankan waa dadka suufiyada la yiraahda ee waa niman ahlu khuraafaat ah hadana qabriyada caabuda marka umada yeey ku khaldamin waa mujrimiin beenaalayaal ah kuwan kale iyaga runtii waxba ma dooriyaan maxaa yeelay waa dabadhilifya aan ra’yi iyo fikir toona lahayn marka waxaan dhihi lahaa maraykanka iyo ethopia usheega waxaas anaga idin kama akhrisanayna.
”Walaalayaal runtii aad baan u booqdaa Somali Mirror marka dhinaca update-ka wararka iyo faallooyinkaba laga eego. Hase yeeshee waxaan ka niyadjabaa sida caaddifaddakooxda aad taageersan tihiin idinka xoog badiso.
Alshabaab waxay isku magacowday “Xarakada Shabaabul Mujaahidiin”. Dad badan oo aan ka mid ahay ayaan aaminsaneyn inay mujaahidiin yihiin, haddana maadaama ay qasab ka dhigeen in magacaas loogu yeero waad ka yeesheen. Ahlu Sunnah inaad iyagana magacooda ugu yeertaan maxaad ugu diiddeen?
Inaad siyaasad caddaalad ah qaadataan oo qolo waliba aadan magaceeda ugu yeerin waa wax la fahmi karo, laakiin in qolana aad warkeeda yeeshaan kuwa kalena ka diiddan waxay wax u dhibeysaa misdaaqiyadiina.
Liibaan – Muqdisho”
Waa runta walaal Liibaan, dadka somalimirror iska leh baa ka mid ah kooxda isku sheegto Shabaab.
Suufiyaa ahlu sunnah la baxday qosol badanaa ,walaalayaal in magac wanaagsan lala baxo binu aadamku waa jecel yahay laakiin adayg badanaa in magaca iyo macnuhu is waafaqaan ,intaa ka dib suufiyo maxaa sunno iyo jamaaco uga dan iyo xaajaa iyagoo :
1- aan kala aqoon shirkiga iyo towxiidka haddan sii jilciyo qodobkaan suufiyo sida runtaa oo waaqica ah shirkiga iyo towxiidku way isaga daransan yihiin oo waxay yihiin qubuuriyiin ilaah cibaadadiisa dad kale u meeriya bal eega ilaah baan idinku dhaarshaye sida ay maytida u baryaan ,gawracaan ,dawaafaan qubuurtooda ,u aaminsan yihiin in waligu uu leeyahay tasarufka kownkan ,xaajada iyo muradka uga raadsadaan qubuuraha ay ka mid yihiin :biyooley ,baladul amiin, aw barkhadle iwm qofkii carabiga yaqaanaa ha akhriyo munaaqibtoda iyo waxa shirki ah ah oo dhex yaalla .
sidoo kale saaxir ,falafallow,kitaaba roge ,madiideye intuba waa suufiyo
tan kale suufiyo xagga caqiido xumida waxay kala mid yihiin shiicada oo waa gabaadka uu had iyo jeer ku soo gabado cadowga ilaahay markay doonayaan inay dulaan ku qaadaan dal ama dad muslima sidii ka dhacday shiicada dagan koofurta ciraaq ,isla sidoo kale xabashidii xabbada dabada laga galiyey waxay suufiyo ka soo kicisay xuduudaha galguduud iyo gedo.
tan kale xagga caqiidada dhan kale hadaan ka eegno nimanku dhinacaa ahlu sunna wal jamaaca kama aha ee waa muctasilo iyo jahmiyo xagga asmaa wassifaat oo ijmaacii salafkay khilaafsan yihiinm
2- suufiyo sunno iyo bidco ma kala taqaan oo diinta alle ay ku caabudaan bidcada ayaa sunnada kaga badan bal eeg xadrada oo tusaale u noqon kara qof kastoo muslima xagee laga keenay ,sidoo kale mawaaliidaa ,sunnaduna aqoon bay u baahan tahay xadiiska nabigana wax la sheego kama bartaan in ay wax isa saaraan oo laqbeeyaan waa la arkaa laakiin quraanka iyo sunnuhu midna dhuunta uma dhaafo say ma fahmaane waa uun laqbeeyaan kaliya
3-xagga jameecada islaamka suufiyo iyadaa tusaale u noqon karta tafaraaruq iyo firqoobid oo waxay isku gaaleeyaan ama dariiqaba dariiqada kale dhiigeeda ku bannaysataa waxaan sagaaro ka cabbin sida ka dhex jiri jirtay qaadiriyo iyo axmadiyo ama qaadiriyo iyo saalixiyo .
markaa walaalayaal waxaan leeyahay ahlu sunna iyo xaq doon iyo jihaad midna ma jiree suufiyo waa bakhti xabashido cidla ka soo afuuftay waxaana u danbaysa inay aaryada ay galisay xabashidu ay ka siibi doonto sidii c/llahi yuusufkii ay ka dhigeen madaxwayne halyey ah oo geesi inkaari ku dhacday ah dabadeednay ay maalmo yar aaryadii kaga siibeen oon ogayn siduu noqday iyo halkuu maray,ama suufio iyadaaba aaryadu dan uga bixi wakhti kooban markay gasho dagaal xanuun badan oo daba dheeraada oo aanay horay abid u galin .
ALLOW GEELA YAA LEH OO CIINKA KA CESHADA
x,macoow waad asiibtay walaal barakalah iikum