Ciidamada Dowlada KMG oo Macalin Iskuul dilay.

Published on December 5, 2009 by   ·   14 Comments   ·   print

Ciidamada DKMG ayaa dhibaatooyin kale duwan ku haya dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Magaalada Muqdisho uga sugan yihiin, waxa ayna dhibaatooyinkaas isugu jiraan, dil, dhac, handadaado iyo dhibaatooyin kale.

 

Galabta ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladu, nin rayid ah oo macalin ka ahaa mid ka mida Iskuulada Muqdisho ku dileen agagaarka Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

 

Macalinka la dilay oo Idaacada Shabelle magaciisa ku soo koobtay Macalin Muuse ayaa ciidamu toogasho u geysteen xilli uu ka soo amba baxey Iskuulka Soona-key oo uu wax ka dhigayay kuna sii jeeday Hoygiisa.

 

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ka danbeysa dilka ciidamada Dowladu u geysteen Macalinkan, balse waxa ay qeyb ka tahey dhibaatooyinka kale duwan ee dadka rayidka ku qabaan.

 

Dhinaca kale Saaka ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladu isku baahiyeen qeybo ka mida Xaafadaha Degmada Xoosha kana geysteen dhibaatooyin dhac iyo xadgudubyo kalena isugu jira ka geysteen.

 

Ciidamada ayaa sida goob joog joogayaal ahi noogu warameen, waxeyna si gaara u beegsanayeen Haweenka dharka Xijaabka watey, sida Indha-shareerka, ereyo qalafsanna u adeegsadeen.

 

Hogaanka ciidamada DKMG iyo Mas’uuliyiin kaleba waxay Saxaafada ka sheegaan inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka ciidamu dadka rayidka ah ku hayaan, basle lama arko iyaga oo arintaa ficil u bedelay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada Dowlada oo Baaritaano ka Bilaabey Wadada Dabka
  2. Ciidamada DKMG ah oo Baydhabo si xun ugu Dilay Qof Rayid ah.
  3. Ciidamada DKMG ah oo Dilay 2 Qof oo Rayid ah
  4. Ciidamada DKMG ah oo ku faafey Deg Dharkeynlay
  5. Sarkaal ka tirsan Dowlada Hoose oo lagu dilay Baydbabo

Readers Comments (14)

  1. c/lla says:

    asw.haa waxaas wax naga cusub ma ahan waa waxa loo soo tawa baray waxayna fulinayaa hadafka xabashadu ay usoo tawabaratay laaynta umadooda iyo ka shaqeenta dhiwaatadooda wax kale ma aysan qabasan oo aan ka ahyn shaqadooda waxayna guteen nololmaalmeedkooda lkn inshaa allaah waa laga bixi doonaa sabrab sabran yaa umatii guushuu waa ay dhowdahay inshaa allaah.

  2. Faysal says:

    Ujeedada uu Shariif Murtad iyo Daahir M.Geelle weerar joogto ah ugu hayaan Xijaabka ayaa ah in la dhibaateeyo haweenka Xijaaban Balse waxaa hubaal ah in ugu dambeyn ay afka ciida la heli doonaan iyagoo dulaysan.

  3. Faysal says:

    Maxaa xiriir ah oo ka dhexeeya Dilka Macalinka Iskuulka iyo dilkii Ardaydii iyo Dhaqaatiirtii isla deegaankaas lagu laayay doraad??!!

    Qofkii Caqli lahow bal talo igu darso.
    Doqonoow daldalankaaga ha igu wareerin.

  4. Waddani says:

    Asc dhurwaa nin god lagala oo saaxiibka Dhigta Isaga ayaa aakhirka cunaya. Dawlad Jaajuusin ah iyo ciidan qabyaalad ku dhisan ninkii aqoon Leh oo dhex Gala iyaga ayaa shirqoolaya, waa in dadka lasoo siray ee cilmiga leh ka fogaadaan dawlad ku sheeggan, inta aysan bam u dhigin

  5. Fadumo sahro says:

    Ilahow munafiqinta halig ilahow cadowga jabi gaalada iyo galajirenkaba cuqubo kurid ilahow masibo ku tus adunka ilahow mujahidintana u gargar bi idnilah

  6. Allemagan says:

    Haday ciidamada dawladu dadka laayaan, Al-shabaab ma bariis ayay maatada u qaybiyaan?. Warkaas iyo dacaayadaas rakhiiska ah waa la garanayaa waxaa maanta halka keenay mana daboolayaan wixii Khamiistii Hoteel Shaamow ka dhacay.

  7. cawaale says:

    ku wariye ninyohow ma kula fiicantahay waxa ka dhacaya soope. nr4. exkontrol. iyo warshadii kabka?? miyaaneey xaq u laheeyn eheladii macalinkaas xaq darada lagu dilay in ay aar gutaan?? waxaan qabaa waxkasta oo ayku kacaan dadka dhibani in ay saxtahay

  8. abu fatima says:

    Mufsidiin inay kuwani
    wada yihiinDiinta malageeda
    Waa waxay masaakiin udili
    macalimiin teena
    Waxay magan sadaan waa kufriga
    Macatab lay diiye
    Muslin iyo islaam iyo
    Ma aha duul
    Midka simay mujaahidka
    jihaad meel walba u taa gan
    iyo kuwaa mucalimiinta dili
    Waa maj nuun falane

    Ka masuuga muslimiin alow
    Meelna hala joo gin
    Mingistiyo amxaarad kuwaa
    Moo tarka ka qaatay hadna
    Meel kadhaca noogu daray
    Waa masala wayne
    Markay dunidu kala miiran tee
    Qaarba meel aado
    Alow meel amxaar uu fadhiyo
    Maalin ha igaynin
    Muslim iyo kufaarbuu xarbigu
    Maanta joo gaa ye
    Alow aniga iyo moor yaan
    meel hana wada gaynin
    Quruumaha midoo boo dhami
    Maanta waa yimide
    Anaguna miciin waxan bidnaa
    Mawle wee yaane
    Alow gaal ninkii mangan galiyo
    Maariq hayga yee lin
    Nin wal baba muraad kiisa hadala
    Maanta dirir tiiye
    Maagiyo xumaansiga ragaas
    Meela sara gaarye
    Alow aniga eedood midgala
    Maalin hayga yeelin
    Wadaa dada muraad kooda gabay
    Maanta dirirteena
    Ayagaa naf toodii makalay
    Oon u meel dayine
    Alow aniga kii maag iyo
    Muuje hayga yeelin

  9. qabilsomali says:

    Mujaahidiintu dhulka ay ka taliyaan kama dhacdo inay inta dadka suuqyada wax ka gadanaya hareereeyaan, telefanada iyo wixii lacag ay wataan ka furtaan. Kii wax yar laga shakiyana halkaa lagu dilo. Qidada ka maqan qoladaan milatari kusheega ee u badan mooryaan, qaadwale, tuug, isbaaro dhigte iwm ma garan karaan sida taageero dadka looga kasbado. Hadii Mujaahidiintu sidaas ku kici lahaayeen Walaahi inaysan ka bateen 3000 oo askari, halka hadeer tiradu sii cacacaynayso 80kun iyo dheeri. Kuwa dawlada sheeganaya waxaa u khayr roon iyagoo milatari la’aan ahaada inta kuwaan dadkii kasii didinaya maciinsan lahaayeen. “HADAAD DHIMANAYSO DHAREERKA WAA LA ISKA DUWAA” Waxaa uga roon iyagoo Amxaaro toos usoo kiraysta waayo kuwaani isla Itoobiyaan waxay fali jireen bay falayaan. Maxaa laga faa’iday oon qasaaro ahayn?
    Laakiin Mujaahidiinta sidaani waa u xayeesiin ay ku kasbadaan Soomaali oo idil iyagoona dagaal badan gelin. Hadaad tiriso inta jeer ee Asbuucii Dawladu dadka rayidka dantooda ka hadlaan iyo inta Mujaahidiintu uhadlaan waad arki kartaa farqiqa udhexeeya labadaa midka shacabka Soomaaliyeed u riyaaqsan yihiin.
    Allow dhulkeena nabad waarta noogusoo dabaal, Allow Soomaalida qalbigooda iskusoo dun, Allow Munaafiqiinta dhulkeena ka sifee, Allow nagu toosi Hogaan suuban oo dhulkeena lagu wada nasto, inta dibadaha joogana dhulkii dib ugu noqdaan kalsoonida Hogaankaas awgiis. Allow Makriga gaaladu nagu wadaan iyo kan ay dhamaan Muslimiinta ku wadaan iyaga dib ugu celi. Allow Adigaa intaa iyo ka badan lagaa helaaye ducaneena maqbuul ka yeel.

  10. Mohamed says:

    wariye haye, warka aad leedahay uma fiirsan miyaa mise ceeb ayaad dhexda ka fadhisaa ooo markii kuwa aad Dowladda leedahay dhexdoodu ay xasuuqeen dadkii waxtarka ahaa sicadna ay maclimiintii hartay ay jidadka ugu tooganayaan hooyooyinkiina xijaabkii ka wadan la’yihiin, intaasoo dhan markaad aragtay wali maku qanci la’dahay inaad ogaato kuwa fulinaya talooyinka cadawga gaalada ah. subxaana laaah, ilaahay ka bari inuu wanaagga ku haleeleysiiyo isagaa dadka hanuunka tusee.

  11. Hafoow says:

    Wassalaamu calaa manitacal huddaa. salaan ka dib soomaalida waxaa caado u ah in marka ay wax dhacaan ay la’soo boodaan warka iyaga oo aaan u fiirsanin. anigu waxay ial tahay musiibadii ku habsatay ummadda soomaaliyeed waxaa ka dambeeyey Itoobiya oo adeegsatay Jawaasiista ugu jira Ciidamada Milatariga iyo Booliiska ee Shariifku horkacayo. runtii Shariifka iyo Maafiyada la’shaqeysa way garanyaa laakiinse kama hadli karaan. ugu dambeysta dadka soomlaaliyeed waa in ya is taagaan siddi cadowga Daakhiliga ah iyo kan dibadaba la; isga difaaci lahaa, haddii kale qof kasta oo innag mid ah maalin ayuu ooyi doonaa ama iasagaba Miino ku qarxi doontaa.
    Wassalaamu calalaa manitacal huddaa.

  12. lady in red says:

    doofaar ma daahiro waa mooryaantii umada dhici,kufsan,dili jirtay oo ciidan laga dhigay

  13. albaaz says:

    ASC

    Masaakiintan la xasuuqay dhiigoodi waa hadar oo xisaab kuma jirto, maxaa yeelay dawlad ayaa dishay. Kuwa dawlad cilmaani u ololeynayo arka waxa dhacaya haddii indho wax lagu arko leedihiin iyo caqli wax lagu weeleeyo haddii aad leedihiin.Somaali waxa lala damacsan yahay ma aha xukumad in loo sameyo ee ujeedada fog waa in la helo minority christian ah oo dabadhilif sharif kala wareegta. Kuwa dawladnimada cilmaaniga sharciga illaahey ka hormariyey waad arki cawaaqibta xun ee idin dambeeyso. Walee la isaga hari maayo probagaandaha lacagta ku qaadateen ee walaalaha mujaahidiinta ka fidinaysaan. Wabilaahi towfiiq.

  14. nasrullaah says:

    WAR KUWAAN CARADA ALAAH HAKU DHACDEE YAA MUSLINKA KAHORLEEIYO CEEBEEY TACAAL DOWLAT MAXAA LAGU YAHAY MA IN NAGAHA MASAAKIINTA GUNTIYAHOODA LABAARTAA ILMAHEEDII BAAHNAA EY HOOWIYAHA AMISOON KUDHIBTAY LAWADI KUMI EEY UWADATAY EEY KADHACAAYAAN XARAXANA CADAOWGA AYAA KADANBEEYO WAXEEYNA RABAAN JIHAATKAAN WATNAHA UGALAY INEEY MEESHA KALEEXIYAAN LAAKIIN INSHAA ALAAH NIN WALBOO IIMAAN KUJIRA DAGAALKA WAA KAQEEBQAADANAAYAA




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Dowlada oo Baaritaano ka Bilaabey Wadada Dabka
  2. Ciidamada DKMG ah oo Baydhabo si xun ugu Dilay Qof Rayid ah.
  3. Ciidamada DKMG ah oo Dilay 2 Qof oo Rayid ah
  4. Ciidamada DKMG ah oo ku faafey Deg Dharkeynlay
  5. Sarkaal ka tirsan Dowlada Hoose oo lagu dilay Baydbabo

Latest Headlines