Xisbul Islaam & S/land oo Cambaareeyey Qarixii Muqdisho.

Published on December 4, 2009 by   ·   11 Comments   ·   print

DhaawacGudoomiyaha Al-Xisbul Islaami Sheekh Xasan Daahir Aweys  ayaa Cambaareeyey isla markaana wax laga Xumaado ku tilmaamay Qaraxii Xooganaa ee ka dhacay Shalay Hotelka Shaamow ee Magaalda Muqdisho kaas oo galaaftay Noloshada Dadbadan oo ka qeyb galayey Xaflad Shahaadooyin loogu Qeybinayey Arday ka qalin jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamada Banaadir.

 

Sheekh Xasan ayaa Tacsi u diray Dhamaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku nafwaayey Qaraxii weynaa ee Hotel Shaamow.

 

Sheekh Xasan ayaa Cadawga Dalka jooga   wax uu ugu yeeray ku eedeeyey inay ka dambeeyeen soona abaabuleen Falkan ay ku dhinteen Dad ka badan 22 Qofood isla markaana ay ku Dhaawacmeen ku dhawaad 50 kale oo isugu jiray Wasiiro, Arday, Maclimiin, Waalidiin iyo Dhaqaatiir Caan ka ahaa Dalka Soomaaliya oo Dhan.

 

Sheekh Xasan oo arimahaa ka hadyana ayaa yiri:“Dadka Soomaalida ah iyo Muslimiinta dhan waxaan gaarsiinayaa salaam iyo tacsiyo arintii ka dhacday Shaamow Meesheeda Umadii Dadkii usoo bixi lahaa oo Fitnadii ka soobaxay oo wixii baaba’ay baaqigeedii ka soo baxay ku baaba’ay ayaan uga tacsiyeynayaa Dadkii Qaraabada ahaa iyo Soomaalidoo dhanba”.

 

“waxaan kaloo umada u Sheegayaa waxyaabahaas waxaa u sabab ah ama keenay waa cadwgaas wadanka jooga ama heysta inta uu joogana nabad masuuro galeyso amniga masuurogalayo Caqli iyo isu imaadna suurogalmaahan Musaalaxana suuragal maahan markaa in arintaa la ogaado oo umadu ogaato”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sheekh Xasan

 

Umada Soomaliyeedd ayuu ugu baaqay inay Cadawga iska saaraan si ay dhibaatada uga gudbaan.

S/Land

Dhanka kale Daahir Riyaale Kaahin iyo Hogaamiyayaasha Asxaabta Mucaaradka S/Land ayaa aad  u Cambaareeyey Qarxii Xooganaa ee Dhibaatada badan geystay ee lagu beegsaday Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho.

 

Hadalo si kala gooni gooni ah ugu soobaxay ayey ku sheegeen in Falkaasi ahaa Fal Waxashnimo oo lagu ugaarsaday Dadkii waxtarka ulahaa Bulshada Soomaaliyeed iyo aqooyahankii Dalka. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xisbul Islaam oo ka hadlay Duqeyntii Shalay AMISOM Muqdisho ka geysatay.
  2. Qasaaraha ka dhashay Qarixii Muqdisho oo sii kordhay iyo Xaaladihii ugu dambeeyey Magaalada.
  3. DKMG ah & Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Muqdisho
  4. Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Yaaqshiid ““Dagaalkaasi si gaar ah Xisbul Islaam uguma jirin”
  5. Indho Cadde oo si kulul uga ka jawaabay Go’aankii ka soo baxay Xisbul Islaam

Readers Comments (11)

  1. siciid toldo says:

    asc wr wb

    anoo ku hadlaya magaca somali oo dhan magaca aqoonyahanada oo dhan magaca dhakhaatiirta oo dhan Magaca shaybaristayasha somalia oo dhan magaca ardayda oo dhan magaca proffesoorada oo dhan magaca muslin damiir leh oo dhan

    waxan halkan tacsi tiiraanyo leh iyo murugo leh oo xanuuuuuuuuuuuuuun badan leh ugu diraya dhaman muslimiintii ku geeriyotay qaraxii waxshinimada ahaa , ee shalay lagu sameeyay xaflad takharuj dhakhaatiirtii iyo ubiixiii umada somaliyed ee hotel shamow magalada muqdisho

    eheladii iyo qarabadii iyo umada somaliyed oo dhan ilahay samir iyo iman ha idin ka siiyo , ilahay ha u naxariisto iyagana , cidii falkan geysatayna waxay doonto ha ahaate xizbigay doonto ha ahaatee intii ka shaqaysay intii wax ka ogeyd intii ka war haysay ialahyow cuquuba dag dag ah ilahayow cuquuba dag dag ah ilahayow cuquubo dag dag ah kusoo rid , mana filayo dad muslimin ah oo damiir islaamnimo ku jirto inay ka dambeysay arintan oo aan filayo inay cadawga musliminta ay ka dambeeyeeen

    walaaahi inallaaaaaaaaaha laysa biqaafilin cammaaaaaaaaa yacmalu athaalimuuuuuuuuuuuuuuuuuun

  2. Caloofi Alsomali says:

    wixii ay alle ka helaan ayay leyihiin uma ducaynayno mana habaarayno, waxayse ka tirsanaayeen dowlada Ridda ah oo gaalada u shaqaysa kunasoo duushay Diinta iyo dalka.

    ilaahey ha idin siiyo wixii aad mutaysateen

  3. naafic says:

    Insha alaah Buun buunintiina dagaalada iyo qaraxyada nasiib ayad ku lee dihiin somalimirror Waxna idiin tari Maa alictisaam iyo itixaad iyo xisbul isbaaro ka tanaasula arumahaan dad diinta daacad u noqdana ahaada bye

  4. Buulo Xuubeey says:

    Sheekh Xasan horta mid baan uga mahadcelinayaa waa inuu cambaareeyay falkan foosha xun. Laakiin sidii laga doonayay muusan sameyn.
    Meeshii falkan iyo sida aysan u bannaaneyn in ummadda si jamaaci ah loo laayo uu ka hadli lahaa wuxuu galay hadal siyaasadeed oo aan xilligiisa la joogin. Isagu waxay kaga dheggen tahay AMISOM oo dabcan hadafkiisa la fahmi karo. Wuxuu yahay AMISOM ha baxdo, kadibna dowladda Shariif ha dhacdo, kadibna aad kursiga ku fariisatid. Taas ayaa maskaxdiisa ka guuxeysa.

    Laakiin Sheekh Xasanow ha gelin khalad weyn. Dhaqanka noocan ah ma aha in marmarsiinyo loo sameeyo wuxuu doonaba ha ahaadee, waayo berri haddii madaxweyne lagaa dhigo seefta Alshabaab ayaa ku sugeysa ee fadlan wixii xaq ah sheeg oo ha dhihin mar haddii cadowgeyga ay ku baaba’een.

    Waa iga waano, waxaana jeclaan lahaa inuu hadalkan gaaro Sheekha.

  5. bashaash says:

    Asalaamu calaykum.
    inaa lillaahi wa innaa illehi raajicuun waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhamaan walaalaha ku dhintay qaraxaas foosha xun inuu samir iyo iimaan kasiiyo eheladii iyo qaraabadii iyo asxaabtii ay katagayn sidoo kalena waxaan alle uga baryayaa inuu ayagana unaxariisto janadiisana uu ma,awi uga dhigo. way iska cadahay arimahaan dadka kadanbeeya waa cadowga islaamka waana mida ay marwalba kasameeyaan ciraaq iyo afqaanistaan inay umada muslimka ah iska horkeenaan caalamkana ay utusaan inaysan wax naxariis lahayn xataa dhexdooda runtiina markii ay isku si ucanbaareeyeen walaalaha xisbul islaam iyo alshabaab runtii aad ayaan ugu faraxnay maxaa yeelay hadii ay aamusu lahaayeen ayaga ayaa dusha laga saari lahaa waa ayna ku amaanan yihiin waxayna ku tusinaysaa siyaasada wanaagsan ay ciyaarayaan, aniga waxaan ku tuhmayaa gacanta kadanbeesa arintaan inay tahay itoobiya oo rabtay dadka indhaha u ah umada inay ka layso balse ha,ogaato kalimada alle inay ayada kor noqonayso horena cumar bin khadab iyo cusman bin cafan iyo rag badan oo lamid ah in loo soo laayay balse aysan diintaan marnaba istaagin hana ogaadaan in muslimiinta ay maanta si fiican ubaraarugsan yihiin makriga iyo waxa ay maleegayaan cadowga islaamka inay lasocdaan aniga shalay markii aan aqriyay musiibadaan waan ogaaday cida ka danbeesa balse waxaan islahaa waxba hakahor dhicin ilaa ay walaalaha kahadlaan waana alle mahadiis inay iska bari yeeleen waxaan walaalaha muslimiinta usheegayaa oo laga yaabo inay intooda badan lasocdaan waxayna ka dhacday bakistaan. Safiirka holand ayaa asaga oo magaalada maraayo waxaa ka shakiyay police ka wayna istaajiyeen markii ay istaajiyeen ayay waxay gaarigiisa ugu dhaqaaqeen inay baaraan kadib baaris dheer waxay ka heleen waxyaabaha qarxa markiiba waxaa ogaatay maraykanka waxayna lasoo xiriirayn dowlada kiiskaasna hala qariyo ayaa layiri sidii ayaana lagu qariyay marka aqristow maxaa kaaga baxay qisadaan???? aniga waxaan lee yahay walaalaha markii ay wax dhacaan yaayan cidna lagu degdegin ee wax hala hubsado hana la qiimeeyo sida ay wax udhacaan ALLE caqli ayuu nasiiyay waxaan lee yahay allaha unaxariisto walaalihii halkaas ku shahiiday kuwii falkaas geestayna alle hasoo qabto lacnadiisana haku dhacdo meelkasta oo ay joogaan sidoo kale walaalaha xisbul islaam iyo alshabaab waxaa laga rabaa inay arintaan dabogalaan soona qabtaan cida ka danbeesay oo cadaalada ay soo istaajiyaan, alle waxaan kabaryayaa inuu kalimadiisa marwalba kor kayeelo mida gaalada oo maalinba maalinta kadanbeesa ay cadaawadooda sii kordhayso uu hoos ka yeelo.. Aaamiin…

  6. Nusayba says:

    Aslamo Calaykum

    Illaahay ha u naxariisto dhamaan muslimiinta ku geeriyooda qaraxii cadawga islaamka ka dambeeyey , illaahay shahaado haka aqbalo.

    Laakiin Soomaali Maxamed waxaan leeyaha Gaalada iyo gaaloraacyada oon aa ku farxaayo musiibada umadeena ku habsatay

    waana la ogyahay dadkii hada ka hore sigay pro cadaw illaahay shahaado haka aqbalo waa la ogyahay cida ee dhibayso daqaatirta dhaawaca muslimiinta dawayneysa.

    Soomaaliyeey Allaah baan leenahay nooga naxariis badan hooyooyinkeen ee yaana ka quusan naxariistiisa .

  7. Mahamud says:

    sheikh waagii aad joogtay eriteria waxaad ku hadli jirtay waa kuu garaabi jiray waxaan filaayay in aadan afkaada aadan ku hadli karin laakiin maanta in aad sidaa u hadasho nabad suurto gal ma aha aad tiraahdo aad baan ugu xumahay ku saar cadawga aad sheegaysid wada hadal iyo dagaal. Nabiga CSW waa geli jiryay heshiisyo hadii ay dani ugu jirto oo dhiig muslim ku baaqanayo adignana waxaa kaa hoos shaqeeyaaa waa kii shalay dhibka gaystay oo kale oo aan diin lahayn ee diintaada dhowro inta ay goori goori tahay walaahi in Sh. shariif Rabi hortiisa jawaab ku bixinayn su’aal ku khusaysa adiga.

  8. dr qanuni says:

    bismillaah waxaan tacsi u diryaa ummada somaliyeed ,ee haldoorkeedii cadawgu maalinba mid cunaayo,illahay ha unaxariisto dadak dhintay eheladii aykategeena samir haksiiyo ,hadal wuu dhamaaday waryaa cadaw nolol kuuma ogola aduunyada inaad meelku yeelatana marabo, imisaanu iyadoo aan afrika cidikicin dad hortii u guntanay inay somaliyi wax noqoto oo tammaanta dhacaysa aan cadwku samayn lakin waa nalala garanwaayay waatii xumaan loogu abaal guday ree woqooyi ,imikana ,illahay qolo kasta haleeda hakunabad galiyo illaahayaw aan cadawgayagu naga kaormarin

  9. Mansuur says:

    Allaha u naxariisto dhamaan dadkii somalida qaaliga aha ee sida naxariisdarada ah loo laayay:
    tan kale Xasan daahir aways waxaad ii waydisaan adinka ayuu waraysi idan siiyaaye?- hadii ciidamada uu cadawga uyaqaano labaxiyo si nabad ku jirto oo ay naga tagaan ma ii balan qaadi in dhiig somali ladaadinayn kadib bixitaankooda? sida aan la socono in xisbul islaam ay wadank kuso hogaaminayaan in ay keenaan ciidamo Kenya, iyo Ehiopian, kadib marki ay alshabaab madaxdii xisbul islaam orad ku galiyeen xuduuda kenya-in hada ay raadinayaan in ciidamo iyo huba ay ku taakuleeyan dowladaha dariska ah si alshabaab la iskaga celiyo. Xasan mahdi gii nadhihi jiray Dowlada gaalada lajoogto maanta waxaa uu ku suganyhay Nairobioo beesha caaalamka iyo dowlada kenya kalashiraya sidi alshabaab loo layn lahaa.
    aniga waxaa soo soo jeedin lahaa arinta somaliya in aan marnaba lagufirinin aragti diimeeed ?
    meesha din mataalo qofwalba ujeedo ayuu leeyahay intuu ka gaarayane diin iyo dadka suu been ugu sheegi lahaa ayuuu ku dadaali.
    talaabada ku xigto waa Xasan daahir ooo kambaala qaxooti ku ah markii alshabaab uu naftiisa uuga cabsado
    alow umuuraha sahal.

  10. Abdirisaq says:

    Innaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
    Allaha u Naxariisto culumada dhaqaatiirta,arada intaas waalidkood kusoo dadaalayeen oo mirahoodi la daba mariyey iyo weriyayaasha da’da yar iyo masuuliyiinta kaleba.
    eheladoodina sabar allaha ka siiyo.
    waxaanse umadda Somaliyeed u sheegayaa in arrinkaan aad loo baaro oo aan sidaas looga harin iyo qolo hebala ayaa sameyn jirtey sidaan.
    Aniga tuhun fara badan ayaan qabaa mana oranayo habael iyo hebel waayo thannigu waa danbi xun.sidaas awgeed ayaan leeyahay arrinkaan salkiisa halla soo taabto.

  11. Run-sheeg says:

    SHARIIF IYO XASAN DAAHIR CARUURTOODA WAXA AY GEYSTEEN DIBADDA OO SHARIIF WAXA AY CARUURTIISA WAX KA BARTAAN DALKA YEMEN, XASAN DAAHIRNA WAXA AY WAX KA BARTAAN DALKA MASAR WAXA MEESHA KU BA’AYO WAA MASAAKIINTA EE HADDII AY RUNSHEEGAAYAAN XAMAR HA KEENEEN CARUURTOODA KA DIBNA MADFACA HA BILAABEEN, MUNAAFAQNIMO LAMA RABEE!!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xisbul Islaam oo ka hadlay Duqeyntii Shalay AMISOM Muqdisho ka geysatay.
  2. Qasaaraha ka dhashay Qarixii Muqdisho oo sii kordhay iyo Xaaladihii ugu dambeeyey Magaalada.
  3. DKMG ah & Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Muqdisho
  4. Xisbul Islaam oo ka hadlay Dagaalka Yaaqshiid ““Dagaalkaasi si gaar ah Xisbul Islaam uguma jirin”
  5. Indho Cadde oo si kulul uga ka jawaabay Go’aankii ka soo baxay Xisbul Islaam

Latest Headlines