Wasiiradii Shalay ku Geeriyooday Qaraxii Muqdisho oo Maanta la Aasay.

Published on December 4, 2009 by   ·   19 Comments   ·   print

Waayeel, Cadaw iyo QamarDKMG ah ayaa Maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran oo ay ka soo qeybgaleen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlada ugu sameysay Wasiiradii 3-da ahaa ee Shalay ku Geeriyiooday Qaxarii weynaa ee Magaalada Muqdisho.

 

Munaasibada Aaska ayaa ka dhacday Xarunta Baarlamaanka KMG ah waxaana ka soo qeyb galay sedexda Mas’uul ee ugu Sareeysa Dowlada ee kala ah  Sheekh Shaeriif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Aadan Madoobe iyo Xubno kale oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano. 

Waayeel, Cadaw iyo Qamar
Midig: Axmed C/laahi Waayeel, Pr.Cadaw iyo Drs Qamar Aadan

Mas’uuliyiinta DKMG ah ayaa Hadalo kookooban ka jeediyey Goobta Munaasibada lagu qabtay waxaana halkaa ka hadlay Xubo ka tirsan Dowlada oo uu kamid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa Falka lagu Dilay Wasiirada iyo Dadka kale ku tilmaamay Ficil Cadawtinimo oo lagu ugaarsaday Dad badan oo Umada Qiimo ulahaa iyo Waliba Indhihii Bulshada Soomaaliyeed. 

Waxa uu Sheegay Sh Shariif in aad loola yaabay in la Qarxiyo Goob ay Shahaadooyin ku qaadanayeen Arday Dhibaatada Dalka kajirta u soo dulqaatay oo 6 Sano soo dadaalay iyo Dadkii wax soo baray.

 

Wasiirada Qaraxaas ku Geeriyooday ee aaska loosameynayey ayuu Sh Shariif Sheegay inay ahaayeen kuwo qaali ah oo waxtar maahine aan wali Dadka wax u dhibin.

 

Waxa uu Sheegay inaysan kaligood wax qaban Karin isagoona Beesha Caalamka ka Cosaday in wax lala qabto oo gacan la siiyo.

 

Khudbooyinka iyo hadalo halkaa laga jiidiyey kadib waxa Goobtaas Salaada janasada lagula Tukaday 3–da Wasiir iyo gabar Wasiirada Caafimaadka Xogheyn u aheyd.

 

Intaa kadib Meydadka Wasiirada ayaa loo qaaday Qabuuro ku yaal Gudaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu aasay Halkaas.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 4-tii Qof ee Shalay lagu dilay Jidka u dhaxeeyaha Magaalada Gabilay & Awdal oo Maanta la Aasay & Mudaharaad ka dhacay Boorame.
  2. Askar Ugandhiis ah oo ku Geeriyooday Qaraxii Saaka
  3. Muqdisho: Shalay, Maanta iyo Barri (Q. 3aad)
  4. Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad)
  5. Muqdisho: Shalay, Maanta iyo Berri (Q. 5aad)

Readers Comments (19)

  1. Hanuuniyo says:

    Inaa lillahi wa innaa ileyhi raajicuun wa murugo aan laqeybsanayno eheladii qarabadii iyo dhamaan umada somaliyed geeridii kutimd wasiirada macaliminta ardayda iyo suxufiyinta geeridu waa xaq ee ilahay hanaga qabto waxa leyna aqonyahaniinta iyo waxgaradka waxaan urajeynayaa janadii fardawsa amin amin amin

  2. QARANIMO says:

    Inaaa li laahi wa inaa ileehi raajicuun
    kuwa manaxa yaasha ah cadowga ah dhiiga dadka baneestay cidii ay doonaan gaalesiiya qaraxana dadka wax ku oolka ah u geestay waa in meel looga wada jeestaa oo aan ka suulinaa shabaab gayiga soomaaliya shabaab waa aragtaan arxandarada ay ku hayaan dadka iyo dalka war hooy ninkii jiifow hurtada ka kac ilaahow shabaab dhulka la goo oo bur buri sida aad u bur burisay kuwii iyaga ka horeeyay ee kugu caasiyay, mar kale inaa li laahi wa inaa ileehi raajicuun ilaahow janadii gee inta shahiiday inta dhaawacana u booga dhay aamin aamiin aamin

  3. hargaysa says:

    allaah ha unxariisto dhgar qabihii iyo cidii
    soodirtay allaah ayaa laxisaabtami doona

  4. nasrullaah says:

    ilaaha unaxariisto dadkii kuwax yeelooway ee masaa kiinta ahaa intii eey kadhinteena samir iyo iimaan alaha kasiiyo badalkoodana alaha siiyo teeda kale hanuuniyo magaca iskabadal allaha kaliyaa hanuuniyo ah qofkaloo cit hanuunin karo malahan

  5. Caloofi Alsomali says:

    wixii ay alle ka helaan ayay leyihiin uma ducaynayno mana habaarayno, waxayse ka tirsanaayeen dowlada Ridda ah oo gaalada u shaqaysa kunasoo duushay Diinta iyo dalka.

    ilaahey ha idin siiyo wixii aad mutaysateen

  6. anwar says:

    inaa lillaahi wainaa ilayhi raajicuun waxaan dhihi lahaa intii kugeer yuutay ilaah ha unaxariisto

  7. Ibn Mubaarik says:

    intii ugu sharafka badnayd ummadda ayaay halaageen ALLAH swt ha halaago si degdeg ah.

    Geed ayaa yidhi gudin yahay ama masaar yahay imaad goyseen ee badhkay ayaa kugu jira ragga maanta jabkaas ka masuulka ah waxaa ka mid xassan daahir aweys .

    maalintii uu indhihii umadda yidhi waxaa tixiin lama arko ayaa la jabay waxba yaanu tawaawucin oo walaaloow odhane masuuliyadda qaybtiisa ha ogolaado.

  8. bashaash says:

    Asalaamu calaykum.
    inaa lillaahi wa innaa illehi raajicuun waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhamaan walaalaha ku dhintay qaraxaas foosha xun inuu samir iyo iimaan kasiiyo eheladii iyo qaraabadii iyo asxaabtii ay katagayn sidoo kalena waxaan alle uga baryayaa inuu ayagana unaxariisto janadiisana uu ma,awi uga dhigo. way iska cadahay arimahaan dadka kadanbeeya waa cadowga islaamka waana mida ay marwalba kasameeyaan ciraaq iyo afqaanistaan inay umada muslimka ah iska horkeenaan caalamkana ay utusaan inaysan wax naxariis lahayn xataa dhexdooda runtiina markii ay isku si ucanbaareeyeen walaalaha xisbul islaam iyo alshabaab runtii aad ayaan ugu faraxnay maxaa yeelay hadii ay aamusu lahaayeen ayaga ayaa dusha laga saari lahaa waa ayna ku amaanan yihiin waxayna ku tusinaysaa siyaasada wanaagsan ay ciyaarayaan, aniga waxaan ku tuhmayaa gacanta kadanbeesa arintaan inay tahay itoobiya oo rabtay dadka indhaha u ah umada inay ka layso balse ha,ogaato kalimada alle inay ayada kor noqonayso horena cumar bin khadab iyo cusman bin cafan iyo rag badan oo lamid ah in loo soo laayay balse aysan diintaan marnaba istaagin hana ogaadaan in muslimiinta ay maanta si fiican ubaraarugsan yihiin makriga iyo waxa ay maleegayaan cadowga islaamka inay lasocdaan aniga shalay markii aan aqriyay musiibadaan waan ogaaday cida ka danbeesa balse waxaan islahaa waxba hakahor dhicin ilaa ay walaalaha kahadlaan waana alle mahadiis inay iska bari yeeleen waxaan walaalaha muslimiinta usheegayaa oo laga yaabo inay intooda badan lasocdaan waxayna ka dhacday bakistaan. Safiirka holand ayaa asaga oo magaalada maraayo waxaa ka shakiyay police ka wayna istaajiyeen markii ay istaajiyeen ayay waxay gaarigiisa ugu dhaqaaqeen inay baaraan kadib baaris dheer waxay ka heleen waxyaabaha qarxa markiiba waxaa ogaatay maraykanka waxayna lasoo xiriirayn dowlada kiiskaasna hala qariyo ayaa layiri sidii ayaana lagu qariyay marka aqristow maxaa kaaga baxay qisadaan???? aniga waxaan lee yahay walaalaha markii ay wax dhacaan yaayan cidna lagu degdegin ee wax hala hubsado hana la qiimeeyo sida ay wax udhacaan ALLE caqli ayuu nasiiyay waxaan lee yahay allaha unaxariisto walaalihii halkaas ku shahiiday kuwii falkaas geestayna alle hasoo qabto lacnadiisana haku dhacdo meelkasta oo ay joogaan sidoo kale walaalaha xisbul islaam iyo alshabaab waxaa laga rabaa inay arintaan dabogalaan soona qabtaan cida ka danbeesay oo cadaalada ay soo istaajiyaan, alle waxaan kabaryayaa inuu kalimadiisa marwalba kor kayeelo mida gaalada oo maalinba maalinta kadanbeesa ay cadaawadooda sii kordhayso uu hoos ka yeelo.. Aaamiin…

  9. Musa says:

    Inna lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Aad baan uga naxay in muslimiin oo aaminsan la ilaha illa Allah muhammadan rasullah dhiigooda la baneysto isla markaana la dilo.

  10. yonis osman says:

    INAA LI LAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN WAA XILI MUROGO & XANUUN BADAN MARKA WARKALE II MA BANAA NEE ILAAHOOW U NAXARIISO

  11. xaaji macow says:

    walaalayaal waxaa wax aad looga xumaado ah in aan dadka soomaaliyeed madax siyaasadeed ,madax dhaqameed iyo culumo iyo caamo qolona aysan dhibaatadan dadkeennii iyo aqoonyahankeenii soo gaartay aysan ku tuhmin cadowga ugu wayn cadowyadeena badan taas oo ah itobia iyo qabqablayaasha calooshood u shaqaystayaasha ah oo aaminsan in ay wasiirada le’day oo ahaa haradigii maxkamadaha ay ahaayeen kuwa awoodoodii wiiqay kursigoodiina ku fadhiya marnana aysan daacadnimo iyo somalinimo baarlamaanka la fadhin tusaaale ahaan :
    qaybdiid ,qanyare ,shaatiguduud ,cumar finish ,bahsiir raage iwm,walaalayaal ragaa waa ciil qabaan cadowga itobiana xiriir wanaagsan ayay la leeliyihiin oo ah sidii umada somaliyeed hagar daamo aysan uga baxdeen waligeed,.
    markaa ariintaa waa arrin cadow aan waxba inoo reebayn ka danbeeyey oo itobia iyo kuwii c/llahii yuusuf meesha kaga tagay iy dfm ay intaba u qoolan yihiih waxa shabaab loo saarana waa wixii xunba xaawaa leh iyo in ra’yul caamla la dhumiyo oo dadka soomaaliyeed iyaga mar labaad dib laysugu sumeeyo

  12. jamiilo says:

    allah u naxariisto dhamaan intii ku dhimatay
    qaraxii qamiistii kadhacay muqdisho oo ay qarxiyeen waxa magaratada manaxayaasha qalbigoodi dhagaxa noqday
    oo aan lagaraniy diin ay hastaan yaa u baneeyey qof muslin ah dhiigiisa
    subxaana allah
    allah unaxariiso intii dhamatay waana ka xumahay walaahi

  13. nasrullaah says:

    yaat canananeeysaa oot ku oktahay wat iska buuqeeysaane aaqira malaguu soo istaajinaa oo marqaati maka tahay ineey islaamiyiinta yihiin war illaaheey kacabsada xumaanta aat udiideen shayaandiinta maxaat ulajaceshihiin mujaahidiinta oo hinta urgiga kaween anoo inaan ooya rabay ayaa sacdeena seenteeda igudhufatay miyaa xaajada idinkoo markii hore meelaat usoomartaan weeysan ayaa arinkaan dhacay iigili waaye sheekada war kalimada alaah ayaa sareeyneeyso idinka iyo ayagawa hadaa duulaan kutihiin alaah ayaa idinka qaban dufkubaxa alaha unaxariisto ardaydii iyo macalamiintii iyo dadkaab waxwa galabsan

  14. wadani says:

    waxaa layaabanahay dasdkan naxariista ka ka guurtay ay ugu horeeyaan kuwa diinta islaamka dhiiga muslimiinta ku daadinaya iyo ku waan caytamaya oo wali qiil u samaynaya naxariis laawayaashe, maxaad ugu hadlaysaan qabqablayaasha qoraalkan waxa uu ku saabsanyahay xasuuqii ka dhacay, lama yaabini dadka saan wali u hadlaya ayna shabaab qiil u raadinaya, bal su’aasha aan wadiinaya baa waxaytahay yaa imiidaamin isku disha oo shabaab ahayn oo maanta soomaaliya ka howgala oo farsamadaas sameeya? taariikha islaamka hadaad ku noqotid dadkii laayay cuthmaan allaha ka raali noqdee waxa ay ku doodayeen in ay diinta islaamka saxsan haysteen waxayna ahaayeen qawaarijtii nabiga csw uu ka digay marka dooda iyo nacnacda aad meesha ku haysaan iska taga.

  15. shafici says:

    inaa li laahi wa inaa ilaahi raajicuun alaha u naxariistee inta ku dhiamatay meeshas uu ka dhacay qaraxa ilaahna ha ugu aabal mariyo janada aamin aamin

  16. nasrullaah says:

    WAAYAHAYE ADIGANAA MAHUBTAA INEEY ALSHABAAB KADANBEEYAAN WAALAYRI LAMARABEE LAWADAADA INDHOOT MASAARTAY WAXAAN KALOO KUWEEY DINAA ISLAAMIYIINTA WAA DAD TIRA BADAN OO SOOMAALI AH WAX HADA SOOBAXAYNA MA AHAN WA SOMALI DHAMAANTOOT MAQAWAARIJ BAA WAAYAHAYE YAAHEESTO SUNADII NABIGA nnkh ILAMAHA BAHUUKU MISE ILMAHA MALAS

  17. drs qamar alle haunaxariisto says:

    inalilaahi wainaaileyhi rajicun allee haunxariisto ardeydii somaliyeed iyo halgamayashii wasiirada ahaa ee ku dhintay eee gacanta cadawgu dishay……waxdilaywaa garanaynaaa waaa kuwo khawarijta ah eee alshabab labaxay waxan leeenahay waa ka aargudidoonaa waana afjari doonaaa hadaan islmaka nahay……….. waxaan usheegayaa ninka IBNU MUBARIK LABAXAY ANNAGA HANOOGA DHIGIN WALAL KUWO DHIIGAYAGU XALAASHU U YAHAY KAMID BAAD TAHAY BAAN FILAYAA GALADA ALSHABABA

  18. ALA HAUNAXARIISTO says:

    insha’laah guushii waa soo dhawdahay waa la baabi’in doonaaa ALSHABAAB

  19. ciisa jaamac says:

    ina lilah wa ina ileehi raajicuun waxa uga taxsiyeeynaa musliminta mel walba oo ay joo gaan falkii is qarxin oo ku geeriyooden ardaydii iyo wariyayal iyo walidiin dhalay ardii qalin jabineysay marka wax leyahay ilaah sami iyo imaan hanaga siiyo waa naga wada geeriyoodeene Aaami Aamiin ina lilaah wa inaa ileehi raajicuun




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 4-tii Qof ee Shalay lagu dilay Jidka u dhaxeeyaha Magaalada Gabilay & Awdal oo Maanta la Aasay & Mudaharaad ka dhacay Boorame.
  2. Askar Ugandhiis ah oo ku Geeriyooday Qaraxii Saaka
  3. Muqdisho: Shalay, Maanta iyo Barri (Q. 3aad)
  4. Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad)
  5. Muqdisho: Shalay, Maanta iyo Berri (Q. 5aad)

Latest Headlines