Dadkii Dhaawacyada Culus ka soo gaareen Qaraxii Muqdisho oo Dibada loo qaaday.

Published on December 4, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

dhaawacyadii ShaamowDhawaawacyo gaaraya 13 Qofood oo isugu jira Dhaqaatiir, Arday iyo Wasiirka Dhilinyada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble ayaa Maanta laga dhoofiyey Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ahaa Dhaawacyadii ugu darnaa ee Shalay Waxyeeladu soo gaartay.

 

Wasiirka warfaafinta DKMG ah Daahir Max’ud geele ayaa Sheegay in Dowladu Diyaarado gaar ah u dalabatay Dhaawacyada wxuuna Sheegay inay qaadayaan Dhamaan Dhaawacyada liita si aan kala sooclaheyd.

 

Waxa uu Sheegay in Dhaawacyada haatan la qaaday lasii marsiindoono Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya kadibna loo sii gudbin Doono Magaalada Rooma ee Dalka Talyaaniga si ay u helaan Adeegyo caafimaad oo aan Soomaaliya iyo Africa laga heleyn.

 

Daahir Geeli oo arimahaa ka hadlayana wuxuu yiri:“Garoonka Magaalada Muqdisho waxaa fadhiya Diyaaradihii qaadi lahaa dhaawacii shalayto oo aan lakala soocin oo dhaqaatiirtii leh oo Ardaydii leh oo dadweynihi Caadigaahey leh  oo wasiirkii Isboortiga leh ayey diyuurado Dowlada Soomaaliya u dalabtay  Nairobi baa lageynayaa kadibana Talyaaniga ayaa loogudbin doonaa halkaa ayaa lagu daaweyn doonaa ilaaheyn waxaa ka rajeyneynaa Dhaawacooda inuu dhaawac Fudud uga dhigo oo ay ka bogsadaan”.

 

Dhaqaatiirta, Ardayda iyo Wasiirka Maanta loo qaaday Dalka Talyaaniga ayaa kamid ahaa Dad badan oo Shalay Waxyeelo ba’ni ka soo gaartay Qarax Xoogan oo ku Qabsaday Goob ay Xaflad Qalin jabin ah ka socotay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Shariif oo la kulmey Wasiirka Arimaha Dibada Yemen
  2. Faah faahin:- Weerar Culus oo lagu qaaday Madaxtooyadda Villa Somaliya & Nawaaxigeeda.
  3. Dagaal Culus oo lagu qaaday Ciidamada Uganda
  4. Dagaal Culus oo xalay lagu qaaday Ciidaada AMISOM iyo kuwa DKMG ah
  5. Weerar Culus oo lagu Qaaday AMISOM

Readers Comments (6)

  1. dalfaq says:

    ALLAAH CAAFIMAAD DEGDEG AH HA SIIYO, HADDAY GEERIYOODAANNA HA U NAXARIISTO. FALKAAN DIIN LA’AANTA AH CIDDII KA DAMBAYSAYNA CALAAMADO FOOL XUN ILAHAY HA KA MUUJIYO, UMMADDANA HA UGA RAAXEEYO.

    WALAALAYAAL WAA IN LA HABAARAA KUWAAN DIIN LAAWAYAASHA AH EE SIDAAN SHACABKA IYO WADAADDADA U XASUUQAYA. ALSHABAAB HADDAY SAMEEYEEN OO AY INKIRAYAANNA ILAAHAY HA JABIYO, MASAA’IB AYSAN KA SOO WAAQSANNA HA KU SALLADO, HADDAY RUNTOOD TAHAYNA DAMBI DHAAF HA UGA DHIGO EEDAYNTA LOO SOO JEEDINAYO.

  2. ahmed fowzi says:

    inaalilaah wa inaa illaaha raajuuun.nin aduun ku noolow maxaa aragti kuu laabaan, dib maxay ka noqon waa adduun doorshey kii horayee, gablan talo adduuneey maxaa tu walba loo joogey. xaalaka soomaaliya waxuu marayaa in maanta shacabkii soomaaliyeed, ee isugu jirey wasiiro doctrs iyo ubaxii soo kacayay niyadana ku hayay inay shacabkooda ugu gargaaraana waxay shan sano ku tacab beelayeen ee colaada iyo gaajada naxdinta leh ku baranayeen in maanta intii bom lagu dhex qarxiyo la isku dhiib dhiibo,murtadiinta ayaa laayay iyo kuwa qawaarijta ayaa laayay waa nasiib xumo usoo hoyatay aqoon yahanada waalidiinta iyi ardeydii soomaaliyeed,waxaan ku baraarujin lahaa ardeyda soomaliyeed ee wax ku barto meelaha amaanka xun kajira inay samraan allena tala saartaan waxbarshadoodan sii wataaan, allena ubaryaan un duceeyaan macalmiinii iyo ardeydii walaalahooda ahaayeen un sameeyaan maalin xasuus leh, allow unaxariiso inta gacan ka gardaran dishey dulmina lagu dilay.

  3. bashir says:

    ALLAH SUBXANAH WATACAALA ayaan caafimad khayr qaba uga rajaynaynaa … rome waalaga heli karaa qalab iyo dhakhaatiir hawlkar ahba. dawladuna way dadaashay intaa haday qabatay.

  4. qabilsomali says:

    Walaalaheena dhintay Allaha dambigooda dhaafo, Janadana Allaha ka waraabiyo. Waanu ognahay in markiiba dawlada Shariifku eeda dusha ka saarayaan Alshabaab iyo wixii la halmaala ee qolada Batariga gaalada Alqacida. Iyagoo ujeedadu tahay inay caawinaad ka helaan gaalada dhaqaalaha haysata ee Islaam nacaybka ku caan baxay. Walaalaheen Alshabaab haday ka danbeeyaan markiiba waa qiri lahaayeen, balse inay iska fogeeyeeen yaa ka rumaysan? Furaha arintaani waa ninka eeda la saaray yuu ahaa, iyo noloshiisa oo lasoo koobo. Tan xigta dadkii ugu danbeeyey ee uu xiriirka la lahaa. Sida shakigu yahay ma cada inuu ninkaasi fuliyey iyo in uu bamku meesha sii yiiley. Koley ninka la eedeeyey dawlada gacanteeda buu ku jiraa, oo inuu isagu fuliyey iyo in Alqacida soo dirtay buu ku dhamaan kiiskaani.
    Waxaadse meesha ku dartaan in Proffesor Ibraahim Cadow qabiilkiisa Sacad xataa nacayb badan uga yimid, kadib markii uu ka diidey inuu garab kusiiyo boosaskii ardadii dibada loogu deeqay waxbarashada. Lama waayayo mid nacabkiisu halkaa ka yimid oo ugu yaraan ka qayb qaatay makrigaan!
    Yaanan shakika si indho la’aan ah dusha looga tuurin Alshabaab, indhaha si baahsan haloo furo oo meel walba shakiga hala saaro, si arintu cashar ugu noqoto kuwa mustaqbalka bulshada ugu adeegaya si daacadnimo.
    Xataa in gaalo dad ay lacag siiyeen soo dirsadeen halagu daro, waayo meelo badan aduunyada dad ay iyagu soo fund gareeyeen baa sii kiraysta kuwa qaraxa fulinaaya!
    Allaha wadankeena nabad hanooga dhigo.aamiin.

  5. bashaash says:

    Asalaamu calaykum.
    inaa lillaahi wa innaa illehi raajicuun waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhamaan walaalaha ku dhintay qaraxaas foosha xun inuu samir iyo iimaan kasiiyo eheladii iyo qaraabadii iyo asxaabtii ay katagayn sidoo kalena waxaan alle uga baryayaa inuu ayagana unaxariisto janadiisana uu ma,awi uga dhigo. way iska cadahay arimahaan dadka kadanbeeya waa cadowga islaamka waana mida ay marwalba kasameeyaan ciraaq iyo afqaanistaan inay umada muslimka ah iska horkeenaan caalamkana ay utusaan inaysan wax naxariis lahayn xataa dhexdooda runtiina markii ay isku si ucanbaareeyeen walaalaha xisbul islaam iyo alshabaab runtii aad ayaan ugu faraxnay maxaa yeelay hadii ay aamusu lahaayeen ayaga ayaa dusha laga saari lahaa waa ayna ku amaanan yihiin waxayna ku tusinaysaa siyaasada wanaagsan ay ciyaarayaan, aniga waxaan ku tuhmayaa gacanta kadanbeesa arintaan inay tahay itoobiya oo rabtay dadka indhaha u ah umada inay ka layso balse ha,ogaato kalimada alle inay ayada kor noqonayso horena cumar bin khadab iyo cusman bin cafan iyo rag badan oo lamid ah in loo soo laayay balse aysan diintaan marnaba istaagin hana ogaadaan in muslimiinta ay maanta si fiican ubaraarugsan yihiin makriga iyo waxa ay maleegayaan cadowga islaamka inay lasocdaan aniga shalay markii aan aqriyay musiibadaan waan ogaaday cida ka danbeesa balse waxaan islahaa waxba hakahor dhicin ilaa ay walaalaha kahadlaan waana alle mahadiis inay iska bari yeeleen waxaan walaalaha muslimiinta usheegayaa oo laga yaabo inay intooda badan lasocdaan waxayna ka dhacday bakistaan. Safiirka holand ayaa asaga oo magaalada maraayo waxaa ka shakiyay police ka wayna istaajiyeen markii ay istaajiyeen ayay waxay gaarigiisa ugu dhaqaaqeen inay baaraan kadib baaris dheer waxay ka heleen waxyaabaha qarxa markiiba waxaa ogaatay maraykanka waxayna lasoo xiriirayn dowlada kiiskaasna hala qariyo ayaa layiri sidii ayaana lagu qariyay marka aqristow maxaa kaaga baxay qisadaan???? aniga waxaan lee yahay walaalaha markii ay wax dhacaan yaayan cidna lagu degdegin ee wax hala hubsado hana la qiimeeyo sida ay wax udhacaan ALLE caqli ayuu nasiiyay waxaan lee yahay allaha unaxariisto walaalihii halkaas ku shahiiday kuwii falkaas geestayna alle hasoo qabto lacnadiisana haku dhacdo meelkasta oo ay joogaan sidoo kale walaalaha xisbul islaam iyo alshabaab waxaa laga rabaa inay arintaan dabogalaan soona qabtaan cida ka danbeesay oo cadaalada ay soo istaajiyaan, alle waxaan kabaryayaa inuu kalimadiisa marwalba kor kayeelo mida gaalada oo maalinba maalinta kadanbeesa ay cadaawadooda sii kordhayso uu hoos ka yeelo.. Aaamiin…

  6. Jibriil says:

    Caafimad deg dega ilahay siiyo ilahayna waxan uga baryayna inti dhimatay jana fardawza inta noolna caafimad iyo in aanay noqon naafo Aamin Aamin Aamin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Shariif oo la kulmey Wasiirka Arimaha Dibada Yemen
  2. Faah faahin:- Weerar Culus oo lagu qaaday Madaxtooyadda Villa Somaliya & Nawaaxigeeda.
  3. Dagaal Culus oo lagu qaaday Ciidamada Uganda
  4. Dagaal Culus oo xalay lagu qaaday Ciidaada AMISOM iyo kuwa DKMG ah
  5. Weerar Culus oo lagu Qaaday AMISOM

Latest Headlines