Switzerland oo laga Diidanyahay Minaaradaha Masaajidda

Published on November 30, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

ManaaradAfti Hor dhac ah oo laga Qaaday Shacabka Switzerland ayaa 55% waxay Taageereen in laga Mamnuuco Wadankaasi Dhismaha Manaaradaha Masaajidda, sidaasna waxaa Shaaciyay Television-ka Switzerland.

Television-kaasi ayaa ku sheegay Bartiisa Internetka “Aftida Dadka Codeeyay waxay Muujinaysaa inay Taageersanyihiin Arinta Muranka Badani ka taaganyahay ee ay soo gudbiyeen Xoogaga Midigata, iyada oo Go’aanka kama Danbeysta ah ee Codeyntani ay ku qasbanyihiin inay Taageeraan Dadka la Doortay”.

Television-ka oo ku hadla Afka Faransiiska ayaay yiri ”Arintu Waxay Maraysaa meel kama Danbeys ah, maha wax loo jeedo Minaaradaha Masaajida, laakiin waxaa loo jeedaa Muslimiinta Swizterland”.

Ololahan ka dhanka ah Muslimiinta iyo Masaajidooda waxaa Taageeraya oo Dabada ka riixaya Kooxo Kirishtaan ah oo Muxaafidiin ah isla markaana ka tirsan Xisbiga ugu badan Baarlamaanka Swizterland kaas oo ah Xisbiga Shacbiga ee Dhinaca Midig.

Kooxahaasi Kirishtaanka ahi waxay ku doodayaan Haddii la Ogolaado Minaradaha Masaajidda waxay noqonayaa inuu Wadanka oo dhan noqodo Wadan Islaam.

TV Al-Jazeera ayaa sheegay in Wadankaasi ay ku yaalaan 170 Masjid, waxaana Manaarad kaleh 4 Masjid oo kaliya.

Muslimiinta ku nool Switzerland waxay gaarayaan 400 oo kun, Badankoodana waxay ka soo jeedaan Wadankii horey loo oran jiray Yugoslavia iyo Qeybo kale oo ka soo jeeda Wadanka Turkiga.

Diinta Islaamka ayaa ah Diinta 2-aad ee ugu Badan Dadka Wadankaasi, waxaana lagu Tiriyaa inuu yahay Diinta ugu Faafitaanka badan Masiixiyada ka dib markii laga hadlayo wadanka Switzerland.

Maxamuud Al-Jundi oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Markaska Islaamiga ee Zurich ayaa yiri “Anagu Minaaradaha waxaan u aragnaa Astaan Muujinaysa Xoriyadayada xagga Caqiidada, mararka Qaar waxaa jira Cabsi la soo gudboonaata Mujtamaca Muslimiinta oo kaga timaada Dhacdooyinka Siyaasiga ah, laakiin Marka ay Halkan yimaadaan(Markaska) oo ay Dadka la sheekaystaan, oo ay isweydaarsadaan Su’aalaha waxaa Suuro gal ah inay Islaamka u arkaan Diin Nabad-galyo oo ka wacan Diimaha kale”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Switzerland oo Ciidamo u diraysa Xeebaha Somalia
  2. Shirkada Diyaaradaha ee Switzerland oo diiday in ay Sheekh shariif ka qaado Qaahira
  3. Masaajidda Burco oo jimcihii lagaga hadlay xadgudubkii loo gaystay Sh. C/laahi Baashe
  4. Sabtida oo laga soomi doono inta badan Dunida Muslimka
  5. UWSLF oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Masaajidda lagu xiray Jig-jiga & Dagaalo ay la galeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya

Readers Comments (4)

  1. nasri says:

    walaahi waa soojjeesteen waana arin aan dheeldheel ahay laakin la arki doonee halka ay ku biyo shubato

  2. waddani says:

    Asc waxaa waayahaan dambe soo kordheysa naceybka loo qabo jaaliyadaha muslimka ah ee ku nool dhulalka reer galbeedka, sida dilka, cambaareynta joogtada ah, xijaabka, salaadda, xarigga aan dambi muuqda ku dhisneyn, cunsurinimada iwm. Arrimahaasi waa arrimo dhibaato u keeni kara jaaliyadaha qurba joogta ah, guud ahaan muslimiinta, gaar ahaanna somalida kala daadsan oo aan laheyn uruuro waaweyn oo matala iyo dawlad somaliyeed oo garab-taagan. Shuruucdaan iska soo dabadhacaysa ee yurub maalinba dal kasoo baxaysa, dadka ugu horreeya ee ay saameyneyso waa qoomiyadda somalida, waayo waa dad aan isku xirneyn, jaaliyado waa weyn iyo uruurro aqoonsi buuxa leh iyo waliba garyaqaanno u dooda midna malaha, caasuumadaha waa weyn ee reer galbeedka ayey har iyo habeyn fadhi ku dirir ku jiraan, sidii suuqii yoobsan ee xamar.
    Waxaa muhiim ah, in jaaliyadaha somaliyeed ee ku nool dhulalka reer galbeedku isku duubnaadaan oo ay yeeshaan ururo waa weyn oo matala meel kasta oo ay joogaan, kana tallaabsadaan qabyaaladda iyo iskhilaafka asaaggeen naga reebay.

  3. Fiidhoone says:

    Ama minaarad ha diideen ama masjid ha diideen, Islaamku wuu dhex joogaa yurub aad ayuuna ugu fidayaa, in xuquuqdooda oo buuxda ay sandulle kaga helaan reer galbeedkana waa arrin waqti uun u baahan ee aysan sida ay hadda yihiin kaga hortagi karin.

    Islaamka sanado aan badneyn kadib waxaa la saadaalinayaa in uu noqon doono diin ay heystaan ugu yaraan 20% dadka reer yurub, cadad intaas la’eg waxa ay aaminsan yihiin cabudhintiisana ma noqoneyso arrin sahlan ee reer yurub waxaa laga dhowrayaa laba arrimood midkood oo tii ay qaataanba khasaare aan yareyn uu ugu jiro, kuwaas oo kala ah:-

    1) In ay dasaatiirtooda wax ka beddelaan ayna hadda iyo kow ku sugaan xuquuqaha uu leeyahay muslimka Yurubiyaanka ah, taas oo haddii ay dhacdo faraj u noqoneysa muslimiinta joogta Yurub iyo kuwa raba in ay kusoo biiraan

    2) In ay dasaatiirtooda bedelaan oo ay jideeyaan sharci oranaya in qof walba uu xor u yahay qaadashada diintii uu doono, xuquuqdiisana ku helayo caqiidadiisa, marka laga reebo caqiidada Islaamnimada, maxaa yeelay taas dadka heysta uma ogolin wax xuquuq ah. Arrintaas hadday ku kacaanna waa iyagoo dadka ku baraarujiyay in Islaamnimadu ay tahay diin wadata wax ku gaar ah oo aysan diimaha kale wadan, dareensiintaas lafteeda ayaana ku filan dad badan oo kasii jeeda inay usoo jeediso in ay u soo jeedsadaan ogaanshaha xaqiiqada Islaamka, taas oo inta badan ku dhammaata in qofku uu ku qanco qaadashada diinta Islaamka.

  4. Cali Guure says:

    Minaarada asalan waa bidco laakin falkan waxaa uu ku tusinayaa in iswitsirlaan oo ay Yuhuudda ka taliso afka baarkiisa ka tahay oggolaanshaha diimaha kala duwan.

    Yuhuud iyo kiristaanka raalli nagama noqonayaan .

    maxaa xige doonaa? Xijaabka, magacyada islaamka oo la beddelo, xabaalaha islaamka oo la diida iwm?

    Waa in laga ugaarsadaa dunida islaamka oo dhaqaalahooda iyo dadkooda la curyaamiyaa.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Switzerland oo Ciidamo u diraysa Xeebaha Somalia
  2. Shirkada Diyaaradaha ee Switzerland oo diiday in ay Sheekh shariif ka qaado Qaahira
  3. Masaajidda Burco oo jimcihii lagaga hadlay xadgudubkii loo gaystay Sh. C/laahi Baashe
  4. Sabtida oo laga soomi doono inta badan Dunida Muslimka
  5. UWSLF oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Masaajidda lagu xiray Jig-jiga & Dagaalo ay la galeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya

Latest Headlines