Dardaarano Ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Q.6aad

Waxaan Munaaasabad Gaar ah Ciiddan in ay ku began tahay maalin Jimco ah, taasoo Macnaheedu yahay in Muslimiinta u kulmeen laba Ciiddood, sidaa daraadeed waxaa su’aal loo baahan yahay ah ruuxa Muslimkaa ma waxuu wada Tukadaa labada Salaadood ee kala ah Ciidda iyo Jimcaha mise wuxuu ku kaaftoomi karaa Mid uun?.

Culimada Muslimiinta arintaan aad ayaa loo su’aalay waxaa ayna ka bixiyeen jawaabo aad u qiimo badan waxeyna ka bixiyeen faafaahino aad u dhaadheer, hase yeeshee waxaan ka soo qaadanayaa qeyb ka mid ah Jawaab ay bixiyeen Lujnada Joogtada ah ee Culimada Sacuudiga ..

Markii Lujnada Soo aroorisay Daliilada arintaas ku saabsan, isla markaana cadeysay Darajada Daliil kasta uu leeyahay iyo waxa ay Culimadii Muslimiintii hore ka dhaheen waxay kusoo gunaanadeen jawaabtooda arimahaan soo socda:

1- Qofkii Salaada Ciida Tukadaa waxaa u banana inuusan Tukan Salaadda Jiamcaha maalinkaas Ciidda, hase yeeshee waa inuu Tukadaa Salaadda Duhur waqtiga Duhurka, haduuse Ruuxa Go’aan qaato lana Tukado Muslimiinta Jimcaha Tukaneyso sidaas ayaa u Ajar badan.

2-Qofkii aan Tukan Salaada Ciida masoo Galayo Ruqsadaas, sidaa darted kama dhaceayso Tukashada waajibka Salaada Jimcaha, waxaana ku waajib ah inuu aado Masaajidka si Jimcaha ugusoo Tukado, hadiise uusan helin Tiro Salaada Jimcaha ku Ansaxdo waxaa uu Tukanayaa Duhur.

3- Imaamka Masjidka waxaa ku waajib ah inuu Tujiyo Jameecada Masjidka Salaadii Jimcaha Maalinkaas si uu Ruuxii doono usoo Tukado iyo kuwa aan Tukan Salaada Ciidda, waa hadii ay soo Xaadiraan Tiro ku filan Tukashada Salaadda Jimcaha, hadii kalase waxaad Tujineysaa Duhur.

4-Qofkii Tukada Salaadda Ciidda ee Ruqsad ka qaata Tukashada Jimcaha waxaa uu Tukanayaa Duhur marka waqtiga Duhurka soo galo ka dib.

5-Maalinkaas Jimcaha eek u Beegan Ciidda lama Sharciyeeyo in loo Adimo Salaada Duhurka –waa hadii Jameecadu ka yaraato tiradii Jimcaha- ilaa Masjid Jimcaha lagu Tukanayo maahane.

6-Hadalka ku Saabsan dadka Tukada salaadda Ciida waxaa ka dhaca Salaadda Ciidda iyo Salaadda Duhurkaba waa war aan sax aheyn, sidaa dartee Culimda Muslimiinta waa ay ka tageen waxeyna ku Xukmiyeen inuu Qalad yahay, waxlala yaabana yahay, Sida uu u khilaafsan yahay daraadeed Sunnaha iyo Tuuritaanka waajib ka mid ah waajibyada illaa Waajibiyay Xujo la’aan, waxaana dhici karta kuwa sidaas qabaa inuusan gaarin Daliilada ku Saabsan Mas’aladan Baneysay kuwa Salaadda Ciida tukaday iney Jimcaha ka tagi karaan, iyo inuu ku waajibayo Salaada Duhurka Maalintaas..

Hadalkaas waxaa Asal ahaan leh Lujnada Daaimka ah EE Culimada Sacuudiga, waxana ku Saxiixan Fadwadaan Culimada kala ah:

اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء
الشيخ عبد العزيز بن عبد الله آل الشيخ .. الشيخ عبد الله بن عبد الرحمن الغديان .. الشيخ بكر بن عبد الله أبو زيد .. الشيخ صالح بن فوزان الفوزان .

Hadaba waxaan rajeynayaa in aan Mas’aladaas ka Faaiideysano kuna Fogaano inaan Dayacno Waajibka Duhurka Maalinka Ciida waa hadii Ruuxa qaato Ruqsad ahaan iuusan Jimcaha Tukan Maalinkaas uuna horey usoo Tukaday Salaadii Ciidda.

Wixii Faahfahin ah u Raadso www.islamqa.com linkiska ah http://www.islamqa.com/ar/ref/109323 ..

عيد سعيد عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير

Waxaa iskusoo Duway Calinuur
Calixoogsade@hotmail.com  

 

 





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo