980 Maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo lagu Badalanayo Gilad Shalit.

Published on November 30, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

ShalitYuhuuda ayaa Shaacisay in tirada Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ay ku badalan doonto Askarigeeda u afduuban Xamaas  Gilad Shalit ay gaaraayaan 980 Maxbuus, kuwaas oo 450 kamid ah ay Xamaas soo qoroneyso Magacyadooda, halka 530-ka kalane ay Yuhuudu Go’aamineyso Magacyadooda ( Sawiro )  .

 

Arintan ayaa soo baxday kadib markii  Qoyska Yuhuhuuda ah ee uu ka dhashay Jalcaad Shaaliid ay Dowladooda ku cadaadiyeen inay yeelaan Dalabyada Xamaas.

 

Qoyskaas ayaa Codsaday in la shaaciyo Magacyada Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la rajeynayo in lasiidaayo laakiin Ninka Yuhuuda u Matalaya isweydaarsiga Maxaabiista ayaa arinkaa kugacanseyray wuxuunu ku tilmaamay arin Caqabad ah.

 

Sirdoonka Yuhuuda ayaa sheegay in Sheekadu ku dul wareegeyso suurtagalnimada in la siidaayo ku dhawaad 450 Maxbuus oo ay Magacyadooda Xamaas soo gudbisay iyadoona si kala goonigooni ah loo siideyn doono.

 

 Sidoo kale Mukhaabaraadka ayaa sheegay in wajiga la labaad la siideyndoono ku dhawaad 530 Masbuux oo ay Yuhuudo Magacyadooda dooran doonto walina lama Shaacinin Magacyada ay Yuhuudo  dooraneyso.

 

Xukuumada Yuhuuda ayaa diidan inay Faahfaahin  dheeri ah ka bixiso arinkan.

 

Ciidamo ka tirsan Xarakada Muqaawamda Islaamiga ah ee Xamaas   ayaa 25/6/2006 Askarigan ka Qafaashay Marinka Qaza kadib markiib ay Dileen 2 Askari oo ka agdhawaa kuwaas oo Qaza u yimid  baabi’inta iyo dhibaateynta Shacabka Reer falastiin ee Dhulalkoodu yuhuudu Xooga ku heysato.

 

Xamaas ayaa 2009 soo bandhigtay Video ay ka soo duubtay Askarigaas kaas oo uu ka muuqanayey Isaga oo labisan Dharka Ciidamamda isla markaana Aqrasinaya Jariidada Falastiin oo soobaxday 14/9/2009, wuxuna sheegay inuu Caafimaad qabo oo ay siwanaagsan ula dhaqmaan Mujaahidiinta Kataab’ib Cizu diin Alqasaam sida uu hadalka u sheegay.

 

Xabsiyada yuhuuda ayaa waxa buuxdhaafiyey Qeybaha kaladuwan ee Shacabka Dulman ee Reer falastiin kuwaas oo maalin walba Yuhuudu si aan kala sooc laheyn uga qafaashaan Dhulalka laheysto, mana jirto Cid si rasmi ah isaga Xilsaartay wax u qabashada Shacabka Yuhuudo Go’doomisay.

Askariga yuhuuda ka maqan ee shalit
Askariga yuhuuda ka maqan ee shalitShalit oo isaga oo Jariidada Falastiin aqrisanaya ka soo muuqday Video ay Xamaas ka soo duubtay
Qoysas Falastiiniyiin ah oo Wada Sawirada Qaraabadooda Yuhuuda u xiran
Qoysas Falastiiniyiin ah oo Wada Sawirada Qaraabadooda Yuhuuda u xiran
Gabadh kamid ah Maxaabiistii lagu soo daayey Filimkii Shalit oo Daawaneysa Video-gii 2-da daqiiqo ahaa ee lagu siidaayey
Gabadh kamid ah Maxaabiistii lagu soo daayey Filimkii Shalit oo Daawaneysa Video-gii 2-da daqiiqo ahaa ee lagu siidaayey


WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Yuhuuda la Deegaameeyay oo 11 Falastiiniyiin ah dhaawacyo u geystay
  2. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 7-aad, Go’doomin ka dib
  3. 9 maxbuus oo ka baxsatay Xabsiga dhexe magaalada Garoowe 4 Askarina dhaawacday
  4. Xamaas oo Kulanka Carabta ee Doxa ka codsatay in la is garab taago Shacabka Reer Falastiin
  5. Wasiirka Amniga Yuhuuda oo Galay Masjidka Al-Aqsaa.

Readers Comments (6)

  1. Fiidhoone says:

    Arrintan haddii ay dhacdo waa farxad maxaa yeelay dad si dulan iyo xaqdarro ah loogu ciqaabayay gudaha xabsiyada Yuhuudda ayaa xorriyaddoodii helaya, waana wax lagu farxo.

    Dhinaca kale marka laga eegana waa si dadban u qiimatirid sharafka dadka Muslimiinta ah, maxaa yeelay waxaa natiijadu noqoneysaa in halkii nin ee yahuudi ahba uu u dhigmo boqollaal muslimiin ah, taas oo markii dhinacaa laga eego noqoneyso in muslimiinta lagu carbinayo liidnaan iyo in cunsurka yuhuudduu uu ka qaalisan yahay kan muslimiinta, wallaahul-mustacaan.

    hase yeeshee muslimiinta maanta nool iyagaa is dhigay halkan lagu bireynayo iyaga ayeyna u taal in ay wax ka beddelaan Allena ma beddelo, mana dooriyo qolo iyo xaalka ay ku jiraan ilaa ay naftooda wax ka bedelayaan.

  2. somali says:

    waa arin farxad le hadii dadka dhiban xornima doodii ay dib u heli lahaayeen.

  3. Ibn Mubaarik says:

    HADDII ARINTAANI AY WAX NA TUSAYSO WAXAA KALIYA EE AY NA TUSIN KARTAA WAXAA WEEYE SIDA AY MAANTA U KALA QIIMO BADAN YIHIIN YUHUUDA IYO MUSLIMIINTA.

    WAANA MAALIN KA MID MAALMIHII UU NEBI MUXAMED CALAYHI SALAATU WASLAAM UU YIDHI WAAD BADAN TIHIIN LAAKIIN WAXAAD TIHIIN DAAD XOOR .

    HOOS DHACAAS U KU YIMID SHARAFKA IYO QIIMHA MUSLIMKA WAXAA ISKA LEH MASUULIYADEEDA MUSLIMIINTA TAASNA NEBIGAA SHEEGAY OO YIDHI ADUUN JACAYL IYO GEERI NACAYB AYAA IDINKU DHACAY.

    WAXAA HADABA LOO BAAHAN YAHAY IN MANHAJKA SAXDA AH EE ISLAAMKA LOO LAABTO TOOBADNA LALA YIMAADO.

    ADUUN JACAYLKA WAXAA KA MID XUKUN JACAYL OO QOF WALIBA DOONAYO INUU ISAGU TALIYO OO WALAALKII ISKA ILAALIYO TAASINA MAAHA MID GUUL KEENAYSO.

    ARINTANI WAA CUBRO QAADASHO U BAAHAN IN SI XEEL DHEEL LOO EEGO

  4. mujaahid says:

    allaahu akbar

  5. calidhux says:

    waxay muujinaysaa arintani meesha maantay mulimiintu qiimika joogaan iyo siday u karaamatireen ardaasha madaxda u ah iyo adduunyo jeclida na indhiyo dhaga tirtay , maxaayeelay hal gaal inuu kaqaymi bato kun(1000) muslim ah waa wax naxdin leh ilaahay faraj hanoofuro aamiin

  6. maxamed says:

    waa arin aan soo dhawaynayo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Yuhuuda la Deegaameeyay oo 11 Falastiiniyiin ah dhaawacyo u geystay
  2. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 7-aad, Go’doomin ka dib
  3. 9 maxbuus oo ka baxsatay Xabsiga dhexe magaalada Garoowe 4 Askarina dhaawacday
  4. Xamaas oo Kulanka Carabta ee Doxa ka codsatay in la is garab taago Shacabka Reer Falastiin
  5. Wasiirka Amniga Yuhuuda oo Galay Masjidka Al-Aqsaa.

Latest Headlines