Yuhuuda ayaa Shaacisay in tirada Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ay ku badalan doonto Askarigeeda u afduuban Xamaas Gilad Shalit ay gaaraayaan 980 Maxbuus, kuwaas oo 450 kamid ah ay Xamaas soo qoroneyso Magacyadooda, halka 530-ka kalane ay Yuhuudu Go’aamineyso Magacyadooda ( Sawiro ) .
Arintan ayaa soo baxday kadib markii Qoyska Yuhuhuuda ah ee uu ka dhashay Jalcaad Shaaliid ay Dowladooda ku cadaadiyeen inay yeelaan Dalabyada Xamaas.
Qoyskaas ayaa Codsaday in la shaaciyo Magacyada Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la rajeynayo in lasiidaayo laakiin Ninka Yuhuuda u Matalaya isweydaarsiga Maxaabiista ayaa arinkaa kugacanseyray wuxuunu ku tilmaamay arin Caqabad ah.
Sirdoonka Yuhuuda ayaa sheegay in Sheekadu ku dul wareegeyso suurtagalnimada in la siidaayo ku dhawaad 450 Maxbuus oo ay Magacyadooda Xamaas soo gudbisay iyadoona si kala goonigooni ah loo siideyn doono.
Sidoo kale Mukhaabaraadka ayaa sheegay in wajiga la labaad la siideyndoono ku dhawaad 530 Masbuux oo ay Yuhuudo Magacyadooda dooran doonto walina lama Shaacinin Magacyada ay Yuhuudo dooraneyso.
Xukuumada Yuhuuda ayaa diidan inay Faahfaahin dheeri ah ka bixiso arinkan.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Muqaawamda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa 25/6/2006 Askarigan ka Qafaashay Marinka Qaza kadib markiib ay Dileen 2 Askari oo ka agdhawaa kuwaas oo Qaza u yimid baabi’inta iyo dhibaateynta Shacabka Reer falastiin ee Dhulalkoodu yuhuudu Xooga ku heysato.
Xamaas ayaa 2009 soo bandhigtay Video ay ka soo duubtay Askarigaas kaas oo uu ka muuqanayey Isaga oo labisan Dharka Ciidamamda isla markaana Aqrasinaya Jariidada Falastiin oo soobaxday 14/9/2009, wuxuna sheegay inuu Caafimaad qabo oo ay siwanaagsan ula dhaqmaan Mujaahidiinta Kataab’ib Cizu diin Alqasaam sida uu hadalka u sheegay.
Xabsiyada yuhuuda ayaa waxa buuxdhaafiyey Qeybaha kaladuwan ee Shacabka Dulman ee Reer falastiin kuwaas oo maalin walba Yuhuudu si aan kala sooc laheyn uga qafaashaan Dhulalka laheysto, mana jirto Cid si rasmi ah isaga Xilsaartay wax u qabashada Shacabka Yuhuudo Go’doomisay.



Related posts:
Arrintan haddii ay dhacdo waa farxad maxaa yeelay dad si dulan iyo xaqdarro ah loogu ciqaabayay gudaha xabsiyada Yuhuudda ayaa xorriyaddoodii helaya, waana wax lagu farxo.
Dhinaca kale marka laga eegana waa si dadban u qiimatirid sharafka dadka Muslimiinta ah, maxaa yeelay waxaa natiijadu noqoneysaa in halkii nin ee yahuudi ahba uu u dhigmo boqollaal muslimiin ah, taas oo markii dhinacaa laga eego noqoneyso in muslimiinta lagu carbinayo liidnaan iyo in cunsurka yuhuudduu uu ka qaalisan yahay kan muslimiinta, wallaahul-mustacaan.
hase yeeshee muslimiinta maanta nool iyagaa is dhigay halkan lagu bireynayo iyaga ayeyna u taal in ay wax ka beddelaan Allena ma beddelo, mana dooriyo qolo iyo xaalka ay ku jiraan ilaa ay naftooda wax ka bedelayaan.
waa arin farxad le hadii dadka dhiban xornima doodii ay dib u heli lahaayeen.
HADDII ARINTAANI AY WAX NA TUSAYSO WAXAA KALIYA EE AY NA TUSIN KARTAA WAXAA WEEYE SIDA AY MAANTA U KALA QIIMO BADAN YIHIIN YUHUUDA IYO MUSLIMIINTA.
WAANA MAALIN KA MID MAALMIHII UU NEBI MUXAMED CALAYHI SALAATU WASLAAM UU YIDHI WAAD BADAN TIHIIN LAAKIIN WAXAAD TIHIIN DAAD XOOR .
HOOS DHACAAS U KU YIMID SHARAFKA IYO QIIMHA MUSLIMKA WAXAA ISKA LEH MASUULIYADEEDA MUSLIMIINTA TAASNA NEBIGAA SHEEGAY OO YIDHI ADUUN JACAYL IYO GEERI NACAYB AYAA IDINKU DHACAY.
WAXAA HADABA LOO BAAHAN YAHAY IN MANHAJKA SAXDA AH EE ISLAAMKA LOO LAABTO TOOBADNA LALA YIMAADO.
ADUUN JACAYLKA WAXAA KA MID XUKUN JACAYL OO QOF WALIBA DOONAYO INUU ISAGU TALIYO OO WALAALKII ISKA ILAALIYO TAASINA MAAHA MID GUUL KEENAYSO.
ARINTANI WAA CUBRO QAADASHO U BAAHAN IN SI XEEL DHEEL LOO EEGO
allaahu akbar
waxay muujinaysaa arintani meesha maantay mulimiintu qiimika joogaan iyo siday u karaamatireen ardaasha madaxda u ah iyo adduunyo jeclida na indhiyo dhaga tirtay , maxaayeelay hal gaal inuu kaqaymi bato kun(1000) muslim ah waa wax naxdin leh ilaahay faraj hanoofuro aamiin
waa arin aan soo dhawaynayo