Taliyaha Ciidamada AMISOM “Shariif wali waa Saaxiib Wanaagsan”.

Published on November 29, 2009 by   ·   15 Comments   ·   print

Sh ShariifTaliyaha Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisha ayaa Sheegay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu wali yahay Saaxiib Wanaagsan oo ay la macaamili karaan Ciidamada Midowga Africa, isagoona sidoo kale Wadahadal ugu Baaqay Dhinacyada Isku haya Soomaaliya.

Gen. Nathan Mugisha oo ah Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo Saldhigiisu yahay Garoonka Muqdisho agtiisa ayaa yiri: “ ma arko wax fashil ah wali shariif kamuusan Tanasulin wadahadalka Mucaaradka Hubeysan isagoo ku dadaalayo inuu ku soo daro Dowladiisa KMG ah”.

Waxa uu sidoo kale yiri:“ Waxaa jira Xiriiro aanu la leenahay Al-Shabaab waxaanan ku boorineynaa dhamaan Dhinacyada inay joojiyaan Dhibaatooyinka”.

“haddii aysan jirin Koox Awooda inay Guuleysato Xalka kaliya ee jiraa waa in Qaab Siyaasadeed wax lagu xaliyo. Waqtigii Soomaalidu arinkaa Fahmi lahaayeena wuu dhawyahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Waxa uu hadalkiisa ku sii daray:“ Dhinacyada is haya haddii ay awood u yeeshaan inay ixtiraamaan heshiisyada ay gaaraan, Beesha Caalamkuna taageerto, Nabadgalyo waarta ayaa la helayaa”.

Waxa uu sheegay in Ciidamadoodu yar yihiin Dhaqdhaqaaqooduna gaabis yahay isagoona Qiray in Fulinta howshii ay u yimaadeen ay ku dhiban yihiin.

Sidoo kale waxa uu Sheegay inay ku qanacsan yihiin Howsha ay wadaan Mushkilado sidaa u balaarana aysan jirin.

Mar wax laga weydiiday Dadka Shacabka ah ee ay dhibaateeyaan ayuu inkiray Tacadiyada Faraha badan ee ay u geystaan Rayidka.

Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay in Howshoodu adagtay laakiin ay suuro gal tahay inay fuliyaan hadafkooda wuxuuna sii raaciyey:“ Tabarta Ciidamada DKMG ah waa lagama maarmaan si ay u badalaan Ciidamadeena”.

Janaraalkan ayaa ku dhaawacmay Weerarkii Isqarxinta ahaa ee Shabaabul Mujaahidiin ay ku Qaadeen Ciidamada AMISOM 17 September waxaana ku dhintay weerarkaas ugu yaraan 17 Askari oo AMISOM ah kuwaas oo ay ku jireen saraakiil Sar sare.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Shariif oo sheegay inaysan Ciidamada AMISOM Baxayn
  2. Taliyaha Ciidamada DKMG ah ee B/weyne oo Dagaalkii Saaka ka Warbixiyay
  3. Sh Shariif oo Wadahadal ugu baaqey Xoogaga ka horjeeda, Dalbadayna kordhinta Ciidamada AMISOM.
  4. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo wali ku jira gudaha Degmada Dharkaynlay
  5. Xaad oo ka hadlay Shirka Culimada, AMISOM iyo Xoogaga wali Dagaalka wada

Readers Comments (15)

  1. falxado says:

    Sh. Shariif ilama ahaa inuu yahay “saaxiib” cusub ee waa “Maxbuus” Cusub, oo ku shaqeeya awaamiirta AMISOM oo sida la ogyahay iyagaa kontroola dhaqdhaqaaqiisa oo dhan!

    Sida ay xaqiiqadu tahay ma jiraan wax la yiraado DKMG waxaa jira waa ciidamada Afrikaanka ah ee ku yimid qabsashadii Itoobiya waddanka qabsatay.

    Haddii ay meesha noo joogaan Madaxweyne, Raisulwasaare, wasiirro, xildhibaanno iyo ciidamo, nalakuma garaaceen madaafiic sumaysan iyo hub halis ah!

    Waligay ma arag wa ka been badan gaaladan, wuxay ku lee yihiin shacab ma duqeyno!!! run ahaantii kuwaasi waa cadow dhab ah oo mudan in lala dagaallamo, waxaase mushkilad ah in kuwa la dagaallamaya ay abuurayaan dhib aan kan AMISOM ka sahlanayn!

    Waxaa xaqiia ah in kuwa islaamiyinta loo bixiyay (kuwa dowladda isku sheegay iyo kuwa ka soo horjeedaba) aysan wax badan ka been yareen gaalada!!

    Waxaan arkay Xadiith laga wariyey Rasuulka SCW oo macnahiisu yahay (Qofka Muslimka ah ceeb oo dhan waa yeelan karaa, marka laga reebo beenta iyo khiyaamada)

  2. nasrillaah says:

    yaa idinla ok in beesha caalamka hadeeysan daageera bixinin nabat laheleeynin yaa aamin san usheega dadka aat waardiyeeysaan dadkaasaa aaminsane

  3. haadi says:

    ALLAAAHU AKBAR WALILLAAHI ALXAMD gaalo markay wadey GUMEESI IYO GARAAC umadeena muslimk ka dhan ah ayay 3sano kadib leedahy waan ognahay dhaqaalaheena wa gaabis ma awoodna inaan wax xalino waana sax ilaahy waxa uu yiri (KUWA JIDKA ILAAHAY KA LEEXDEY WEY BIXINAYAAN HANTIDOODA SIDII AY JIDKA ILAAHY U GOON LAHAAYEEN WEEY BIXIN DOONAAN KOLKAA BEY SHALAYTO KUNOQON DOONTAA KOLKAASAANA LAGA ADKAAN DOONAA KUWAAS JAHANAMA AYAA LAU URUURIYO ) MACNO UDHOW SUURATU ANFAAL walalaayal mid ogaada waxaa lagaarey waqtiga ay gaalo ka dhameen laheed dulqaadka saas ayayna usheegtaan fashilka iyo hooga maahan mid ku kooban somlia ee waxaa kamid ah meelaha ay fashilka kuqirteen AFGHAN ciraaq iyo meelo badan marka walalayaalow gaalo wey jabtaye ee KHILAAFADII ISLAAMKA baa inoo soo laabaneesee ee aan samirno ISHAACAATKANA dadka sheegaayo aan afka iyo adinka kula dagaalno si aan u helno RAAYATATTOWXIIDI BEEDAA’A NAASICAH MUNAZAHA taana waxaa lagu gaari gaara WUXDO samc waddaacah TAQWWALAH

  4. ahmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    somalimirror wayidin dhibaysaa arintaas anay madaxweynaha iyo midowga afrika is fahankooda

  5. cabdinaasir says:

    haa Gaalka xun ee Amisomta madaxda u ah waa kaas yidhi sharifka waa nin aanla shaqeyn karno,,,ilaahbaa qur’aanka noogu sheegay in Gaalo iyo gaala raacba sxbyihin uurkana iska jeecelyihin Afkana uga dhawaaqaan,waagii hore shariifkaa la qeylin jiray amisom waa dad fiican oona caawinaaya ayaguna maantey dhaheen wanla shaqeyn karnaa, waad wada shaqeyn kartaan isku meel ayad ka biya cabteen labo gaalo aya tihin,,uurka ayad iska jeceyihisn musiib ha idinku dhacdo,,gacmaha mujaahidiinta ilahey ha idinku halaago

  6. wadaad yare says:

    Falxado

    Ha la yaabin haday maanta adiga iiga kaa dhegtey. Qof saaxibu ra,yi ah ayaad tahey sidaan hadalkaaga ka fahmi karo, sidaas darteed kuuma quuro inaad ku dhex milanto jaah wareerka siyaasadeed ee ay abuureen xag jirka diineed iyo kan qabyaaladeed. Soomaalidu uma qafaalna Amisome ra,yi xumadoodey u qafaalanyihiin.

    Gabar Maryan Cariif la yiraahdo ayaa hada ka hor qotey buug la yiraahdo:”Dadkii iyagu qafaalka isku qabsadey”.

    Ciidamada Amisom, kuwii kalee Itoobiya iyo kuwii kasii horeeyee Unisom, qabqableyaashii hore iyo kuwa hadee cimaamadaha wata dhamaantood camalkeeni weeye ee inagu aan mawqif xalaal ah ka qaadano arimaha siyaasada dalkeena.

    1. Dawlad halala dagaalo aan ka weynaano.
    2. Jabhad qabiil iyo mid diineedba aan ka korno.

    Waa wax aan la qaadan karin inaan diidno dad iney wax xakumaan naftoodina ku jaribno iney shisheeye magan galaan, hadana ku eedeyno ineysan umada wax u qabaneyn!Horta fursad ma siisey uu wax ku qabto? miinada iyo xabada ma ka deysey si uu gaalka uga maarmo? Askar iyo xoog ma u noqotey si uu mooryaanka iyo shisheeyaha uga maarmo?

    Waa nasiib darro inaan cabaadno dhibkana aanan ka waantoobin.

    Sh. Shariif dhaliilo badan oo quus gaarsiinaya taageerayaashiii ayuu leeyahey, laakiin mucaaradkiisa ayaa kasii dhaliil badan dhamaan wuxuu ceeb lugaha kula jirana iyagaa masuul ka ah.

    Maxaa talaa marka ma in sidaas aan isku soo hor fadhino oo qofba qof eedeeyo.

  7. Alwalaa Wal Baraa says:

    Shayddaan yare maa soo noqday? war gabadha Falxado wadata kun jeer ayay kaa caqiiddo iyo fikir wanaagsan tahaye ka leexo wax daran yahoow gaalo jecaylka badan iyo jihaad neceybka badan.

  8. daadir yare says:

    DAAYEERTA AMISON (MONKEYS) CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAALKA AH HA OGAADEEN AQALADII AAD DUMISEEN IYO BUR-BURKII HANTI IYO NAFBA INAAN WALI LAGA XISAABTAMIN,

    MAXAY MONKEYS MUQDISHO U JOOGAAN? MAXAY SE YAHAY AHMIYADDA AY LEEDAHAY JOOGISTOODA? YAA KA MASUULA AH DHIBKA AY GEEYSTAAN?
    DAAYEERADA AMISON WAXA AY MUQDISHO UGU XAREYSAN YIHIIN INAANAY SOMALIYA DAWLAD AY AMERICA IYO BRITIAN RAALI KA AHAYN AANAY KA DHALAN OGOOW UGANDHA WAA COMMONWEALTH MEMBER IYO SHAQAALAHA CUSUB EE SAHYUUNIYADDA. BRUNDI WAXAY MATALEYSAA DANAHA KUWII GUMEYSAN JIRAY EE FRANCE, TAARIIQ AHAANA WAA CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAAL LOO SOO KIREYSTAY INAY KU DUULAAN DADKA MUSLIMIINTA AH
    TANXUGTA LABADA WADANBA MA LAHA DEKED AMA XEEB DAMAC DHEER WUU ISKA JIRAA ILAYN XAQIIQIYAN MARKA LOO HADLO DHAMAAN DEKEDAHA WAAWEYN EE EAST-AFRICA WAXAA ISKA LEH MUSLIMIIN KA BILOOW DHAMAAN XEEBAHA DALKA SOMALIYA TAN JABUUTI TAN MOMBASA OO AAN WADA OGNAHAY CIDDA ISKA LEH IYO HALKEY KA SOO JEEDO,

    WADAADKAN YAR EE AAN NOLOSHIISA $500 ARAG AYEY NIMANKAN GUMEYSTAHA AHI $90,000 MUSHAARAD BILEED UGA DHIGEEN WAA KII FARXAD AWGII BLOOD PRESSURE UGU DHACAY, MIYEY IDINLA ATAHAY INUU MADAXWEYNE SOOMAALI YAHAY ISAGOON MAG KA BIXIN HADAL XITAA AANAN KA ORAN BURBURKII MUQDISHO EE MAXAYSATADA DAAYEERADA REER AMISON U GAYSTEEN MAALMIHII UU BAXAYAY IYO MAALMIHII UU SOO NOQONAYAY,
    WAXA KALE OO II MUUQATA IN MAGAALADA MUQDISHO LAGA BARAKICINAYO SIDA QARSOON DADKA AAN U DHALAN HAWIYEEEEEEE TAAS OO MARQAATI MA DOONTO AH OO AAN GOOB JOOG U AHAY HAYB SOOCA SI LOO DILO BURBURIYO DHACO QAXIYO DADKA AAN MOORYAANTA KU ABTIRSAN EE NATIVE KA AH.

    MONKEYS UMMADDA KU XASUUQDAA IYO CAQLI ABGAAL YEELAYAA TII ALLE UNBAY ARINTU AHAANEYSAA.

  9. Caloofi Alsomali says:

    ASC TO:Wadaadyare iyo Falxad+Shariif Murtad.

    marka hore hadalka gaalka AMISOM waa mid muujinaya gaalnimada cad ee shariifka.
    Wadaad Yare in aad Gaalada Ra’yigaaga ku taageerto waxay aakhirkii keenee in aad iyaga lamid noqonto.
    ogoow oo xuusto Xadiiskii ahaa in qofka laweydiinayo waxa uu waqtigiisa iyo Cilmigiisa ku bixiyo marka tacasub iska daa oo ha gaaloobin.

    gaalna ha difaacin aniga iyoadiga aljazeera ayaan iskula qornaa afkaar ilaa iyo hadana kuguma arko eray aan gaala u adeeg ahayn.
    Midna ogaaw in aysan aakhiro jiri doonin “wadaadyare ama Caloofi waa qatar afkaartooda ayay shabadahaka dhiibtaan” walaahi hadaad sidaas u soo gasho gaalana aad taagerto waad khasaartay.
    anaga iyo falxado fikirkeena waa cibaado waayo islaamka ayaan u nusraynaa iyo dhamaan walaalaha kale eee gaalada caaya.

    Nabi Muxamed SCW Xasaan Bin Thaabis ayuu yidhi ” kaalay kuwaan naga caay” ooo gaalada Nabigu ula jeeday adna maalin kasta islaamka ayaad caydaa

    ilaah ayaa ku qaban doono hadaadan towbad keenin

  10. Togane says:

    Wadaad Yare banaanaka halaga maro!

    Waa ninka kaliiya ee leh aqli saliim ah oo diinta iyo dadnimada Soomaalidaba dan ugu jirto..

    Kuwiinan kale sida caloofi iyo kuwo la midka ah taladiinu iyo tusaalihiinu waa jar iska tuur 20 sano Soomaalida lagu jahwareeriyey, waxaad tihiin kuwo aanan waqtiga waxba barin..

    Hogaamiyayaashii ururada qabaa’ilka markii ay arkaan qof afkaartoda ka soo horjeeda waxay u eedeyn jireen oo ay ku caayi jireen in uu ka dhashay ama u nisbo sheegto qabiil kale, sidaas awgedna uu cadow ku yahay qabiilkooda.

    Kooxo diimeedka hadeer meelaha ka qayliyane, qof alla iyo qofkii xumaantooda sheega iyo qaabdaradooda waxay ku dhajiyeen stamp ah in uu gaal kal-kaal yahay.

    Waana waxaas waxa maanta lagu heysto ninkaas wargalka ah ee Wadaad Yare..

    Mooryaan Qabiileed iyo Mooryaan Diimeed waaaye waxa Soomaalida hagardaamada ku heysta..

  11. nasrullaah says:

    wadaadyare xarakooyinka kajira soomaalia wax waat kasheegi kartaa adiga oo ku aadan fahamkaga laakiin waxaa iga yaabisay hadalo farabada oon kaa arkay oot aat ugu taageereeysit amisoon iyo waxeey wadato oot adiga utaqaanit nabat ilaalin illaaheey ayaa nabat ilaaliyo aaniga waxaan u arkaa hadaladaada inaadan kadhiibaneeynin fahamkaga saat u araktit islaamiyiinta ee aat utahay amison taageere iyo waxeey wataan waxaan kudhihi lahaa waligaa ilaaheey dattiis wax utaageer

  12. falxado says:

    To: Caloofi

    Su’aal: Boqorka Sucuudigu ma muslim baa??

    Haddii aad shaki laan aad haa ku jawaabto, boqolkiiba boqol waa kusaxantahay firkaddaada sida sahlan u odhanaysa “hebel murtad, Hebel Gaal”, haddii aad ku jawaabto maya, waxaa ku leeyahay fikradda aad taageersantahay dad yar ayay Musliim u taqaannaa. Haddii aad ku jawaabto ma ogi, waxaan ku leeyahay dadka ha gaalaysiinin Ilaa aad wax ka ogaato.

    qoraalkaaga waxaad ku billowday: ASC, waxaan filayaa inaad ula jeeddo “Salaamun Calaa mani-tabacl hudaa!”, dadka aad hadalkaas u qortay waxaa ku jira mid aad ku sheegtay “Murtad”.

    Wadaad Yare

    Waxa jira in la sheego cidna la beddeli maayaan sida ay tahay!

    Inay Islaamiyiintu khalad leeyihiin waxba ka beddeli mayso in AMISOM ay tahay cadaw daran oo loo baahanyahay inuu qaato cashar adag oo xanuujiya! inay yihiin ragaad ay reer galbeedku na dhex dhigeen loona baahanyahay in la suuliyo.

    In Al-shabaab ay dadka Gaalaysiin siyaasadeed ku hayaan, waxba ka beddeli mayso in Shariif uu yahay faashil aan “Vission” iyo “Mission” siyaasadeed, dadaalkiisuna kusoo koobmay inuu lafihiisa ilaashado xooga dhaqaale ahna raadsado!

    Haddii aan khaladaadka Islaamiyiinta uga cararno Islaamka, miyeynaan ku dhicin dabinkii naloo qoolayey laftiisi!!!!!

    Islaamku wuu sarreeyaa, lagamana sarrayn karo, qofkii islaamka magaciisa ku bannaystay waxyaabo uu ilaahay xarrimay, isagaa addun iyo aakhiriba khasaari doon!!

  13. wadaad yare says:

    togane

    mahadsanid saaxiib. Sh. Shariifka hada gabaabka ka dhigtey Amisom oo la heystaha ah waa isla isagii hogaamiyaha u ahaa lixdii bilood oo ilaa hada ay wadaadadu ku faanaane maxaa is badaley?

    Shaki ma laha inuu dhaliilo tiro badan oon u wada jeedno leeyahey, laakiin madaxda aduunku heysto uma liiteen haddii la garab istaagi lahaa.

    Magaaladii furin dagaal ayaa laga dhigey, isagiibaa lafihiisi u baxsan la oo god iyo taangi ku dhuunta, markaas ayaa la leeyahey muu wax qabto! Cajiib

    Taasi waxey la mid tahey maa Xasan Mahdi iyo Sh. Cabdullaahi Cali Xaashi iyo wadaadada hada Kenya magan gelyada u galey tallaabo ka qaadaan dawlada Kenya oo hada magan gelisey!

    Dabcan dad badan oo Xisbul islaam taageersan way fahmayaan iney raggaas dantu ku kalliftey iney sidaas ihaanada ah galaan. Laakiin waxaan rajeynayaa iney garowsadaan in raga Amisom ku waardiyeyso Muqdishana ay iyaguba leeyihiin naf macaan oo loo jecelyahey sida kuwa keenya galey naftooda u jecelyihiin. Waana in loo garaabo raga Muqdisho ku hareereysan oo miinada iyo madfaca walaalahood ka gabaadsadey taangiga amisom.

    Labo mid ayaana lagu furdaamin karaa xaajadaas murugsan.

    1. In ragaas madfaca iyo miinada wataa tahdiidka joojiyaan oo wada hadal arinta lagu furdaamiyo.

    2. Ama in loo midoobo sidii tahdiidkooda aan cidna reebeyn leyskaga qaban lahaa oo iyaga iyo shartooda meesha looga saari lahaa.

    Raggii Xisbul islaam taageersanaa meeye wax garowsho ah ma leeyihiin raga Sh. Shariif ee lagu hareereysanyahey, mise weli dawlad riddo ayey idiin taaganyihiin Sh. Shariif Sh. Axmed,Sh. Axmed Bile,Sh. Maxamuud Gerweyne, Sh.Daahir Maxamud Geelle, Sh. janaqow, Sh. C/qaadir Cali Cumar iyo raggoodi kale eed ka raacdeen raga hada adinka Kenya idinku Shubey, mise adinkana Kenya waa idiin banaantahey iyagana Amisom iney ilaaliso way ku ridoobayaan?

    Ma aanan arkin wax garowshiiyo oo aad siiseen walaalihiini hore ood adinka iyo Shabaab baqtiga cunidiisa ku jaribteen, adinkana hada markii baqtiga ka idiin dhib geliyey waad ka xumaateen oo waan aragney sidaad isku difaaceysaan.

    Inta miyirka qabta ayaan jawaab ka rabaa.

  14. Alwalaa Wal Baraa says:

    Shayddaan Yaroow weli ma xumaan baa la sugaysaa mujaahidiinta? war goormee wax garwsanaysaa?

    war mabdda’aan walaalkaa Shariif Shayddaan iyo waxa raacsanba aad taageersan tihiinba ee ku dhisan zanddiiqnimada iyo kufriga anaga bari ayaan ka nahay.

    viva Alshabaab.

    Shayddaan yaroow xuuuuuuuuuuux Alshabaab waa tan waa soo socotaa ee ka carar meesha.

  15. faham says:

    to wadad yare… asalaamu caleykum
    1) mida aa tiri maxaa is badalay waa asagii 6bilood wax hogaaminaayey… waxaan ka dhahy..wax badan ayaa is badalay..dowladii waagaas uu ka soo horjeeday uu hadda ka tirsanyahay..dad badan u dhihi jiray cadowga ILLAHEY aya hadda sxbdiis ah..iyo qaar kale oo badn oo faaladan lagu sookoobi karin.
    2)markaad leedahay dhaliil wuu leeyahay, hadan waa in la garab istaagaa…c/hi yusufba dhalil wuu lahaaye maxaa loola diriray..ma hawiyanimo ayaa loo dhaafaa. c/hi daaroodbu ahaa oo muqdisho iyo agagaarkeeda qabiilkiisa kama dhaween..
    3)tan kale oo aad tiri naftiisa ayuu baxsan la’yahay..meeqaa dad badan la raadsanaayaa ooeey ku jiraan dadka hada asaga la dagalamaayo oomujaahidiinta ah…ma waxay u galeen gaalo oo eey yiraahdeen kaalaya na waardiyeeya oo gaalo kalaa na ersaneysii naga dhiciya…
    4) mida kale oo aad tiri shiyuukh badan oo xisbul islam ka tirsan aa kenya galay..waxaan kaa oran laha meeqaa xisbul islam kujirta oo aan gaalo u galin rabinna inay galaan, sida sh.xasan turki….marka wxaan kaa leeyahay ninkii gaalo u gala asagaa yaa markii horeyba rabay ee gaalo naceyb kama ahan, maxaa yeelay meelo kale oomusliminn eey jogto waa tagikaray ookhiyaarkiisa buuku galay…
    5)tan kale ha isku dayin ina aad mujaahidiinta dhexdooda fidno iyo naceyb aad ka abuurtay…maxaa yeelay dadka ayagoo walaalo ah ayey waxyaabaha qaar isku qilaafi karaan..kuwa kismaayo dagaalka ka wadayna dad dan leh inaay ahaayen oo aay xisbiga ka tarjumeynin wxaa kaaga cad..dagaalki maalin dhaweyd eey shabaabulmujaahidiin iyo xisbul islam isla qaadeeen oo xamar ka dhacay degmada hodan…marka waxaan ku leeyahay waxba ha u maldihin walaaha inta badan halakaan fikirkooda ka dhiibanaayo oo og..amnisom inay cadow tahay…sidoo kale waxy ogyihiin cadawgaas qofkii la saftaa inuu ayaga la mid noqonaayo inshALAAH…




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Shariif oo sheegay inaysan Ciidamada AMISOM Baxayn
  2. Taliyaha Ciidamada DKMG ah ee B/weyne oo Dagaalkii Saaka ka Warbixiyay
  3. Sh Shariif oo Wadahadal ugu baaqey Xoogaga ka horjeeda, Dalbadayna kordhinta Ciidamada AMISOM.
  4. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo wali ku jira gudaha Degmada Dharkaynlay
  5. Xaad oo ka hadlay Shirka Culimada, AMISOM iyo Xoogaga wali Dagaalka wada

Latest Headlines