HARO (Humanitarian African Relief Organization) oo ah Hay’ad maxaliya kana shaqeysa arimaha bulshada, waxay ciidan Udxiyo ka qeybisay dhowr magaalo oo dalka ( Sawiro ) .
Magaalooyinka HARO Udxiyo sanadkan ka bixisay waxaa ka mida Boorame, Hargeysa, Burco, Boosaaso, Garoowe, Hiiran iyo Ceelasha Biyaha.
Xoolo ka badan 200 oo Neel oo Adhiya ayaa Hay’adu Magaalooyinkaas ka qeybisay, waxaana ka faa’iideystay dadka ugu taagta daran dhanka Nolosha ee Magaalooyinkaas ku dhaqan.
Qaar ka mida Qoysaska u qaxey Deegaanada Ceelashada Biyaha, waxey Hay’adu gaarsiiyay 20 Neef oo la kala gaarsiiyay ilaa 40 qoys oo ka mida dadka ugu nugul dhanka Nolosha.
Hay’ada HARO, waxey dhanka arimaha bulshada ka taageertaa dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan Gobolada Dalka, mana aha markii ugu horeysay oo sidan kale taaageero ugu fidiso.
HARO oo ah Hay’ad Maxaliya kuna Bahoobeen Walaalo Muxsiniin ah ayaa hawlo Badan u qabatay Umada Soomaaliyeed hada kahor sida ayo oo ay Agoon ku quudisay Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha oo ay in badan wax ka qabatay dhibka Barakacayaasha sida Kontener Dhar ah iyo Raashin sidoo kale Baydhabo oo ay Masaakiin joogto Raashin u qeybiso iyo Gobolada Dhexe oo ay raashin ka qeybisay sidoo kalena 400 oo qoys horey Afur sameysay.

Xeyn Ari ah oo oo ay Haro Udxiyo u diyaarisay

Xoolaha oo Qaliinka loo diyaariyey

Qeyb kamid ah Xoolaha Qaliinka diyaarsan

Haween Kamid ah Barakacayaasha oo Saf ugu jira Qaadashada Udxiyada

Shaqaalaha oo ku howlan Qalitaanka Udxiyada

Xeyn Ari ah oo Udxiyo ahaan loo qalay

Dumarka oo iyagoo udxiyadooda wata sii kala dareeraya

Related posts:
Asalamu calaykum waxaan mahad khaas ah udiriyaa walaalaha abuuray hay adan khayriga ah iyo dhamaan dadkii ka qaybqaatay khayraadaka aywadao HARO walaalayaal waxaa wax lagu farxa ah in umadiina laga helo dad noocya badan leh taasna waxay kutusaysaa inaan khayr badannahay oon umadeena islaamka jecel nahay dhibka umadeena lagu haayana iyo abaaraha baahsadayna aan kaxunahay marka waxaan oran lahaa walaaha qurbooyinka kunool inay wax noogu soodhiibaan hay adaas HARO oo aad na gacan qabataan sabatoo ah iyadoo cusub ayay waxay qabanaysaa wax ay qaban waayeen hay adihii soojiray waxaana kadareemayaa inuu ikhlaas badan uu kujiro ficilladooda wanaagsan walaalayaal hadii aan hellay hay ad runtii karun sheegaysa wax qabadkeeda waxaa ilahaboon in aad wax noogusoo dhiibtaan hay adan run ahaantii aad bay nooqancisay ooguna faraxnay murugta ay umadeeda laqaybsanayso ilaahayow camalkooda haka dayicin oo ka ilaali wax alla wixii ka horistaagayo wanaaga ay inoo hayaan umadaadana allow kuhanuuni inay wax noogu soodhiibaan allow amiin. Waxaan kusoo gaba gabaynayaa inkuguna dardaarmayaa inaad sadaqaadka utartantaan meelkastood joogtaan naloona sooduceeyo inuu allah naga qaado dhibka nahaysto anigana waxaan idinkaga baryaya inaad allah si khaas ah la iigu duceeyo waxaan kamid ah dadka uu dhibkaan haysto mana doonayo in al I ogaado waxaan igu filan ducadiina ee igusoo kaalmeeya. Jazaakumulaahu khayr. Wasalaamu calaykum