Amiirka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin oo Fariin Cod ahi kaga hadlay Xaaladda uu Marayo Dalka

Published on November 28, 2009 by   ·   15 Comments   ·   print

Al-ShabaabAmiirka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr) oo Munaasabadda Ciidul Adxaa Fariin Cod ah soo gaarsiiyay Maanta Qalabka Warbaahinta ayaa uga Hadlay Arimo badan oo ku saabsan Xaaladda uu wadanka Soomaaliya Marayo iyo Yoolka ay Tiigsanayaan.

Ugu Horeyn wuxu Guud ahaan Umadda Islaamka, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hanbalyeey Ciida Carafo, wuxuuna ilaahay uga baryay in Ciidan Ciideeda kale ay ku gaaraan iyaga oo xor ah hoos Hadhsanayana Sharciga Alle wuuxuna yiri “Marka hore waxaan Salaan u dirayaa Umadda Islaamka meel Kasta oo ay joogto, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed, ilaahayna waxaan Ka baryaynaa inay Ciida kale Timaado iyadoo Dalka laga sifeeyay Saliibiyiinta iyo Murtadiinta Umadana ay Hoos Hadhsanayso Sharciga Alle”.

Sheekh Abuu Zubeyr wuxuu kaloo sheegay in Dagaalka ka dhaxeeya Xaqa iyo Baadilku uu soconayo inta Qiyaamadu ka dhacayso isla markaana uu Baadilku Midabo iyo Wadooyin badan kolba ku imaanayo, “Alle SW, wuxuu Koonkani ku Maamulaa Siraac ka dhaxeeya Xaq iyo Baadilka, Si Raacaasna waa Mid jira, waa Mid jiri Doona illaa Qiyaami Saaca, Xaqa Waa Mid kaliya, Waa Dariiq Toosan, Manhajkiisu wuxuu ka soo baxayaa il Qudha, Baadilku waa Midabo Badanyahay Marinadiisuna waa kala badalanyihiin, Marna mid buu ku imaanayaa”.

Amiirka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale inay Qofka Muslimka ahi uu u dhaxeeyo labo Colaadood oo kaga kala imaanaysa Gaalada iyo mid kaga imaanaysa Munaafiqiinta iyo Qaar ka mid ah Muslimiinta oo uu ku tilmaamay kuwa u dheg raaricinaya Munaafiqiinta.

Wuxuu kaloo sheegay in Dadka ku hoos nool Dowladaha uu ku tilmaamay Ridada isla markaana soo dhaweysanaya Dawaaqiidooda lana shiraya ama ixtiraamaya Qawaaniintooda Dad aan ka dheerayn Daaquut Minduunillaahi la Caabudo.

Isaga oo arimaahsi ka hadlayana waxa uu yiri “Alle SW, wuxuu inoo Sheegayaa in Jidkiisu uu yahay Mid Toosan oo kaliya, wuxuu inoo sheegayaa sidoo kale inay jiraan Duruq kale iyo Marino kale oo fara badan oo Qofka ka leexinaya Dariiqa Toosan, Qofka Muslimka ah, had iyo goor wuxuu u dhaxeeyaa Labo Colaadood, Colaad Muuqata oo kaga imaanaysa Gaalada iyo Murtadiinta iyo Colaad Daahsoon oo Mu’aamaraad iyo Khiyaamo ku dhisan oo kaga imaanaysa Munaafiqiinta iyo Qeyb ka mid ah Dadka Muslimiinta ah oo kuwaa Munaafiqiinta u Dheg raaricinaya ama ku dagsoomaya… halkaa Ikhwaanii Fillaah waxaa inooga Cadaanaya Dad badan oo Maanta Dowladaha Ridada ku Dhex Noolaa Axdaantooda, oo Soo dhaweysanaya Dawaaqiidooda oo la shiraya oo Maamuusaya, ama Qawaaniinta Gaalada Ixtiraamaya iyo Mashaariicdooda Dadkaasi inayna marna ka dheeraanin Daaquut Minduunillaahi la Caabudo”.

Sheekh Mukhtaar ayaa ku sheegay Shirqoolada ay wadaan Munaafiqiinta Maanta kuwo la mid ah Shirqooladii Munaafiqiintii hore, oo ah buu yiri Camal Muuqaalkiisu Kheyr yahay, “Intaas oo dhan markii la sheegay, ayaa waxay Munaafiqiintu Dhaar ku marayaan inay wanaag uun u jeedaan, Maa Ashbahalaylata Bil Baarixa Maxaa uga Eg Mu’aamaradii ay Munaafiqiintii hore ay Sameyn jireen Munaafiqiinta Maanta Mu’aamaradaha ay Maanta Sameynayaan, Camal Muuqaalkiisu Kheyr yahay, Saddex Wadac, Jihaadka, Masaajidda, Mashaariicda Kheyriga inay Gabood uga ka dhigtaan ay ku Hagar Daameeyaan Islaamka iyo Muslimiinta”.

Ugu Danbeyntii ayuu ugu Baaqey Muslimiinta inay ku dhaganaadaan Sharciga ilaahay isla markaana ay Soo celiyaan Khilaafadii Islaamka. “Asalka Labaad ee ay tahay Muslimiinta inay ku Dhaganaadaan waa Iqaamatu Sharcilaahi Wa Icaadati Khilaafaha, Sharciga Alle SW in la Oogo Khilaafadii Islaamkana in la soo celiyo”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-Xisbul Islaamiga Gedo oo ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin
  2. Amiirka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo Fariin dhinacyo badan Xanbaarsan soo gaarsiiyay Saxaafadda
  3. Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin oo iska Fogeeyay Afduubka 3 Ajaanib ee Mandheera.
  4. Xoogagga Al-Xisbul Islaami & Shabaabul Mujaahidiin oo dib u Qabsaday Goobihii Maanta lagala Wareegay
  5. Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo 3 Nin Xukumo Dil & Tacsiir ah ku ridey.

Readers Comments (15)

  1. nusayba says:

    sh xasan iyo sh abu zubayr iyo mujaahidiinta oo idil

    waxaan Allaah uga baryaa soo ugu nicmeeyay Jehaadka inoo ugu nicmeeyo midnimo oo

    Illaahay raali ugu noqdo,
    Umadana ku faraxdo,
    cadawga ceejisa oo ku niyad jabo.

  2. abubakar says:

    amiirka ala hadhawro waa hogaamiye halyay ah cida necebna waa gaalo iyo gaalo raac

  3. shooqi says:

    amiirka allaha ha dhawro waa sheekh caalim ah diini iyo maadi waxa uu sitaa dhamal master diini iyo maadi computekana aad buu u yaqaan waa aftahan waa milatari ku toobibartay afgaanistaan hamiga jihaadka iyo in uu kor u qaado islaamkana waaxaad ka helikartaa dhawriyo tobanka cajaladood ee dooda ah ee uu la galay sh.c/kariin xasan xoosh 1996 ee waliba loo geeyay cusaymiin ee uu badankoodii ama dhamaan uu isagu ku guulaystay

  4. maxamad cali says:

    abubaka wlaahi waa sidaad u sheegtaay
    Ilahayoow no xafid Abu zubayr

  5. mulla says:

    ASC WAXAAN DHAMMAN UHANBALYEYNAYAA DHAMMAN UMADDA SOOMALIYED MEEL WALBA OO AY JOOGAN WAXAAN LEE YAHAY CIID WANAAGSAN WAXAAN KALOO LEE YAHAY CIIDAN MIDEEDA KALE ALLE HANAGU GAARSIIYO BARWAAQO IYO NIMCO IYO RAYN REYN MIDA KALE HADAAN KA DHIIBTO FIKIRKEYGA WAXAAN LEE YAHAY ALLAHA KOR YEELO AABAHA MUJAAHIDIINTA IYO AMIRKA URURKA XARAKADA DHAQDHAQAAQA EE ALSHABAAB KA SOO AH SHEEKH MUQTAAR CABDIRAXMAAN ABUU ZUBEYR WAXAAN LEE YAHAY ALLAHA GALO GARABKAAGA WAXAAN KALOO KU LEE YAHAY WALIGAA KU AD ADKOOW GAALDA MUSLIMIINTANA WALIGA UJILCANOOW AYAAN KU LEEYAHAY ADIGA IYO AABAHA MUJAAHIDIINTA EE ISAGANA LA YIRAHDO SHEEKH XASAN TURKI WAXAAN LEE YAHAY ALLAHA GALO GARABKIINA WALIGIIN JIRA OO JOOGO WAXAAN KALOO IDIIN SHEEGAYA IN AY SAN IDINKA FAA’IIDEYSAN MUNAAFIQIINTA EE HESHIIYA WALIGIIN HESHIISH AYAAD AHEYDEEN ODAYGANA HAL IXTIRAAMO WAA AABAHA MUJAAHIDIINTA EE GEESKA AFRIKA AABAHA KOOWAD WAA AABO SHEEKH USAMA BINU LAADIN MARKA WAXAAN IDINKU BISHAA REYNAYAA IN UU CADOOWGII JABAY WAXAAN DHIMAN WAX YAR OO KALIYA EE U ADKEYSTA WALIGIIN WAAD U ADKEYSAN JIRTEEN EE KORYEELA DIINTA AALE IYO KITAABKA MUNASILKA AH INTA AYAAN KU SOO KOOBAYA WARKEYGA

  6. abu_cubeida says:

    Gaalka sida kitaabka kariimka ku qoran waa kan ilaah iyo rasuulkiisa beeniyey, kan salaada ka taga, zakada ama xajka beeniya. Gaalka waa kan amar illah diida.
    Marka Akhi fi-llah, quraanka kasoo bixi aayad dhaheyso, qofkii Abu-Zubeir neceb waa gaal ama gaala raac. Jazaakallah kheyr

  7. nasrillaah says:

    xafuduhulahi ammiirinaa aat ayaan ugu farxay qutbadaadii ilaaheey ha idin guuleeyo anaga koleey hadaan soomaali nahay sanabkaan ayaa nahortaagan wax xaq ladhoho ma arkeeynee sanabkaan qabiilka aha ilaaheey hanaga tirtiro dad diintooda uhal gamo hanaga dhigo

  8. cajiib says:

    Muxuu ilaa haatan la dhuumanayaa Axmed Godane illayn xaq lalama dhuunto xalaalna barqaa la qashaayee, Ilaa iyo goormaase kaligood garramaysaa oo afduubaysa bulshada inta kale oo wixii ka aragti duwan munaafiqiin ku sheegayaan oo culimadii kalana aysan ixtiraamayn.
    Dhuumashada aan wadaadka muuqiisa marna la arkayn waxaan u fahmay in guulaha ay gaarayaan uusan isku halaynayn ee uu og yahay in mashruuca uusan cimri lahayn oo in la dhuuntaa aan la huri doonin

  9. Cali Guure says:

    Abu Suber wuxuu ku andacoodey

    “Camal Muuqaalkiisu Kheyr yahay, Saddex Wadac, Jihaadka, Masaajidda, Mashaariicda Kheyriga inay Gabood uga ka dhigtaan ay ku Hagar Daameeyaan Islaamka iyo Muslimiinta”.

    Waa yaab. Hadaa mablaqhuhu minal cilmi.

    Abu Subeer

    Lama haayo taariikhda Islaamka hoggaamiye islaam oo ka dhuunta dadkiisa>

    Lama hayoo urur islaam oo shuuradooda la aqoon.

    Lama hayoo maxkamad Islaami oo ijraaadkeeda mugdi ku jira

    Lama haayo xaraka islaami ah oo keligeed xukun islaam keentay inta dhabarka ka toogatey mujaahidiintii kale.

    Lama hayo hoggaamiye Islaami oo maxastiisii gaalo u dhiibtey halka af hayeenkiisu ku ceebayanyo hoggaamiyaal islaami ah madaxa soo dhiibta.

    Lama hayo xaraka ku dhisan cabsiis oo shacab kastaba inay muquuniso doonta.

    Lama hayaao xaraka diidda culimada salafka oo guul gaarta

    Lama haayo xaraka islaami oo ay ka buuxaan wardoonka galbeedka oo guul agabsata

    Lama haayo xarako islaami oo meel ku gaarta anaashiid jihaadi ah iyaga oo xooggeeda aqoonin cilmiga sharciga

    Lama haayo xarako soo saari kari wayday culimo iyo dhulaabu cilmi inay dawlad islaami ka dhisto Somaaliya

    Lama haayo xaraka islaami oo qeexin ujeeddooyin iyo wasaailkooda oo guul gaarta

    Lama haayo xaraka ku caqli ah qof keliya oo ka run sheegta diinta islaamka haba ku andacooto kitaabka iyo sunnadaan ku soconna

    Lama haayo xarako hoggaamiyeeda rumeysan yahay waxa la dhaho Somaliland oo guul ka gaara waxa uu jihaadka u arko

    Lama hayaao xaraka diidda inay sunanka sharciga iyo kowniga si xikmad u leh u qaadata oo haaka lagu yiraahdo

    Lama haayo xarako quruur ku dhacay oo dadku haaka ku dhahaan.

    Lama sheegin xaraka wax sheeggeeda iyo wax falkeeda islahayn oo dadka kasabta.

    Lama haayo xaraka fiira dheer lahayn oo dawlad islaami dhalisa

    Lama haayo xaraka xaddidi waydo khilaafka diiniga usuusiisha iyo faruucdiisa oo u fasirata khilaafka murtadnimo iyo islaam diid

    Ugu damabayn

    Lama haayo xaraka Islaami ah oo ku dhul dhalisa dawlad islaami dawlad islaami ah dhiigga walaalahooda ama sabarka iyo dulqaadka mujaahidiinta kale.

    Waa sidii kooxdii salafiyiinta ee Xamaas riiqday oo kale waxa halkan ka socda

    Haddii kale waa in shabaabka ku wareejiyaan hoggaaminta si miraha jihaadka u dhumin.

    Bilaha soo socda

    Guusha waan wada doonayaa laakiin habka guusha rasmiga lagu keenayo waa in waddadeeda la hayaa.

    Fasatadkuruuna maa aquulu lakum..al aayah

    Cajiib

    Masha Allah akhrintaada

  10. Ibn Mubaarik says:

    LABA RUUX OO CIIDAMADOOU XABAD ISKALA SOO HORJEEDAAN WAA SH XASAN DAAHIR IYO ABU ZUBEER
    MIDKEEBAA SAX AH.

    MAR HADII RAGII KU DHIMANAYAAN DAGAALKAN MAXAAN UGU YEEDHNAA KANNA MA JIHAAD BAA MISE WAA FITNO

    RUUXII XAQA KU TAAGAN ALLAH BAA YAQAAN ANAGU WAXAAN KA BAQAYNAA FITNO HAWSHAYADII WAXAY KU DHAMAATAY MARKUU AANU AMXAARADII JEBINAY KUW HADDA JOOGAA WAXAY SUGYAAN SOOMALIDA INAY HESHIISO WAANA BAXAYAAN

    EE WAXAAA FIICAN IN AAN LAGU DAGMIN HEBEL WAA AMIIR IYO WAA MUJAAHID.

    AAKHIRO NIN KA WAR HAYAA LAMA FUDUDA INUU KALA XUKMIYO WAXA MAANTA DHACAYA

  11. Garyaqaan says:

    Cajiibow?! waxad la timi cajiiba!!,, amiirku waa askeri kamida mujaahidiinta mana dhuunto bal iska daa iney dhuuuntaane waxa maalin walba dagaalada ku shahiida rag madaxa oo shabaabka ah. Saxib ha ku sifoobin adiga oo caro u qaba mujaahidiinta adoo ka fikir duwan, maxa yeeley Ilaahay subxaanu watacaala baa quraankiisa ku yiri: YEYAN IDINKU XAMBAARIN CARO AAD QOLO U QABTAAN INAAD CADAALADA KA TAGTAAN, CADAALADA SAMEEYA IYADAA U DHOW TAQWADE. ALLE XAKIIM WAA RUN SHEEGEY. Waa calaamad lagu yaqaan dadka bukka ama munaafiqiinta ah iney daldaloolo raadiyaan ama ku mashquulaan ceebaha dadka kale iyagoo kuwoda hilmaansan. Kanoxow nafta waa! ama la dhilnta caradiina sida RABBI SUBXAANU WATACAALA QURAANKAIISA KU SHEEGEY: ,,,MUTUU BI QEYDIKUM.

  12. ibu sacad says:

    bismilllaaaaaaaaaaaaaah,
    waxan umahadcelinayaa somali mirror .
    marka xiga ninkan garyaqaan ladhahoa waxan kuleeyahy haddii uu uuyahay askari askarta kamid ah maxaaa kuqasbay in uu cajal soo duubo sida xasan yacquub muu hadlo si bareer ah mise gaalada ayuu kabaqayaa ,haddii uu kabaqayo dhagarta gaalada maxaa u diiday in uu shacabkiisana uga baqo dhagarta gaaladda,oo uu iyaga uga rabaa in ay ismuujiyaan isna uu udoonayaa in uu isqariyo.
    qofkiiiiiiii run rabow nimankan haddad taageerto waxan kugula talin lahaa in aad cilmiga marka hore barato kaddib aad kala fiiiriso sida la,isku haysto iyo waxa la,isku haysto.haddiii kale muslimiiinta waa murtad lasoo orod sida kuwa kor kuqoran ee aan warbixintooda aqrinay.
    a.calaykum

  13. Mustafa Xagar says:

    Maashallah Sheekh Zubeyr waxa uu inagu baraarujiyey waa wax jiro laakin sheekha waxaan ka codsanynaa in uu shacabka ubidhaaminyo barnaamijyada dhaw iyo kan fog uu la damacsanyahay dalka.Waxaa muuqata in dad badan ay walwal badan ka muujinayaan in xarakada aysan ahayn mid Wadani oo ay tahay mid qurbo kale laga maamulo.fadlan bal shacabka soo ma haboonayn in loo shaaciyo barnaamijaydiina sidoo kale qaabka uu xarakada ula macaamilooda shacabka iyo sida aad wax ugu kala mareesaan shacabka iyadoo laga sal guurayo in cadaalaada laga dhab sheego si sharci ahna loogu harsado shareecada.

  14. mursal says:

    amiir maahan ninkaan ee ilahay ha soo hadeeyo ee soomaalaiyaay yaan laydiin marin habaabin ninkaan waa shaydaan la soo dirsadaye ilahay sharta uu wato asaga ha ku celiyo dadka uu layayna xaqooda alaha ka gudo waa digniin waxaan uga digayaa dhalinyarada uu maran habaabinayo inay iska jiraan ninkaan walan wabilaahi towfiiq

  15. salma says:

    abusuber diintan oomuqdisho bis dadka ku baroyo hargeysa moo geeyo nagahaas ayaa qaqawan bee




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-Xisbul Islaamiga Gedo oo ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin
  2. Amiirka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo Fariin dhinacyo badan Xanbaarsan soo gaarsiiyay Saxaafadda
  3. Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin oo iska Fogeeyay Afduubka 3 Ajaanib ee Mandheera.
  4. Xoogagga Al-Xisbul Islaami & Shabaabul Mujaahidiin oo dib u Qabsaday Goobihii Maanta lagala Wareegay
  5. Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo 3 Nin Xukumo Dil & Tacsiir ah ku ridey.

Latest Headlines