Al-Shabaab oo Gaaray Dhoobley, Sh. Xasan Turki oo soo dhaweeyay iyo Xubno ka tirsan Al-Xisbul Islaami oo galay Kenya.

Published on November 28, 2009 by   ·   32 Comments   ·   print

Al-ShabaabCiidamada Wilaayadda Jubooyinka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa Duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose, iyada uu halkaasina uu ku soo dhaweeyay Sheekh Xasan Turki oo Baryihii ugu danbeeyayba ku sugnaa.

Ciidamadaasi ayaa la sheegayaa inay Fariisimo ka sameysteen Daafaha Magaalada iyada oo ay gudahana ay soo galeen Qeybo ka mid ah Magaalada sida Saldhiga iyo Xarunta Magaalada.

Ilo xog ogaal ahi oo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Somalimirror in Saraakiisha Hogaaminaysay Ciidamadaasi ay Sheekh Xasan Turki ugu Tageen Gurigii uu ka deganaa Gudaha Magaalada.

Sarkaal ka tirsan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa u sheegay Somalimirror inay Maalinta Barri ahi ay Balan sanyihiin Sheekh Xasan Turki isla markaana lagu wado in Magaalada Dhoobleey ay iska raacaan Saraakiil ka tirsan Mas’uuliyiinta Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Dhanka kale ilo xog ogaal ahi oo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Shabakadda Somalimirror in Xubno ka Tirsan Ururka Al-Xisbul Islaami oo ay ka mid yihiin Sheekh Xasan Mahdi, Sheekh C/llaahi Cali Xaashi iyo Sheekh C/llaahi Hiiraan, Sheekh Daahir ay Galeen Xuduud Kenya, lamana sheegi karo halka ay si rasmi ahi xiligani kaga suganyihiin.

Dhanka kale Sarkaal sarre oo ka tirsan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa u sheegay Somalimirror in Sheekh Xasan Mahdi, Ibraahim Shugri iyo Macalin Daahir ay Shalay Hotel ku yaala Magaalada Garisa oo lagu magacaabo “Gust Hotel” ay kula kulmeen Saraakiil ka tirsan Dowlada Kenya. Mana uusan sheegin waxa ay ka wada hadleen.

Ma cadda sida uu xaalka xubnahaasi ku danbeyn doono, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Xisbul Islaam oo ku aadan Xaalka Xubnahaasi.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh.Xasan Turki oo soo gaaray Degmada Afgooye
  2. Ciidamadii Al-Xisbul Islaami ee Tiyeegloow oo ku Biiray Al-Shabaab
  3. Sh Xasan Turki oo ka hadlay Go’aankii Maamulka Kismaayo Shalay ku dhawaaqeen.
  4. Sh. Xasan Turki oo ka soo Horjeestay Heshiiska Jabuti
  5. Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab

Readers Comments (32)

  1. wardhiigleey says:

    MAAAAAAAAAAAAAAASHA ALAAH , hore ayaan u sheegay in AMIIR SH XASAN TURKI , uu mujaahidiinta xagooda qiimo badan ugu fadhiyo, waxaan kale oo sheegay walaalaha ABSAME inaay yihiin lafdhabartii mujaahidiinta, waxaan xasuustaa casharkii ay u dhigeen cadawga amxaarada dagaalkii IIDAALE, waxaan idin xasuusin lahaa walaaha ABSAME meel kasta oo aad joogtiin iska ilaaliya dacaayada, yuusan cadawgu naga faa,iidaysan waxaan ahay walaalkiin ku nool DAYNIILE, halkaan ayaana isku aragnay SH XASAN TURKI alaha xafidee isaga iyo madaxda kale ee mucaskarka KAAMBOONI , waa idin garab taaganahay markasta insha alaah. dhamaanteena xumaan alaha naga haayo

  2. nusayba says:

    Mujaahidiinta Jubooyinka isku haysta waxaan xasuusin

    in wali cadawgo dhiigayna daadinaayo , muqdisho iyo meelo kale o badan.

    wa lilaahil moshtakaa

  3. faysal says:

    ASC. WAA GUUUL IN MUJAHIDINTA AY DHOWRAAN OOO XUSHMEYAAN SHIIQ XASAN TURKI. TAN LABAAD WAA LO BAHNAA IN AY DHOOBLEY TAGAN IYO WELÖIBA RAASKAMBOONI WAAYO AXMED MADOOBE MIJRIM IYO KUWA BADAN BAA GAALADA QANDARAS KA SOO QAATAY. BAL ILAAH BAAN IDINKU DHAARSHEE U FIRSADA SHIIQ XASAN MAHDI IYO IBRAHIM SHUGRI BAA ISU DHIIBEY KUFAARTA KENYA?? MAXAA KU KALIFEY IN AY GALAAN KENYA? SOW TAAS MARQAATI MADOONTA MAAHA IN AY GALADA LA SHAQEYNAYEEN? ANIGU WAXAAN QABA FIKRAD AH IN RAGAAS LA GOWRACO. WAXAAN KALOO QABAA FIKRAD AH IN AL SHABABUL MUJAHIDIIN LOO DAAAYO IN AY SHARECADA KU DHAQDO SOOMAALIYA IYO GEESKA AFRICA, WAAYO QABIIL KUMA DHISNA IYO MUSUQ MAASUQ IYO QURUN. WAA UMAD ISKU RAACAY KALIMATUL LAA, ILAAHA ILILLAAH, MUXAMADUL RAZUULU,LLAH, SCW. TAKBIIR, TAKBIIR,, ALAHU AKBAR, ALAHU AKBAR,

  4. Abu sumaya says:

    Alahu akbar shekh xasan turki horay ayaan ushegay in aan waxbo lodhimeynin hadana waan kufaraxsanahay sida ay wax udhaceen mesha mataalo absamo iyo ogaade iyo hawiyo daarood shekada wa mujaahidiin qabiil maya waxaan leyahay mujaahidiinta lasocodo dhoobley waxaa kaqodan haadaamo waa ween oo ay qoden diyaaradaha mareykanka ah ayaga oorabo in ay dilaa shekh hasan turki marka aabo hala ixtiraamo waxaa kala oojira dhanka taabto meel ween oo ay kutaba bartaan oo en elef haladabar gooyo ahmed madoobe waa in gacanta lagu sodhigo alahu akbar waa farxad

  5. abubakar says:

    asalaamucaykum
    warkaasi waa war aad loogu farxo in macalimkii waynaa iyo rijaashii qabyaalada kaxorooday is heleen waana mujaahid xasan turki iyo dhalinyaro diimeedka al shaab waana rag qabyaalad iyo gobalaysiba kaxoroobay waa nimankii amxaarada indhaha kala soobaxay amaan bay mudanhiyiin aniga xagayga raga kiiniya magan galay waxaa leeyahay ilaahay ha u toobadkeenaan oo walaalohoodna cafis hawaydiistaan wadankoodana ha iskaga soonoqdaan

  6. muxsin says:

    maaanshaaaa’ allaaah tiiilkaaaa niimcaaah,,,,,

    xaqu wuu daahiriye xad gudubka un ha iska ilaashaan mujaahidiinta,,,,

    shiikh badan oo fakada oo cadawguu shalay ku jihaadayay garab kadhigtay waa la arki …..

    inal cizata lilaahi jamiican,,,,,,,,,,,,,

  7. axmedcade says:

    ku abusumaya magaca gabadhii shahiidada aheeyd hanooga ciyaarin adigoo qabiil uhadlaayo axmed madoobana kutilmaamaayo gaal ama qabiileeyste axmed madoobe waa ragii ansaarta ahaay hadaanahay somaalida dhaxdhaxaada ah awaalbaana uhaaynaa ee xishmad xumida iska daaya waa ninkii mujaahidiinta dartood naftiisa iyo besha absame xoolahooda iyo shacabkooda diyaaradaha kudhamaadeen oo xitaa isagoo suuxsan lasoo qabtay marka bari xaalada hadeey isbadasho xageey kaheli dooonaan Alshawaab shacab qariyo ama hoodkeey kucarari dooonaan ileen kaambooniyiintii baa ooga hormartay hoowdkiyee onlf raga aad kutilmaamtayna waaraga aan somali ladagaalin ee cashar udhiga ethiopiyaanka oo intaas oo xaro kaqabsaday ee afkaaga kailaalso adigoo cadoowga islaamka ah ee iclaamka shawaabka qaarkooda iskaqaadanaayo

  8. xiin-faniin says:

    inta ay Guriceel soofiyaashu fadhiyaan farxadi ma jirto.

  9. jaabir says:

    ALLAHU AKBAR INQALABASSIXRU CALASSAAXIR ee carabtu tiraahdaa intii markii hore dooneysay inay dhiiga shuhadada ay magac ku gaaraan mansabna kula gorgortamaan maantay warkooda waakaa cadaaday insha’allah sixirkii ay umadeena iyo mujaahidiintii uqooli rabeen ayaga ayuu ku gadoomayaa allah idankiis ee umadeenaay xaqqu waa cadyahay maantay hadeynan ugargaarinna ogaada in dhibka naheystaa uu marwalbo nagusi adkaanayo haddaan cadowga runta usheegnana inu naga leexanayo anaga raaxo ay ku noolaaneyno somalidu waxey tiraahdaa”NIMAN SHANTAADA FAROOD KAA REEBIN SHARCI KAAMA REEBO”RAGI AAN IS DEYNE KUGU DAAYAAN EE IDAAY KAAGAMA HARAAN” oogadana gaalo baryo waxba kuma lahan nariisna ma taqaan wanaagna hadey yaqaanaan illahaygi abuurtay kuma kufriyeen….wallahu aclam.

  10. nasrillaah says:

    maanshaa allaah maan shaa allaah maanshaa allaah waawax aad iyo aad loogu farxo sheeq xasan turki waa aabihii jihaatka yuusuf gureey kagadaal nin soomaali ah meeshuu doono haku dhashee oo udiidan malahan marka waxaan leenahay qaatumo xumo ilaaheey kuma giliyo alshabaab adiga ayaa soogoriyay hadana hooshaadii meeshiisa kasii wat sababtoo ah qofka diin ahaan ayaa lagu diidi karaa mujaahidiintana waxaan leeyahay guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuullllllllllll

  11. ibnu_saxwah says:

    salaamulah
    bacda salaam dagaalka udhexeeya mujahidiinta waa fitno sidaa waxaa fatwo ahaan kubixiyay shiekhanaa faadil shiekh xasan daahir oo ah aabaha jihaadka,markaa garanmaayo meeshaashaad kafuusheen tareenka jihaadka haduu manhaj yahay waaku shiekha fatwadiisa haduu hawo yahayna ilaahay caafimaad haydin siiyo waayo garan maayo ninkaga adag manhajka jihaadka shiekha,tan kale faraxiina aad ku cayrsanaysaan Dr xasan mahdi iyo shiekh c/llahi cali xashi iyo cullimadda kale ee lagu yaqaanay khayrka & jihaadka ama rujuulnimadda iyo weliba sida gaarka ah shiekh c/llahi xaashi oo lagu yaqaano inuu kelimadda xaqqa uusan weligii kaleexan lana oran karo waa shiekha qudha ee fahankiisu siiradda ku ifiya ama jecel inuu ku tadbiiqiyo sida rasuulkeenii scw iyo saxaabadiisii ugu dhaqmayeen manhajka islamka ahna ninleh aqoon diineed iyo tu maadiyaba baacdheerna kuleh inuu dunidda kawarhayo had iyo jeerna uu kunoolaado dusheeda, meesha qaar badan oo qoryo wataa ama mujaahidiin sheeganayaa aysan waxba kala socon siyaasa sharciya iyo waxa lakalamacaashayo dunidda,markaa caadifadda ku dhisa diin kalana barta cadawga iyo sokeeyaha.
    wasalaam

  12. Allemagan says:

    U tagida iyo u madax ballaarinta Shiikh Xasan Turki waxay aad maanta ugu egtahay arrintii Abuu Sufyaan iyo “wa man dakhala fii bayta Abuu Sufyaan fahuwa aamin”.

    Arrinta intayada Soomaalinimada iyo qaranimada jecel aan ku farxaynaa oo qura waa in maanta dulli la huwiyay Shiikh Xasan Mahdi iyo ragii dadkii shacabka maatada ah ee Muqdisho soo kala gaabiyay. Alle idanki argagaxiso nooc walba ha ahaatee guul darro iyo la baacsado ayaa u dambayn.

    Shiikh Xasan Mahdi waa kii maalin walba saxaafada la hor taagnaa jiray gaalaan la dagaalamaynaa iyo kalimada Alle ayaan kor u qaadaynaa. Maantana waa kaa Kiinya u cararay markii Al-shabaab ku biya keentay. Riwaayadan ah waxaan ahay mujaahid iyo shareeca doon waa tan noocaan noqotay ee lagu danaystay. Goorma ayay Soomaali fahmaysaa in nin waliba beenta iyo diin ayaan u adeegaya awrka ku kacsanayo.

    Alle garaad idin ma siin hadaad tihiin Soomaali. Goor maad wax garataan?

  13. hamaad says:

    dadka wax ka sheegaya ragga Kenya isku dhiibay caqli maleh miyaa. qofka waxaa loo banneeyey inuu sameeyo wixii uu naftiisa ku badbaadinayo. Haddii shabaab run sheegayaan shabaab maxay cafis ugu fidi waayeen dhammaan masuuliyiintaas. qofku markii naftiisa la cararay ayaa wali lasii eedeynayaa.
    Hadda sida u muuqata wixii qiimo kalahaa xisbul islaam sida Dr. C/laahi Xaashi, Dr. Hassan Mahdi, Hassan Shukri iyo kuwa kale oo badan waa somalia waa ka carareen. Waxaa meesha kusoo haray dad aan faido laheyn sida Xasasn daahir iyo ninkii madaxa looga jiray ina Carraale iyo nin aan waxba qorin waxba aqrin oo macallin xaashi la yiraah oo ahaa jiray warlordkii muusa suudi u joogay balcad ilaa 2006kii markii maxkamaduhu qabsadeen.
    Marka waxaa la dhihi karaa sidaas waxay ugu dhamaatay xisbul islam. Waa adduun iyo xaalkiis.

  14. Tawfiikh says:

    War dadaw yaa soomali u maqan ileen waxaynu dhaafi lanahay shabab iyo xisbu islaame u madyahay ma waxaynu door modnay sidatan manta marxalada soomaliya marayso waxaynu ka wardhorna halkay ku danbenayso rabaw natus dawlad somaliyaded oo cagaheeda ku tagan adaa khafuru raxiime

  15. cawaale says:

    su,aal ku socota walalaha raas kaambooni illaah baan idinku dhaariyee markii aan safkii iidaale ku wada jirnay hadafkiinu ma kismaayuu ahaa?? maxaad takbiirta beentaa wiilashiina ugu leeyseen?? ma is weeydiiseen faraqa u dhaxeeya sh axmed madoobe iyo sheekh shariif?? labadaba waxaa lagu soo doortay jabuuti. maxay tahay xigmadda ku jirta in sheekh sh. lala diriro sh. maxamed madoobana kismaayo loo hibeeyo?? waxaan u arkaa (taadu waa dhamid teeyduna waa dhigid waana dhugmo yari)) adinka iyo nimankii oran jiray car yaa gaalka wahiye xabad ku rida maxaad ku kala duwan tihiin?? adinka iyo nimankii oran jiray amxaaradu waa majeerteen maxaad kula duwan tihiin?? walaalayaal bini aadanku wuxuu xayawaanka kaga duwan yahay dhankii ladoono looma hogaamiyee xisaabtama wa bilaahi towfiiq

  16. xuseen says:

    Sh Xasanmahdi ayaa shaati diin soo gishtay wallahaan la idinka yeelin wadaadkii reer ow xasan ee ahlu diinka ahaa wallee cawada ayaan shabaab kala fuqnay.

    xaqqa allah ha tuso hadeey xasanmahdi diinla’aan kusheegeen.

    asc w w br.

  17. Rajaah says:

    Ilahay wuu kala saari doona cidii xaq iyo baadil ku taagan. Aabaha jihaadka Xafidahulaahu wayarcaah Xasan Turki waanu ku faraxsanahay inuu soo dhaweeyey mujaahidinta.

    Anaga runti madmadow badan ayaa nooga jiray arinka xisbul Islaam, laakin rag qiimo badana waa ku jiraan, hadase arintu waji kalee yeelatay!.Ilahayna wixii khiyaano umada ku wado Allah wuu fashilin doona. Waana wax laga xumaado cajiib badana rag shalay soo wada halgamay inay maanta gaalo isku dhiibto. Xaqa wuu soo daahiro doona oo ma qarsoomi doono.

    Allow xaqa nagu sug

    Ha noolaato AL SHABAAABUL-MUJAAHIDIN

  18. geedi says:

    Xuseen.

    Reer awxasan shaati dimeed sooma gashan karo miyaa?

    qabiil kiisa dartiis ayaad uga dhigtay nimaan danbi gali karin.
    waxaa isweydiin mudan kenya markii ay galayaan hadii aysan dhagar qabin sida sheekh xasan turki maa la joogo dhoobley ileen xisbul islaam iyo shabaab waa wada mujaahidiin oo rajo loogama qabin in wax lagu samayn doono wixii aan ka ahayn axmed madoobe

  19. wadaad yare says:

    allemagan

    Saaxiib aniga beryahaan faalladeyda waaba la tuuraa, marar badana anigaanba himad u helin inaan wax ku qoro meeshaan. Laakiin boggaan waxaan ku jeclahey dareenka iyo wadciga wadaadada meeshuu marayo ayaan kala socdaa oo maalin kastaa waan aqriyaa faallooyinka.

    Sida Shabaabku ugu faraxsanyihiin iney kala ceyriyeen shuyuukhdii Xisbiga si la mid ah ayaan ugu faraxsanahey. Mana ahan inaan nimankaas ciil shakhsi ah u qabo ama shakhsiyadooda dhib la jeclahey. Laakiin mashruuca islaamka siyaasigaa oo dhan ayaanan wax rajo ah ka qabin, arintaana mashruucaas faashilkaa ayey cimrigiisa soo gaabineysaa.

    Nin siyaasada iyo talada umada doonaya inuu qadaaso diini ah ku qabsado waa halis weyn oo bulshada ku soo fool leh. Xasan Mahdi iyo raga hada keenya u cararey sidaas unbey rabeen, kuwo iyaguna sidoo kale raba laakiin mahdi shisheeye ah amarka ka qaata ayaa meeshii ka ceyrsadey.

    Shacabka Soomaaliyeed in shabaab meesha ku adkaado oo ay waayaan raggii xeyndaabka u ahaa faa,iido weyn ayaa ugu jirta.

    Haraadiga Xisbigee Xamar ku harey oo hubka laga dhigo ayaa farxadeena ka dhiman.

    Markaas waxaa isku soo haraya Soomaali iyo reer afduub. Xataa hadey iyagu dawlad noqdaan oo Sh. Shariif meesha ka ceyriyaan wal wal iguma heyso waanan ku farxi lahaa hadey taasi dhici laheyd. Waxaa si cad dadku uga bogan lahaayeen bal dawlada ay ku bishaareynayaan nooca ay tahey. Iyaguna dhexdooda way is ogaan lahaayeen waxey sheegayaan siduu yahey.

  20. wadaad yare says:

    Ninkii usoo joogey Mujaahidiintii Afqaanistaan ee isku jihaadey markey dalka qabsadeen, dabeedna ardadii Mujaahidiinta(Daalibaan) ay meesha ka wada ceyriyeen, Dabeedna la baacsadey ninkii Cabdalla Cazaam allaha u naxariistee uu ugu yeeri jirey asadu Bansiir(libaaxii dooxada Banshiir) waa Axmed Shaah Mascuude, dabeedna rag Alqacida ah isku qarxiyeen iyagoo saxafiyiin iska soo dhigey. Ninkii usoo joogey Jabhatul Inqaadkii aljeeriya iyo sidey uga falloogowdey kooxdii Aljabhatul islaamiyah al musalaxallah oo ay u kala ceyriyeen ilaa ay dawlada aljeeriya isku soo dhiibaan madaxdii jabhatul inqaad. Ninkii usoo joogey Xisbigii Al itijaahul islaamigii turaabi iyo sidey aakhirkii wax kasta ugu fashilmeen ilaa hogaamiyii ruuxiga ahaa uu xabsi galo!

    Ninka arkaya waxa ka dhacaya soomaaliya oo is wada gaaleysiin iyo is baacsasho ah ee aysan usoo bixin su,aal ah war mashruuca islaamiga siyaasigaa maxaa ka qaldan waa nin ama caruur ah oo soo weynaw la yiraahdo ama waayeel qalbiga caruur ka ah oon aqliyeysasho laga sugeyn.

    Mashruuca siyaasiga islaamigaa waa mashruuc diinta islaamka doonaya inuu barnaamij siyaasadeed oo marxali ah u isticmaalo, isagoo cidii aan barnaamijkaas ku waafiqina diinta ka saaraya.

  21. hamaad says:

    Hassan Turki waa nin aad u xanuunsanaya. oo guri yaalla sida la sheegay. Haddii uu caafimaad qabo waa hubaa inuu raskambonigisii aadi lahaa uusan dhooblay iska joogeen.
    Shabaab siyaasad ay meeshaad dheeleen haddii ay cafis u fidiyeen.

  22. abu-raash says:

    a s c walaalayaal salaan ka dib waxaan ku soo koobayaa aragtidayda sida soo socota;
    Sayid M c/lle xasan; ayaa inta la yaabay hawo raacnimada Soomaalida :ayuu gabay ku yiri:
    Hawo been soomaalidaa hadafka raacdaa leh:
    tixdan ka dib waxaan soo koobayaa aragtiyadii aan ka aqriyey webkaan:
    1. ninka ku tilmaamay xasan Turki,
    Binu-sufyaan oo ahaa gaal weyn oo diinta alle dhibay, waxaan leeyahay wax baro walaalle hana dag-dagin.
    2. Ninka caayey Xasan Mahdi iyo ragga la socda oo waliba gaaleeyey maxuu u daliilsaday, illeen waa la soconaa oo Axmed Madoobe ragga la socda Iyo Al-shabaab Xukunka magaalada ayey isku haysteen, waana isu sabri waayeen, maadaama markii hore magaalada lawada qabsaday Mamulna u wada dhisteen
    3. Qofka Naftiisa waxaa loo baneeyey hadii loogu yimaado in uu gaalnimo ku dhawaaqo Allhna quluubtiisa xukminayo waxa uu ka wado sidii dhacday taariikhdii asaxaabta.
    hadii ay carareen oo walaalahood markii ay dhaheen maamulka wax naga siiya la rideeyey dhiigoodana la banaystay, ma ceebaa ileen waa ognahay waxa la isku haysto Kismayo Allahna ka cabsada.
    4. Axmed madoobe iyo Xasan Mahdi ma iska xukminaysaan in ay ridoobeen, daliilse ma u haysaan, mise laab la kac ayaad ku hadlaysaan
    5.Raaskambooni ninka caayaya, waxaan weydiinayaa ma ku qaldanyihiin hadii ay dhahaan magaalada waa wada qabsanay oo mooryaan ayaan ka qabsanay ee maamulkeeda noo qaybiya, sidii markii hore aan u wadaagnay. Miyeyse ku gaaloobayaan hadii ay arrinkaa soo jeediyaan, mise xaq ayey u leeyihiin.
    6.maxayse tahay Magaalada Hub lama soo gali kartaan markii aan wada qabsanaynay ma gacmo marnaa markii aad maanta leedahay Hub ma qaadan kartid.
    7.Alle ka cabsada oo taageerada gaarka ah iska daaya walaahi hadii aad u malaynaysaan in aan Ogaadeen ahay maahi Ee runta ayaan jeclahay walaalayaal in aan ka hadlo dhinacna ma taageero markii ay Mujaahidiintu iska hor yimaadaan. Dagaalka Fitnada ah

  23. abu-cutayba says:

    Talo:
    Ku: Al-shabaab:
    1. in ay cafis u fidiyaan walaalahood ay u cayriyeen gaalada xageeda Allaahna uga cabsadaan , illeen maamul ayey isku qabteene wax kalana kama dhaxayn gaalana lama safnayn.
    2. in ay maamulka wax ka siiyaan Walaalahood Xizbul islaam, gaar ahaan Xasan Turki, maadaama uu magaalada la qabsaday ciidankiisa aad cayriseen.
    3. in ay ka fogaadaan wax kasta oo shacabka ka horkeeni kara.
    4. in ay isu diyaariyaan sidii gaalada wadanka joogta looga saari lahaa, maadaama aad mooddo in xoogga la saaray sidii xizbul Islaam loo tir-tiri lahaa, Tusaale ahaan
    gobolka Jubbda hoose waxaa loo diyaariyey 119(boqol toban iyo sagaal gaari)oo ah kuwa dagaalka iyo kuwa ciidanka qaada sida aan la socono , sidii looga taqalusi lahaa Axmed madoobe kali ah,
    Taas oo hadii Burundi ama Yugandho la gasho wax weyn looga qaban karo.
    5. in ay ku dhawaaqaan Dawlad Islaam ah, Xizbigana soo dhaweeyaan oo la hadlaan halkii ay ka hagar daamayn lahaayeen.
    6. in la iska ilaaliyo fudaydka culumadana la ixtiraamo, halkii ay caayi lahaayeen.
    7. in manhajka lagu dhaqayo dalka uu noqdo kutubka iyo sunnada oo aan wiil yar iska xukmin,ee loo sameeyo marjic loo laabto oo mashaa,iikhda ah.
    8. in la badalo istaraatiijiyadda dagaalka oo meel xooga la saaro sidii looga xorayn lahaa gaalada iyo Daba dhilifka, halkii la wadi lahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq sida hadda,
    oo xoogga la saaro sida: Kulliyadda, Madaxtooyo Kabka, Km4, Madiina, iyo Ex-control
    Wabilaahi Tawfiiq

  24. wadaad yare says:

    Maadaama qoraaladaada aan ka fahmey qof wax garanaya oo dulucda hadalka u daadegi karta inaad tahey ayaa waxaa yaab ila noqotey inaad doodaheyga manhajigaa kusoo koobto in hadaan qolyaha jihaadiyiintaa diido aan Sh. Shariif taageersanahey. Hadaan Sh. Shariif taageerana aan Shakhsiyan u taageersanahey iyo wanaagiisa!

    Sh. Shariif inaan shaakhsiyadiisa iyo wax qabadkiisa ku taageersanahey midna ma jirto, laakiin manhajka dawlad qaran oo uu aqbaley jihaadiyiintuna ka soo horjeedaan ayaan isaga uga fadiley iyaga.Ee adigu manhajiyan ma dawlad qaran oo soomaaliyeed oo calan iyo xuduud leh baad qabtaa mise tan jihaadiyiinta bal noo sheeg.

    In Quraanku dastuur muslimiinta u noqdo waa meesha islaamiyiintaa siyaasigaa salaadu iskaga qaban la,dahey aysana ka fakarin. Dastuurku waa xeerka nidaamiya dawlada arimeheeda, waana heshiis iyo shuruudo dadku degsadey kuna heshiiyey. Hadii la diido in la dhigto shuruudo lana ixtiraamo wixii la dhigtey, ee kitaabka mar marsiiyo looga dhigto talo maroorsi waa mida islaamiyiintu umada inteeda kalena ku heshiin la,yihiin iyaguna had iyo goor iskugu baaba,aane xal u keen, hadii kalena ceebta hada taalla unbaa faraha lala gelayaa.

    Maxaad taas ka leedahey?

  25. Khalaf says:

    a s c sln ka dib, waa talo wanaagsan waana labo wiil oo ka hadlay fikir saliim ah oo fiican, Cutayba iyo abu-raash waana ku mahadsanyihiin walaalahay fikradaha ay qabaan
    ok

  26. khalaf says:

    Alle ka cabsada fadlan

  27. abufatima says:

    tawfiikh isadaadookale qolooyin badan baa meel booraan ah ku dhacay khayrkana shar mooday sharkana khayrmooday alshabaab ilaahay baa sharaf siiyey gaal gaalo raac garan waa midna kama qaadi karo waxaana layiri (HIBO EEBE KUSIIYEY HAMAYN LAYSKAMA QAADO).

  28. abufatima says:

    ka huleelay dalkiisa
    kaa kicinaaya balaayo
    kas laa waw idilkaa
    maanta waa kadab kaagiyo
    kibistaadoo dhamaatay
    hadaad kiinya uduusho
    hadaad kaafir ku biirto
    kolay kaa hari maa yee
    kur badaada ku raag

  29. Allemagan says:

    wadaad yare

    Walaal waad mahadsan tahay waanan ku faraxsanahyay inaan bogaan ra’yigaaga mar kale ka daalacdo. Sida aad u jeceshahay wadankaaga, dadkaaga iyo diintaada una difaacdid Alle adiga iyo annagoo dhan ha nagu garab galo.

    Qolooyinka kale ee halkaan jawaabaha eedaynta iyo argagaxiso kalkaalka ah ka bixinaya la yaabi mayo. Waxay caadaysteen mar walba inay hadalka dowgiisa ka habaajiyaan dadkana sawir xun ka bixiyaan si ay doodoodu u meel marto. Taasi habdhaqan wanaagsan iyo hadal wadaag ma aha ee waa duur xul iyo garaadka oo ku gaba.

    Anigu ma oran Shiikh Xasan Turki wuxuu la mid yahay Abu Sufyaan iyo gaal kale midna ee waxaan ka hadlay sida nin laga adkaaday madaxa loogu buuray sheekaduna u shabahdo maalinki Fatxiga. In kasta oo gafafka iyo fudaydka Al-shabaab badan yihiin waxaad mooda inay maanta arrinta Shiikh Xasan Turki ay wadada haboon asiibeen kuna tillaabsadeen sidii loo baahnaa. Warkayga dulcudiisu waa sidaas ee cidla ha iga dhaleecaynina.

    Tan kale runtii anigu dadka muslimka ah waa rido iyo waa gaalo marna ma oranayo waligayna ma oran. Waana nibcahay wixii dad muslim ah oo ashahaata ku tilmaama gaalo iyo duul Rabi ka furtay.

  30. wadaad yare says:

    allemagan

    Jazaakallaahu kheyr. Weliba waxaa la yaab leh in ay sheegeen in markey dhoobley gelayeen iyagoo madaxa raaricinaya oo khuduucsan ay galenn, taasoo ay ka matalayaan fatxu makka!

    Waa dad jilayaal ah oo adwaar iyo kaalin aysan ahal u aheyn niyeystey iney ku dhex jiraan.

    Waxey isku heystaan iney kaalintii Nebiga s.c.w ay matalayaan, dadka kalena kaalintii mushrikiinta!

  31. Cisman taakulo says:

    Allahayoow maxaa Somali aqoon darro ku duugan.
    kii shiikhaan ahay ku leh fiqhihi dhabta ahaa ee sunnada iyo quraankaba si fiican ugama dhaadhacsano.

    kii kale waa taageere indha la’ oo xamaasad urur ama qabiil ama fikrad oo mujarrad ah ama barax la’ ku taageersan.

    arrin hadday damcaanna kaadsiiyo iyo aqoon ku fiirin ma leh ee hal mareey iska daba shubaan haddana hal mareey ka yacaan.

    Addunyada arrimaha jid dheeraa loo soo maraa marka dambena meeshi lagu talagalay lagu garaa Somaliduse waa maanta bes ah oo aan berri shaqo ku lahayn.

  32. Raage Ugaas says:

    Waxaa xiggi doonta mujaahidiinta RAASKAMBOONI oo mooryaanta ALSHABAB ka soo sifeyn doona Jubbooyinka. Ciyaari waa galin danbe. Xasuuso dharbaaxadii aanu ku soo dhufanay Axmaaro iyo cawaankeed markay hawdka soo galeen.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh.Xasan Turki oo soo gaaray Degmada Afgooye
  2. Ciidamadii Al-Xisbul Islaami ee Tiyeegloow oo ku Biiray Al-Shabaab
  3. Sh Xasan Turki oo ka hadlay Go’aankii Maamulka Kismaayo Shalay ku dhawaaqeen.
  4. Sh. Xasan Turki oo ka soo Horjeestay Heshiiska Jabuti
  5. Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab

Latest Headlines