Markaska Dacwada Attowxid ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark waxa uu shaley deegaanada loo qaxey ee Ceelasha Biyaha ka bixiyay Xoolo Udxiyo ah oo la gaarsiiyay Dadka qaxey ee deegaanadaas ku nool (Sawiro).
Xoolahan oo ka koobnaa 92 neef oo Adhiya iyo Neel Lo’a waxaa ka faa’iideystay 194 Qoys oo ka mida dadka rayidka ah ee ku barakacey deegaanada Ceelasha Biyaha ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Muqdisho.
Qoysaska Hilibka Udxiyada ka faa’iideystay ayaa u badnaa kuwa dhanka nolosha ugu liita, marka loo eego Muuqaaladooda iyo deegaanada ay ku nool yihiin, waxaana labadii qoysba laga dhaxeysiiyay hal Neef oo Adhiya, halka Neelka Lo’daana la kala gaarsiiyay ilaa 10 qoys.
Guud ahaan qoysaskii Udxiyadan ka faa’iideystay ayaa aad ugu riyaaqey, Ducooyinna u mariyay Walaalahoodii ugu deeqay.
Markaska Attowxid oo matalaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee Copenhagen ee Dalka Denmark, qeybinta xoolahan Udxiyada waxa uu fulinteeda u soo wakiishay Markaska Ibnu Baz ee Dacwada ee Magaalada Muqdisho, balse xaruntiisa cusub ee Ceelasha Biyaha ay qeybintu ka dhacdey.
Markaska Attowxid, dhanka socodsiinta howlaha Dacwada waxa uu ka gacan siiyaa maraakiis dhowra oo ku yaalada Magaalooyinka waaweyn ee Dalka, sida Muqdisho, Hargeysa, Burco, Gaalkacyo iyo Magaalooyin kale.
Markaska Attowxid kaalin weyn oo wax qabad ayuu ugu fadhiyaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark, gaar ahaan arimaha Dacwada iyo isku xirka Bulshada.
Maaha markii ugu horeysay oo markaska Dacwada Attowxid uu sidan oo kale dadka rayidka ah ee ku dacdareysay Daafaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kaleba deeqdan oo kale uu soo gaarsiiyo.
Dhanka kale guud ahaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dibadaha, waxa muuqata inay u soo jeesteen wax u qabadka Walaalahooda gudaha Dalka ku nool ee dhibaatooyinka kale duwan la soo gudboonaadeen, waxa ayna arimahan oo kale soo dadajiyaan Raxmada Ilaahey iyo in isku xirnaanshadha Bulshadu oo sii korodho.

Related posts:
waa waxa lagu faraha in ay helana cunto ku fiical manlatna cida alhamdullaha.
asaamu caykum
markaskaasi waxa uu sameeyay wax aad ukhayrbadan waana wax aad loogu baahanaa maanta oo aan arkayno dhibaatada haysata dadka soaalida meelkasta oo ay joogaan intooda badan waxaa saameeyay ama dagaal ama abaarbaaba taabatay waxa ilaahay inoogu naxariisanayaa inaan inagu iskunaxariisano waxana aan leeyahay fajasaakumu laahu khayra
kkk maxaa massaakiinta loo hafrayaa ma saggaalkaan Riyood iyo sacaqawaabkaah baa 196 deeqa ama waxkataraya maxayse u sawirayaan sadaqada hadday ilaah darti u labexeen??
cudurdaar waa asalaamu caleykum waa qaladmadbiciya kahore raali ka ahaada