Sh Xasan Daahir:“Nimankaas Cadawga la saftay in la yiraahdo halala heshiiyo warkaaas si cadbaan uga soo horjeednaa si cadbaanu u diideynaa”

Published on November 27, 2009 by   ·   15 Comments   ·   print

Sheekh Xasan DaahirSheekh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Al-Xizbul Islaami ayaa Maanta Goob Fagaare ah oo lagu tuganayey Salaada Ciida kuna taal Deegaanka Ceelashada Biyaha kula hadlay Kumanaan kamid ah Dadka ku dhaqan Duleedka Muqdisho  wuxuuna halkaa ka sheegay inaysan wax wadahadal ah lagalidoonin DKMG ah.

 

Sheekh Xasan oo Salaada kadib dadka la hadlayey ayaa ugu horeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo Dhamaan Umada Muslimka ah u diray tahniyad wuxuuna Alle uga baryey inuu dhibka ka dulqaado.

 

Khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu halkaa kajeediyey Sheekh Xasan ayuu ku sheegay inaysan waxwadahadal ah la galeyn DKMG ah oo uu ku tilmaamay mid Cadaawe la Shaqeysa wuxuuna intaa ku daray inay laxukun tahay Dadka ay safka kulajirto, Culimaduna ay isku waafaqsayihiin Arinkaa waa siduu hadalka u dhigee.

 

Sheekh Xasan oo arimahaa ka hadlayana wuxuu yiri:“Nimankaas Cadawga la saftay in la yiraahdo halala heshiiyo warkaaas si cadbaan uga soo horjeednaa si cadbaanu u diideynaa oo Dadka la socdaana waxa weeyaan si loo fahmo arintaas waxbadana waan cadeynay Dadka la socda ayagey kamid yihiin ilaaheybaana sidaa yiri… umada Islaamkuna iskuma khilaafrsano arintaas Ninkii Cadawga la saftaa isagow kamid yahay”.

 

Mar uu soo hadal qaaday dagaaka u dhexeeya iyaga iyo Shabaabul Mujaahidiin waxa uu ku tilmaamay  Dirirtaas mid fidna ah wuxuuna ku baaqay in la joojiyo oo laga wadahadlo isagoona dhanka kale cadeeyey inay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Shisheeye iyo DKMG ah.

 

Sh Xasan ayaana arinkaa ka yiri:“Dagaalkaas iyo Dagaalka kale ee Magaalada ka socdo ismaleh, Dagaalka lagula jiro Cadawga dagaal xaq ah Weeye, Dagaalkaas kaloo Dadka Muslimiinta ah Dhexmarayana Fitnaa la yiraahdaa  Dadku saas inay u kala yaqaaniin waaye, Fitnadana waa la joojiyaa midka waajibkaana waa lawadaa marka koley anaga jaanibkayaga kamana socdo xagayaga insha Allahu tacaalaa wixii nooga aadana waan joojineynaa Ikhwada kalana waxaan rabnaa inay sidoo kale yeelaan oo Ilaaheyna uga baqaan arintaas una soo noqdaan Xaqa”.

 

Dhanka kale Sheekh Xasan Daahir aweys ayaa Maanta booqday Dhaawacyada Shacabka Soomaaliyeed ee yaala Isbitaalka Dayniile ee Gobolka Banaadir Dadkaas oo ay Dhaawacyo kala gadisan ka soogaareen Madaafiicda Ciidamada AMISOM ku garaacaan Xaadfadaha Magaalada Muqdisho iyo Dagaalada ka dhaca Xamar.

 

Booqashadan uu Sheekh Xasan Daahir ku tagay Isbitaalka Dayniile ayaa waxa Shabakada Warbaahinta Somalimirror u Xaqiijiyey Salkaal kamid ah Xisbiga oo ku wehliyey socdaalka.

 

Ugu dambeyntii Deegaanada loobarakacay ee Duleedka Muqdisho ayaa Maanta siweyn looga Ciiday  waxaana Dadka Deegaanadaasi wajiyadooda kamuuqatay Farxad iyo reynreyn.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh.Xasan Daahir Aweys oo ku tilmaamay Imaanshiyaha Sh.Shariif Muqdisho mid raali galinaya Cadowga
  2. Dr Cumar Iimaan & Sheekh Xasan Daahir Aways oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Xisbiga
  3. Sheekh Xasan Daahir Aways oo waraysi kooban siiyay TV-ga Al-jazeera
  4. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  5. Sheekh Xasan Daahir Aways oo dib ugu laabtay Asmara

Readers Comments (15)

  1. nasrullaah says:

    shiiq xasan waan kusalaamaayaa xafuduhulaah hadaa rabtaan in jihaatka istaago oomira dhalo dadka hala mideeyo inteey goori goortahay mujaahidiinta hala mideeyo waxaan aat wadiin tala ma ahan waan ognahay ineet adiga kasoo horjeedid wadahadal lalagalo kooxda jabuuti laakiin inbadan ooxisbigaaga katirsan ayaa luga kutaakneen

  2. abubakar says:

    asaamucalaykum

    sheekhu hadal waayeel buuku hadlay inta aan halkan ku arkayo waxana aan u arkaa dagaalka jubooyinku inuu yahay midfitana waaxaana laga bixi karaa tiiyoo loo midoobo gaalada oo iyaguba waa kuheshiis inaan soomaali waxba uqabsoomin sidaa darteed waxaan usoo jeedinayaa inay labada garab ee kasoo horjeeda figrada gaalo raacnimada ah inay umidoobaan hadii kale kabixi maayaan khilaaf iyo muran markaa waa inay midoobaan oo hogaan qudha yeeshaan oo ay iskutanaasulaan oo aanay eegin kursiga labaatanka sano soomaaliyi iskudilaysay oo la eego danta umada iyo jihaadkii loosoo maray iyo dhiigii dhalinta muslinka ihi uhureen nafohooga qaaliga ah

  3. qurbojoog says:

    caduur dhaw dhawdu uma dhacsana. Sh.Xasan ma maalinta hubka soo wareeji la yiraahdo ayuu garwaaqsan doona siyaasada qaldan ee uu xisbigiisa ku baabi,iyey. Xisbigii waa la baacsanayaa, isna wuxuu leeyahey waa dagaal fitno ah! Dadka uu madaxda u yahey ayaa ku dhib qaba, anagana waxaa na dhibeysa in dad sidaas u xikmad yar maalin kasta umada hogaamiye iskaga dhigaan oo hortooda hadal qiimo yar la soo fariistaan.

    Xooga kaliya oo saaxada dawlada kula loolamaya waa shabaab, inuu dagaal dawlada looga horjeedo sii wadana waxey ka dhigantahey inuu si majaan ah Shabaab oon abaal uga heyn ugu shaqeynayo!

    Maxey tahey aqliga noocaas ahi?

  4. haadi says:

    WAXAAS MALA IDINKA YEELAAYO WALAAHI BILLAAAHI HORU MARKA WAXA UU KU XIRANYAHY MIDNIMO EE MUJAAHIDIINTA HA ISKU KEENO HAL XERO TALADA HA KABAXDO HAL GO AAN HALA QAATO HADIIKALE WALAAHI BILAAHI TALLAAHI WAAAD TAQAANAN MEESHII LOO CARARI JIREY XITAA CIDII DAGANEED WAA LA ISKU DIREY MEEL LOO CARARO MALAHAN EE UTURA CAMALKAAN QIIMAHA BADAN KU FADHIYO WLAALAYAALOW WAANAGA DHAXEESA CAMALKA EE HALOO TURO HANA LAMIDEEYO UJAAHIDINTA

  5. berberberaawi says:

    shiikhu waa sidaan ku aqaaney. Waa nin Illaahay xikmad iyo dhexnimo iyo xaq-jacayl ku manaystay. Cid kaleba qiil waa loo helayaa … laakiin shariifka iyo kooxdiisa meel kuma laha talada Muslimka … haday rabaan talada soomaalinimada ah haba ka hadleen .. ee berkee soomaalida xata dad gaala ahna waa laga heli karaa .. haba yaraadeen. waa kala labo MUSLINIMO iyo SOMALINIMO! si kale haddii loo yiraahdo, somalinimada waa la wadaagaa .. laakiin muslinimada lama wadaago .. waxa tusaale kuu ah (xidhiidhka ka dhexeeya CARABNIMO iyo ISLAMNIMO).
    isku soo duuboo, shariifku muslinkuu ka mid ahaaye..lay lahaa waxa fitneeyey shariifkaan okiyaalaha wata iyo wasiirka qorsheynta (Cabdi c/Shakuur)

    Muslinka soomaaliya gaalada iyo dulaaliinteeda kula dagaalamayaa waxaan leeyahay:
    IN YAR BAA HADHEE HINJIYA!

  6. faysal says:

    asc. shiiq xasan waa in aad meelcad saartaa mujrimka axmed madoobe ee qandaraaska soo qaatey. hadii kale qiiqa haisku qarin oo mujahidiinta la midoow. aniga waxaan aaminsanahay in aysan jirin wax la dhaho xisbul islaam, waayo waad ogtihiin in ragii kufaarta ahaa ee faransiiska ee basasiinta ahaa la qeybsadey xisbiga waxey ku badesheen doolar, marka aniga waxaan ku taliniyaa shiiq xasan dahir iyo shiiq xasan turki in ay si deg deg ah ugu biiraan shababul mujahidiin. mujahidiinta waa kuwa kaliya ee barakeysan ee shareecada ku dhaqi karo soomaaliya iyo aduunkaba.

  7. Cali says:

    Aweys hadalkiisu waa been. Soomaaliyaana gaalo dhibku haysa ma joogto. Dhibka waxa wada waa isaga iyo kuwa lamidka ah ee maalin walba dhiiga Soomaalida daadinaya intey iyagu ilaaliye-yaal sameysteen.

    Soomaaliyaa gaalo kuma dhimato ee dad Soomaali ah ayaa dhiigoodu maalin walba ku daataa. Boqolaal Soomaali ah ayaa dagaal aan micno lahayn iyo dhibaatooyinka dagaalada la xidhiidha u dhintee meey boqolaal lamida oo gaalo ah la dintaan.

    Ma dadka Soomaalida ah ee isaga aragtiisa mid ka duwan qaba ayuu gaalo ku tilmaamayaa?. Islaam-nimada ma isaga iyo Al-shabaabaa bixiya?. Ma isaga iyo kuwa lamidka ah baa looga fadhiyaa iney sheegaan qofka Muslimka ah iyo kaan Muslimka ahayn?.

    Gaalada joogta Soomaaliyaa waa 4,000ta ee Xamar joogta ee mey dalka ka saaraan iyagaa laba koor ka badane?. Waxaana hubaal ah in xataa haddey gaaladu dalka ka baxaan ayna xabadu joogsaneynin oo waxaa tusaale u ah meelaha kale ee gaalo iyo dowlad-toona ayna jooginba dhiiga dadku waa kan daadanaya!

  8. Cali Guure says:

    Salamu calaykum

    Dadkii maanta khudbooyinka ciidda ka jeediyey gobollada Soomaliya waxaan iigu yaab badnaa

    Ninka la yiraahdo Sh. Maxamed Siira ee waqooyiga Soomaaliya. War ninku maxuu ahaa? Waxaa uu yiri sidii taiwaan waa inaan u istaagnaa? War ninkan ma xishoodaha ah maxaa ku darey culimada Soomaaliya? Waa Riyaale, Gulleedkiisa?

    Bal ka dhageysta idaacadda macna beeshay ee la yiraahdo HCTV jahliga uu ku hadley. Wallaahi markaan maqley khudbadiisa waxaan is iri armuu waalan yahay.

    Tan sheekh Xasan Dahir…waa ku quman yahay lama hadlayno shariif iyo xukumka islaamka ka qabo ninkii gaalada walaa siiyo.

    Laakin sh. xasan sida uu ula hadley shabaabkan dhiiga walaalahooda banneystay waxay niyad jabisay mujaahidiin badan oo ka rabey inuu mowqif cad ka qaato raggan u dhaqmaya sidii takfiiriiyinta.

    Waxaan rumeysanahay in xisbiga iyo shabaabkaba labadooduba wadada ay hayaan ay tahay mid jahawareersan..inskasta oo xisbiga u muuqdo mid ka aragti dheer kooxda shabaabka oo ilaalin kara miraha jihaadka.

    Haddii dawlad islami dhalan waydo waxaa eedda dusha u ridan doona shabaab oo qooqey, banneestay dhiigga musliminta kuna diray shacabka diinta islaamka iyo xisbiga oo yeelan waayey garasho islaami ah oo ay gacanta kaga qabtaan shabaabka dhuminta miraha jihaadka.

  9. hana says:

    Sh. Shariif xiriir ayuu muslim iyo gaalo la leeyahay, xiriirkaasna ma aha mid islaamka wax lugu yeelayo ee mid loogu adeeegayo. Diinta iyo dalka waxaa khatar ku ah kuwa mucaaradka hubeysan oo diiday in shareeeco la isku xukumo. Rasuulka sallaaahu alaihi wassallam wuxu xulafo la sameystay Christian iyo yahuud. Wuxuu kale oo la heshiiyey mushrikiin. Marka diinta yaan laga beensheegin. Nimanka mucaaradka ah islaam ma matalaan, taas culumada oo dhan ayaaa isku raacsan. Qofkii nimankaas la dagaala, waa qof islaamka u khidmeynaya ee maahan qof islaam la dagaalaya.
    Midda kale culimadu waa isku raaceen in dowladda shariif tahay dowlad islaami ah.

  10. heaga says:

    anigu waxaan u arkaa sheekhu wax ma hayo talo ah wuuna jeclaan lahaa in uu sharif la heshiiyo maanta lakiin wuxuu ka baqayaa shabaab taas ayaa kaliftay inuu hadba meel isugu keeno habro cidiisa ah una khudbeeyo

  11. xog -maal says:

    sh xasanow allif wax ma laha iyo waa lee yahay kala daa !!

    shabab iyo xisbul islaam dagaalkoodu waa FITNO
    DFKM dagaalkeedu waa jihaad

    labadaas oraah kala daa !!! bilaahi calayk,, DIINTANA sidaad rabto ha salaxan.

    Ahlu suno waxay qaban dagaal 2 muslim ah ka dhexjiraa waa FITNO, marka xagee ku taal midka aniga la igu hayo waa fitno, midka aan qadayana waa JIHAAD.

    xaddis NNKH ka sugnaaday ayaa oranaya ” hadaadan xishooneyn sammee waxaad rabto” walaahi in aanan kaa YEELIN eratariya waa saaxiib gaalada kalena waa cadow!!!

    yaa ummada u wax tar badan adiga iyo kuwan aad leedahey dagaalkoodu waa jihaad

    1- ahmed abdi wayel – maamulihii mu’assada imamu shafici (hada wasirka waxbarashada)
    2- prof adow – gudoomiyihii jamacada banaadir (hada wasiirka wax barashada)
    3- maxud garwayne, jinaqow, dr maxed cali ibrahim iwm
    dadkaas waxaan ku naqaanaa dad ahlu diin ah abnaa saxwah ah,,, marka HADAD IS KHILAAFTEEN ma aha in aad ADIGU SAXAN TAHEY.

    ilaahey u soo laabo maanta waa aduun berina waa aakhiro walaahi thuma walaahi JID aan sax ku socon ayaad HAYSAA !!! DIB ayadna ka garan marii shabab ama ku qaxiyan ama dil kugu xukuman

    mahadsanidn

  12. xabeeb says:

    waxaan weydiin lahaa Sh. Xasan Dahir Aweys

    Shiikh Shariif wuxuu wataa dowlada shiheeye oo gaala ah sida Mareykanka, Uganda Brundi iyo kuwo la mid ah.

    Xisbul islaam na waxuu wataa Ereteria oo dowlad crishtana ah yahuuda xulufa la ah

    maxaa farqi ah oo dhexeeye labada dhinac??????????

  13. Omar m. xuseen says:

    Salaanta Islaamka kadib, waxaan la yaabanahay Sh. Xassan Dahir aways meesha ay maanta la marayso. Waxaan islahaa Sheikhu wuxuu oran doonaa Al-shabaab waa naga gardaranyihiin mar haday diideen heshiiskii. Weli Shiikhow ma waxay kuu joogtaa meesha aad tilmaantay adiga oo ragaagii seeftu dulsaarantahay.

  14. Allemagan says:

    Shiikh Xasan Dahir Awaysow dagaalka fallaagada Al-shabaab xisbigaygu la galaa waa fitno, kan lagu xasuuqo Soomaalida kalena waa bannaan (mubaax) waxgarad kaa dhagaysan mayo. Beer laxowsi rakhiis ah guul ku heli maysid.

    Rag ayaad is haysaane, Shiikh Xasan mowqif cad ha lagaa helo. Xisbigaaga ragii ka tirsanaa waa tan xuduuuda la tillaabiyay ee maxaad hogaan ugu tahay hadii aadan hiil iyo hadalba nafta kala caagtay? Naf jecaylka mowdku kugu ma daayo, falaarina galgalasho kaagama harto. Sug adna maalin dhow ayaa arrintaada Al-shabaab soo afjarine mar hadaad ciidankaaga garabkiisa ka baxday.

    Tan labaad, Shiikh Xasanow Soomaali waa Soomaali waana wada Muslim. Ma jirto cid kaa dhagaysanaysa xikmadna ma aha Soomaalida Xisbul Islaam iyo Al-shabaab aan ahayn waa gaalo ee ha la laayo. Meeshaan gaal iyo shisheeye aad la dagaalamaysaa ma jiraan. Waxaad labadiina qolo ee argagaxisada ahba xasuuqaysaan maalin walba oo aad dowladnimo iyo dadnimo ka hor istaagteen waa shacabka Soomaaliyeed. Waxaad u ordaysaa Shiikh Aweys oo aad usoo dhaashatay garkana cillaanka ugu soo duugtay waa kursi khasab ah iyo jajuub. Sida aad ugu haaraysid inaad Villa Soomaaliya mar fariisatid cidna kama daahsoona.

    Shacabka Soomaaliyeed horay ayaad u tiri waxaan ugu baahnay inaan dagaal kula dhex gabado sida kalluunku biyaha ugu baahan yahay. Hadii Alle yiraahdo ama biyaha ayaa dhawaan ku soo tufi ama adoo dagan ayaa Al-shabaab gacanta kuu galin.

    Ciidan iyo munaasabad kale dadka Soomaaliyeed kaama sugayn xikmad aan Alle kugu beerin iyo hadal lagu farxo toona.

  15. Khaliifatuhu says:

    Culimadan mujaahidiinta ah maxay Kenya u magan galeen, aaway dagaalka ay masiixiyiinta kula jireen, aaway ridadii iyo kufrigii ay ka hadli jireen, Xasan Mahdi hadaladii naarta ahaa ee takfiirinta ahaa ma waxay ku biyo shubatay Kenya magan gal, malaha waxaa loo qaatay in asaga oo is difaacaya la dilo, gablan talo aduuneey maxay galabba heer joogtay.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh.Xasan Daahir Aweys oo ku tilmaamay Imaanshiyaha Sh.Shariif Muqdisho mid raali galinaya Cadowga
  2. Dr Cumar Iimaan & Sheekh Xasan Daahir Aways oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Xisbiga
  3. Sheekh Xasan Daahir Aways oo waraysi kooban siiyay TV-ga Al-jazeera
  4. Sh. Xasan Daahir Aweys oo u Hanjabay Dowlada Kenya
  5. Sheekh Xasan Daahir Aways oo dib ugu laabtay Asmara

Latest Headlines