Magaalada Qardho oo si wayn looga ciiday

Published on November 27, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka kar kaar ayaa maanta si wayn looga ciiday ciida ciidul adxaa al mubaarak waxayna dadku isku yimaadeen duleedka magaalada si ay ugu u wada tukadaan Salaha Ciida loogu tala galay.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Qardho ayaa laga dareemayay niyad samaan iyo farax aad ah waxayna dadku ahaayeen kuwo intooda badan xidhnaa dhar cusub waxayna dadku ahaayeen kuwo isku hambalyaynayay Ciid Mubkaarak, Ciid Wanagsan , Ciid Saciid, Kullu Caam Wa Antum bi kheyr.

 

Dadk waynaha ku dhaqan Magaalada Qardho waxaa Masalaha Weyn kula hadlay Culimaa’udiin kala duwan ka hor intii aan la tukan Salaada Ciida iyo kadiba , waxayna Culimada Buslshada kula dar daarmeen Cabsida Alle SCW meel kasta oo ay joogaan, waxayna sidoo kale Buslshada siiyeen dar daarano la xidhiidha Acmaasha Ciida .

 

Dadka ayaa sidoo kale ku tukuday Masle kale oo daris la ah Wakaalada Xooga Koronta Umadda ee Qardho “ENEYO” waxayna dadku ahaayeen kuwo aad ugu faraxsan ciida.

 

Waxaa sidoo kale dadka ku dhaqan magaalada Qardho ay faraxada ciida ku garab wadeen Udxiyada waxaana la arkayay dadka intooda badan oo Udxiyo sameysanaya kadib markii ay Salaada Ciida soo tukadeen..

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Magaalada Boosaaso oo si wayn looga ciiday
  2. Magaalada Garoowe oo Saaka si wayn looga Ciiday
  3. Magaalada Qardho oo Si mideysan looga Ciday
  4. Qardho oo si midaysan looga ciiday
  5. Magaalada Boosaaso oo Saaka si weyn looga ciiday

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Magaalada Boosaaso oo si wayn looga ciiday
  2. Magaalada Garoowe oo Saaka si wayn looga Ciiday
  3. Magaalada Qardho oo Si mideysan looga Ciday
  4. Qardho oo si midaysan looga ciiday
  5. Magaalada Boosaaso oo Saaka si weyn looga ciiday

Latest Headlines