Hogamiyaha Ciimadaa Maraykanka ee Afrika “siyaasadayada Soomaaliya in ay guulaysto waxa ay u baahan tahay wakhti”

Published on November 26, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Hogaanka William. A.  ciidamada maraykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheeegay maalinimadii shalay ahayd in uu Maraykanku sii wadi doono kaalmaynta Dowladda Soomaaliya ee ku wareersan soo celinta Amniga iyo xasiloonida guud kaas oo uu sheegay in uu wakhti qaadanayo wax ka qabashadiisu.

 

General William A. ayaa hadalkan ka sheegay Kulan uu Saxaafadda ugu qabtay Caasimada Dalka Al-Jeria oo uu booqasho ku joogay wuxuuna xusay in waxa ka dhacayaa Soomaaliya ee heerka la yaabka leh maraya ayaan lagu xisi Karin habeen iyo maalin.

 

Waxa uu Gereralkaa oo arintaa ka hadalayna yidhi “intaa kadib siyaasadda hadda ee fursadda siinaysa in Caalamku taageero Maraykanka kaliya mahane balse waxaa xoogin la xoojinayo Dowlada Midnimada ee Ku meel gaadhka ah iyo kaalmaynteeda iyo sidoo kale taageerista Ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya si ay u ugu sii nagaadaan halkaa (Somaliya) “

 

Dhinaca kale waxa uu weerar ku qaaday Generalkaasi Xoogagga Al Shabaab oo Maraykanku ku tilmaamay in ay Geeska Afrika wakiil uga tahay Urur weynaha Al Qaacida wuxuuna tilmaamay in labo sano iyo badh ay dagaal kala jiraan Dowlada dhexe ayna ka soo horjeedaan in ay dalka isku baahiso kuna faafiso ku dhaqanka Shareecada Islaamka .

 

Wuxuuna Generalkaas oo arimahaas ka hadlayaana yidhi “siyaasadayada Soomaaliya in ay guulaysto waxa ay  u baahan tahay wakhti”

 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ciidamada Maraykanku sii wadayaan taba barada la xidhiidha la dagaalka argagixisada ee ay siinayaan Xukuumadaha iyo Ururada ka hooseeya Saxaraha , wuxuuna tilmaamay in ay jiraan qorshayaal ay ciidamada Maraykanku ay si toos ah ugu qeyb qaadanayaan howlgalada lagula dagaalamayo kacdoon wadayaasha .

 

Ila wareedyo Reer Galbeed ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ay ku soo tababaro qaataan Xag jirtiinta kadibna ay qorsheeyaan howlgalo ka dhan ah danaha Reeer Galbeedka .

 

Hadalkan Maraykanka ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili wadamada dariska la ah Soomaaliya laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwaas oo lagu aruurinayo ciidamo kala duwan oo la sheegay in loo tababarayo DKMG ah.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. M.Afrika oo ka shiraya Arimo ay ka mid tahay Soomaaliya
  2. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  3. Sh.Bashiir “Saameynta Mucaaradku aadbay Daciif u tahay, mana awoodaan inay saameeyaan waxa ka socda Soomaaliya”
  4. Itoobiya oo Wakhti u qabatey kala bixitaanka Ciidamadooda ee Soomaaliya
  5. Maraykanka oo Wada Qorshe Qabyo ah oo Burcad badeeda lagula dagalamayo dhulka Soomaaliya

Readers Comments (1)

  1. albashiir says:

    as war wab..waad aragaa maraykan shabaab ayu afka ku hayaa …suufiyo shabaab ayay afka ku haysaa…..itoobiya sidoo kale…

    wadaaddada salafiyiintu ma baraarugayaan mar uun oo wiilashaas geesiyaasha ah ma la jaan qaadayaan mise weligood baqdin ayay fatwoonayaan….waayo waagii itoobiya qaar badan oo kamidi waxay yidhaahdeen lalama dagaallami aro…….

    waxan halkan uga hanbalyayn amiir alxakiim abu zubayr…wa shaykh xasan…iyo halyay rooboow….shiikhanaa fu’aad ciid wanaagsan ciidan teeda innagoo xor ah ayaan isu hanbalyayn insha allaah……..salaama




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. M.Afrika oo ka shiraya Arimo ay ka mid tahay Soomaaliya
  2. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  3. Sh.Bashiir “Saameynta Mucaaradku aadbay Daciif u tahay, mana awoodaan inay saameeyaan waxa ka socda Soomaaliya”
  4. Itoobiya oo Wakhti u qabatey kala bixitaanka Ciidamadooda ee Soomaaliya
  5. Maraykanka oo Wada Qorshe Qabyo ah oo Burcad badeeda lagula dagalamayo dhulka Soomaaliya

Latest Headlines