Al-Xisbul Islaami, Al-Shabaab & DKMG ah oo Hanbalyo ku aadan Ciidul Adxaa u Diray Shacabka Soomaaliyeed & Xujeyda Sanadkan

Published on November 26, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

Ururka Al-Xisbul Islaam, Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo DKMG ah ayaa Maanta Hablyo ku aadan Ciidul-adxaa u diray Shacabka Soomaaliyeed, iyo Xujeyda Maanta Taagan Banka Carafa ee Magaalada Maka Al-Mukarama.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Al-Xisbul Islaami ee Gobolka Banaadir Sheekh Ibraahim Barre Cismaan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ugu hambaliyeeyay shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidda Barakaysan ee Ciidul Adxaa,isagoo sidoo kalena u hamliyeeyay xujeyda sanadkan 1430 H u taagan inay gutaan xajka.

Sheekh Ibraahim ayaa Shaaciyay inay Diyaariyeen Goobo lagu Tukan karo Salaadda Ciidul Adxadda kuwaas oo kala ah:- Saldhiga Degmada Yaaqshiid, Saldhiga Hurwaa….

Maamulka Al-Xisbul Islaami ee Degmada Afgoye ayaa isna ugu Baaqey dadka Degmadaasi in Barito marka ay saacadda Tahay 07:00 Aroornimo ku soo Tukadaan Barxado ay ka mid yihiin: – Baali-guri, Garoonka Todob, Garoonka Xidig iyo ….

Madaxa Dacwada ee Maamulkaasi Sheekh Cali Sheekh Cumar Xaaji Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu Baaqey Dadka Muslimiinta ah inaysan isku khilaafin Ciidan.

Sidoo kale Maamulka Deegaanka Lafoole ayaa isna ugu Baaqey Barakacayaasha ku dhaqan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye inay Salaadda ku soo Tukadaan Barxadda ku taala Dhinaca Galbeed ee Deegaanka Calamadda

Al-Shabaab

Dhanka kale Waaliga Wilaayada Gobolka Banaadir ee xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ugu hambaliyeeyay shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidda Barakaysan ee Ciidul Adxaa,isagoo sidoo kalena u hamliyeeyay xujeyda sanadkaan u taagan inay gutaan xajka, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in uu u tahniyadeyno Malaayiinta Maanta Taagan Buurta Carafo ee Ilaahay Waajiyay in ay gutaan acmaasha Xajka iyo waajibaadka sidoo kale waxaan u tahniyadeynaynaa dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaana umadda Soomaaliyeed ilaah uga baryeynaa in sanadkaan sanadkiisa kale nabad uu ku gaarsiiyo”.

Sheekh Cali Waxaa uu Shaaciyay in Dadka ku sugan Degmooyinka Hodon Wardheeglay iyo Howlwadaag ay u qorsheeyeen inay ku Tukadaan Garoonka Stadium Muqdisho Halka dadka ku Dhanqan Deegaanada Shibis,Boondheer,C/casiis Ilaa Kaaraan in ay isugu imaanayaan degmada Kaaraan.

Dadka ku Dhaqan Wadada Warshadaha gaar ahaan Excontarol iyo Waxara Cadde Waxay ku Tukan karaan Suuqa Xoolaha gaar ahaan Halka lagu Magacaabo Sheekh Cali Diyaar iyada oo Dadka ku dhaqan Deegaanada Deyniile ilaa Garasbaalay loogu talagalay in ay isugu tagaan deegaanka Tiida.

DKMG ah.

Uqaabilsanaha DKMG ah Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambaliyo ku aadan munaasabadda Ciidul Adxaa waxaa uu u diray shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Sheegay inay Fasaxeen dhamaan shaqaalaha dowladda KMG si buu yiri ay uga Qeyb qaataan Gudashadda Munaasabada Ciidul Adxaa.

Hambaliyeytani ayaa Imaanaysa xili Magaalada Muqdisho iyo Degmooyinka kale ee Wadanka Soomaaliya si weyn looga dareemayo u diyaar garoowga Munaasabadda Barakaysan ee Ciidul Adxaa oo ku beegan maalinta berri ah haddii Alle Idmo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudoomiyaha UWSLF oo Hanbalyada Ciidul Fidriga u diray Shacabka & Ciidamada ka howl gala Gudaha Dhulka S/galbeed
  2. Sh Shariif oo Hanbalyo Ciida ku aadan u direy Shacabka.
  3. Madaxweynaha Yemen oo Warqad Hanbalyo ah u diray Sh. Shariif
  4. Ciidamadii Al-Xisbul Islaami ee Tiyeegloow oo ku Biiray Al-Shabaab
  5. Al-Xisbul Islaami oo Awaamiir ku soorogay Shacabka B/Weyne.

Readers Comments (6)

  1. c/fatax & c/fatax says:

    s/c

    dhamaan walaaha mujaahidiinta ah meel walba oo ay dunida ka joogaan ciid wanaagsan,ilahey cidan teeda kale ha nawada garsiiyo,tan kele xujayda maanta taagana banka carafo waxan oran lahaa sidoo kale iyo bahda soomali mirrorba iyo dhamaan inta xaqa u taagan

  2. Faysal says:

    CIIIIIIID WANAAAAAAAAGSAN.

  3. Arday says:

    Hambalyo Hambalyo Hambalyo. Shabaab inkastoo aan ku raacsaneyn waxbadan in WFP aad ku amartaan in ay beeralayda somaaliya ka’iibsadaan waa ku saxantihiin. Raashin yaan dibada laga keenin wakhtiga beeraleyda beeraha u go’aan. Hambalyo Hambalyo Hambalyo

  4. nusayba says:

    Hadaysan aheen farxada maalinta ciida cibaado aan illaahay ugu dhawanayno hambaalyo iyo tahniyad midna la idinkama aqbali laheen .

    Laakiin Naxariista Allaah marnaba kama quusanayno ,

    Illaahaay baan ka baryaynaa sidoo nugu nicmeeyay islaamka inoo midnimo noogo nicmeeyo asa qaadir oo raxmaan ah

  5. Hargeisaawi Shahiid Rajeeye says:

    Al Shabaab Guul

  6. nasrillaah says:

    waxaan dahniyat iyo salaan udiraayaa dhamaan islaamka meelwalbooyjoogaan gar ahaan mujaahidiinta iyo xujeeyda ilaaheey camalkiina saalixa ha idinka aqbalo muslimiintana ilaaheey CZW hamideeyo qowadooda sharaftoodana ilaaheey kor ha uqaado ALLAAHUMA CIZAL ISLAAM WADULA SHIRKI WA MUSHRIKUUN




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudoomiyaha UWSLF oo Hanbalyada Ciidul Fidriga u diray Shacabka & Ciidamada ka howl gala Gudaha Dhulka S/galbeed
  2. Sh Shariif oo Hanbalyo Ciida ku aadan u direy Shacabka.
  3. Madaxweynaha Yemen oo Warqad Hanbalyo ah u diray Sh. Shariif
  4. Ciidamadii Al-Xisbul Islaami ee Tiyeegloow oo ku Biiray Al-Shabaab
  5. Al-Xisbul Islaami oo Awaamiir ku soorogay Shacabka B/Weyne.

Latest Headlines