2 Wariye oo Ajnabi ah oo la sii Daayay

Published on November 26, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

wariyayaal Ajaanib ahLabo Wariye oo u kala dhashay Canada iyo Australia ayaa Shalay Galinkii Danbe la sii daayay ka dib markii Afduub loo haystay Mudo 15 Bilood ah, waxayna Xalay ku hoyden Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Labadda Wariye waxaa la kala yiraahdaan Amanda Lindhout, waxayna u Dhalatay Wadanka Canadian Halka Nigel Brennan u ahaa Sawir qaade u dhashay Wadanka Australian.

Labada Wariye oo Bishii August ee 2008 laga Afduubtay Deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa lagu wadaa inay Maanta Barqanimadii ka dhoofaan Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan Xubno ka mid ah DKMG ah, inkastoo aan la sheegi karin waxa ay ka wada hadli doonaan.

Wariyayaashaasi waxay sheegeen in intii la haystay loo geystay Jirdil, lamana garanayo Cidii afduubka ugu haysatay.

Sidoo kale Lama garanayo in Wariyaashaasi laga qaatay Madaxfurasho iyo in kale, balse Dableydii Gacanta ku haysay ayaa horey u dalbatay Lacag dhan Hal Milyan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wariye Muxudiin Xusni oo dib loo sii daayay.
  2. Wariye Nasteex Daahir oo la dilay
  3. 2 wariye Ajinabi ah mudo bil ahna lagu heystay Boosaaso oo maanta la sii dayay
  4. Wariye ka tirsan Idaacada Shabeele oo lagu diley Deg. Afgooye.
  5. Wariye Muxiyadiin Xusni oo la xiray

Readers Comments (4)

  1. haadi says:

    waxaas waxay kamid tahay dhibaatooyinka aan la wareersanahay waxaana uga bixi karna hal wado oo quro inagoo helno KHILAAFAH ISLAAMIYYAH ilaa taas laga helaana qofka muslimka ah sumcaddiisu wey liidantahay iska daa muslimkee waxaa KHILAAFADU ay ilaalineesaa xitaa gaalka DIMMIGA AH gaalka MUCAAHIDKA gaalka MUSTAMANKA AH iska daa galadee waxaa ku noolanayo XIYAWAANAATKA oo sida hada loo isticmaalo xiyawaanka bilaa naxariista wey ka dhiidhineesaa KHILAAFADA ISLAAMKA ilahay waxaan kuweydiisanayaa magacyadiisa wanaagsan iyo sifaatkiisa sareeyo inuusan dunida naga oofsan anagoon ku ilqabowsan DALLADA KHILAAFADA ISLAAMKA nolosheenana inoogu khatimo SHAHAADAH MAQBUULAH MIN CINDIHI

  2. diini says:

    somali mirror maxaad runta uga gabaynaysaan nimanka wadaadda ayaa qafaashaye alshabaab iyo xisbul xasuuq midkoode. maad runta sheegtaan

  3. tarar xalane says:

    gabadhan iyi ninkaba waxaa laga qaatay lacag aad ubadan waana tan maalmahan ey kudagaal gelayeen xisbiga
    islaam xasuuqu waliba wey kufsadeen

  4. abu fatima says:

    Nin waliba wuxuu jecel yuhuu shee gaa
    Horta mayihiin dimi mase taqaan qofka dimigaa dhagta unn baad kamaqashay deetana waad la soo boodey cajiib.
    Dawaladaha ay kayimaadeen labaduba waxaa weeye dawlado xarbiya mana aysan u imaan ilaa inay basaasaan umada moo yee mana ay way diisan qofna idana cid ay uga qaa taan majirto haadi haduu asagu siiyey damaanad ama dalku gal waa mee sheeda khaldu owraaq wax lagu yiraa carabiaga ayaa jira saa xii ba yaa loow hana wareerinina ayaguna waa moor yaan kolay moor yaan tii muqdishaana qabsatay ila tahay
    moor yaan muwaadina iyo moor yaan ajnabiya ayey kala yihiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wariye Muxudiin Xusni oo dib loo sii daayay.
  2. Wariye Nasteex Daahir oo la dilay
  3. 2 wariye Ajinabi ah mudo bil ahna lagu heystay Boosaaso oo maanta la sii dayay
  4. Wariye ka tirsan Idaacada Shabeele oo lagu diley Deg. Afgooye.
  5. Wariye Muxiyadiin Xusni oo la xiray

Latest Headlines