Maamul loo sameeyay Af-madow

Published on November 25, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Wilaayadda Jubooyinka ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta Maamul Cusub u sameeyay Magaalada Af-madoow ee Gobolka Jubadda Hoose, ka dib markii ay Maalmo ka hor kala wareegeen gacan ku haynteeda Ururka Al-Xisbul Islaami.

Sheekh C/Fataax Ibraahim Cali oo u hadlay Wilaayada Jubooyinka ayaa sheegay in Maamul ka kooban 3 Xubnood ay u dhiseen Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Magaaladaasi ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xasan (Abuu Zakariya), halka Xisbada ama Amaankana loo magacaabay Xuseen Jaamac, iyada …. Xafiiska Dacwadana Loo magacaabay Axmed Sheekh C/kariim.

Sheekh C/fataax ayaa sheegay in markii ay maamulka soo dhisayeen Wada tashi la sameeyeen Dadka deegaanka, markii ay dhiseena ay u bandhigeen Xubnaha loo magacaabay Maamulka Magaalada ayna soo dhaweeyeen.

Dhanka kale Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta la wareegtay Gacan ku haynta Deegaanka Buulo-xaaji oo 90 Km dhanka K/Bari kaga aadan Magaalada Kismaayo ka dib dagaalo halkaasi ka dhacay Maalmihii ugu danbeeyay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-Shabaab oo Maamul ka sameeyay Gobolada Bay & Bakool
  2. Al-Shabaab oo Maamul Cusub u sameeyay Balad-xaawo
  3. Al-Xisbul Islaami oo Maamul Cusub ka sameeyay Luuq & Al-Shabaab oo ka hadlay
  4. Degmada Ceel-waaq oo Maamul cusub loo sameeyay.
  5. Maamul Islaami ah oo laga dhisay Balad-xaawo & DKMG ah oo Taliye Ciidan u Magacowday G/Gedo

Readers Comments (12)

  1. Abu sumaya says:

    Alahu akbar waa cadaalad iyo hormar

  2. bashaash says:

    Asalaamu calaykum.
    salaan kadib mahad oo dhan ALLE ayay usugnaatay nabadgalyo iyo naxariisna nabbi MUXAMED csw, waxaan umahadcelinaayaa walaalaha maamulka usameeyay magaaladaas iyo sida wanaagsan ee ay ula dhaqmayn dadka magaaladaas dagenaa, waxaana usheegayaa qofkasta oo qabyaalad kusoo dabagabado inuu wadadaas maraayo umada waxa ay labaatan sano ay isku dilaysay waa sanamkaas loo yaqaano (qabyaalad) marka qofkasta oo wadaadnimo kusoo gabado ALLE waa uu fadeexeenayaa goortay noqotaba sida maanta kuwaan uu ALLE ufadeexeeyay waxaana wax ALLE looga mahdiyo ah inaysan walaalaha kala qaybsamin oo dhagaheena ay maalinwalba kusoo dhacayaan inay safkaliya kawada dagaalamayaan balse cadowga sida uu jeclaa waa ay noqonwaysay waxaadna ogaataan ikhwaanii labadii mabda,a ku walaalowda waxa kaliya oo kala kaxaynkaro waa inuu qofkood kaleexdaa mabda,aas waana midka aan maanta ubaahan nahay ayada oo ay inagu badatay sifada munaafaqnimada hadii ay noqon lahayd mid wadaad sheegto iyo caamadiiba ilaa qof uu ALLE unaxariisto mooyaanee… walaalaha utaagan inay kalimada ALLE kor noqoto har iyo habeenba waxaan lee yahay jazaakumullaahu khayral jazaa.

  3. abuabakar says:

    aad baan usoo dhawaynaynaa maamulkaas loo sameeyay afmadaw waana lagu farxo

  4. Muslim says:

    waa maamul xaq daro oo aan diinta sal ku laheyn. waxey kusoo duulen dad muslimiin ah oo lagu yaqaano sidda ay diinta ugu nasreyn jireen. waxey dhiigooda baneysteen mujaahidiintii, markaa shabaabku maamul kusheegoodu waa xaaraan dadka muslimiinta ah ee kunool jubooyinka waxaan odhan lahaa ha la iska dhiciyo daalimiintan aan diin illaahey shuqul ku laheyn

  5. nasrillaah says:

    kenya yaa maanta ookale arko nadin naxdintaas ayaa niligu haaynaayaa aaqirana cadaab haduu ala itmo waawa haduu ciidankii nabi maxamed CSW soo socdaan alaahu akbar waxii hada kadanbeeyo gaalo waxaa ubaryaayo waacusub halasabro samirka halabadiyo

  6. haadi says:

    MAASHA ALLAAH waa wax lagu farxo inaa mamul ISLAAMI ah meel laga dhiso lkn waxaa larabaa inmeesha markaad tagto aad ku sugnaato aad dadka salaada iyo zakada ugu baaqdid maaha in markiiba lagu kala qeebsado xubno iyo GAARI RONED waa saan ku naqaanay wadaadada ee halabadiyo TAWAADUCA IYO GARAB RAARICISKA dadka muslimiintaa sheekh xasan turkina halooga dambeeyo waxa dhulka OGAADENIA laga saameenaya maxaa yeeley NABIGA CALEEHI SALAATU WASALAM AQRAC BIN XAABIS iyo odoyasha kaaba qabiilka wuu weyney jirey marka sheekh xasan waa aabaha jihaadka waa ssheekh waa nin da ah cimri jiro marka ALLAAH waxaan karajeena inuu inoogu gunaanudo nolosheena SHAHAADAH MAQBUULAH

  7. muslim says:

    Asalaamu Calaykum

    Walaalayaal waxaan kacabsi qabaa in shabaab sidaa lagu daayni doonin oo gaalo oo idil iyo warlord iyo kuwii walaalahood ahaa ee aay dhiigooda baneeysteen aay umidoobaan meel aay kudhuuntaan waayaan. Maanta wax ka farxad badan sh sharif iyo Kenya majiro waayo waxeey heleen dad aay kuyiraahdaan ma nimanka dhiigiina baneeystay ayaad cafineysaan?

    Rasuulkeena Salalaahu Calayhi Wasalam wuxuu inooga tagay nuur iyo islaam. Munaafiqiinta islaamka dhib badan ugeysanaye sida kuwii xadithul ifk madilin lamana dagaalin. Maanta shabaab waxeey ladirirayaan dad leh war kitaab aan unoqono oo wixii khilaaf ah hainakala saara. Sh Axmed Madoobe ayaa yiri markuu kismaayo yimid, Sh Xassan Dahir ayaa yiri. Sh Xassan Turki fadhiga ayuu kutukadaa oo waxaaba laga yaabaa in uu uxanuun sanyahay nimankii uu soo taba baray oo maanta islaam isku dilaya wada sheeganaya salaf. Subxaanallah. Aniga waxa kaliya aan umacaaridaya shabaab waxaa waaye:
    - Dilkan micna darada ah
    - Culumadii somaliyeed oo aaynan sharfeeynin iyo madax dhaqameedyadii aay ucaga jugleeynayaan
    - Xuduudaha aay inkirayaan ayagoo tabar weyn lahayn. Markeey ugaarto waan taageri lahaa lakiin ayagoo dadkoodii silacsan yahay dibada iyo gudaha, hub sameeysani karin, hal diyaarad ah xitaa soo ridi karin in aay sabraan ayeey ahayd nin walibana kailaaliyaan in uu cadowga umada somaliyeed ee muslimka ah amaan badin.
    - Ayagoo hadala loo baahneyn u faaideynaya cadowga sida Alaska ayaan usoconaa, kampala iyo bujumbura yaan dhulka dhigeynaa iyo waxa lamidka ah.

  8. al-cadaala says:

    asc.
    Gurigii aad doonaysid inaad ka huleeshid kusoo dhowey alshabaab iyaga ayaa kaa qixinayee!!!!!!!!!!!!!!.

  9. Nasrullaho5 says:

    Maashaa allah kheyr

  10. Nasrullaho5 says:

    War kan muslim sheeganayow meeqa af ayaa kugutaala sunaafiqa aad sheegaso uma ekid walal maaqaal kaagi hore waxaad kusheegtay shabab inay asan muslim aheen oo daalimiin yihiin hadanana waxaad sheegtay inay dadfican yiin oo taageeri laheed haday haday xuduudaha beenta ah rumeeyaan walal imaa inaad saqiirtahay wa immaa inaadan waaqica lasocon wa immaa

  11. AhmedNuur says:

    Walaalaha shabaabka diin kuma socdaan isla markaana jihaad ma ahan waxa ay wadaan haddii ay jihaadayaan gaalo ayaa caasimadda joogtee ha ku jihaadaan waxaan la yaabanay kuwii ay shalay safka ku wada jireen soo rido kuma xukumayaan oo ma daba ordayaan gaaladii JAALE SIYAAD deganayd inta ay ay soo garab mareen war waa munaafaqiin aan diin ku dagaalamayn ee ilaahay ka ha kabaqaan oo bilihii ash-hurul xurumka ayaa lagu jiraa ee ha joojiyaan dagaalka & dhiiga ay wadaan isla markaan ha joojiyaan bursashada walaalaha shalay & maanta jihaadka la waday oo shariifka & gaalada AMISOM ha la jihaadaan

  12. abu salmaan says:

    kkkkkkkkkkkkk waxaan inbadan oo dadka ra,yiga kadhiibta ah ku arkaa iyagoo ku hadaaqaya sh xasan turki waxaan idiwaydinayaa qoriyo qiiqiisu maxay kalayihiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-Shabaab oo Maamul ka sameeyay Gobolada Bay & Bakool
  2. Al-Shabaab oo Maamul Cusub u sameeyay Balad-xaawo
  3. Al-Xisbul Islaami oo Maamul Cusub ka sameeyay Luuq & Al-Shabaab oo ka hadlay
  4. Degmada Ceel-waaq oo Maamul cusub loo sameeyay.
  5. Maamul Islaami ah oo laga dhisay Balad-xaawo & DKMG ah oo Taliye Ciidan u Magacowday G/Gedo

Latest Headlines