Ciidamadii Al-Xisbul Islaami ee Tiyeegloow oo ku Biiray Al-Shabaab

Published on November 24, 2009 by   ·   13 Comments   ·   print

Ciidamadii Ururka Al-Xisbul Islaami ee Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa Shalay Galinkii Danbe Sheegay inay ku Biireen Maamulka Wilaayada Goboladda Bay iyo Bakool ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Munaasabad Shalay lagu Qabtay Degmada Tiyeegloow isla markaana ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay labada dhinac ayaa lagu Shaaciyay inay Ciidamadaasi ku Biireen Maamulka Bay & Bakool.

Sheekh Mahad Cumar oo ah Gudoomiyaha Wilaayada Goboladda Bay iyo Bakool ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay Midoobaan Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Tiyeegloow isla markaana ay ku Midoobaan Magaca Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh Mahad wuxuu Sheegay inay Maamul u sameeyeen Degmada Tiyeegloow isla markaana wixii maanta ka danbeeya ay Hoostagayaan Wilaayada Goboladda Bay iyo Bakool.

Taliyihii Ciidamada Xisbul Islaam ee Degmadaasi Sheekh Ibraahim Cabdi Maxamed oo isna Goobta ka hadlay ayaa ugu Baaqey Dadka Deegaanka inay Taageeraan Maamulka Cusub lana shaqeeyaan.

Gudoomiyaha loo Magacaabay Degmadaasi Sheekh Warsam oo isaguna ka hadlay Munaasabada ayaa u Mahadceliyay Dadkii ka qeyb qaatay Midnimada labada dhinaca, wuxuuna sheegay in Maamulka Cusub oo wax ka qaban doono Xaalada Amaan ee Degmadaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-Xisbul Islaami oo ku aadan Ku biiritaankan ay Ciidamadoodii Tiyeegloow ku biireen Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Arintani ayaa imaanaysa xili Mudooyinkii ugu Danbeeyay ay Xasarado ka taagnaayeen Gacan ku haynta Degmada Tiyeegloow taas oo u dhaxeysay labada dhinaca ee Shalay isku darmaday.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Iska hor’imaad ka dhacay Degmada Tiyeegloow
  2. Maamulkii Kismaayo oo ku biiray Al-Shabaab
  3. Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab
  4. Al-Xisbul Islaamiga Gedo oo ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin
  5. JABISO oo fal Qisaas ah ka fulisay Tiyeegloow

Readers Comments (13)

  1. wadanka says:

    alaahu akbar waa in kuwa kalana kusoo biiraan walaalohood
    alshabaab waxaan ku jeclaaday labo arin
    1-cadaalad iyo qabiil la’aan
    2- gaalo nacayb mana aqoonsana QM
    ilaahay kaliya bay aqoonsanyihiin sidaas daraadeed ilaahay wuxuu makansiiyey dhulkii 20 sano cid kaltalisaa la waayay

  2. abu xafsa says:

    allahu akbar allahu akbar allahu akbar walilahil xamdu inta ka dib walalayal waxan ad ugu faraxsanahay midaynta ay midoben mujahidinta dhabta inta kalana illah waxan rajaynayna inu kuso biriyo mujahidinta

  3. xog-ogaal says:

    abu xafsa
    maxaad uga jeeddaa “mujaahidiinta dhabta ah” macnaha Mujaahid ma laba micno ayuu yeeshaa miyaanay mujaahidiintu wada dhab ahayn halkaas waxa ka muuqata in aad ciddii dhankiina soo marta ama fikirkiinna taageerta aad ku sheegaysaan Mujaahidiin dhab ah, walow haba ahaadeen kuwii ugu sharka badnaa ee Gaalada aad sheegtaan la safnaa, haddii ay dhinaca kale (xisbul islaam) galaana waxaad tidhaahdaan waa dhuuni qaatayaal oo waxba way ka waayeen kooxdii riddada “as u call the TFG”

    markaas su’aashu waxay tahay maxaa ciddii idinka idin la fikir ah uun ka dhigay Mujaahidiin dhab ah oo sax ah, inta kalena baaddil iyo riddo?

    su’aashaas haddii ay somalimirror soo daayaan ha ka soo jawaabaan abu xafsa, abufatima iyo inta la fikir ah.

  4. alaahu akbar ilaah ayaa quluubtooda iskusoo dumay hal magac oo islaami ah qaata qaasatan shabaabul Mujaahidiin.

    magaca Shabaabul Mujaahidiin gaala oo dhan way ka baqaan ugu yaraan way ka caroodaan maqalkiisa.

    marka insha’alaah qaata magacaas kuna Kufriya Q.Midoobe iyo dhamaan Ururada gaalada ushaqeeyo sida ONLF iyo Ahlulu Shirki wal zanaawiga xooga ku haysto Guri Ceel iyo Galgaduud

  5. Cawil says:

    A/W/W/ WAX LAGU FARXO WEEYE WALAALALAHA KALANA WAXAAN KULA TALIN LAHAA IN AY MIDOOBAAN

    RUNTI WALAALAHA ALSHABAAB ANIGA WAXAAN KU TAAGEERSANAHAY INTA UU WALALKAYGII IGA HOREEYEY SHEEGAY EE AHAYD
    1. QABIIL IN AYSAN KU DHAQMIN
    2. GAAL IYO NINKA JECEL IN AY NECEBYAHIIN.
    IYO WALIBA MEELAHA AY MAAMULAAN SIDA AY U MAAMULAAN.

    WAXAA KALE OO III RAACA SHIRKIGA KIISA YARYAR IYO KIISA WAAWEYNBA SIDA AY ULA DIRIRAAN.

    ALLE-NA WAXAAN UGU BARYEYYAA IN UU DIINTA KU SUGO OO KUWII LEEXDA AYSAN NOQON DHAMAAN DADKA ISLAAMKAANA WAXAAN ALLE UGA BARYEYYAA IN UU QULUUBTOODA USU SOO DUMO OO DIINTA NUGU SUGO MEEL AANU JOOGNABA.

  6. Ali says:

    MIDNIMADA MUSLIMIINTU WAA SHAY QAALI, MAALIN KASTA OO LA MIDOOBO SHACABKA MUSLIMIINTA EE SOOMAALIYEED IYO KUWA KALE EE MUSLIMIINTA AHIBA WAA KU FARXAAN.

    MAR KASTA OO 2 AMA KA BADAN KOOXOOD OO MUSLIMIIN AHI DAGAALAMAANA WAA LAGA NAXAA.

    HADDABA ILAAHAY (SWT) HA MIDEEYO MUSLIMIINTA OO DHAN – AAMIIN-

  7. yaa ila qosla says:

    kkkkkkkkkkkkkkk xisbi ku sheegee kala carar afgoye ayaa ku soo xigta saa danbana waxaa ku soo xiga wepsiteka somalimirror oo dhihi doona waxaan ku biiray xarakada alshabaab l,,,,,,,,,,,,,,,l

  8. berberberaawi says:

    Alxamdu-liLaahi kathiiraa..wa subxaanal-Laahi bukrattan wa asiilaa..sadaqa wacdahu..wa nasara cabdahu .. wa acaza jundahuu.. wa hazama al-axzaaba waxdahuu…

    Ashabaab waa rajada keliya ee soomaaliyi leedahay..xizbul Islaamna waa urur xishamad iyo qadarin mudan.. gudoomiyihiisuna (fadiilat-shaykh al-calaamah/xasan daahir aweys) waa nin aan aqaan oo diintiisu ku filan tahay .. hogaamin fiican iyo xikmadna ilLaahay siiyey.

    Sidaa darteed, xizbul-islaam wax ka sheegiisa yaan lagu degdegin..haddii qalad laga dareemo xataa..sheekha ayaa u shafeeco qaadaya..shiikh xasan waa nin qiiro Islaam iyo mid kalgacaylba u leh soomaalida..waana HANAD soomaali u kacay..waana nin lexejeclo u qaba dadka iyo dalka..qabyaaladana aan aqoon.

    IN YAR BAA HADHEE HINJIYA!

  9. Cali Guure says:

    Somalimirror qormadayda ii dhaafa

    ACW

    Midnimo kulahaa. Dadka Islaamiyiinta way iska laabkacaan marka ay maqlaan midow ay laba koox oo Islaamiyiin ay midoobaan. Waxaa ruuxa muslimka waajib ku ah inuu fiiro dheero yeesho.

    Midnamada muslimiinta waa madhlab sharci ah oo waajib eh laakiin dhacdadan kama duwan tii Luuq iyo Gedo. Waxayna ka tarjumaysaa xaaladda kala daadasho ee hab dhiska urureed ee Xisbiga Islaamiga.

    Xisbiga Islaamiga oo ay ka buuxaan rag culimo iyo halyeeyo ah waxaa uu ku fashilmay:

    1) inuu mowqif cad ka qaato Xarakada Shabaab oo banneeystay dhiiggooda
    2) Inuu sameeyo marjac diini ah oo shacabka Somaliya ka dambeeyso.
    3) Inuu dhiso habsami u socodka shaqada iyo waaxyada ururka oo aan iska war haynin.
    4) Inuu dhiso dawlad Islaami oo Soomaaliyeed inkasta oo tan ay kala mid yihiin shabaabka, Maxaakimintii Islaamka
    4) Inuu u gargaaro Ururka ciidamadooda dareemaya in iyaga iyo madaxda xisbiga kala sii fogaanayaan.
    5) Inuu xisbul Islam ka gudbo in Soomaliya ka wayn tahay Muqdisho iyo Afgooye.

    Dagaalkii Deynuunay intuusan dhicin waxaa baydhaba ka soo goostey boqollaal ka tirsaan munaafiqiinta Cabdullaahi Yusuf kuna biirey xoogaggi MMI. Dadkii dhahey war nimankan dhaqan celin ha loo sameeyo oo yaan lagu darin Mujaahidiinta ayaan ka mid ahaa. Natiijada waxay noqotey in dhabarka ka toogtaan ama dhabar wareemeen mujaahidiinta markii laablakac loogu darey MMI.

    Ma lihi labadan koox sidaa ayay isku sameyn doonaan inkasta oo shabaab biyo u gabbanayn daadinta dhiigga dadka ku khilaafsan aragtidooda diiniga oo aan bisayl siyaasa alsharciyah la socon. Marar badan ayay kooxahan isku biiraan dabadeedna kala tagaan sida Cabdiraxmaan macow ka sameeyey Hiiraan.

    Marka dadow takbiirintiinna u ceshada midnimada dhabta ah ee horseedaysa dawlad Islami ah. Tan ku dhisan mar haddaan aragti toosan iyo xannaano ka weyney madaxda Xisbiga Islaamka dadka noogu dhow ayaan la midownonay mid meel jirta maha.

  10. xog-ogaal says:

    abu xafsa
    maxaad uga jeeddaa “mujaahidiinta dhabta ah” macnaha Mujaahid ma laba micno ayuu yeeshaa miyaanay mujaahidiintu wada dhab ahayn halkaas waxa ka muuqata in aad ciddii dhankiina soo marta ama fikirkiinna taageerta aad ku sheegaysaan Mujaahidiin dhab ah, walow haba ahaadeen kuwii ugu sharka badnaa ee Gaalada aad sheegtaan la safnaa, haddii ay dhinaca kale (xisbul islaam) galaana waxaad tidhaahdaan waa dhuuni qaatayaal oo waxba way ka waayeen kooxdii riddada “as u call the TFG”

    markaas su’aashu waxay tahay maxaa ciddii idinka idin la fikir ah uun ka dhigay Mujaahidiin dhab ah oo sax ah, inta kalena baaddil iyo riddo?

    su’aashaas haddii ay somalimirror soo daayaan ha ka soo jawaabaan abu xafsa, abufatima iyo inta la fikir ah.

  11. Cali Guure says:

    Akh

    Xog ogaal

    Ragga aad su’aasha weydiinayso ma kala garanayaan ususha diintan iyo shicaaratka jowfaa ee imaamkooda qarsoon sida shiicada kay sugaysay. Alhul cilmiga ayaa la wareeystaa iyaga sida Moa tastang ayey la dagaallamaan culimada saxda eh.

    Sidaa awgeed cisho dhoweyd waxaan qorey faallo aan doonayay inay cirbiyaan dadka taagersan kuwan dhuminaya miraha jihaadka,,,waxaa iri, shabaab ilaa hadda ma soo saarin hal nin oo caalim ah ama xitaa macallin quraan ah. Waxaan sugayey inay dhahaan shiiqow waxaan leenahay culimo badan oo kala eh kadaa wakadaa…..waa asafaa … far may dhaqaajin oo kala dhuunteen.

    Iyada oo sidaa ah ayay maalin dhoweyd ka codsadeen imaamyada qaarkood ee magaaladan ina la mideeyo wakhtiga salaadda. Ogow kuma laha hal imaam. Waa dad ka dhuumanaya hor istaagga ummadda waayo weel walba waxaa uu dadaa waxa ku jira. weel maran waxa uu sheego ma jirto.

    Maantana waad maqashey dadkii Afmadow ay kula ballameen nabadgelyo iyo argagaxin la’aan waxay soo hordhigeen laba wiil oo ay gawraceen.

    Iyada oo islaamka lagu haynin falkan marka laga reebo xaalado kooban oo gaalada lagu cabsiin gelinayey waxaa muuqata in si xor ah u fasiranayaan cimaamadaha ay isku duubeen ee ay ka dhigteen mid u banneysa mujaahidiinta dhiiggooda.

    Shabaabka sababta loogu diiday helidda xubinta alqaacida waxay ku tusinaysaa in Alqaacida aragti dheer leedahay.

    Dhinaca kale waxay xubnaha mashbuuha ah ee ka yimaada Mareykanka muujiyeen sida ay u yihiin weel maran oo weliba fuleyo ah marka wax yar la handado. Fiiri sida fudud ay isugu dhiibeen inta lagu qabtey wardoonka mareykanka ama u iibsadeen raggii u gacan haadiyey.

    Waxuu shaley mid dhufayli ah oo quruur ku jiro yiri Waxaan ku tukanaynaa Garisa iyo wajeer maalmaha soo socdo sidii Alaska iyo adis. Xikmad darridooda waa waxay u banneysteen dhiigga walaalahooda.

    Ilaahow soo hanuuni oo bar fiqiqa saxda ah ee jihaadka iyo guud ahaan islaamka.

  12. maki says:

    waxay ila tahay in goolku yahay in alle kitaabkiisa lagu xukumo dalkeena.

    haddii labo qolo oo sheeganaysa inay kitaabka udagaalamayaan isdagaalamaan yaa mujaahid ah yaase aan ahayn.? anigu ma aqaan.

    laakiin waxaan aqaan in nin gaal leh “muqdisho waxaan ujoogaa inaan kitaabka laga hirgalin” waardiyeynayo inuusan mujaahid ahay kuno qaraabanayo hirgalinta kitaabka.

  13. Khowla says:

    xizbul islam hadaysan iska beri yeelin ahmed madoobe wey burburayaan.iyagoo weliba ay ku jiraan aabayaashii hormuudka u ahaa jihaadka sida sheekh turki & sheekh xasan daahir.rag jaajuusiin ah baa ku hoos jira.waa inay wax ka bedelaan arinkaan.ilaahey ha mideeyo mujaahideenta daacada ah ee raba inay ka hirgasho shareecada islamka wadankeena.wabilaahil towfiiq!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Iska hor’imaad ka dhacay Degmada Tiyeegloow
  2. Maamulkii Kismaayo oo ku biiray Al-Shabaab
  3. Xisbul Islaamka Gedo oo Beeniyay inay ku biireen Al-Shabaab
  4. Al-Xisbul Islaamiga Gedo oo ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin
  5. JABISO oo fal Qisaas ah ka fulisay Tiyeegloow

Latest Headlines