Xizbul Islam oo dib u furay Dekeda Ceel-macaan & Garoonka Cisaley.

Xizbul Islam ayaa shaaciyay Dekeda Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaley ee macmalka wixii maanta ka danbeeya inay u furan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, si ay u adeegsadaan ( Sawiro ).

 

Go’aankan waxaa shaaciyay Xog-hayaha warfaafinta Xizbul Islam, Sh Maxamed Macalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Dekeda Ceel-macaan., waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa Sh Xasan Daahir Aweys, Sh Muuse Caraale, Macalin Xaashi iyo xubno kale.

 

Xog-hayuhu waxa uu sheegay inay arintani timid ka dib kulamo kale duwan oo qeybaha bulshada la yeesheen, wada tashi ka dinba go’aankan gaareen.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu go’aankan yimid ka dib markii dhibaatooyin kale duwan shacabka ka soo wajahdey Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho oo DKMG ah gacanta ku heyso.

 

Baahiyo xilligan taagan ayuu sidoo kale sheegay Xog-hayuhu inay keentay inay dib u howl-geliyaan  Dekeda Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaley ee Macmalka oo horey u shaqeyn jiray.

 

Faahfaahino intaa ka dheeriya kama aanu bixin Xog-hayuhu ujeedka rasmiya ee ka leeyihiin dibu howl gelinta Dekeda Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaley iyo sidoo kale qaabka ay u shaqeynayaan.

 

Waxaa sidoo kale xafladan ka Hadley Sh Xasan Daahir iyo Macalin Xaashi oo ka Hadley sababta keentay xilligan inay dib u howl geliyaan Dekeda Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaley.

 

Sh Xasan ayaa dhinaca kale soo hadal qaadey dagaalada Jubooyinka oo uu sheegay inay ka xun yihiin, la iskuna ogaa in la joojiyo, dadka dagaaladamayaana ayna habooneyn inuu dagaal dhex maro.

 

Xizbul Islaam isla maanta deegaanka Ceel-macaan waxay u magacaabeen Mas’uul wakiil ugu noqonaya, waxaana loo magacaabey Yuusuf Aadan C/kariim.

 

Muuqaalka Xeebta Dekeda Ceelmacaan
Muuqaalka Xeebta Dekeda Ceelmacaan
Dadweyne, saxafiyiin iyo Doomaha Kaluumeysiga oo Xeebta buuxa
Dadweyne, saxafiyiin iyo Doomaha Kaluumeysiga oo Xeebta buuxa
Mid ka mid ah Kaluumeysatada Ceelmacaan oo kaluun jarjaraya
Mid ka mid ah Kaluumeysatada Ceelmacaan oo kaluun jarjaraya
Sh Max'ed Macalin oo saxaafada Xeebta kulahadlaya iyo Caruuse oo barbar taagan
Sh Max’ed Macalin oo saxaafada Xeebta kulahadlaya iyo Caruuse oo barbar taagan
Dhabaha Diyaaraduhu ku ordaan ee Cisaley
Dhabaha Diyaaraduhu ku ordaan ee Cisaley
Bidix: Sh Muuse Caraale dhex. Macalin Xaashi iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys
Bidix: Sh Muuse Caraale dhex. Macalin Xaashi iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys
Yuusuf Aadan Gudoomiyaha loo magacaabay Ceelmacaan
Yuusuf Aadan Gudoomiyaha loo magacaabay Ceelmacaan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

17 Comment(s)

  1. Maanta waxaa ii cadaatay Xisbul Islam ay yihiim qabiiro mufakiriin ah sidaas howsha ku wada allana waa idin guuleyne.

    Hassan Ali | Nov 23, 2009 | Reply

  2. mar hadii dfk ay garoonka iyo dakadda muqdisho ku habsatay ,al shabaabna kan kismaayo anagaaa kaliya cunaynna yiraahdeen xisbigu miyaanu gar u lahayn inay dhibba qabee dheef helaan

    xaaji macow | Nov 23, 2009 | Reply

  3. nin ayaa go aansaday inuu garaaco gabadhi uu qabay markaa ayuu yiri{” Balsugaay! balsugaay! labadeydi Riyood haysku soo kor listee!”}

    murtidaas waxaan u soo qaatay ayaa waxay tahay,
    Axmad madoobe iyo Ina godane waxay isku laayeen waa dhaqaalaha Dekeda kismaayo.

    hadaba ma maanta ayey xizbul islaam sheegteen inay iyaga u furantahay dekeda Ceel macaan?

    “bal ila dhowra dhaankii maqnaa wuxuu war soo dhoobo”

    bal ila dhowra banaaka ceel macaan maydadka cimaamadaha leh ee warnaan doona mudo aanan dheereen.

    waxaa ilaahay mahadiis ah waa meel banaan oo aysan joogin shacab badan laakiin waxaan hubaa in meesha ay warnaan doonaan niman ayaantan gararka adystay oo cimaamado cad.

    Dagaalka laga iclaamiye ceel macaan | Nov 23, 2009 | Reply

  4. wax ay u furi karaan malaha mana difaaci karaan waxaan u malaynayaa shirka dhooblay ka socda ee la doonayo in xisbu islaam qaybta jubooyinku qaataan go’aan ayay maqleen marka waxay rabaan in loo arko dad wax qaban kara shirkana fashiliyaan

    heaga | Nov 23, 2009 | Reply

  5. Maxamed Siyaad Barre markuu rabay inuu caawiyo Jamhaddii Soomaali Galbeed marna ma yeelin magac qabiil sida Ogaadeen! Hadda ogoow, Ogaadeenku waxay reer abti u ahaayeen madaxweynaha. Lama qiyaasi karo taageeridii Maxamed Siyaad siiyey Ogaadeen dhinac kasta. Marka la eego xagga ciidanka qofna arrintaasi kama qarsoona. Saasooy tahay Maxamed Siyaad wuu ogaa dhibtay keeni karto magac sida ONLF ah.

    Magaca ONLF qofkii alifay wuxuu ahaa qof aan si fiican u fekerin ama gaalada u shaqaynayey. Haddaad adigu geyi u badan tahay inta magac Islaam sheegatid ama ugu yaraan mid Soomaaliyeed baad samayn kartaa waxaad ku samayn lahayd magac qabiil.

    Wixii Maxamed Siyaad ka cararay waxaa ku dhacay niman sheegta hogaamiyayaal muslimiin ah! See ku dhici kartaa in nin la mid ah sheekh Xasan-Turki oo kale aruursado wiilal reer tolkiis ah? See damiirku u siiyey inay isku magacaabaan tuulo yar sida Kaambooni? Maxay markay howlgal sameeyaanba iyagoo qabiil soocan ah ugu noqdaan howdka Jubbooyinka? Arrimahan waxay ka dhici karaan jamhadaha qabiilka sida ONLF, SSDF, USC, SNM, SPM, iyo USF.

    Hogaamiyihii da’da yaraa ee macallin Aadan Xaashi Ceyroow Allaha ka aqbalo shahiidnimadee waxaa la ii sheegay wiilasha waardiyeyn jiray waxaa ugu yaraa qabiilkiisa! Macallinku iskama samayn arrintaas ee waxay xambaarsantahay oo ka tarjumaysaa mabda’iisa ah muslimnimo. Wuxuu ogaa in waxa walaal lagu yahay ay tahay Islaamka. Marka qofkuu wax ku darsanayo waa inay isu keentaa musliminimo. Arrintaasi waa ka hoosbaxday sheekh Xasan-Turki mana filayo in wiilasha hadda ku waardiyeeya Dhoobley ay ku jiraan qabiil aan ka ahayn kiisa. Xitaa ma filayo in Daarood kale ku jiro! Ma saasaa loo halgamayey?

    Haddii dhagaha laga furaysto dardaarankii Rasuulka (SCW) ee ku aaddanaa qabyaaladda waxaas oo kale baa dhacaya. Qabiilku qaab halgan ma galo xitaa adoo arrin kheyr u dan leh. Waxaan aaminsanahay in sheekh Xasan-Turki iyo wiilashiisu kheyr ula jeedeen is-aruursiga ay qaab qabiil isku aruursadeen. Sidoo kale isweydiin ma laha taageeradii ay siiyeen walaalahooda kale iyo qeybtii libaaxa ay ka qaateen halganka. Keliya waxaan rabaa inaan idin tuso inay khalad ahayd qaabka ay wax ku dhiseen. Waa arrin wax laga qaban karay. Waa waxa hadda ONLF la dhutineyso markii Soomaali badan tiri: ma Ogaadeen keliyaa dhul laga heystaa?!

    Sayid Maxamed kaddib ma garanayo nin Ogaadeen ah oo sheekh Xasan-Turki ka taariikh fiican. Dadka wanaaga u haya sheekha waa Soomaalida xalaasha ah ee ka soo horjeedda faragelinta gumeysiga cad, kan madoow iyo gaaloraacyada. Sheekhii saas ahaa mid baa cirka Ilaahay uga soo riday oo inta wiilashiisii ka afduubtay iyadoo gaalo-madow iyo gaalo-raac lagu horfadhiyo Soomaaliya la soo shirtagay inuu Kismaayo leeyahay! Sheekh Xasan waa awoodi waayey inuu arrintaas wax ka qabto. Khasab ma ahayn in sheekh Xasan-Turki wax kasta Shabaab ku raaco laakiin looguma garaabayo in wiilashuu gacanta ku hayey inta Axmed-madoobe afduubo kusoo weeraro Wilaayo Islaami ah iyadoo Shabaabku gaalo iyo gaalo-raacyo horfadhiyaan!

    Kheyr baan u rajaynayaa sheekh Xasan-Turki laakiin hadduusan shirarkaan Dhoobley ka socda wax ka qaban oo uusan wiilasha meelahaas qaabka qabiilka loogu aruurinayo iyo hubkooda soo wareejin waxay u ekaanaysaa in khaatumadu seegeyso isagoo ah ONLF magac diin ku dagaalaysa. Ma jiro faraq u dhaxeeya nin Kismaayo ku dagaalaya iyo mid Jigjiga ku dagaalaya. Danta diinta iyo tan shacabkaa ku xiran in sheekhu soo wareejiyo hubka xitaa isagoo xaq u leh wadahadal iyo ka-hadalka Kismaayo.

    Waxaan saas u leeyahay waa iyadoo Amisom iyo gaalo-raacyadii hub usoo dago bil kasta. Itoobiya iyaduna waxay hubaynaysaa gaalo-raacyadii iyo Suufiyaashii. Arrintaas darteed haddii sheekh Xasan-Turki caqli ku haray waa inuu u daneeyo diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Si fitnadu usoo afjaranto waa inuu hubka ku wareejiyaa Shabaab. Shabaab ma aha gaalo. Haddii sheekhu ka dhago-adaygo waxay noqonaysaa inuusan dan ka lahayn Zenawi iyo Amisom oo waddanka qabsada. Marka si kasta ooy u kharaartahay arrintaasu waa in sheekhu saas yeelaa.

    Run ahaantii haddii sheekhu saas yeelo waxay keenaysaa in Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ilaawaan wixii Axmed-madoobe falay. Marka waa in Jubbooyinka loo daayaa Shabaabka.

    Markuu arkay Maraykanku Itoobiya oo furfurmeysa iyo ONLF oo ka raadgadatay diinta Islaamka wuu soo dhowaysanayaa hadda. Waxaad arkaysaa mid Kongareyska Maraykanka ku jira oo Puntland ku leh: hala ilaaliyo xuquuqda ONLF! Waad ogaydeen sidii sanadkii hore Zenawi u xasuuqay ONLF iyo shacabka Ogaadeen mana jirto cid ka hadashay. Marka maaddaama ONLF ka soo horjeesteen xarakooyinka Jihaada waxaad mooddaa in Maraykanku rabo inuu khiyaamo oo ku diro Shabaabka.

    Qofkii dadku isku raaco daacadnimadiisa waa la ogyahay inuu meel kheyr ku dambeyn doono. Yaa shaki uga jiraa qaabkuu ku dhintay Macallin Aadan Ceyroow? Soow cadow ma dilin? Ma isagoo Cayr difaacayuu dhintay? Ma Hawiyuu u doodayey? Macallin Aadan wuxuu Dhuusamareeb ka cayrshay wadaaddo Suufiyo ah oo Cayr ah iyo Ashahaado-la-dirir ay isku qabiil yihiin. Qof Ilaahay u run sheega, Ilaahay waa kaaga dhabaynayaa runtooda. Ka warrama haddii Shabaab dilaan sheekh Xasan-Turki iyadoo Axmed-madoobe iyo wiilashii SPM sheegan jiray oo hadda wata ONLF ka dhinac dagaalayaan? Maxay arrintaasi tuseysaa? Marka macallin Aadan wixii laga filayey buu ku dhintay ee bal aan eegno sheekh Xasan-Turki.

    Haddii sheekhu diido arrintaas, suurtogal maaha iyadoo Axmed-madoobe iyo maleeshiyo qabiil gadaal ka taaganyihiin Mujhaahidiinta in Amisom lala dagaalo. Waxay keenaysaa in wax kasta ha dhaceene Axmed-madoobe wax laga qabto. Marka xaqaa guuleysanaya. Waxaan rajaynayaa Insha Allaha in Axmed-madoobe iyo Ibraahim shurki sidii labo badano Udxiyo ahaan loo qali doono. Qaabkaan baa loo qalayaa:

    BISMILLAAH, ALLAAHU AKBAR nudaxii can Walaayada Banaadir, Jubbooyinka, Baay & Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, (Somaliland iyo Punltand oo imaandoona Insha Allah), iyo Wilaayada Qurbaha.

    Marka Axmed-madoobe wuxuu kala tuuray sharaftii loo hayey sheekh Xasan-Turki. Inkastoon kheyr ka filayo sheekh Xasan-Turki haddana rag lama maleeyo. Marka haddii sheekh Xasan-Turki la safto reer tolkiis iyadoo waliba la sheegayo in ONLF ama maleeshiyo qabiil ka dhinac dagaalayso Axmed-madoobe haddee waa khaatumo xumadii aan ka soo hadlay. Haddii kale ha u tanaasulo Shabaab inta waddanka la xoraynayo. Markii Insha Allaah waddanka la xoreeyo baa la isagu imaanaya miis. Marka Barre-hiiraale iyo Moorganba ka huleele Kismaayee maxaa ku jaban haddii sheekh Xasan u tanaasulo walaalahiis Shabaab? Haddii kale waxaa Insha Allaah imaan:

    Kharribat Dhoobley, Innaa idaa nazalnaa bi saaxati qoomin fasaa’a sabaaxul mundariin. Ama: Wa inna JUNDANAA lahumul qaalibuun.

    WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,
    SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,
    WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,
    WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,
    ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.

    Ayaanle | Nov 23, 2009 | Reply

  6. Anigu waxaan difaa caa had iyo goor

    mujaahidiinta waxaana kadifaacaa munaafiqiinta

    gaalo raac yada daba dhilifyada si xun ufakar

    ka isku dir diraha kala gee yaha qalbi xumaha

    shareeco kacara raha

    qabiil ka guu xaha waxaana lee yahay

    Ninaad siri kartaan
    baan jirine beenta joojiya
    Xumaan baad lajiiftaan
    dhulkee beenta joo jiya
    Jeel gaal ha moo dininee
    beenta joo jiya
    Jahli baad kurtiin
    Soo qortaye beenta joo jiya
    Dulmi baw jid boo nay saane
    beenta joo jiya
    Jacayl ale hadaad doo nay saan
    beenta joo jiya
    Munaa fiqiin jid kood baad
    xu sheene beenta joo jiya
    Waxaad jirinay saanba waa ceeb
    xillee beenta joo jiya
    Jaliil iyo rabaan idin mar shaye
    beenta joo jiya
    Jirid goynta diin taad tinhiine
    beenta joo jiya
    Hadii aad xaqii jaman la,diin
    beenta joo jiya
    Intaa soo an soo jeediyaba
    beenta joojiya
    Xaqa laguma juur fali karee
    beenta joo jiya
    Raga layskuma jirabo e
    beenta joo jiya

    abu fatimo | Nov 23, 2009 | Reply

  7. a c w w walalayal wa arin lala yabo manta in la dhaho waxa lo furaya celmacan iyo cisiley bahida shacabka markan aragnay tasi waxay u leyihin waxay ku hosqarinayan danta ay ka leyihin bahi shacab haday radinayan nabada ha qatan dadka nolol ha u radshan mahadsanidin

    Abdikariim Geedi | Nov 23, 2009 | Reply

  8. A c w w walalayal wa wax lala yabo in la dhaho waxa lo furay celmacan iyo cisiley marka la arkay dhibka hesto shacabka tasi wa ay ka fogtahay runta waxay ka leyihin dano kale ayey furen haday ka naxayan dhibatada shacabka nabada ha qatan dadka nolol ha u radshan mahadsanidin

    Abdikariim Geedi | Nov 23, 2009 | Reply

  9. hafuraan waana ku hagagsanyihiin dadku makufaarta ayay daawankaryaan wadakooga kusooduushay ee dakadii iyo eerboorkiiba xoog kuhaysta markaa waa in meelkale lahelaa waana kumahadsanyihiin mahadal uunbaynu wadi

    abubakar | Nov 23, 2009 | Reply

  10. war mujaahidiinta ha kala saarina ilaahna ka cabsada
    xisbul islaam qeeyr ayeey ka taliyeen hadeeyba umada soomaali ka badbaadiyeen baadii ay ugaandheeska baadi jireen
    alxamdu lilaahi

    xaamuud | Nov 23, 2009 | Reply

  11. aswr wb –allahu akbar ilahay –ilahay habrakeyga mujaahdinta -labdoodba qofkii kala jabkooda radinya allah ha naga qabto asga u jeeda-waxee guul ahna waan kufarxsanahay –aad ban ugu faraxsanahay dakda lafuray ilahyna ha idiin barakeeyo-mid diinta iyo danha somalida loogu adeego allah ha kadhigo amiin amiin mabruk-walalha

    sulekha | Nov 24, 2009 | Reply

  12. shut up !!!!!!!!!!!!!!!

    abdi | Nov 24, 2009 | Reply

  13. ASALMU CALAYKUM

    AADA AYAN UGU FARXAY FURITAANKA CEEL MACAAN
    ANIGA OO AAN JOOGIN KOONFURBA WALIGAYNA ARAG
    WAYO SHACABKII KASOO DEGI JIRAY GAROONKA IYO GANAC SATADII DEKEDABA WAKA DHIIG MIIRTAY TFG

    OO XITAA BOOR SOO YIN KOODA AYAY ALABTA UGU JIRTA KALABAXAAN OO KAXADAAN SIDAA DARADEED DEKEN IYO GARAN WAA LAGAMA MARMAN IN LAHELO OO LAISKU HALAYN KARO

    WABILAHI TAW FIIQ

    MOHAMED SULEIMAN ALI DAAD | Nov 24, 2009 | Reply

  14. ayaanle
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waxaan aad ula yaabay qoraalkan “Allaha in Axmed-madoobe iyo Ibraahim shurki sidii labo badano Udxiyo ahaan loo qali doono. Qaabkaan baa loo qalayaa:

    BISMILLAAH, ALLAAHU AKBAR nudaxii can Walaayada Banaadir, Jubbooyinka, Baay & Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, (Somaliland iyo Punltand oo imaandoona Insha Allah), iyo Wilaayada Qurbaha.”

    faallo ma leh?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

    xog-ogaal | Nov 24, 2009 | Reply

  15. kan wato—> dagaal laga iclaamiyay ceelmacaan iyo casiley<– ma iloowday 75 kun tigree laga dhigay wax dhulka xamar lagu jiido iyo wax orday. oo maxaa naf ka raadinee amisom?mise tuugada isku sheegtay dowlada ee 2km aan dhaafi karin?. waxaa hubaal ah in shicibka xamar ee amisom loo afduubay. dekedii weyneyd ee xamar canshuurta lagu badiyay iyo airport aadan cade. in ay maanta u baahan yihiin sida casiley & ceel macaan sababata ay noqon doonto canshuurtoo la yareeyo umadana ay ku badbaado.ciidankii beelaha ay mooryaanta wadatay ee welibo ay isla iyaga isku qabsadeen. hadana NGO ay qarashkii mushaarka ka jaratay sababta isla mooryaantii ay askartii mushaarkooduu jeebka ku riteen?hadii aan intaas guul moodo waa hoogtay oo ba,aday.kuwa kalimatul culyaa kor ka yeelay maa guusha leh allah caza wajalana aduun iyo aaqiro ku xurmeeyay xizbul islam & alshabaab alaha guuleeyo, nasrigana alaha soo dedejiyo aameen.wabilaahil towfiiq!

    Khowla | Nov 24, 2009 | Reply

  16. asc wr wb dhamaantiin codsi
    AYAANLE IYO ABU FATIMA MEESHII WAAD BUUXISEEN KKKKKKKKKKK FADLAN BOOS NA SIIYA FIKIRKA SOO KOOBA ADINKOO MAHADSAN INTAASNA WAA KAFTAN IYO WAX ISU SHEEGID WAA WALAASHIIN
    UMU ANISA.

    UMU ANISAAA | Nov 24, 2009 | Reply

  17. nin aan aqaan wuxuu dhihi jirey duf ku bax markuu arko qof iska hadlay hadda bal fiirsha ayanle waxay qortey duf iyo dooriso ku bax.

    diini | Nov 24, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo