Shixnadii ugu Horeysay ee Xoolaha Soomaaliya oo ka degay Dekadda Jidah

Published on November 23, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Shixnadii ugu Horeysay oo ah Xoolaha Nool ee Soomaalida ayaa Shalay Galinkii Danbe Gaaray Dekadda Jidah, ka dib markii ay Dowlada Sacuudiga u Ogolaatay Shirkadaha Sacuudiga inay Soomaaliya ka soo dhoofsan karaan Xoolaha Nool ka dib markii la hubiyo Tayadooda iyo Caafimaadkooda.

Xoolaha Soomaalida

Markabkii ugu horeeyay wuxuu keenay Dekadda Jidah 246 kun oo Neef, waxaana lagu wadaa in ay Xoolahaasi Dabooli doonaan Mashruuca Boqortooyada ee ku aadan Hadyiga, Udxiyada iyo waliba Baahida Suuqa.

206 kun oo ka mid ahi Xoolahaasi waxaa soo dhoofsaday Ganacsadaha Sacuudiyaanka ee lagu magacaabo “Suleymaan Al-Jaabiri, halka 40-ka kun ee kalana uu soo dhoofsaday Ganacsade Fahad Al-Shalwi iyo Ganacsade Dakhiil Al-Rufaaci.

Suleymaan Saciid Al-Jaabiri oo ah Ganacsadaha ugu Weyn ee Xoolaha u soo dhoofiya Sacuudiga ayaa Cadeeyay inay Mu’asasadiisu Heshiis kula gashay Bangiga Islaamka inuu Soomaaliya uga soo dhoofiyo 525 kun oo Neef oo loogu talo galay Xiliga Xajka ee Sanadkani.

Suleymaan wuxuu kaloo sheegay in Xoolaha uu soo dhoofsaday ay Dabooli doonaan Baahida Xoolo ee ka jirta Sacuudiga sidoo kalana ay saameyn ku yeelan doonaan Sicirka Xoolaha la keeno Sacuudiga.

Arintani ayaa Ku Dayasho wacani u noqon doonta Wadamada Khaliijka oo iyagu Bilo ka hor qaarkood ka qaaday Soomaaliya Xayiraadii xagga Xoolaha ee ay ku soo rogeen.

Xoolaha sanadkani loo dhoofiyay Sacuudiga waxaa intooda Badani laga dhoofiyay Dekadda Ber-bera ka dib markii uu Sacuudiga Shaaciyay inuu Xayiraadkii Xoolaha ee Soomaaliya uu ka qaaday.

Xoolaha Soomaaliya waxaa xiligani si Toos ahi loogu Dhoofin karaa Wadamo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Cumaan, Imaaraadka iyo Yemen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Imaaraadka oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha nool ee Soomaaliya.
  2. Wasaradda Beeraha ee Sucuudiga oo ogolaatay in Sucudiga la keeno Xoolaha Soomaaliya
  3. Gudiga Gaadiidleeyda Banaadir oo Sheegay in ay dib uga Hawlgali doonaan Dekadda Muqdisho
  4. Yemen oo Qaadatay in ka badan 8 kun oo Xoolaha Soomaalida ah
  5. Markab Saanad Milatari u Sida AMISOM oo ku xiran Dekadda Muqdisho

Readers Comments (3)

  1. ABUABDALA says:

    sallaamu calaykum

    waan soodhawaynaynaa inxoolaheena iib loo helo waayo waa lafdhabata dhaqaalaheena markaa in iib loo helo waa wax lagu farxo geel iyo lo baanleenahay iyo gaabanoow adhi goraf caana ah oo buuxa baan gacalka siinaaye

  2. magabade says:

    innaalilaahi wa innaa ileyhiraajicuun ilaahow adaa cadowga dhankasta umada uga soo duulay kaqaban karo, maanta waxan umaleynaa in cunaqabateyn laqaaday balse intii xoolaha somalida ee dhimaneyd ayaa larabaa in la xaalufiyo si ay somalidu u soo hoosgalaan gacanta dowladaha cadowga oo markaas lasaaro cunaqabateyn dhankasta ah beerihii waalagala dagaalamay hadana xoolihii xaalufintooda ayaa socota ilaahay dhagartooda haku celiyo,ilaahay guusha hasoo dadajiyo aamiin aamiin aamiin

  3. jaamacroob says:

    waar ma gabade xagaad ka hadashay ma waxaad ka war-hayn macaluulsha=gaajada iib la’aantu ku haysey dadka xoolo dhaqatada ah ee soomaaliyeed waxaan halkan uga ducaynayaa cidkastooo ku dedaashay xal u helida iibka la xayiray ee xoolaha soomaalida allaah ha ka abaal mariyo maslaxada soomaalida cidkastoo waxka qabata maadaaba aan ka mid ahay soomaalida waxaa iiga wacan marwalba qofka maslaxadooda guud waxka qabta intii karaankiisaa.
    waa bilaahi tawfiiiiiiiiiiiiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Imaaraadka oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha nool ee Soomaaliya.
  2. Wasaradda Beeraha ee Sucuudiga oo ogolaatay in Sucudiga la keeno Xoolaha Soomaaliya
  3. Gudiga Gaadiidleeyda Banaadir oo Sheegay in ay dib uga Hawlgali doonaan Dekadda Muqdisho
  4. Yemen oo Qaadatay in ka badan 8 kun oo Xoolaha Soomaalida ah
  5. Markab Saanad Milatari u Sida AMISOM oo ku xiran Dekadda Muqdisho

Latest Headlines