Howlo Nadaafadeed oo ka bilowday Kismaayo

Maamulka Wilaayada Jubooyinka ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa Saaka Howlo Nadaafadeed ka Bilaabay Xaafadaha iyo Wadooyinka Magaalada Kismaayo taas oo looga Gol-leeyahay Dib u soo Celinta Bilicdii Magaaladaasi.

Madaxa Caafimaadka ee Wilaayadaasi Sheekh C/qani Gurxan oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Howshaasi ay ka qeyb Qaadanayaan 250 Shaqaale iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Sheekh C/Qani wuxuu kaloo sheegay in Howsha Nadaafadda ay Socon doonto Mudo 5 Maalin ah isla markaana si siman looga Wada fulinayo 5 Xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Kismaayo.

Madaxa Caafimaadka ayaa ku Sheegay Ujeedka Howlahani Nadaafadeeda Mid Soo celinta Bilicdii Magaalada iyo ka qaadida Magaalada Qashinada Yaala Xaafadaha iyo Wadooyinka Qaar si aysan u sababin Cuduro ku dhaca Dadka Deegaanka.

Wadooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayay Howl-wadeeno xaaqayo jidadka iyo Xaafadaha Magaaladaasi kuwaas oo Godad waaweyn u qodayay Qashinka isla markaana ku Gubaya.

Maamulkani ayaa horey uga Fuliyay Magaaladaasi Mashaariic lagu horu marinayo Adeegyada Bulshada sida Dhisidda Wadooyinka Magaalada Qaar iyo Howlo kale.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

6 Comment(s)

  1. maashaa allaah goor maa inoogu dambeeysay maamul danta guud ka shaqeeya alloow guuleey kuwaan oo xaqa ku hanuuni amiiiiiiiiiiiiin

    cawaale | Nov 23, 2009 | Reply

  2. wahkayr

    ABU ABDIRAHMAN | Nov 23, 2009 | Reply

  3. Nimanku waa niman doo roo
    ku da daala dan tee noo
    Dibin daab yiyo boob iyo
    marna aan doonin dulaalkee
    bulshadoy uduceeyoo
    dalka yay ka xoraynin
    daalimiinta gumaad kiyo
    duudsigeena ku faa noo
    gaalku soo dir sanaa yee
    dafiraayo xaqiiq dayee
    War mar waa daafeceeniyo
    Dalka oo laxoreeyo
    Marna waa danta guudiyo
    Bulshadoo ladareen sho
    Waxay door kulahaydee
    Uduceeya walaalee
    Marna waa dibu eegid
    Wixii aynu ka ilduufnayee
    Dan teenu ay ku sug nay dee
    Dalimiinta shisheeye
    Dalaka ay ku han tee noo
    Dalaal ay ku gur tee noo
    Dambiila yaasha dagaalka
    Kolba koox duma yee noo
    Dadku uu garan waa yoo
    Sheekada ay ku damshaa noo
    Isdilkeenu ku raa goo
    Xeelad ay ku daree nee
    Dafiraadu mafiic nee
    Dadway now runyio daacad
    Noloshaa ku dawaw dee
    War shabaabka ku diirsoo
    Doc doodaana istaagoo
    Haka diidin wanaa gaa
    Rabi baa deqda dhii bee
    Waa daruur curanay see
    War difaaca ragaa soo
    Waa dan teena midaa suye
    war yaan gaalku dal keeniyoo
    Duun yadeena kaxay saan
    Waan ku daalay warkiinee
    Dadwaynoow runta doona
    Beentana yaan ladifaacin
    Diinka yaan la sharay san
    Sharciga yaan lagu diiminee
    Dabuubtayda o gaa doo
    Doonka yaan la as kaaxinee
    Warka daaya dilalkiyo
    Iibka aan danu kee ninee
    Hunguri uun ka dambee yoo

    ABU FATMA | Nov 23, 2009 | Reply

  4. nadaafad kulahaa. Maa la nadiifiyo quluubtii aqoomadii mujaahidiintii lagu gumaadey kismaayo? Janaax Cabdalla, Biibi, iyo Xagar?. Meeyey raggii furtay Kismaayo una dhashey Kismaayo? Meeyey mucakaskarkii Kambooni ee jihaadka Soomaliya saldhiga u ahaa? Meeyey Mucaskarkii Canoole?. Meeyey Sh. Xasan Turki oo la filayo in xadka la dhaafiyo goor dhow? Wallaaahi kuwan xishoon mayaan? Kaaga darane kuwa u sacaba tumaya iyaga oo iska dhigaya inay guulwadeyntii Siyaad barre in wax lagu qaban karo. Asaaska jihaadka saxda ah waa inuu yool leeyahay iyo waddo loo maro. Taasi maanta shabaab ma haayaan. Waa haddii run loo jeedo. Haddii kale ha wareego caddeysato.

    Dhinaca kale waxay maanta shabaab caddaysteen inay qabiil cad yihiin.

    Waxay Afmadow ka saareen oo baacsadeen suldaankii Maxamed Subeer iyo Absame ee Jubooyinka Cabdi Cali Sokor iyo Madax dhaqameedka beesha abssame gaar ahaan Maxamed Zubeer: Cumar Feen oo 100 Jir ah oo fadhiid ah. Labaduba xitaa gumeysiigii ma dhaafin dhulkooda laakin waxay qaxooti ku yihiin maanta Libooya Kenya sida wararku nagu soo gaarayaan.

    Labadan oday waxay shabaab damacday inay gowracaan oo dadka ku cabsiiyaan sidii ay Jamaame ka sameeyeen. Hadafkooda dawlad maahan waa qabiil ee ninkii diin doonayayow ha ku luguin kooxdan dhuminaysa jihaadka.

    Taariikhda laga hayo raggan odayaasha waxay ahaayen kuwii ku taliyey in shabaab xukunka kismaayo loo dhiibo inta maamul kale laga dooranayo. Waxay u hoggaameeyeen beeshooda Ogadeen iyo Absame maamulkii Xisbul islaam ee shareecada ku hagayey degmada Afmadow, Badhaadhe, Qooqani, Kudha, Raskambooni, dallaayad, Diif, Kolbiyo, Buurgaabo, Mareerey, Buulo Guduud, Luglow, Goobwayn, Wadajir, Qaran Yade, Hoosingow, dhoobley, Sarinley iyo Xagar.

    Rasuulku scw waa soo dhoweyn jirey madax qabaaillada ee maxay ku dhacday in shabab so dhoweeyaan madaxda qabiilooyinka kale oo dhan laakiin dil ku xukumaan madaxda Absame? Waa beelo huwadey shaar shabaab.

    ishii buktaay ku bikaacso. Berrina waxaa la maqli doona xasan turki oo u qaxay IFO ama Xamar.

    War jiraaba cakaaruu iman.

    Miraha jihaadka halaga qabto kooxdan wareersan haddii kale berri ayaad ogaan doontaan warkeyga. Fasataclamuuna maa aquulu lakum wa u fawidhu amrii ila llaah.

    Cali Guure | Nov 23, 2009 | Reply

  5. sixid

    fasatadkuruuna maa aquulu lakum wa u fawidu amrii ila Allah, innallaaha basiirun bil cibaad

    Qaafir 44

    Cali Guure | Nov 23, 2009 | Reply

  6. Abu fatima maqalkaga markan akhriyay waxa ka dhadhamaya qabyaladi inay ku saamaysay, anigu belaha dagankas kunol ayan ahay, waxad shegayso e gumadka ahna waxba kama jiran, wa war ad dhoodhobtay, ama a.madobe, ibrahim shukri iyo kuwo kalo lasocda barnamij dahson o calala us loga ababulayo juboyinka ayay waden, balse allah swt wu fashiliyay, waxay damacsanayen shacabkas muslim ka ah e ku dhaqan juboyinka e ku can baxay inay u gargaran walalohod mujahidinta ah inay marin habaabiyan, balse hungo iyo naaso bel bay ku dambeyen, tusalohoduna wa sidi islanti xaabada culayska la qaadi wayday e hadana tu kale dusha kaga dartay. Allahayow mujahidinta dhabta ah u gargaar aamiin

    Abu a.rahman | Nov 24, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo