Ardayad Muslimad ah oo loo diiday inay ku Tukato Madariso ku taala Maraykanka

Published on November 23, 2009 by   ·   15 Comments   ·   print

Iskuul ku Yaala Wadanka Maraykanka ayaa u diiday Ardayad Muslimad ahi inay Bataatanba ku dhex Tukato Meel Kasta oo ka mid ah Dhulka Iskuulkaas ay Dhigato, iyada Golaha Islaamka ee Xiriirka Maraykanka uu ka Codsaday Maamulka Iskuulkaasi in Ardayadaasi loo Ogolaado inay Gudato Xaqeeda Diimeed oo ah inay Tukan karto Salaadda ilaahay xiliyada Fasaxa ah ee u dhaxeysa Xiisooyinka Iskuulka.

Gabadha ayaa dhigata Fasalka Todobaad ee Iskuulka la yiraahdo ”Lewiston” oo ku yaala K/Bari Gobolka Maine.

Hooyada Dhashay Gabadhaasi ayaa tiri “Gabadhaydu waxay xiliyada Fasaxa Cuntada  Tukan jirtay Salaadda…, ka dib Mas’uulkii Iskuulka ayaa ogaaday in Gabadhaydu ay Salaada Tukato Xiliyada Fasaxa markaas buu wuxuu ku Amray inaysan ku Tukan karin Meel yar oo ka mid ah Madarisadda”.

Waxay Cadaysay Hooyada Dhashay Gabadhaasi inay Dadaal ku Bixisay sidii ay Maamulka Iskuulka Uga dhaadhicin lahayd Ahmiyada Salaada ay u leedahay Muslimiinta. Hadana Maamulku waa uu ka diiday Cabashooyinka loo soo gudbiyay oo dhan, sidoo kalana waxa uu diiday inay ka wada hadlaan sidii Gabadhaasi ay ugu Kaalmeyn lahaayeen inay Gudato Salaadeeda.

Hooyada ayaa intaa ku dartay inay Dhib ku qabto inay Gabadheeda u dirto Maalin kasta Iskuulkaasi iyo waliba inay si Qarsoodi ahi ugu Tukato Beer yar oo u dhaw Madarisadda.

Dadka Qaar ayaa u arka in Dhibaatadani oo kale ay uga Bixi karaan inay Muslimiinta Madarisooyin u gaar ahi ka furtaan Goobaha ay ka deganyihiin Wadamada Gaalada si ay xoriyad ugu helaan Ku dhaqanka Diintooda.

Muslimiinta ku nool Dalka Maraykanka waxaa lagu sheegaa inta u dhexeysa 6 – 7 Milan oo Qof, halka Tirada Dadka Maraykankana lagu sheego ku dhawaad 300 oo Milyan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Muslimiinta Iigoor oo loo diiday inay Soomaan, Tukadaan, Sakadana la Baxaan
  2. Muqaawamada Ciraaq oo go’aansatay inay Wadahadal la furaan Maraykanka
  3. Maraykanka oo Sheegay inay Taageersiyiin AMISOM & DKMG ah
  4. Abaanduulaha Ciidamada Maraykanka oo Qiray inay Dagaal Dhib badan kula jiraan Daalibaan
  5. Baaq ku socda Jaaliyada Soomaaliyeed ee W/Maraykanka

Readers Comments (15)

  1. xog-ogaal says:

    Asc
    Somalimorror warka kala caddeeya madarasaddu ma mid islaami ah baa mise waa mid lagu barto culuuumta maaddiga oo keliya ah, waayo waxa cad in haday madarasad diiniya tahay maamulka madarasadu muu diideen in ay Gabadhaasi ku tukato oo ay waajibaadkeeda gudato, laakiin waxa haboon in Dadka Muslimka ah ee ku nool dhulalka Gaalada ay samaystaan Madarasado iyaga u gaar ah oo si khiyaar ah ilaahooda ugu caabudi karaan xorriyadna u dhigan karaan.

  2. jacfar says:

    asc waa islaamaah …… waa islaamaah…. waa islaamaah yaa rabiiii ????? ???? ?????? ???? ?????? ???? ???????? ???? ????????? ??? ?????? ?? ????????.
    ????? ?????? ??????? ????? ????????.
    ????? ?????? ? ??????.
    ????? ??? ????? ???? ???????????? ?? ???? ??? ???? ??? ?????.

    ????? ????

    {????????? ?????????? ????????????? ????????????????? ????????? ??????????????? ?? ???????????}

  3. cawaale says:

    illaahoow gabadhaa iyo inta muslimiin cibaadadooda dhib ku qaba ajar badan sii. illaahoow xaqa kor yeel. illaahoow wadamada gaalada wadama muslim u bedel. amiiiiiiiiiin

  4. abuubashka says:

    asc marka ugu waxaan ka xumahay in gabadhaas loo diiday in ay wajib alle kasoo baxdo waxaana dhihilahaa ladagaalam cadowka adiga yaa agjooge waa kuwa salaada kuu diiday

  5. muslima says:

    Waxaa nalaka rabaa in aan ka hijroono ardul kufaar, waayo diin iyo naf dhul muslimiintii waa loo diidaay, maanta EU waad aragtaan waxay hishiis ku noqdeen xasuuqa muslimiinta guryahooda lagu laynayo, WAXUU YIRI NINKII MINSTERKA AHAA EE GERMANY AFGANISTAN WAA IN AAN HALKAA KU LAYNAA HADII KALE GERMANY AMA EUROP AYAY QABSAN, SIDOO KALE NIN FINLANDEYS AHAA ISKU HADAL ISNA, WAXAA HALKAA KA CAD IN AY ISKU MOWQIF YAHIIN.

    INNA DIINA CINDALAAHU ISLAM.

  6. mubaarak says:

    waxaas waa wax dhaca maalin walba dadka muslimka ahna ha yeeshaan adkaysi maxaa yeelay ayaga ayaa imaadaydhul gaalo. dhulkana ilaahay ayaa leh waa inay shicaartooda islamka ay muujiaan kuna tukadaan meelaha dadka badan joogaan sida iskuulada xafiisyada iyo iwm

  7. Hishaam says:

    A C W B, intaas ka dib ilaahay diinta islaamka how gargaaro umadana haka dhigo mid diintooda ku qabsada gows danbeedka, ilaahayow diintad u gargaar oo quweeeeeeeeeeeeee. Aamin

  8. asmaa says:

    SUBXALLAH ALLOW NAGA NAJE GALADA SHARTOODA O NAGU CISEE ISLAAMKA OO NAGA YEEL KUWA LODAA KALIMADADA ALLAHA HANAGA QABTO GALADA INSHALLAH WY JABI DONAAN KUFAARTA WAN SAREEN DOONAAN ISLAMKA

  9. cali says:

    Horta waxa su’aali ka taagan tahy:
    DHULKA GAALADA MUSLINKU MAW HIJROON KARAA?? maxayse yihiin cudur-daarada diiniyan loo heli karo in la dego dhulka gaalada??
    Taa culimada waaweyn baan u dhaafayaa (ninba caalimkuu ku kalsoon yahay).

    Intaa ka dib, bal SHARIIF-kana u sheega!!

  10. Racwi says:

    Gobolka ay arintani ka dhacday(Maine) waa gobol dadka islaamka lagu dhiboo, hadaad xasuusataan Somalidii ugu horaysay oo degtay gobolkaasi inay dhibaato weyn kala kulmeen, oo xitaa mayor magaaladaasi uu hadalo xad gudub ku hadlay isagoo Somalida islaamnimadooda iyo midabkooda ka hadlayaa.Waxan oranlahaa Goboladaa noocaas kale inay muslimiinta isaga guuraan.
    Tan kale oo ah inay muslimiinta Islamic school ar furtaan, Tution aysan qaali garayn.

    islamic schoolada North America, lacagtooda aad qaali u ah oo dadku badankood ma awoodi karaan. Finally Muslimiintu waaa inay is aruursadaan diintooda ay ku camal falaaan.

  11. Abu a.rahman says:

    A.c.w waa wax in badan laga carodo, qof muslim ah marnaba xoriyad uma helayo dintisa inta u jogo wadan gaal, wartas ilah ba ino shegay inay ballan iyo ehelaba inaku badbadinayn, wana wax anan layabanayn, denmark bay ahayd ardaygi lagu yiri musqusha ku tuko, yay u dacwonaysa hoyada gbdhas dhashay, allah ka baqa, sona hijroda. Wsc.

  12. m.muse says:

    A/C/W/W.
    waxaan dhihi lahaa waxaasoo dhan waa waxaan anaga geysanay oo amarkii ilaah ayaan diidnay markaa ayaan jasihii helnay, maxaa yeelay in laga haajiro wadan muslim oo kufaar la aado waa wax islaamka uusan qabin ee dadka dhalay gabadhaasi dariiqii saxda ahaa ha raadiyeen

  13. xaqdoon says:

    gaalo ilaahaybaa nooga waramay, dadkaas dhibaataysanna waxaan leeyahay ilaahay faraj ha idiin furo ta kale ee aan rabay waxay ahayd dadka somalidu waa dad dagaal kkkk tacliiqa intaan akhrinayay waxaan arkayay qaar leh la dagaalan cadawga alle oo iska celi war nabigu immisaa lagu dhibayay diintiisa oo diig laga daadiyay loona diiday mabda,a uu aamin sanaa ee lagu soo diray ? miyuu ku bilaabay durba dagaal miyuusan ka hijroon makka uu uu u dhashay ?
    samir baa la rabaa hadday suuro gali waydona ka so hijrooda awalba idin kaa u hijrooday eh
    ilaahna ka ku kaal meeyo say ogu dhaganaan lahaa yeen diintooda una gudan lahaayeen waa jibkooda aamiin yaa allaah

  14. jamad warsame says:

    asc dhamaan muslimka meel kasto oow joogo waxaan ahay hooyada dhashay gabdha salaada loo diiday waxaana idiinku bishaareynayaa dhamaan muslimiita inta aay gaartay aqbaartaan iyo inta aaysan gaarinba in shalayto oo isniin ah ay gabdheyda iyo gabdho kale oo iskuulka ladhigto aay jamaaco kutukadeen schoolkiina uu ogalaada xitaa iskuulada kaloo magaalada ku yaala waa laga wada ogolaaday Alle ayaan mahadaas iska leh.

  15. Abdirahman says:

    Dhibaatooyinka qurbaha ayay ka mid tahay, in laga hijroodo maahee xal kale ma leh, somailduna markay tagaan ayay waydiiyaan culimada ka waran joogid dhul gaalo, su’aashaas hadeerto ma taalo ee inta qofku tegin waa inuu culimada waydiiyaa. Culimadu sida ay u badan yihiin sidaan maqlay waxay yiraahdaan saddex baa loo tegi karaa:
    1) qofka oo business deal soo dhamaysanayaa
    2) caafimaad
    3) waxbarasho aan plan ku jirin inuu dego oo aqoon uun ka soo qaato.
    Tan labaad dhulka gaalo xaarantii iyo xalaashii baa aad isugu walaaqan inaad garatona way adag tahay,
    1) cuntadi, daawooyinka, kareemaadka, saabuunta waxaa ka buuxda maado la yiraahdo Glycerin iyo Gelatin oo ah dheecanka doofaarka lafaha iyo hargahiisa laga sameeyaa
    2) wax walba Interest ama ribo ayay ku base garaysan yihiin, waxbarashadii, insurancekii, dayntii, credit cardkii..etc
    3) Meelaha laga shaqaynayo raggu iyo dumarku waa isku qasan yihiin waxaana laga shaqaynayaa wax xaaraan ah sida nin yiri McDonalds baan ka shaqeeya oo hilib aan la xalaal ahayn iyo pork dadka siinayaa ama nin dukaan cashier u ah oo deedna dee wax walba dadka ka iibinayaa khamirigii , doofaarkii, condomskii waa wax la yaab leh.
    3)Salaad jamaaco aad ku dukato way adag tahay,…
    4)…etc lama boo koobi karo
    5) Ciyaalkii oo dhaqankii gaalo ka qaadanayaa Streetska iyo gaalada, markaad ilamaha ku tiraahdid aabe waxaasi waa qalad wuxuu ku leeyahay Wadar iyo waaxid kee qaldan , sowtan dadkii oo dhan sidaa leh.
    Waa sida gabadh yar ku tiri aabaheed fuck off, markaasu yiri aabe waa maxay waxaan aad i leedahay markaasay tiri dadkoo dhan baa leh markay cadhoodan. :)
    ALKHULAASA
    Markaa een dadka halkaas degan waxaan kula talin lahaa Alleh ayaa risiqa bixiyeaa ha laga soo haajiro hadii kale see xoogaagii iimaanka ahaa ayaad xoogaa qaxwe ah siisnaysaa waana lagu aakhiro seegayaa. Qofkii aan iman karin Somalia ama ka walaacsan wuxuu iman karaa Dalalka Carabta ama Islamka ah. Wixii aan khalday walaalayaal fadlan ii sheega, bini aadumku waa khadaa’in weeye
    email:abdurahman33@hotmail.com




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Muslimiinta Iigoor oo loo diiday inay Soomaan, Tukadaan, Sakadana la Baxaan
  2. Muqaawamada Ciraaq oo go’aansatay inay Wadahadal la furaan Maraykanka
  3. Maraykanka oo Sheegay inay Taageersiyiin AMISOM & DKMG ah
  4. Abaanduulaha Ciidamada Maraykanka oo Qiray inay Dagaal Dhib badan kula jiraan Daalibaan
  5. Baaq ku socda Jaaliyada Soomaaliyeed ee W/Maraykanka

Latest Headlines