Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Q.2aad

Published on November 22, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaan Qeybtaana kusoo Bandhigeynaa Axkaamta Udxiyada, taasoo ah Axkaam ku Gaar ah Bishaan Dul-Xaj laga Bilaabo Maalinta Ciidda ilaa sadaxda Maalin ee ka dambeysa, taasoo ah Cibaado aad u qiimo badan laguna weyneynayo Gudashada Waajibka Xajka oo ah Mid ka mid ah Arkaanta Islaamka.

Axkaamta udxiyada

 

Udxiyada waa xoolaha loo goowraco Ciidda darteed maalinta ciidda ah iyo sadaxda maalin ee ka dambeysa (11-12-13 Dul-Xaj) Cibaado ahaana loola jeedo in ilaahey loogu dhawaado waxa uuna qur’aankiisa allaah ku yiri:-

((فصل لربك وانحر (وَالْبُدْنَ جَعَلْنَاهَا لَكُم مِّن شَعَائِرِ اللَّهِ)

Waana sunno aad u muhiim ah mana wanaagsano inuu ka tago qof waliba oo awood u leh, nabiga suubana kama tagin inuu udxiyo la baxo mudadii 10ka sano ee uu joogay magaalada Maadaiina: sidaa darteed waxa ay Culimaudiinka yiraahdeen waxaa xataa u banaan qofka awooda inuu deyn qaato iskana bixin kara inuu qaato si uu udxiyada u baxsado oo ajarkeeda u dhaafin.

Muslimiintuna waxa ay ku mideysan yihiin sharci ahaanta udxiyada, waxa uuna gowraca udxiyada biloowdaa salaada ciidda kadib Sida uu cadeeyay Nabigasuuban :-

                                      من ذبح بعد الصلاة فقد تم نسكه وأصاب سنة المسلمين

Qofkii gowracaa salaada ka dib udxiyadiisa uu u ansaxday, sunnadii muslimiintana wuu haleelay)

Shuruudaha udxiyada

Udxiyada waa ineysan afar dhaliilood midoodna lahaanin Sida uu cadeeyay Rasuulka sharafta leh (SCW);-

 

أربعة لا تجزئ في الأضاحي : العوراء البين عورها , والمريضة البين مرضها والعرجاء البين ضلعها, والعجفاء التي لا تنقي

 

1-        Ineysan ahaan mid il la’a si muuqato

2-        Ineysan bukin Jiro muuqato

3-        Ineysan lug la’aan oo jiisnimo aysan ka muuqan

4-        Ineysan aheyn caato daran oo dhuux aan laheyn 

Sidaas darteed dhaliil ka sii weyn afartaasna waa ineysan qabin

Waxaa wanaagsan qofka yaqaan gowraca inuu asaga gacantiisa ku gowraco sida Nabigaba (SCW) gacantiisa ugu gowracay asaga oo magacaabaayo allaah ka dibna naftiisa iyo ehelkiisa ama cidda u wakiilatay

 - بسم الله ألله أكبر, اللهم هذا عن فلان - qofkii aan gowraca aqoonin waxaa haboon inuu joogo meesha lagu gowracaayo udxiyadiisa hadii u awoodo, sidoo kale waxaa wanaagsan inuu qeybka Cuno qeybna u Hadiyeeyo Qaraabada & Dariska, Masaakiintana wax kaga sadaqeeyo     

(فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ) ( فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْقَانِعَ وَالْمُعْتَرَّ)

Baraarujin:Waxaa u haboon qofka baxsanayo udxiyada Inuusan jarin Wax ka mid ah cidiyadiisa ama timahiisa marka ay bilato bisha Dul- Xaj, hadii uu jarana wax kamid ah waa inuu illaahey u towbad keenaa udxiyadiisuna waxba uma dhimeyso, hadii uu iloobo ama dan ku kaliftana waa jari karaa waxaana sidoo kale ka reeban inuu iibiyo xubin kamid ah neefka udxiyada ah amaba uu kiro ahaan u siiyo midka xoolaha gowracaayo.

Waxaa sidoo kale Muhiim ah in Midida Neefka lagu Gowracayaa af badan lahaato si uusan Neefka Cadaab u Mudan, uuna Gowracaa Qof aqoon u leh Hab Gowraca.

                                                                  02/12/1430

Waxaa diyaariyay Calinuur xoogsade

عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dardaarano Ku Gaar ah Bisha Dul-xaj (Q 1aad)
  2. Wax ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan (Q 2aad)
  3. Dhalashada bisha shawaal oo laga arkay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah
  4. Aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!! (Qeybta 2aad)
  5. Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q.2aad)

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dardaarano Ku Gaar ah Bisha Dul-xaj (Q 1aad)
  2. Wax ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan (Q 2aad)
  3. Dhalashada bisha shawaal oo laga arkay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah
  4. Aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!! (Qeybta 2aad)
  5. Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q.2aad)

Latest Headlines