Dagaal ka dhacay Deegaanka “Biibi”
By Somalimirror on 22 Nov, 2009 8:46 AM in Main, Wararka
Dagaal u dhaxeeya Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Al-Xisbul Islaami ayaa Shalay Salaadii Makhrib ka dib ka dhacay Deegaanka “Biibi” oo dhanka Galbeed kaga aadan Magaalada Kismaayo.
Sheekh Xasan Yacquub Cali Afhayeenka Wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu Bilowday kadib markii ay weerar ku qaadeen Goob ay isku uruursanayeen Xoogag daacad u ah Axmed Madoobe iyo ONLF halkaasna ay kaga dileen dhowr nin.
Ma jirto Wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Xisbul Islaami oo ku aadan Dagaalkaasi.
Dhanka kale Wararkii ugu danbeeyay ee Saaka Halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya inay Xaaladu degantahay oo aysan jirin wax iska hor’imaad ah inkastoo ay labada dhinac is-horfadhiyaan.
Daabaco

Asc
Allah (SWT) ka baqa oo joojiya dhiigga Muslinka ee aad daadinaysaan Ash-haru-Alxaraamka iyo Maalmahan barakaysan oo dadka ku wacyi galiya sadaqada iyo Acmaasha wanaagsan, “Al-amru bil macruuf wa nahyu cani-al munkar” hana samaynina wax ilaahay (SWT) xaaraantimeeyay in aad ugu dhawaataan Ilaahay, waxaana idiin fiican labdaiinna xisbiba in aad u laabataan Kitaabka qu’aanka ah iyo sunnada Nabigeenna Suubban (CSW), idinka oo ka duulaya Aayaddii ahayd “fa in tanaazactum fii shay’in farudduuhu ila laahi warazuuluhu”, iskana daysaan Gaalaysiin iyo waa cadaw ilaahayga aad haysaan.
xog-ogaal | Nov 22, 2009 | Reply
Allahayooy badbaadadaada.
war bal ftantan meesha ka socota fiirsha!!!
ilaahoow xaqa ngu sug fitantana naga qabooji
samadoon | Nov 22, 2009 | Reply
ilaaahey ha jebiyo mujrimiinta dagaal wadayaasha ah.
axmd madoobe hana dhaafo maanta afmadoow way ka huleeleen baan maqlay
Caloofi Alsomali | Nov 22, 2009 | Reply
walaala yaaloow waxan socdaayi ma diinbaa mise waa qabiil? aniga waxay ila tahay waagay somalidu qabiil isu dilaysay xitaa lama arag sidaan waa yaab umada xagee loo wadaa war umad nabad ku waa bariisatay maxaa colaad loo galinayaa? ilaahow nasrigaaga na sii walaahi umadii somaliga ku hadlaysay way dhuntay
cabass | Nov 22, 2009 | Reply
s/c waan idin salaamay salaan kadib Alle aan kabaqno waxaan kujirnaa tobankii ahaa ashhurul xurum ee waxaan xasuusini caloofi in uu Alle kabaqo uu aflagaadada iska dhaafo waxaan shaki iiga jirin waxa dagaalamaayo in eey yihiin dad muslimiin ah oo soomaali ah waxa eey isku haayaana eey tahay fikir kala duwanaan ee waxaan dhihi lahaay kitaabka Alle haulaabtaan tan labaad caqli mesha majiro ee caqliga hashaqeeyo dan uma ahan labada dagaalameeyso Aakhiro iyo aduunba anagana weey nadaaliyeen maskax iyo madax xanuunkoodaa nadilay ee Alle baan ooga baryeeynaa in uu dhiigooda kala qaboojiyo labadaba weey naladhasheen waa rakii shaleey hoodka kuwada jiray oo nafta isku huraayeen Alle kama dhigee hadii dhibkale hadana kudhaco xageey kujabhadeeyni doonaan ileen rakii deegaanka kasoo jeeday iyo shacabkiiba weey isku direen xikmada Alle hanatuso kuwa qabiil wax usaboot kareeynaayoow Alle kabaqa oo aflagaadada iska daaya labada dhinacba weey qaldanyihiinee Alle ubarya in uu kala qaboojiyo s/c
axmedcade | Nov 22, 2009 | Reply
waa khatar dhiiga muslimka ee inta la daadiyo hadana lagu fiinayo ee la leeyahay waxan ka dil dhawr iyo faano ku jiro
waar ilaahay ka baqo oo joojiya dilka muslimiinta
iimam cali | Nov 22, 2009 | Reply
ASC. ALLAHU AKBAR, ALLAHU AKBAR, MUJRIMIINTI AXMED MADOOBE WATEY WAA LA JEBIYEY, SHABABUL MUJAHIDIIN SAAKAY AROORTII WAXEY QABSADEEN AFMADOW WAXEYNA KU DABAJIRAAN FIRXIDKII MUJRIMIINTA. AXMED MADOOBE SHEYDAAN WUXUU AFKA QABTEY XUDUUDA KENYA DHOOBLEY, ALLAHU AKBAR, GAAL IYO GAALO RAAC WUU JABI. AXMED MADOOBE MUJAHID MAAHIN WAA QAAIN QANDARAAS SOO QAATEY. ALLAHU AKBAR, GUUUL MUJAHIDIINTA, MAANTA WAA MALIN FARXAD LEH.
faysal | Nov 22, 2009 | Reply
sheekadaan shisheeyo ayaa luk kuleh saan umaleeynaayo axmed madoowe balaayaa ugacan haatineeyso yaarabbi rabbiyagoow inta xaqa wada kalmeey oo mar natus anagoo kitaabka ilaaheey iskuxukumeeyno ilaahayoow ciidan noosoodir ooku xooji inta xaq udirirka ah
ali | Nov 22, 2009 | Reply
axmed iyo xulafadiisa meel xun ayay ku danbeen doonaan sida muuqato waa hadii ay joojin waayaan abaabulka iyo fowdada.
axmed waxa uu wadaa hawshii meesha looga saaray barre hiiraale so haduu joojin waayo waa lala dagaalami haduu alle idmo,
max'ed | Nov 22, 2009 | Reply
Ururka xisbul islam waa urur marxalado badan soo marey. magac kasta ama dhisme kasta oo nooc ah oo uu soo mareyba, waxaa mar kasta ururkaas uu la il darnaa awood darro hogaamineed iyo isku xirnaan dhab ah ee xaruntiisa dhexe iyo laamihiisa gobollada.
ururkaas oo hore ugu jabay dagaallo badan ayaa sababta ugu weyn ee mar walba guul darradooda ugu wacnaa ay tahay hogaanka sare ee xisbigaas oo aan si buuxda u maamulin oo wax amri karin waxna ka oojin karin maamullada magacooda sheegta ee ka jira gobollada.sidoo kale waxaa madaxda sare ee ururka oo aan ka maarmin taageerada maamullada ururka ee aan tooska ayaga u hoos imaan ayaa iska sheegta guulaha iyo wax qabadka ay la yimaadaan gobollada halak aysan didi karin inay dusha u ritaan qaladaadka ay geeystaan gobolladu waloow ay marmar gobolladu sameeyaan waxyaalo ayna raalli ka ahayn ururka xaruntiisu.
arrinti hiiraan oo hadba dhinac u gebi dhacleeyneysey tan Axmed madoobe iyo kuwo kale oo badan ayaa ku caddeynaaya kala daadsanaanta ururka awooddisa.ilaa hadder ma jirto wax gurmad ah oo xisdbigu u heeystey Axmed madoobe,mana jirto wax go’aan ah oo iska beri yeelifd ah oo kasoo yeertey ururkaas oo ku saabsan hawlaha Axmad madoobe iyo xubinnimadiisa ururkaas.maxay tahay haddaba isku hallaynta la isku hallayn karo ururkaas iyo madaxdiisa kol haddii go’aankoodiba sidaas noqday.
Xuseen Shaacuur | Nov 22, 2009 | Reply
ASC, Aniga waxaan aad ula dhacsanaa wanaaga iyo nabada eey ka dhaliyeen Koonfurta soomaaliya dhalinyaradaan wadaadada ah, laakiin waxaa meesha soo galay balan kabax, is gaalaysiin, aduunyo jacayl, iyo xukun doon, waana meeshii u dambaysay oo ay dad juhalo ah u jihaystaan, waxaa la soo faaruqiyey dhulkii lagu dagaalamayey DKMG iyo AMISOM waxaana dhiigooda isku daadanayaa dhalinyaro dagaalo culus la soo gaalaya ethopia iyo AMISOM, wax dambe oo JIHAAD la dhahaana yaan been laga sheegin, dadka masaakiinta ahna 20 sano la qixinaayey qaxa halaga joojiyo
jacfar | Nov 22, 2009 | Reply
ALAAHU AKIBAR AFMADOW OO GACANTA IS LAAMKA SOO GASHAY WAXAAN LAGA SAARAY KUWA FIKRADAHA QABIILKA WATAY IYO KUWA XUKUN DOONKA AH OO ITOOPIYA LAGA SOODIRAY
cabdi xanaan mubarak | Nov 22, 2009 | Reply
ASC
Dhalinyaro ma,ahan on lagu wareero kan ayaa muslim ah , kana mujrim ah ,gaaluu wataa iyo wax lamid ah ee qof walbow kafakar waxa umadda soomaaliyeed udan ah.
Ilama aha kuwa xamar iyo inta udhow isku cayrcayrsan inay dan usoo wadaan umad soomaaliyeed.
Allah can save somalia
khaalid | Nov 23, 2009 | Reply