Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kuna hubeysan gaadiidka gaashaman ee dagaalka ayna waheliyaan kuwa DKMG ayaa saaka fariisin ka sameystay Isbitaalkii hore ee Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa cabsid iyo wel wel ku abuuray dadka rayidka ee deegaan ahaan halkaa ka dhow, waxaana sidoo kale jiray dhaq-dhaqaaqyo ciidamadan saaka ka sameeyeen Wadada Makka Mukarama.
Ma jiro hadal ka soo baxey dhanka hogaanka ciidamada AMISOM iyo Dowlada KMG oo ku aadan fariisinka cusub ee ciidamadoodu ka dhigteen Isbitaalkii hore ee Digfeer.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ku aadan dhaq-dhaqaaqan cusub ee Ciidamada AMISOM isku fidiyeen, waxa ayse arintan ku soo beegmeysaa xilli maalmihii ugu danbeeyay hadalo ku aadan inay is baahinayaan ka soo baxayeen dhanka DKMG ah.
Horey Isbitaalka Digfeer, waxa uu fariisin ugu ahaa ciidamadii Gumeysiga Itoobiya oo bilowgii sanadkan isaga huleelay, ka dib dagaalo culus.

Related posts: