Al-Shabaab & Xisbul Islaam oo Dagaal Culus ku qaaday AMISOM & DKMG ah

Dagaal Xoogan oo la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan ayay Xoogaga Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo iskaashanaya ku qaadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Fariisimaha ku leh Wadada Dabka, Maka Al-Mukarama, KM4 iyo Nawaaxiga C/qaasim ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo Bilowday 05:00PM iyo Qadar Daqiiqado ah ayaa soo gaaray 07:00 Fiidnimo ee Caawa iyada oo wali la maqlayo Xabado Teel Teel ah oo ka dhacaya Goobihii ay Dagaaladu ka dhaceen.

Dagaalkani waxaa Bar-barsocday Madiifiic Aan loo meel Dayin oo ay Ciidamada AMISOM si u la kac ahi ula dhaceen Xaafadaha Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho.

2 Qof ayaa ku geeriyootay 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen illaa iyo hadda inta la ogyahay Madfac ku habsaday Guri ku yaala Xaafada Barmuudo ee Degmada Hodan.

Sarkaal sarre oo ka tirsan Xafiiska warfaafinta Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Somalimirror inay Dagaalkaasi wada Qaadeen iyaga iyo Xisbul Islaam isla markaana ay Khasaare Naf iyo Maalba isugu jira u geysteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.

Dhanka kale Afahayeen u hadlay Ururka Al-Xisbul Islaami oo lagu magacaabo Maxamed Caruus ayaa sheegay inay Qaadeen Dagaal Safbalaaran oo u dhaxeeya Isbitaalka Digfeer illaa Madaxtooyada isla markaana ay Ciidamadii ay weerarka ku qaadeen ay ka gubeen labo Baabuur oo ay kala ah Jeemis uu ku rakibanyahay Qoriga Zuu-ga iyo Gaari Cabdi Billa ah oo uu ku rakibanyahay Qoriga Dhashiikaha.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca DKMG ah iyo waliba AMISOM oo ku aadan Dagaaladani lagu ekeeyay Qaar ka mid ah Fariisimahooda, waxaana uu ku soo beegmayaa xili ay Maanta Ciidamada AMISOM dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen Wadada Maka Al-Mukarama sidoo kalana ay Fariisin Cusub ka dhigteen Isbitaalkii hore ee Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Waa dagaalkii ugu cuslaa in mudo ah oo lagu qaado Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah, waxayna arintani Muujinaysaa sida aysan AMISOM wax dhaq-dhaqaaq ahi uga sameyn karin Magaalada Muqdisho, haddii ay sameysana lagala hortagayo Iskacaabin Noocan oo kale ah.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

31 Comment(s)

  1. Wuxuu dagaalkan ay labada qaybood ee Mujaahidiintu wada qaadeen calaamad u yahay in Axmed Madoobe iyo ONLF aysan Xisbul Islaam ka mid ahayn maadaama ay dagaal kala soo horjeedaan Mujaahidiinta Ash-shabaab.

    Labada Gabar ee Mujaahidiintu waa kuwaas iskaashanaya oo Cadawga wada garaacaya rasaastana wada qaybsanaya…Hadana Axmed Madoobe ILAAHAY haka baqo uu fitnada uu Mujaahidiinta inuu dhex dhigo doonaayo ha joojiyo hadii kale isagay u darantahay oo sida hada ku dhacdayba howdka lagu cayrsan doonaa.

    Faysal | Nov 22, 2009 | Reply

  2. waa in lagu jihaado gaalada soo duushay ee magacyda la baxay ama amisom ama amxaaro kaydoonaan hanoqdaan waagaalo soo duushay waana inay naga baxaan hadii kale jihaabka barakaysan ayuubaa socondoona lagana daali maayo inta ay wadandeena joogaan

    abubakar | Nov 22, 2009 | Reply

  3. hasocoto ciyaarta ka jirta somaliya.

    xukun lagama cabsanyo.
    Alle lagama cabsanayo.
    sharci haba sheegin

    sidaa darteed maadaama wax laga cabsanayo iyo wax laga xishoonayo aysan jirin hala laayo dadka shacabka ah iyo masaakiita.

    allow adaa abood leh

    Hashaan Maankeyga galiwesaye ma masaar ayey laqday | Nov 22, 2009 | Reply

  4. allaahu akbar allaah how gargaaro mujaahidiinta , marwalbana hay garabsadeen halcadow ayey leeyihiin, waana gaalada iyo kuwa ka dhinac dagaalamaya.

    gawaafe | Nov 22, 2009 | Reply

  5. cajiiiiiiiiiiiiiiiib
    waxay arinu soo socotaba maanta waxay maraysaa al-shabaab iyo xisbul islaam waxay dhiiga iskaga cabayaan kismaanyo iyo afmadoow
    waxay dagaal ku qaadeen ayaoo iskaalmaysanaya dowlada DKG AH!!!!!!!!!!!!!!!.
    TAAS MACNAHEEDA AAD IYO AAD BAAN U FAHAMAY?
    > hadii aan sii faah faahiyo waxaa weeye kismaanyo ayaga uunbaa joogay oo ku heshiin waayey dhaqaalaha ka soo xarooda dekeda iyo airport-ka saas ayey ku dirireen qolo adkaataba.
    > laakiin dekeda xamar iyo airport-ka waxaa haysta qolo kale saas ayeey heshiis ku yihiin in aay isku kaalmaystaan oo wada duulaan oo dagaal ugu qadaan.
    ISKU SOO WADA DUUBAAN DANTU WAA DAMAC IYO DUUNYO RAADIS, DIINTA WAA LAGA BEEN SHEEGEY,
    MAXAA LATSKU DIALYAA HADII DAR ALLENA MA JIRTO?

    Indheer garad | Nov 22, 2009 | Reply

  6. XABRIGA KUFAANARTA SOO DUUSHAY YAAN LOO KALA HARIN WAAYO XARBIGA KUFAARTA WAA MID BALAARAN, SOOMALI HUROODOOY.

    DUMARKOOOOOOOOOOW MIDIYAHA KU DAGAALAMA WALAAHI DAGAALKA UGANDA IYO BRUNDI U YIMAADEEN WAA DAGAAL KUFAARTA OO DHAN AYLA QABTO DHAQAALANA KU BIXIYAAN SI AYSAN SOOMALIYA LOOGA HIR GALIN KU DAQANKA SHA REECADA ISLAMKA.

    WADANKA UGU YAR MAANTA CHRISTIANKA DHAQAALO AYUU KU BIXIYAA SIDII ISLAMKA LOOLA DAGAALI LAHAA LOOGUN XASUUQI LAHAA WADAMADOODA.

    XALKU WAAAAAA JIHAAAAAAD SIMAN

    maria | Nov 22, 2009 | Reply

  7. Asalamu alaikum
    walaalaha bahda somalimirror waxaan ka rajeyn inay noo sharxaan sida ay macquul kutahay IN XISBUL ISLAAM iyo SHABAABKu ay halkaan dagaal ay kuwada qaadaan Gaalada AMISOM…AFMADOWNA aaad dhahdaan waxaa ku dagaalamay SHABAAKA iyo XISBIGA!!!!!
    soo kuma tusinayso inay wax khaldanyihiin dhanka war soo tabinta…

    waxaan rajeyn inaydaan tiri-tirin tacliiqaan hadduu webkaan yahay meel ay dadku xor uyihiin inay soo dhiibtaan fikradahooda

    waad mahasantihiiin..walaalaha tacliiqa akhrin doonana waxana ka rejyn inay bal wax ka dhahaan tacliiqaan
    wasalam

    cali | Nov 22, 2009 | Reply

  8. in al cizata LILAAHI wali rasuulihi walil mu’miniim walaakinal munaafiqiina laa yaclamuun.
    ALLAAHUMA,nsuril mujaahideen.aanmiin.

    cabdiraxiim cali jaabiri | Nov 22, 2009 | Reply

  9. allaahu akbar gaaloda iyo gaalo raacyada mujaahidiinta seeftooda ayay adduunyada ku sugayaan aakhirona xisaabti alle ayaa u taalla allaahu akbar allaahu akbar .
    allow mujaahidiinta guuley.
    gaaladana jabi .

    mujaahid | Nov 22, 2009 | Reply

  10. Wax dhan baad dhambaalaan
    soo dhiibay diraysaye
    maantana dhankiinaan
    amaan taan u dhiibiye
    ii dhiiba dhagihiyo
    dhaayihiyo quluub taba
    markastoo dhur waaciyo
    xog tiisay udhiibaan
    bulshadoo dhamays tiran
    runtu way ku dheer tahay
    been tana ma dhoo baan
    halgankaa kadhii dhiyey
    dhibaatada gumaysiga
    dhalan teed umay arag
    wayse dhabar adkaysteen
    dhacdadana sidee day
    ayagoon wax kala dhimin
    yey noo dhi tee yaan
    intaa soo dhankiina
    somalimirror baan
    boqshad u dhiibaye
    dhiifani ku hoo yoo
    halgan keena dhidibkiyo
    u adkee dhufaysyada
    Kuwa beenta dhoobana
    kafogow dhan koodiyo
    dhinacay u ii shaan
    runtuna waa xalaal dhaba
    waana dhalka kii jira
    waana dheeman sharatuye
    been low ka dhawrsada
    rabi haydin dhaw ree

    abu fatima | Nov 22, 2009 | Reply

  11. Xizbiga intiisa fiican allow mujaahidiinta kusoodar abeesoyinkana xashkasta oo ay galaanba waa looga dabatagi doonaaa sida madobe waxaan kula talinlahaa walaalaha lakhalday ee aan garanayo ee ay kamid yihiin luqmaan iyo cubeyd yare abuu dalxa iyo qaar kale oobadan waxaan leeyahay walaalayaal xasuusta acamaashi badneed eed alle dartii usoo samaysen luqmaan dhiigaagii qaaliga aha eed hurtay maanta mawaxay kulagashay yaa qowmii iyo madobe walalow alle utowbad keen

    Nasrullah | Nov 22, 2009 | Reply

  12. Maxaa maalmaha khayrka loogu soo beegaa dagaalada sida dul xajka iyo ramadaanka.

    waa in laga dhex baxaa fitnada!!
    dagaalada wadanka ka soconaya dhamaan waa fitno!!!
    muslimiin is laynaysa, caruurta iyo dumarkana ku dul dagaalaya.

    khayrdoon | Nov 22, 2009 | Reply

  13. somaalimirror kadaaya shacabke beenta in aad mucaaradka taagersan tahay way cadhay lakin beenta waa xaaran maanta waxaa dagaalamay waa xibul islam oo fulaynimo shacab ku dhex dhuuntay
    markas ayey ku leeyihin shacab ayaa u dagaalamaynaa runta waxay u dagaa laman QABIIL
    WALIGOODNA KUMA GUULAYSANAYAAN SIDIINA OO KALE:

    ahmed | Nov 22, 2009 | Reply

  14. Somalimirror fadlan ii daaya faaladeyda

    Cali

    Somalimirror uma hadlaaayo waayo marar badan bay tirtiraan tacliiqaadka aan qoro. Laakin inay qoraan laba war oo kala horjeeda ceeb kuma laha sababtoo ah waa xaqiiqo jirta.

    jubooyinka labadan urur way ku dagaalamaayaan, muqdishana sida dadkeena jooga arkay maanta waxay sheeganayaan inay wadajir ugu qaadeen dagaal gaalada AMISON.

    Taas maxay ku tusinaysaa

    1) in Xisbul Islaam uusan lahayn wada shaqeyn ama siyaasad cad oo ku aadan shabaab halka shabaab leeyhiin aragti ku aadan xisbiga

    2) In Xisbiga uusan dan ka lahayn xubnihiisa lagu gumaadayo Jubbooyinka

    3) In shabaab keligood dagaal geli karin oo wadartan maanta tahay lismaslaxa alwaqtiya keliya

    4) In Xisbiga oo ka kooban dhowr urur mar dhow kala jajabi doona haddii uu urur ahaan isu dhisin.

    5) In sh. Xasan Dahir uu khathilay walaalihiisa koonfurta Somaliya sida sh, Xasan Turki, Sh. Xasan Mahdi iyo sh. Madoobe iyo Mucaskarka Raskambooni iyo Caanoole

    6) In Berri ay dhici karto in Labadan urur ku dagaallami karaan Xamar maadama wax wayn oo mideeya uusan jirin.

    Cali Guure | Nov 23, 2009 | Reply

  15. ku somali miror
    Sarkaal sarre oo ka tirsan Xafiiska warfaafinta Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Somalimirror inay Dagaalkaasi wada Qaadeen iyaga iyo Xisbul Islaam isla markaana ay Khasaare Naf iyo Maalba isugu jira u geysteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.
    maqalkan baan aqristey qoralka kore waxan ka koobiyey maqaalka sare waxan dhageysaney idacadaha oo dhan alshabab afhayenadooda ma sheegin in dagaalkii maanta xisbul islaam ka dhinac dagaalameen marka SOMALI MIROR adinkoo mahadsan maxa u diidaya in alshabab radiyaha ka qirtan in dagaalkii maanta ee muqdisho ku jireen mise adinka sidas iska jecel in alshabab ey ka dhinac dagaalanto xisbul islaam oo AFMADOW laga qabsadey xisbul islaam taas naga jaahil bixiya soomaali miror.

    UMU ANISAAA | Nov 23, 2009 | Reply

  16. Allaahu akber Wa lilaahil Xamd

    Illaahay ha idinka Farxiyo saad nooga Farxiseen

    xaqa ciid ka fiican midnimadiina ood u hibaynaysaan Walaalahiin Muslimiinta ma leh

    Jab ka weyn ood gaarsiisan cadawga islaamka oo ka weyn midnimada ma leh

    Allaah baa mahad oo idil o sugnaatay kadibnah Culumadeena iyo Walaalaheen dadaalka ugu jiro Midnimada Mujaahidiinta

    nusayba | Nov 23, 2009 | Reply

  17. takbiir, allahu akbar,, gaalada ha jabto. kuwan soo qorayo jubooyinka baa leysku heystaa adeer axmed madoobe qabiil haku taageerin waa munafaq. waxaana taas kuu cadeyneysa in mujahidiinta dhamaan mogdisho dagaalka wadijir ugu jiraan. allahu akbar.

    faysal | Nov 23, 2009 | Reply

  18. Maan laawa yaal iyo
    reer munaafaqoo idil
    mar hadii ay masayraan
    mashruu coodi waa dumay
    Waana madax dhul yaa loo
    la maa mulay sidii maal
    majaafada sideedana
    micnihii jihaadkiyo
    may garan macaashkaba
    Xin in tay la miri raan
    Sida masaska oo kale
    madaxaan ka kaa wini
    Haday ciil la maa teen
    Miyey naga ma caa sheen
    Mid midiidin gaala
    Miyaan hadal lamiis taa
    Malasiyo xer tii sii
    Miyaan meel u raa caa
    Kii macatab lay jecel
    Muslimkana ladiriree
    Moor yaan sidee dii
    Mushkuladaha abuu ree
    Khayrku usan marahayn
    Maska aburka sayriyo
    Mufti been hawaa siyo
    Wadaadkii masuugee
    An macnaynin taw xiid
    Muran inan la tookh naa
    Wax namaraya maa hee
    Haygu mee hanaa mine
    Ducfiyow miskiin kaa
    Ninuu xayle maamulo
    Nooma soo mash xara dee
    Dhulka meel ku le eg doon
    Waxaadse bari macaash taan
    Marna hayga siinina
    wax yar oo macaashaba
    Anaguna mulkii laha
    Maaligii na uun taan
    Waxbadan oo maxaamida
    Maalin iyo hamaynbaba
    Ka masuugi may nee
    Marwalba la joog naa
    Mahaduna waxay tahay
    Inaan gaalku maankiyo
    Maskaxdayadaba hananine
    Noo furay masaailka
    Duulbadan ka maagee
    Mugdigana ka joo gaan
    Maxaadse uga masayr taan
    Midnimada walaalaha
    Ma mashaakil koodaad
    Magac dheer ku leediin

    abufatima | Nov 23, 2009 | Reply

  19. alla maxaa been la isku sheegay. Xisbul Islaam ayaa meesha ku dulloobay. Dhinac shabaab ayaa dagaal qassab ah galinaya dhallinyaro magac xisbul islaam sheegta meelna, shabaab waxay dilayaan xisbul-islam. Adugu meel u raac taas.
    Xisbul Islam war iskuma heysaan miyaa oo shaqo iskuma lihidiin. Nimanka aad isku safka tihiin ee shabaab soo kuwa idin leynaya maahan?

    hana | Nov 23, 2009 | Reply

  20. Arintu way iska Caddahay Axmad Madoobe Xisbul islaam ma aha waa maleeshiyo Qabiil oo kiniya difaaceyso.
    Xisbul islaamka Runta ahana waa kan garab taagan Mujaahidiinta Al-shabaab.

    Mujaahid | Nov 23, 2009 | Reply

  21. waa alle mahaddii hadii labada kooxood ee mujaahdiinta ahiba aykawada qaybgaleen dagaalkan lagula dagaalamayo calooshooda ushaqaystayaasha afrikaanka iyo kuwa aan waxba kala ogayn somali kusheega ah waa kuwo aan ogayn meel loosocdo oo aad moodo in laga xukumo washignton alle idinma laiibaano waa waxmagarato ilbiiga oo maxaysato ah

    weheliye | Nov 23, 2009 | Reply

  22. Asc waan jeclahay somali mirror habka eey wararka usoo tabiso. Lknse axmed madoobe mawaxaad sugeeysaan ilaa uu cadeysto inuu ushaqeey ethiopia iyo dabadhilifkeeda weyn ee sheydhaan shariif. Ta kale labada xassan aad ayaan ujeclahay ee ninkaan fitneeysan hada intey goori goortahay ha iska bari yeelaan. Fadlan haqarinina qoraalkeyga somali mirror. Wabillahi towfiiq.

    Jigjigawi | Nov 23, 2009 | Reply

  23. Cadowga dalkeena u yimid in uu Calooshiisa u shaqaysto, iyo inta Cadow kalkaalka ah ee garabsiinaysa waa in la xanuujiyo, waa in la gubaa lana tuso waxa ay yihiin.

    Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam waxay wax ku yihiin marka ay isu garab ahaaddaan ee ay garab iyo gargaar isu siiyaan sidii ay darsi lama ilaawaanah ugu dhigaan Cadowgan cawaanka ah ee calooshiisa inuu buuxsho u soo shaqo aaday, inkastoo ay tahay nasiib daro in Cadowgu uu xasuuq waxshinimo ah u geysto dar shacab ah oo aan waxba gallabsan.

    Waxase taas inoogu wacan Cadow Kalkaalka (waa Dawlad ku Sheega’e) oo sabab u ahaa markii hore in Cadowgu uu soo gallo Dalkeena. Si kastay ahaataba waa lala yimaadaa Adkaysi iyo wax iska caabin inta ay hawshu dhammaanayso, isla markaana la ogaado ahmiyadda ay leedahay Iskaashiga, isku duubnida iyo wada shaqayntu.

    Wal Caaqibatu lil Mutaqiin; Wallaa Cudwaanu ilaa Calla Daallimiin….

    Guhaadshe | Nov 23, 2009 | Reply

  24. TO Cali…sxb aniga aya kaa dhaadhacsiinaayo sida ay macquul u tahay, in Xisbiga iyo Xarakat-shabab-almuajhidiin ay Gaalada wada weeraraan ayaga oo is garabsanayo, sxb hadii aan kaaga soo bilaabo dagaalka Jubooyinka ma ahan kuwo u dhexeeyo mujaahidiinta dhexdooda, sxb meeshaas waxaa isku heystay Nin ay Gaalada Dariska ah soo adeegsadeen oo la Yiraahdo Axmed Madoobe, iyo Xarakat-shabab-al-mujahidiin Xisbiga arrinta uu yiri sh Xasan Daahir ee aheyd Axmed Madoobe Xisbiga ayuu ka mid yahayna waa mid afka kaliya ku ekeyd, ee Mujaahidiinta waa sida uu inoo sheegay afhayeenka Xarakada Shabaab ee uu yiri ma ahan mujaahidiinta waxa dagaalamaya ee waa kuwan mujaahidiinta safka iskula jira ee habeen iyo maalin difaacca iskula jira ee xabbada rootiga ah isla cunaya, teeda kale ninkan Axmed Madoobe la yiraahdo wax walboo uu ahaan jireyba hadda wuxuu isku badalay Hogaamiye Kooxeed, iyo nin qabiil doonaya inuu ku owr kacsado lkn taas ma dhicin oo qabaa’ilada Somalida intooda badan diinta ayey fahmeen si fiican, mujaahidiinta ayeyna garab taagan yihiin in yar ma ahane, teeda kale wuxuu doonayay oo uu qandaraas ku soo qaatay inuu carqaladeeyo ammaanka iyo nabadda u ALLAH ku siiyay mujaahidiinta dhiigooda dadka reer jubooyinka, dadka daga jubooyinka waa iney ALLAH uga mahad naqaan ammaanka iyo nabadda uu siiyay ayna mujaahidiinta taageeraan naf iyo maalna la garab is taagaan, maxaa yeelay maanta ciddi aysan qalbigiisa ku jirin Qabiil iyo rag iska riix wuu arki karaa is badalka ka jira magaalada Kismaayo oo lagu tirin jirey 2 sano ka hor magaalooyinka adduunka ugu qatarsan, hadana uu ALLAH ka yeelay meel aamin ah, oo dadka dhanna ay simman yihiin oo shareecadi islaamka la oogaayo, oo dadka Salaadda la amraayo, ilaahayoow Somalia oo dhan iyo adduunka oo dhan mujaahidiinta gacantooda soo gali, walaayaal ogaada in kooxdi isku taagta mujaahidiinta aysan faraha ka laaban doonin. walaalayaal ALLAH aan ka baqno oo aan iska deyno soofeynta aan isku soofeyneyno MUJAAHIDIINTA. wabilaahi-towfiiq

    aBdUlSalAm | Nov 23, 2009 | Reply

  25. Walaalayaal dadka ama qabaa’ilada somaliyeed ee u heysta in Mujaahidiinta ay qabiil gaar ah duulaan ku yihiin waxaan leenahay fikirkaas ma ahan mid sax ah, walaalayaal mujaahidiinta ma ahan qabiil qaar ah waana ayu nooc waana dad ay mideyso kalimadda (laa’ilaaha’illa’laah) waana bilowgii dowlad islaami ah oo adduunka dhan ka talisa bi’idni laaah, walaalayaal nimankan qabiilka ku owr kacsanaya walahi ineysan xataa qabiilkooda ay ka dhasheen aysan wax wanaagsan u heyn ee dano reer galbeed iyo Ethiopia iyo gaalo ayey wadaan, iyo xukun doon, walaalayaal inta goori goor tahay aan xaqqa taageerno, maxaa yeelay ALLAH wuxuu caqligan noo siiyay inaan xumaha iyo samaha ku kala garanno, Marka waa inaan u duceynaa walaalaha mujaahidiinta howshan adag ee ay hayaan, dhallinyaradan mujaahidiinta safkooda ka baxay ee sida qaldan wax loogu sheegay ee maanta loo adeegsanayo iney la dagaalamaan mujaahidiinti ay shalay is garabsanayeenna waxaan ku waaninayaa iney safka ku soo laabtaan walaalahoodana wey sugayaan insha allah mana jiri doonto cid loo qabsan doono ama loo wax yeeleyn doono wixi shalay dhacay, waad ogeydeen marki uu dagaalku kismaayo ka dhacay in walaalaha dhinaca kale ku dhaawacmay ee la khalday lagu daweynayay isbitaalka kismaayo oo u gacanta ku hayay maamulka xarakat-shabab-al-mujaahidin, marka inta goori goortahay ALLAH ha soo hanuuniyo walaalaha dhinaca kale jira. Aamin, allahuma ansuril-mujahidiina fii-sabiilika fii kulli makaan AAMIIN asc…

    aBdUlSalAm | Nov 23, 2009 | Reply

  26. Sh. Xasan Daahir dagaalada ahligaa ee wadaadadu ku jiraan dhab ahaantii magac xumo iyo denbi unbaa ka raacey.

    1.Diintii way kala dhinteen oo awaamirteedi ayuu khilaafey.
    2. Culimadii saaxiibadiis aheyd kala dhinte oo maalin cad ayuu shabaab ka raacey.
    3. Tolkiis kala dhinte oo guryahoodi ayuu ka qixiyey kuna jaribey iney qaxooti ku noolaadaan.

    4. Ragey xisbiga isla ahaayeen wuu u hiilin waayey af iyo adinba. Xisbigiisina wuu hanan waayey.
    5. Shabaabna awalba uma tirsaneyne way ku meel gaarayeen, maalintey ka maarmaana Sh. Xasan Turki ugama karaamo badnaan doonaan.

    marti sharaf | Nov 23, 2009 | Reply

  27. Waxaan maqli jiray tuu gaa saad lax ka dhaar sataa war soomaali mlrror ma waxaad rabtaan inaad ku qasabtaan fikradiina qabiilkiyo diin nacaybku ka buuxo
    somalirror waxay akhrista yaa sheeda u soo bandhigtaa wixii xog ah ooy heshaye waxay hale yeen muxuu yahay waxaan maqlay gabar baa abeheed siiyey nin ninkiibaa kudhintay dagaal gabadhii oo arigii lajoogta ayaa aabeheed usheegay inuu dhintay saygeedii uu kulamaaiyey markaasay oohin afka goosatay oo tiri ala orgiganagii ina tixo dawacaa cuntayeey markay aamusi wayday buu yiri odaygii ileen waa nin waayo arag ahe aabe aamaus oohintu orgiga kawayne hwlihii beelha ayaad rabtaan inaad ku dbakhdaan dagaalka axmed madoobe iyo alshabaab warhoy beenta naga daaya iyo bura bagaankiina waa halkii abshirbacadlee iska dhaafa somalirror wax ay bi isay majiree

    abuu fatima | Nov 23, 2009 | Reply

  28. aBdUlSalAm

    Walaal ASC.

    Waan jeclaan lahayn in sida aad u qortey uu arinku ahaan lahaa laakiin nasiib darro dadkeenna wax ogaal ah warkaasi war ka duwan ayaan haynaa.

    Khaladaadka diiniga ah ee ay galeen Shabaabka maanta cidna kama qarin karno. Kaaga darane dhiigga ay mujaahidiinta kale daadiyeen waa dhibic madow oo aan go’i karin mar dhow. Yaan la sixinna waa bidco diini ah oo aan sala iyo raad ku lahayn diinta Islaamka.

    Waxaad ku sheegtay Axmed Madoobe in Xabashi soo dirsatey oo qandaraas dawli ah wato. Taasi waa iska hadal ku dhisin nin iska dhicin aan diinta iyo taarikhdaba kugu taageerayn. Maxay ragga badan oo wadaada ka tirsan ay xargaha u jartaan marka khilaaf diineed ama fikradeed dhaco? aqoon yaraan iyo Alla ka cabsi laan iyo geel jirinno maskaxeed iyo aniga waa in aan sax noqdaa xataa haddii aan goobta ku soo haro aniga oo ku fadhiya jujumada walaaladeey.

    Dhinacya badan oo mujaahidiinta xisbiga ka mid ah ama shabaab ka soo goostey waxay aaminsan yihiin in shabaab doonayn dawlad islaami ah Soomaaliyeed oo khilaafa islaamiyah u noqota bud-dhig. Laba daraadle ay shabaabka ka buuxaan rag qandaraas ku soo qaatey marin habaabinta miraha jihaadka oo wata basaaboorrada Maraykanka, Uropa iyo Yahuudda.

    Qaar baa sugaya in shabaab qabiil salka ku hayaan sidii uu caddeyey Axmad Afgaani, iyo xasan Yacquub iyo ragga la mid ah ee Gedo ka soo jeeda.

    Ragga xog ogaal ah iyo dadwaynaha masaakiinta waxaa u cad in shabaab cabsiis mooyee shareecada wax badan ka aqoon bal ku jowr faleen inta badan shareecada islaamka sida huga dumarka, xuduuda iyo cabsiinta masaakiinta ku tukata masaajidyada.

    Ma jiro hal imaam ama macallin quraan oo ilaa iyo hadda ay soo saareen.

    Xagga siyaasadda way ku fashileen inay dawlad Islami ku dhawaaqaan inta ay ka taliyaan. Dhinaca kale waxay dhabar wareemeen jaceylkii ummadda u qabtay shareecada islaamka. Sida uu sh. Umal sheegay maanta cid nabad gelinayso ma jirto.

    Caalim kasta oo aan baqin sida mustafa, Umal, Shible, Maxamed Idiris, Cabdullahi Cali Xashi , Axmed Dahir Uways, Cusman, Abtidoon, iyo inta kale ashuumaha ku aadameyso waxay qabaan in shabaab dhuminayaan mirihii jihaadka iyaga oo aanan ka tirsanayn alqaacida.

    Arrimada gobollada Abu Subeer ma qarsan cajaladiisii caanka ahayd in waxa uu ugu yeeray Somaliland tahay dawlad iyo Xukuumad si xor loo doortay u baahan keliya in laga barjafo boorka saaran. Warar hoose waxay sheegayaan inuu xiriir toos ah la leeyahay raggan Somaliya kala jaraya.

    Marka walaal intaa aad qaar ka dhigayso shayaadiin qaarna malaa’ik maad isku daydid inaad badbaadiso miraha jihaadka ee gacanteenna ku dhumaya.

    Cali Guure | Nov 23, 2009 | Reply

  29. Cali Guure:
    Saaxiib tartiibso meeshaan Baashaal lee lagu hayaa Xaqiiqdu waxay taalaa Buulo xaaji meeshaasaa talo kaaga baahan.

    Xasan daahirna maanta wuxuu sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda jubooyinka laakiin muusan ka xumeyn markii xagar la soo weeraray iyo birta dheer.

    Dhamaan Xarakaadka soomaaliya ka jira waxaan u sheegayaa inay la midoobaan shabaab ka hor intaan lagu dhawaaqin dowlad islaami ah

    Mujaahid | Nov 23, 2009 | Reply

  30. Hana jazaka lahu khayran maqalkad ku qortay somalimirror.

    Abu a.rahman | Nov 24, 2009 | Reply

  31. Mujaahid

    Waxaa dhici kartaa dadka qaarkii inay baashaal u tahay laakiin rag badan waxay u tahay meel ay ku cabbiraan xagal daacada loo dhigay jihaadka iyada oo magac jihaad la adeegsanayo.

    Waa runta talada laga rabo Buulo xaaji oo ka xigta Kismaayo dhinaca gegida diyaaradaha Muuri. Wixii ka dhacay maanta ma’aha mid lagu farxi karo. Waxay muujinaysaa keliya in shaabaab aad leedahay halala midoobo weligood maqal ash-hul alxurum iyo kufaar mudar sida ay u qaddarin jireen bishan oo kale.

    Iima muuqato dawlad Islaami maada alshaab u tumanayaan sida geel aaran ah. Kaaga darane Xisbul Islaamna u hadlayo sidii dumar ku socotata calaa istixyaa.

    Weli waan sugaynaa war oo ku saabsan waxay ay hiranayaan dadkan.

    Ogow rag mujaahidin iyo culimo ah ayaa qoray oo Xisbul Islaam waa haystaa habdhiska dawlad Islam oo buuxda laakiin haddii madaxduu meel u caddahay waa arrin kale.

    Dhinaca kale shabaab uma jeedaan dawlad islaami. Nin dadka xad ku oogaya sax iyo khalad oo wejigiisa, madaxdiisa, shuuradiisa, maxkamadiisa suuqa madow ku jiro sidee buu mashruuca dawlad islaami ah u dhisi karaa?. Ma dhisi karo.

    Cali Guure | Nov 25, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo