4 Xujay oo u dhintay Cudurka H1N1

Published on November 22, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

XujeyWasiirada Caafimaadka Sacuudiga ayaa Shaaca ka qaaday inay Diinwaangaliyeen 4 Xujey oo u dhimatay Cudurka Hargab Doofaarka kuwaas oo uu ku tilmaamay inaysan horey u soo qaadan Talaalka looga hortago Virus-ka keena Cudurkaasi.

Xujey

Xujey

Wasaaradda ayaa Sheegtay in Xaaladii ugu horeysay ee dhimasho ay ku timid Xaaji Suudaaniis ah oo ku sugan Magaalada Madiina Al-Munawara, isla markaana ay Da’diisu gaarayso 75 Sano jir, waxayna Calaamadaha Cudurkaasi ka soo ifbaxeen ka dib markii uu soo gaaray Boqortooyada Sacuudiga 4 Maalin ka hor, waxaana isla markiiba loola cararay Isbitaalada si loo dabiibo loona siiyo Daawooyinka Cudurkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa tiri “Dawooyinka uu Qaatay ma ahayn kuwo looga Hortago Cudurka H1N1, wuxuuna qaatay isaga oo la tashan Goobaha Caafimaadka ee ku yaala Magaalada Madiina”.

Xaaladda Labaad

Qofka Labaad ee u dhintay Cudurkaasi waxay Wasaaradu ku sheegtay Gabar Nigeriyaan ah oo Da’deedu gaarayso 17 Sano, waxayna dhimatay ka dib markii ay soo gaartay Magaalada Madiino iyada oo ku timid wadada Qaahira, waxayna Cudurkaasi la jiiftay laba maalin ka dib markii ay soo gaartay Magaalada Madiina.

Wasaaradda ayaa tiri “Waxaa la geeyay Qeybta Gurmadka Deg Dega ah, waxaana hayay Cudurka Sanbab Xanuunka, waxaana kor u kacay Sonkorteedii, waxayna arimahaasi keeneen in la galiyo qeybta Gurmadka Deg Dega ah… waxaa la siiyay Dawooyin ku haboon la dagaalanka Cudurkaasi laakiin xaaladeedii way sii adkaatay, waxaana suuro gali weysay in la gaarsiiyo Isbitaalka weyn, isla maalintiina wayba dhimatay”.

Xaaladda Saddexaad

Qofka Saddexaad ee dhintay waxaa lagu sheegay Xaaji Hindi ah, wuxuuna ku dhintay Maka Al-Mukarama, Da’diisana waxaa lagu sheegay 75 sano jir, waxaa Isbitaalka la geeyay isaga oo Heer kulkiisu uu kor u kacay sidoo kalana Hargab uu ku dhacay.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in Qofka dhintay uu horey u Qabay Cudurka Wadnaha iyo cuduro kale oo la xiriirta Xabadka, waxaana la geeyay Xarunta Daryeelka Bukaanada, waxaana la siiyay Dawooyinka lagula dagaalamo Viruska H1N1, balse ilaahay Idankiis kuma dawoobin.

Xaaladda Afaraad

Qofka Afaraad ee Dhintay waxaa lagu sheegay Haweenay Maqribad ah oo da’deedu gaarayso 75 sano jir ah, waxaana la geeyay markii xanuunka lagu arkay Isbitaal ku yaala Magaalada Madiina, waxayna Xaaladeeda sii adkaatay ka dib markii uu ku soo kacay Cudurka Neefta oo ay Qabtay sidoo kalana uu kor u kacay Heerkulkeeda, waxaana la siiyay Dawooyin kala duwan balse ilaahay idankiisi waxaa dhamaatay Saacadeedii taas oo keentay inay Geeriyooto.

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa ugu Baaqdey Dadka u soo safraya Xajka inay soo qaataan Talaalka lagama maar-maanka ah ka hor inta aysan imaan Dhulka Barakaysan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dad Cudurka Shuban Biyoodka ugu dhintay G/Mudug.
  2. 3 Ruux oo Cudurka Shuban Biyood ugu Geeriyooday G/Sh.Dhexe
  3. Isbitaalka Baydhaba oo ay jiifaan Dad la ildaran Cudurka Duumada
  4. 9 Ruux oo Caruur u Badan oo Degmada Buur-Hakaba ugu Geeriyootey Cudurka Shubanka.
  5. Q.M “Afqanitaan waxaa ku Dhintay 1000 Qof oo Rayid ah”

Readers Comments (3)

  1. Mahad Aman says:

    Aww Walaalayaal arintan hargabka doofaarku waa arin maraykan wato kuna baabi’inayo umadaha caalamka, kagana shaqaysanayo lacag fara badan, waxan uu sacuudigu sheegayana waxay ogyahiin ma leh, arintana waxaaba cagdaynaya gaaladii naftooda in talaalku ka khatarsan yahay cudurka la sheegayo, ninkii raba ha ka fiiriyo warbixinta looga hadlayo talaalkan iyo khatartiisa waxaadna ka daawan kartaan linkigan http://www.youtube.com/watch?v=8CGHXpFGrzk
    adinkana ka somalimirror waxaad tahiin difaacii islaamka ee iclaamka ee ka fiirsada waraarka aad umadda usoo gudbinaysaan, waxaan waa dacaayad raqiis ah !
    www

  2. Abdul Ghani says:

    Walahi hargabkan la shegayo adunki dhan ayuu qabsadey ilaahey ayaa naga badbaadin karo
    mida kale u shegayo walalkey mahad aniga maku raacsani maxaa yeley cudurka waxa kena ale waxana qada ilaahey marka wa sidas walal yesan ka hos bixin ta

  3. ismaaciil says:

    a s c bacda salaan
    walaal ugu horrayn waxaan u mahd celinayaa dhammaan walaalaha shabakadda somalimirror oo si joogto ah uga shaqeeya arimaha dacwada toosan intaa kadib
    walaalayaal xanuunkan H1N1 waa xanuun ka mid ah xanuunadii nabigu sii sheegay ee uu yidhi (haddii aay dhexdiina ku faafto xumaantu-zinadu- oo aad xalaashataan/ama ay caadi iska noqoto waxaad la kulmi doontaan oo ilaahay idin ku salidayaa xanuuno aanay aqoonin dadkii idin ka horreeyay) markaa xaqiiqdii waxaan aamin sanahay xanuunkan iyo HIV/AIDS ku inay ka mid yihiin xanuunadaas waayo xumaantii dhexdeena (adduunka) waxay ka noqotay wax iska caadiya oo aan la ceebaysan , intaa kadib
    cudurkan wuxuu ka bilawday dalalka gaalada kadib waxay bilaabeen raggii uu ku dhacay inay viraska u soo gudbiyaan dalalka islaamka iyo dadkooda muslimiinta ah , waana ku guulaysteen oo maanta waa keeneen dalal badan oo muslin ah , laakiin waxaa nasiib darro ah in muslimiintii aysan dareen sanayn dagaalka dhinac kastle eelagu la jiro,

    to: c/qani waxaan lee yahay c/qanoow waa runtaa oo xanuunka ilaah ayaa keena isagaana faafiya laakiin ogaw sabab ayaa jirta , waxaad ka wran taa haddii aad tiraahdo waxaan u galmoonayaa gabar HIV/AIds qabta markaa haddii ilaahay ii qoray waan qaadayaa xanuunka hadii kalena qaadimaayo ? su’aashaas is waydii
    wax kasta ilaahay ayaa keena isaga ayaana qaada laakin sabab ayaa jirta

    hadaan ku gafay qoraalka iyo c/qani iga raali noqo
    ismaaciil200@hotmail.com
    somalia




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dad Cudurka Shuban Biyoodka ugu dhintay G/Mudug.
  2. 3 Ruux oo Cudurka Shuban Biyood ugu Geeriyooday G/Sh.Dhexe
  3. Isbitaalka Baydhaba oo ay jiifaan Dad la ildaran Cudurka Duumada
  4. 9 Ruux oo Caruur u Badan oo Degmada Buur-Hakaba ugu Geeriyootey Cudurka Shubanka.
  5. Q.M “Afqanitaan waxaa ku Dhintay 1000 Qof oo Rayid ah”

Latest Headlines