Xarunta Golden Stander Mall oo maanta si rasmi ah looga furay Magaalada Boosaaso

Published on November 21, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaaa maanta lagu qabtay Xarunta Cucub ee Suuqa Golden Stander Mall ee Magaalada Boosaaso waxayna xafladaasi ahayd mid lagu furayay suuqaas cusub.

Xaflad ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf badan oo xaflada lagu casuumay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha Ganacsiga Maamulka Puntland Taliyaha Booliska Gobolka Bari, Taliyaha Booliska Puntland , Maamulaha Warashadda Kaluunka Laasqoray ,Xubin ka tirsan Shirkadda Al Fadli iyo Ganacsato iyo marti Sharaf kala duwan.

Ugu horeyn waxaa xafladda ka hadlay Maareeyaha Xarunta Golden Stander Mall C/fataax Maxamed Sugulle wuxuuna ugu horeyn ka warbixiyay qaabka iyo aas aaska Xarunta iyo sida ay u shaqeyn doonto iyo sidoo kale howlaha ay qaban doonto wuxuuna carabka ku dhuftay in 2-4-2009 ay ahayd markii la aaas aasay xarunta wixii mudadaa ka dambeeyayna ay ku howshaneyd sidii ay u naha qaadi lahayd wuxuuna xusay in uu aad ugu faraxsan yahay in xaruntoodu ay maanta wixii ka dambeeya shaqeynayso.

Waxa uu maareeyuhu xusay in xaruntoodu ay ka kooban tahay ilaa afar qeybood oo ku kala sheegay Super Market , Carwo Electronic , iyo Qeybta dahabka lagu iibiyo ,wuxuuna intaa ku daray in xaruntoodu ay tahay mid la jaanqaadaysa dhamaan hormarka dalka iyo adeegyada ganacsiga ee cusuba wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ay macaamiishooda alaabta ay ka gataan lacagteeda ay kaash ahaan ama adeegyada kale ee lacagta lagu bixiyaba ay kaga gudoomayaan .

Waxa sidoo kale xafladda ka hadlay gudoomiyaha guud ee Xarunta C/qaadir Maxamed Sugulle wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyay martidii ka soo qeyb gashay madasha xafladda wuxuuna intaa kadib uu sheegay in xaruntoodu ay tahay mid wax badan soo kordhin doonta sidoo kale qeyb ka noqonaysa kobaca dhaqaalaha iyo hormarka dalka .

Gudoomiyihii hore ee Runta Ganacsiga Boosaaso Ismaaciil C/salaam oo sidoo kale xadfladda ka hadlay ayaa sheegay in xaruntan ay wax badan dalka ku soo kordhin doonto sidoo kale ay shaqo u abuurayso dad badan, waxa sidoo kale madasha ka hadlay Xubin ka tirsan Shirkada Al Fadli oo lagu magacaabo C/risaaq Maxamed Sugulle wuxuuna sheegay in shiradoodu ay ka qeyb qaataday taaba galinta iyo aas aaska xarunta wuxuuna xarunta ku booriyay in ay noqoto mid bulshada u adeegta .

Dhanka Culimada waxaa Xafladda uga hadlay Sheekh Cismaan Maxamed Xaaji wuxuuna Sheekh Cismaan ugu horeyn sheegay in wax walba loo baahan yahay in lagu saleeyo Diinta Islaamka, diintuna ay amartay in la shaqeysto waxna la tabcado , wuxuuna bidhaamiyay in mar walba loo baahan yahay in laga taxadaro wixii diinta ka hor imanaya .

Maamulkaha Warashadda Kaluunka Laasqoray C/raxmaan Maxamed C/laahi oo sidoo kale Xafladda ka hadlay ayaa amaanay hanaanka Xarunta wuxuuna aad ugu hambaleeyay mas’uuliyiinteeda oo uu ku tilmaamay in ay hir galiyeen hormar la taaban karo.

Wasiiro Dowlaha Gancasiga Puntland Maxamed Faarax Beeldaaje oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hormarka iyo korodhka dhaqaaluhu ay yihiin kuwo uu keenayo amniga iyo xasiloonida mar walbana loo bahan yahay in nimcada la haysto ayaan lagu cayaarin lagana shaqeeyo sidii xasiloonidaa loo dhowri lahaa ,wuxuuna bidhaamiyay in amniga iyo xasiloonida aysan cid gaar ah lahayn balse ay tahay mid loo wada siman yahay, wuxuuna intaa kadib amaanay qaabka Xarunta cusub ee Golden Stander Mall oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid wax badan dalka ku soo kordhinaysa , wuxuuna Howladeenada Xarunta ugu baaqay in ay Xarumo kale ka furtaan Magaaloyinka kale si hormarku uu u balaadho.

Waxaa ugu dambeyntii xarunta xadhiga si wada jii ah uga wada jaray Wasiiru Dowlaha Ganciga , Taliyaha Booliska Puntland , Taliyaha BooliskaGobolka Bari , waxayna mas’uuliyiintaas ku dhawaaqeen xadhig goynta kadib in ay xaruntu furan tahay iyagoo socod ku dhex sameeyay qeybaha kala duwan ee xaruntu ay ka kooban tahay.

Xaruntan ayaa noqonaysa tii labaad ee Magaalada Boosaaso laga hirgaliyo waxaaana waxa yar ka horeeya xarunta Bander Qasim Mall.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kulan looga hadlayay Amniga Boosaaso oo maanta lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose ee M. Boosaaso
  2. Faroole oo si rasmi ah u furay Qeybta Nasashada”Terminal” ee Madaarka Bender Qasmin ee M. Boosaaso
  3. Khudbada Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso oo maanta looga hadlay Xasuuqa arxan darada ah ee ay Yuhuudu ku heyso Qazza
  4. Xaflad lagu dhagax dhigayo Dhismaha Shirkada Somali Electric Power oo Maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso
  5. Nadwada Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso oo gashay Habeenkeedii Afaraad caawana looga hadlay “ qabyaalada iyo Xumaanteeda iyo saamenta ay ku ledahay Mushkiladda Soomaaliya”

Readers Comments (1)

  1. Cumar M. xuseen says:

    Salaanta Islaamka kadib, ragga xaruntaas furay waa rag aqoon naga dhaxayso. Waa rag wada shaqayn na soo dhexmartay. Waa u hanbalyaynayaa walaalaha khayrka ay soo kordhiyeen. Waana wax ku dayasho mudan.

    Baarakalah maalkiina ayaan idinleeyahay walaalayaal.

    Wabilahi towfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kulan looga hadlayay Amniga Boosaaso oo maanta lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose ee M. Boosaaso
  2. Faroole oo si rasmi ah u furay Qeybta Nasashada”Terminal” ee Madaarka Bender Qasmin ee M. Boosaaso
  3. Khudbada Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso oo maanta looga hadlay Xasuuqa arxan darada ah ee ay Yuhuudu ku heyso Qazza
  4. Xaflad lagu dhagax dhigayo Dhismaha Shirkada Somali Electric Power oo Maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso
  5. Nadwada Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso oo gashay Habeenkeedii Afaraad caawana looga hadlay “ qabyaalada iyo Xumaanteeda iyo saamenta ay ku ledahay Mushkiladda Soomaaliya”

Latest Headlines