Warbixin: – Sacuudiga oo Dhameystirtay U diyaargarowgii soo dhaweynta Xujeyda.
By Somalimirror on 21 Nov, 2009 7:02 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Mas’uul Sacuudiyaan ah ayaa xaqiijiyay inaysan jirin wax Xaalad Dhimasho iyo Xanuun Calooleed ah oo ku yimid Xujeyda Bayt ilaahay ee Xaramka, xili ay Boqortooyadda Sacuudiga Dhameystirtay U diyaargarowgeedii soo dhaweynta Xujeyda.

Wasiirka Caafimaadka Sacuudiga C/llaahi Al-Rabiicah ayaa Shaaca ka qaaday inaysan jirin Wax Xaalad Dhimasho ah iyo Calool xanuun ah, marka laga reebo 20 Qof oo uu ku dhacay Cudurka Hargab Doofaarka iyada 12 ka mid ah ay Caafimaadeen markii la Daweeyay 8 kalana ay wali la jiifaan.
Wasiirka ayaa sheegay inay Diyaariyeen Hal Milyan iyo Bar Dawo oo loogu Talo galay in lagu Talaalo Xujeyda marka ay u Baahdaan, sidoo kale waxaa laga diyaariyay Magaalada Maka oo kaliya 16 kun oo Sariir, Madiina Al-Munawarana 14 kun oo Sariir, Goobaha Muqadaska ah 1800 oo Sariir iyo 500 oo Sariir oo la dhigay Xarumaha Gurmadka Deg dega ah.
Diyaar Garowga
10 Kun oo Qof oo isugu jira Dhakhaatiir, Farsamo Yaqaano iyo Maamulayaal ku takhasusay u adeegida Xujeyda ayaa lagu Faafiyay Baytka Xaramka Gudihiisa.
Waxaa la Diyaariyay 50 Marin oo Dhulka Hoostiisa ah oo ku yaala Maka Al-Mukarama si loo fududeeyo Dhaq-dhaqaaqa Xujeyda, waxaa Marinadaasi ka mid ah 10 Marin oo loogu Talo galay Dadka lugta ah, waxaana Dhamaantood laga wada hagayaa 32 xarumood oo loo qorsheeyay.
Marinadaasi waxaa ilaalinaya 63 Kun oo Askari oo loogu talo galay inay ilaaliyaan wadooyinka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Maka iyo waliba Goobaha Muqadaska ah oo ku yaala Carafa, Musdalifa,iyo Munna.
Si loola socdo Dhaq-dhaqaaqa Xujeyda isku dhacyada iyo Shilalka Deg Deg ah waxaa lagu Rakibay Xaramka iyo Hareerihiisa 170 Kaameero.
Sidoo kale waxaa loo Diyaariyay Xujeyda 20 kun oo Bas kuwaas leh 900.000 oo Kursi si loogu qaado Xujey gaaraysa Hal Milyan iyo Shan Boqol oo kun, gaar ahaan xiliyada ay u kala safrayaan Mina iyo Carafaat.
Maradda Kacbada
9 Dil-xijah oo ku aadan Khamiista inagu soo fool leh waxaa Kacbada la huwinayaa Marada la saaro sanad waliba taas oo Qiimaheedu gaarayo 20 Milyuun oo Riyaalka Sacuudiga ah.
Maradda Kacbada Waxaa laga sameeyay Xariir Nooca Madow ah, joogeedana waxay gaaraysaa 14 Miter, waxaana dhakadda kore ku yaala Suun Balaciisu gaarayo 95 Centimeter, Dheerarkeeduna wuxuu gaarayaa 47 Meter waxayna ka koobantahay 16 Gobol oo lagu Naqshadeeyay Qoraalo Islaami ah.
Tiradda Xujeyda ayaa lagu qiyaasayaa inay la egtahay intii sanadkii hore soo xajisay inkastoo ay jirto Cabsi la xiriirta Cudurka Hargab Doofaarka.
Xujeyda ku timid Diyaaradaha waxay gaarayaan Hal Milyan 1,142,459 Xaaji, iyada xujeyda Maraakiibta iyo dhulkaba ku yimidna ay la egyihiin kuwii sanadkii hore oo lagu qiyaasay 1.00228 oo Xaaji.
Sanadkani waxaa xusid Mudan in lagu Marti qaaday Xajka Kun Xujey oo ah Dadkii laga Shahiiday Dagaalkii Qazza iyo Daanta Galbeed ee Dhulka Reer Falastiin.
Daabaco


Fikrad ka dhiibo