Sidee loo Dhangadeeyaa Ilmaha?

Hordhac:-

Ilmaha oo si wacan u Tarbiyooba Akhlaaq wanaagsana yeesha waa Muraadka Aabo iyo Hooyo walba oo Xil kas ah, laakiin waxaa jira Waalidiin ku fashilma Qaabka wanaagsan ee loo Tarbiyeeyo Caruurta, fashilkaasna wuxuu ka imaan karaa xagga Fikirka Waalidka ama Aqoontiisa.

Mar kasta ilmuhu wuxuu u baahanyahay in la Tarbiyeeyo oo wixii xuna laga reebo wixii wanaagsana loo tilmaamo laguna dhiiri galiyo sameyntiisa.

Haddii ilmuhu waayo Tarbiyo wanaagsan waxa uu kasbanayaa Tarbiyo xun, hadaba Aabayaasha ama Hooyooyinka Qaar si ay Caruurtooda u Tarbiyeeyaan waxay aaminsanyihiin in ilmaha loola dhaqmo si adag oo la dhangadeeyo haddii uu gaf sameeyo.

Waalidoow mid ogoow Ilmuhu khaladka uu galayo waxaa laga yaabaa inay u geysay Aqoon dari oo waxa uu sameynayo uusan kala aqoonin inuu wanaagsanyahay iyo in kale.

Tusaale ahaan Xassan Bin Cali ayaa Maalin afka gashaday Timir qaab sado loo keenay, Nabigeenii baa arkay wuxuuna ku yiri “Akh” “Akh” ama iska Tuf, iska Tuur, Miyaadan ogayn inaynu anagu sadaqada Cunin”.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال أخذ الحسن بن علي تمرة من تمر الصدقة فجعلها في فيه ، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (( ( كخ كخ ) : إرم بها ، أما علمت أنا لا نأكل صدقة ))…

Xatiithkaasi waxaynu ka qaadanaynaa in ilmaha marka uu wax sameeyo laga reebo isaga oo aan lagu ciqaabin loona sheego falka uu sameynayo inuusan haboonayn iyo in kale, maadaama ay u tahay markii Koowaad oo uu falkaasi sameeyo isaga oo aan aqoon u lahayn.

Goorma ilmaha la Dhangadeeyaa?

Nabigeena Naxariis iyo Nabad Galyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri “Fara caruurtiina Salaada markay gaaraan 7 sano, kuna garaaca Markay gaaraan 10 sano” waxaa wariyay Abuu Daac’uud, wuxuuna ku sheegay Xatiith xasan ah.

قال صلى الله عليه وسلم: (مروا أولادكم بالصلاة وهم أبناء سبع، واضربوهم عليها وهم أبناء عشر) رواه أبو داود الحسن

عن انس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (مروهم بالصلاة لسبع سنين ، واضربوهم عليها لثلاث عشرة) رواه الدارقطني (1/231)

Hadaba halkaasi waxaa inooga soo baxay in ilmaha ay haboontahay in hadiiba la dhangadaynayo lagu bilaabo marka uu gaaro wixii ka sareeya 10 sano jir.

Talaabooyinka Dhangadeynta

Dhagandaynta ilmaha waxaa ka horeeyo waxyaabo dhowr ah, sideedana Ciqaabku waa Darajooyin, Dhangadaynta ilmahana waxaa ka horeeya:-

1- In ilmaha laga Joojiyo Hadiyadahii la siin jiray ama Waxyaabihii lagu dhiiri galin jiray marka uu wanaag sameeyo, arintaasi waxay Badal ka tahay in ilmaha la garaaco, wuxuuna Dareemayaa in Wanaagii uu ka heli jiray Aabihii iyo Hooyadii ay ka goosteen waxaana laga yaabaa inay arintaasi ku riixdo inuu mar danbe sameyn si aan loo goyn.

2- In loo Cago jugleeyo looguna goodiyo in la ciqaabayo haddii uu wax xun sameeyo.

Labadaasi Talaabo haddii ilmuhu wax ku qaadan waayo Waxaa ku xiga:-

1- in ilmaha Usha la tuso laguna Cabsiiyo iyada oo aan lagu dhufanayn, ilmo badan waxay ka cabsadaan aragtida usha waxaana Ciqaab ugu filan in la tuso Usha taas oo u keeni karta inay xumaha ka haraan oo ay u deg degaan Samaha, Kitaabka “الأدب المفرد” ee Imaam Bukhaari wuxuu ibnu Cabaas ka wariyay (RC) in Nabigeena (NNKH) uu amray in usha la surto guriga”.

2- In Dhagta laga Qanjaruufto:- waana Ciqaabta ugu horeysa ee loo geysto Jidhka Ilmaha, waxaana arintaasi lagu tusinayaa xanuunka ay leedahay Amar diidada, iyo Ciqaabta Falka Xumaa ee uu sameeyay

عن عبد الله بن يسر المازني الصحابي رضي الله عنه قال بعثتني أمي إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم بقطف من عنب فأكلت منه قبل أن أبلغه إياه ، فلما جئت أخذ بأذني وقال ياغدر )) .

Intaas oo Talaabo ka dib haddii ilmuhu wax ku qaadan waayo isla markaana uu xumaantii iyo Madax adaygii uu sii wado, waxa uu u gudbayaa Marxaladda Saddexaad oo ah in la jabiyo Kibirka iyo Madax adayga Ilmaha.

Laakiin waxaa Is-weydiin leh Garaacu Heerar ma leeyahay mise wuu iska soconayaa? … Jawaabtu waa iskama soconayo bal heerar ayuu leeyahay laga doonayo Labada Waalid iyo Murabiinta kale sida Macallimiinta.

Garaaca ilmahu wuxuu Bilaabanayaa marka uu gaaro 10 ama 13 sano, sida aynu ka dhadhansanayno Xatiithka Nabigeena (NNKH).

قال صلى الله عليه وسلم: (مروا أولادكم بالصلاة وهم أبناء سبع، واضربوهم عليها وهم أبناء عشر) رواه أبو داود الحسن

عن انس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (مروهم بالصلاة لسبع سنين ، واضربوهم عليها لثلاث عشرة) رواه الدارقطني (1/231)

Haddii marka ilmaha ay noqotay in la dhagadeeyo waxaa lagu Taliyaa inaysan ka badan 3 dhangad oo kaliya waxayna saddexdaasi ka dhigantahay “Edbin”, laakiin haddii ay ka badato oo ay gaarto 10 waxaa lagu tiriyaa Qisaas, mana haboona in 10 ul wax ka badan ilmaha lagu dhufto.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: كان النبي صلى الله عليه وسلم يقول: (لا يجلد فوق عشر جلدات الا في حد من حدود) أخرجه البخاري

Tilmaamaha ay leedahay Usha lagu garaacayo ilmaha

1- waa inay noqoto mid dhex-dhexaad ah oo aan Qool weyn ahayn ama wax caws oo kale ah.
2- Waa inaysan noqon mid Qoyan oo Haraga ilmaha ku dhagaysa ama Qalalan oo xanuujinaysa haraga hoose ee ilmaha.
3- Ushana waa inaysan noqon hal nooc.

Qaab noocee ah ayaa loo Dhangadeynayaa ilmaha

Fadiilatu Shamsu Diin Al-Anbaariyi ayaa sheegay qaabka loo garaacayo ilmaha sabiga ah, wuxuuna sheegay:-

1. Waa in Meelo kala duwan laga garaaco oo aan Hal meel oo kaliya lagu cel-celin.
2. waa in labada Garaac ay Wakhti u dhexeyso si uu ilmaha uga soo Bogsoodo xanuunkii hore.
3. Qofka garaacaha ah waa inuusan usha isla Baacin oo aysan garabkiisa dhaafin lana arkin kilkishiisa si uusan xanuunka u gaarsiinin lafta ilmaha.

Meelaha la garaacayo

1- Waa inaysan noqon Wajiga sababtoo ah waa Meesha ugu sharafta badan Qofka Bani-aadamka ahi sidoo kalana Quruxdiisa laga eego.

Nabigeenana waxaa laga wariyay إذا ضرب أحدكم فليتق الوجه) رواه أبوداود)

2- Waa inaysan noqon Madax, sababtoo ah waxaa dhici karta in ay Maskaxda wax ka gaaraan oo uu qofku sidaasi ku dhinto ama ku Naafoobo.
3- Waa inaysan noqon xubnaha Taranka.
4- Waa inaan Meel Qaawan laga garaacin ee la raadso meel Dhar ka koreeyo.
5- ha garaacin ilmaha Adiga oo Caraysan.
6- Waxaa Haboon in ilmaha laga garaaco Lugaha iyo Gacmaha.
7- Waxaana Haboon in Waalidka marka uu ilmihiisa dhangadeynayo uu ilaahay Cabsidiisa xasuusto si uusan ugu Talax tagin Garaaca ilmaha, una Niyoodo inuu ilaahay Tarbiyayntiisa la garab galo.

W/Qoray: – C/raxmaan Maxamed Siigaale (Abuu Camaar)
Email: – naasirudiin@hotmail.com

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

2 Comment(s)

  1. asalaamu caleykum
    walaalayaal waa fikir fiican ,laakiin waxaan jeclaan lahaa in qaabka wax loo baraayo wax la,iiga sheego qaas ahaan barista qur,aanka kariimka maadaamaa a.s.w

    ibraahiim aadam dhaayoow | Nov 17, 2009 | Reply

  2. Asc kheyr Alle ku siiyo abdiraxmaan.
    Bulshada somaliyeed waligeed meysan arag hannaan ku dhisan tarbiyad toosan oo kooda yar iyo kan weyn waddada saxiixa ah tusa. Tarbiyaddoodu waa dil, qeylo, habaar iyo cay goorwalba ah.Tarbiyadda carruurtu waa shey aasaasi oo bulshadii laga waayo aysan horumar iyo mustabal yeelaneyn, bulshada somaliyeedna meelaha laga toosin la’yahay ilaa hadda waa tarbiyad xumo aasaaskoodi hore soo gashay oo waxay wada noqdeen geed qalooc ku weynaaday oo in la jaro mooyee aan nacfi kale lahayn.
    Carruurtu waxay ubaahan tahay waalidiin aqoon u leh tarbiyaddooda ku duwa dariiqa toosan.
    Carruurtu waxay ubaahan yihiin mucallimiin toosan oo carruurta tarbiyad saxiixa ku tarbiyeyn kara ee aan cashar kaliya siin.
    Carruurtu waxay ubaahan tahay warbaahin nadiifa oo ay kala socdaan barnaamij aadaab iyo akhlaaq toosan ku dhisan.
    Carruurtu waxay ubaahan tahay bii’ad caafimaad qabta oo ay wanaag ka qaataan oo ku dayasho suuban u noqota.
    Carruurtu waxay ubaahan tahay ku noolaanshaha dhulkoodi hooyo, gaar ahaan kuwa qurbo yuurarka ah.
    Bulshada somaliyeed boogteedu waa tarbiyo xumo iyo ixtiraam la’aan gaamurtay ee hadda aan is gacan qabanno oo aan soo saarno jiilal baddela kuwii hore, hoggaankana u qabta somali cusub oo dhinac walba ka dhisan.
    Alle ayaan ka rajeyneynaa inshaa’allaahu.

    waddani | Nov 18, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo