Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in ciidamadoodu gacanta ku soo dhigeen nin maanta tooray ku dilay nin kale, ka dib markii uu dhex marey muran ganacsi.
Madaxa Dacwada sidoo kalena ah afhayeenka Maamulka, Sh Cali Sh Cumar ayaa sheegay ninka dilka geystay gacanta inay ku hayaan dhawaana Sharciga la tiigsanayaan ka dibna ku qaadayaan danbiga ku soo baxa.
Waxa uu sidoo kale sheegay in falkani qeyb ka yahey falalka soo noq noqda ee badanaa dhaca, balse maamulkoodu ku xalinayo Shareecada.
Dhanka kale Eheleda ninka dhintay ayuu ugu baaqey inay istajiyaan kana war dhowraan maadaan gacanta ku hayaan ninkii dilka geystay.
Labada nin ee midna dhintay kan kalena maamulku gacanta ku soo dhigay ayaa ka wada ganacsanayay sameynta agabka Aqalada.
Dilalka noocan oo kale ah ayaa ku yaraadey Gobolada Xoogaga Islaamiyiintu gacanta ku hayaan, ka dib markii ay la tiigsadeen xalintooda Shareecada Islaamka.

Related posts:
Walaalayaal ninka wax dilay waan aqaanaa marka waa qadar ale iyo sabab shariciga islaamka ayaan kuqanacnaa waana qaadaneynaa talo kusocoto xizbul islaam walaalayaal hadii ayey dhacdo in ladilo waa in aad dusha saarataan dhaqaalaha ciyaalkiisa waxa uudhalay gabdho badan waxaa jira 2 wiil laakiin gabdhaha ayaa badan ilmaha hoyadood way xanuun santahay wayna kalatagen war iyo dhamaantii ilmaha yaan ladayicin ka islaamiyan walaalaha muslimiinta ah waan sodhawen taladooda