Dr. Maxamuud Al-Banaa oo sheegay in Dastuurka Masar ay Dajiyeen 4 Kirishtaan ah & Hal Yahuudi ah

Published on November 17, 2009 by   ·   17 Comments   ·   print

Dr. Maxamuud Caadif Al-Banaa oo Macalin ka ah Kuliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Qaahira ayaa Daboolka ka qaaday in Dadkii Dajiyay “Maadada Dastuuriga ah” ee Sheegaya in Islaamku uu yahay Isha ugu Muhiimsan ee Sharci dajinta Masar ay Dhamaantood ahaayeen Dad aan Muslimiin ahayn.

Wuxuuna Xusay in Asalkeedu aysan soo Bilaaban 1971 sida ay Dad badani Aaminsanyihiin balse ay soo Bilaabatay wax ka horeeyay 50 Sano.

Dr.-ka ayaa ka Sheegay Muxaadaro uu ka Jeediyay Masjidka “Al-Nuur” ee ku yaala Al-Cabaasiyah kuna saabsanayd Tilmaamaha Yuhuuda iyo Sheegashada Wadanka, ayaa Sheegay inaysan Habooneyn in laga dhigto Qodobka Labaad ee Dastuurka Masar Mar-marsiinyo ka dhan ah Mucaaradka,iyada oo ayba horey ugu Qorneyd Dastuurka laga soo Bilaabo 1923 isla markaana ay Dajiyeen 5 Nin oo Qaanuunka Bartay, 4 ka mid ahi waxay ahaayeen Kirishtaan halka Midka Shanaadna uu ahaa Yahuudi.

Al-Banaa wuxuu ku tilmaamay ka hadalka Dowlad Cilmaani ah Hadal gabi ahaanba Burinaya Caqiidada Islaamka, wuxuuna Sheegay inay jiraan Farqi u dhaxeeya Dowlad Diimeed oo ku taagan Shareecadda Islaamka iyo Dowlad Diimeed ku Taagan Qaanuunka Reer Galbeedka, taas oo ka Dhigaysa Xaakimka Ilaahay haysta Awood Furan iyo inuu ilaahay u soo wakiishay inuu Dhulka Maamulo.

Dr. Al-Banaa wuxuu Cadeeyay in Dowlad Islaam ah oo ku taagan Shareecadda Islaamka aysan la mid ahayn Dowlad Diimeedka Reer Galbeed ah, wuxuuna ku tilmaamay Midda Islaamka Dowlad Madani ah oo Fullinaysa Axkaam iyo Xuduud Sharci ah, isla markaana Casilaysa Xaakimka haddii uu Khilaafo Axkaamka Islaamka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Jiraan Axkaam Sugan oo aan Isbad Badalayn Murana ka jirin, iyo Axkaam ay ku kala duwan yihiin Madaahibta oo qaarkood ay xili Haboonyihiin, xilina laga haboonyahay.

Wuxuu Dr-ku intaa ku daray in Nidaamka Dowladaha Cusub uu u Qeybsanyahay Dhowr Mu’asaso oo ka qeyb qaata Sameynta Go’aanada, mana aha Xukunku mid uu leeyahay Qofka wax xukumo ee wuxuu hoos tagayaa Mu’asasaadkaasi sida ay u arkaan.

Al-Banaa wuxuu sheegay marka loo fiiriyo Qanuunka ay Mu’asasaadkaasi ku dhaqmaan mid aan Dowlada u diidayn inuu Nin kirishtaan ahi Madax ka noqdo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sakariye Xaaji Maxamuud oo sheegay in ay xirayaan Xafiiskooda Asmara dibna ugu laabanayaan Soomaaliya
  2. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar
  3. Xasan Daahir Maxamuud “Af-Qurac” oo sheegay in aan waxba laga badalayn gudiga uu Cadde Muuse soo dhisay
  4. C/laahi Yuusuf “Go’aanka Baarlamaanku maaha mid waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u taala”
  5. Sh. Shariif oo gaaray Masar

Readers Comments (17)

  1. Albashir says:

    Sax dawlada masar wa daba dhilif ..wa wajib in lala jihado wayo wa murtadad ..

  2. RAAXEEYE says:

    Ilaah baa wax kashifi waa kuwaas dowlahada dadka wax magaradka ay ku hayaan waa dowlado muslim ah hadii masartii Azharurl shafiir ay qaanuunkeeda dajiyeen 4 kirishtaan ah iyo mid yahuud ah maxaa laga fili dowlahda kale ee islaamka sheegta war wax dowlad islaam lagu sheegi karo aduunka oo dhan kama jirtee hadal taageero Dhaalibaan iyo Alqaacida iyo Shabaabal mujaahidiinta somalai kuwaas ayaa ku taagan wadadii imaara islaami lagu taagayo aduunka maalin walba shacabka maskiinka ah ayaa lagu mashquulini dowladaha islaamka ayaa somalia iyo fasatiin wax u qabani war riyada ka baxa gaaladu dad adinkoo kale ah oo baniaadam ahe diintiina u qiirooda una dagaalama

  3. warside says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk maxaa ula yaabaysaan masar keena waxaa dajiyey kibligad iyo askari ehiopian ah waxaana saxiixay askari kale oo maraykan ah (waa kan shariifka meelaha la ordayee) waa aragtaan dowlad dastuurka loo dajinin aduunka kama shaqayn karto

  4. abdullahi says:

    war subxanallah wax kasta hadii murtad lagu tilmamo ya ba soo harayaa. waxaas taas ka fican ummada cilmi ahaan u bartaan masaishan. xarakadku badana awooda masaaran dhalanyarada in ay cilmi wax ku fahamsiso. ninka murtad dowlad ama shaqsi ku tilmaamaya, adiga daraja aad wax ku xukuntid ma gartay. hadad firisid culimada muctabirinta ah aad beey u yartay dad ay murtad ku tilmaamayn.allahuma sheikh albani o hal nin ku tilmaami mooyaan. marka walaalahay waxaan u gu nastexeynlaha in aysan ku deg degen al xukmu cala shaqsi ama dowlad waayo jahliga baad aad u tira batay, marka waxay dadka iyo dowlada u bahanyihin cilmi in la baro maahan in la xukumo

  5. Allemagan says:

    SomaliMirror xil ayaa idinka saaran inaad wararka aad soo gudbisaan bayaamisaan si aan dadka qaarki u fahmin khalad sida hadalka u dhigan yahay. Hadal duuduuban oo aan la shaandhayn markaad soo jeedisaan, dad badan ayaa ambanaya oo wixii laga hadlay wax ka gadisan fahmaya daliila ka dhiganaya.

    Dr. Maxamuud Caadif Al-Bana halkan wuxuu leeyahay inkasta oo ragii dajiyay (legislators) dastuurka Masar ay ahaayeen dadka uu tilmaamay, hadana waxaa uu ku salaysan yahay diinta iyo shareecada Islaamka.

    Arrinta muhiimka ah ee maqaalkani waxaa weeye in dalka Masar xeerkiisu ku salaysnaa diinta Islaamka mudo 50 sano ah. Aniga oo aan lahayn tan iyo teer ayaa saxsan, hadana waxaa loo baahan yahay inaad ninkani hadalka halkuu u wado dadka u cadeeysaan oo aydaan abuurin muran iyo muuqaal aan meeshan jirin.

  6. m says:

    war si xikmadleh u hadla ama iska aamusa

  7. mohamed says:

    asc wr wbr,,,,,WAA KHEYR SOO KORDHAY,SABABTOO AH WAXYAABAHAAN AWAL LAGAMABA HADLI JIRIN,,,MAASHA ALLAH VIVA WADAADADA

  8. mohamed says:

    ALLOW CULIMADA NOO ILAALI,,AMIIN

  9. nasrulaah says:

    sax run ayaat sheektay laakiin kuwabadan ayaa kula coloowaayo laakiin ha ubixin dhulka leewaaye cirka ayaa lagaala saaxiibaa marwalboot xaqa cadeeysit inshaa alaah ciidankii nabi maxamed NNKH waa soo dhowyahay

  10. ABUFADLI says:

    MUASSASO ISLAAMIYA NIN KIRISTAAN AH MADAX KAMA NOQON KARO, HADUU RABO INUU DR.KU TAA NABARO MACQUUL MA AHA MASAR WAA WADAN 95% MUSLIN AHA HADANA YUHUUDA IYO KRISTAANKA AYAA GADHWADEEN U AH.
    MA WAXAY RABAAN AFARTA SOOMAALIDA EE GAALOWDAY INAY IN AY NAMAAMULAAN MUSTAQBALKA DHOW WAXA UMADU HADA ISU DILAYSO WAA NOOCAA OKALE.
    SOOMALIMIRROR WAXAN OO KALE MEESHA HA KU SOO QORINA HADII KALE DADKA AQOON GAABKA AH AYAAD MAJARA HABAABINAYSAAN.
    WA BILAAHI TAWFIIQ.

  11. akram says:

    s w w
    ??????? ??? ?? ??????

    ???? ???? ???? ???? ???? ????

    subxanalaah aaway dadka cuquushoodii iyo garashadoodiii,, cidii shariga dajisa o Allah ku la loolanta xadeeyta xuduuda iyo maamulka iyo amarka, gaalnimadeeda ina ayaheeda maxaa micno ah oo ay sameeyneeysaa, kufrigu soo mid ma aha, haday kirshtan yihiin iyo hadii ay yahuud yihiin iyo hadii uu murtad yahayba, maaadaama ay ilaano sheeganayaa.

    Allah yaa unkay aduunka asaga ayaana amarka maamulka aduunka iska leh, marka wax weeyn ma aha cidii dajiso mar hadii laga soo guurinayo loolana laabanayo dastuurada fransa iyo biriten iyo kufriga la midka ah, marba hadii aan loola laabaneeyn kitaabka ALLAH IYO SUNADA.

    Kufrigaas o miiran ayaa calamka islaamka lagu dhaqaa dadkuna daba nashleeyihiin, kuwo cilmi sheeganayana waxay ku tilmaamaan murtadiinta xukunka xooga ku haysato in ay yihiin waliyu amri iyo amiirul mu’miniin,,

    ???? ????????

  12. Hiiliye says:

    Aswrwb….Adunka waax ku takri fala yahuda musliminta way hurdan Ilaahow u gar gar islaamka mel kasto ku dhibataysan tan somali ka jirta manta wa saas oo kale hala yabin hada aragto qof somali ah oo dastuurc ku hay Coz maba yaqano macnihiisa waa wax uu maqlay aqoona usan u lahayn …

  13. abu zainal Abidiin says:

    asc wr wb allah baa mahadi usugnaatay nebi Muhamedna NNk ha ahato intaa kabacdi waxyaabaha lala yabo waxa ka mid ah wax walba waxad arkaysa dad uun doonaya iay qiil uraadiyan dastuur christain iyo yahuudi qortay halka oo diinta islamla la so gelayo ama dawlada ku dhaqanta la dhihi karo waa dadlad islaami ah oo dastuurkeedu wuxuu ku qotomaa shareecada islam ayaaba yaab iyo lama maqal ah ninka llemagan wuxuu doonaya inu dadka ku qanciyo waxa uu isagu jecel yahay hadaad sheekhow waxaas aaminsan tahay dadka adigu ha lumin websitekana waxba ha canaanan wax qalad ah oo ay leeyihiin ma jirtee waxanu leenahay allah tubta toosan ha idinku ridee dadka wixi information ah ee aad heshaan ee an facayaba uso gudbiya

  14. Samadoon says:

    A/C/W/W.
    ABuFADLI,warka dr-ka u hubso sidaa si ka duwan ayaan u fahmay, fadlan hadalka u danbeeya dhuux. A/C/W/W.

  15. Abu-salman says:

    Sharci anan ahayn ka Allah carshiga ka sodejiyey Nebi muxamadna scw noo kenay waa Kufri nimowna ha u dodin hadad Iman ledahay cida dejisayna waa kufaar cidaydonan ha udhashen

  16. Abu-salman says:

    Waxana layaab leh sharciga ama dasturka somalia e sharifku maanta kilkisha kusito waxa qoray (yashpalgai) o u dhashay INDIA ninkan ogeynow ogow.

  17. heaga says:

    waxaan aamisanahay in aan dr hadalkaa ka soo yeerin waayo taariikhda masar, masarwaxay lahayd boqortooyo dastuurkeedu wuxuu doono ha ahaaddo laakiin markii uu xukunka qabsaday jamaal c/nasir waxaa la qoray dastuur yuhuudna meel kuma yeelan karin dastuur ay qortay dawladii jamaal hor barta taariikhda masar ka dibna wixii hubaal ah qora




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sakariye Xaaji Maxamuud oo sheegay in ay xirayaan Xafiiskooda Asmara dibna ugu laabanayaan Soomaaliya
  2. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar
  3. Xasan Daahir Maxamuud “Af-Qurac” oo sheegay in aan waxba laga badalayn gudiga uu Cadde Muuse soo dhisay
  4. C/laahi Yuusuf “Go’aanka Baarlamaanku maaha mid waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u taala”
  5. Sh. Shariif oo gaaray Masar

Latest Headlines