Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta DKMG C/risaaq Maxamed Qeyloow ayaa Sheegay inay soo dhaweynayaan Shirka Culimada Soomaaliyeed ee uu Ururka Al-Xisbul Islaam 2 maalin ka hor kaga dhawaaqey Magaalada Muqdisho.
Qeyloow oo u waramay idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Runtii waa arin aan Si fiican u soo dhaweynayno, maxaa yeelay waxaad Ogsoontahay ilaahay SW wuxuu leeyahay فسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون hadaadan idinku waxba garanayn Dadka ilaahay Cilmiga siiyay wax ha la su’aalo”.
Afahayeenka ayaa ugu Baaqey Al-Xisbul Islaami in ay Balaariyaan Shirka Culimada isla markaana ay ka soo qeyb galiyaan Culimada Soomaaliyeed ee la wada yaqaano “Waxaan aad u Jeclaan lahayn in Culimadaas ay la kulmeen ay Balaariyaan, Culimada Soomaaliyeed ee Muftiga ah oo la yaqaanana waa Dad Caan ah oo Diinta ilaahay Xanbaarsan, waa la yaqaanaa, inay Dadkaasi u yeeraan wixii Cilmi ahna ay Su’aalaan ayna uga danbeeyaan runtii waa Arin aan aad iyo aad u soo dhaweynayno, aana u arkayno inuu Xalka soomaaliya ku jiro in Culimo waxay Fatwoodaan la raaco”
Wuxuuna ku soo gunaanuday “Walaalaheen Eraygaa ka soo yeeray 100% waan soo dhaweynaynaa”.
14 Nov, 2009 ayay ahayd markii Xog-hayaha Warfaafinta Xizbul Islami Sh Maxamed Macalin oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtey uu ka dhawaajiyay shir guud oo Culimada Soomaaliyeed ka qeyb galeyso laguna dhiraaridhirinayo Mushkilada Soomaaliya oo qabsoomaya Xajka ka dib.

Related posts:
waa shirqool cusub oo culamaau’ ssuu ay soo abaabulayaan hadii aan nahay mujaahidiinta Islaamka wan ka soo horjeednaa maxaa keenay qeylow iyo xizbulislaam iney iswaafaqaan? ogaada Ilaahay wuxuu sanadkan soo saaray dhalinyaro xaqqa ku taagan oo Ilaahay iyo rasuulka ka amar qaata waana habeenkii xalay ahaa ee tagay iney culamaau suu noo taliyaan ee yeysan isdaalin
ninka naftiisa tazkiyeyoow horta jaahil baa tahay jaahila majaal uma fura meesha culumaa lawacay marka adigu kuma jirtid sidaa darteed in aad iska aamustaa kuu fiicnayd waxaa layiri aqoontaada yar aamus baa lagu kabaa
culimadan calankoodii waa dhacay wax aan fitno ahayn makeeni doonto soo eega
bismillaaaaaaaaah
mu,min ninka labaxay ilaahey kaha baqo ,
culumadii baad leedahay culumaa,assuuu adigana waxad qaadatay magacii wanaagsanaaa ee mu,min ,sidee isku keenaysaaa ???// cajiiiiiiiiiiiib
hadidii culumada calalnkeedii dhacay yaan diinta kaqaadanaaa mashabaab nimanka jahligu gaarsiiyay in ay gaalaysiiyaan sh umal iyo culumada lamidak ah???
xasbunallaaah.
a/c
Ilaahey ooga baqa gacanta aad wax ku qoraysaan oo ku aflagaadeynaysaan Culimad
A/c
walaalayaal hadaynaan culimada aqoonsan xageynu ku soconaa culimada aynu ka kambeyno wayo xaqa aad sheeganayso yaa ku soo gaadhsiiyay yaa dariiqa ku tusay ma waxyi ayaa dhalinyada ku soo dagay xaqu waa in aan culimada diinta fahanka dheer u leh ka dambeyno haddii kale inan yar oo aan caadifadiisa xukumi karin yaanu umadda marin habaabin
alle aan ka baqno aakhira yaan dhiig islaam laguuu qabsan. wallee rag badan oo aakhiro lagu yidhaa maxaad ku dishay ayaa iman doona hadaan laga waantoobin dhalinyaro ayaan nahay xaqana annaga kaliya ayaa naqaan
ALlle ka cabso jihaadkana culmada ayaa looga dambaynayaa maxa jihaad ah maxaan jihaad ahayn hadaad diido culima adiga iyo shaydaan oo kuu waxyooda ayaa isleh iyo hawadaada
Alle lahaga cabsado
illahaw xaqa na waafaji
Allahu akbar waa wax lala yaabo in xarakadaan fiirsanaynay san oo kale u hadlan culimadeena suu ku tilmaaman somalia mugdi ayay gashay waan qaylo dhaminayaa waxana u wacayaa war aaway mujahidkii an jeclayn mukhtar robow war aaway abihii mujahidinta turki war aawaye dhalintii ilah dartii u taagnayd war war yaysan idanka hoos bixin war dadka hala isku soo dhaweeyo war waxa aad u istaagteen waa koryelida dinta war diintuna xikmad kama marna oo iyaadaba dulqad iyo hanun idan faraysee miyaa lafahmin war meesha ma ragii takfiir ayaa mujaahidin u dhuuntay war horta ishufa oo rag badan oo ad jeceshihin u fiirsada waxay yihiin yaase dadka la idinku dirin ee iska qabta kuwa darishda idinka sii tuuraya ilaahayna barya cidda xaqa ku taagana ilaahbaa nasri u balan qaday
Walaal ka fiirso hadalka malaa ig ayaa garbahaaga saaran ma shii umul iyo cumar faruq iyo dhaman culimadan naqaanay ayad san ledahay ilahay ka baq