Al-Shabaab oo Sheegay inay soo weerareen Axmed Madoobe & Ciidamo ka tirsan ONLF.

Sheekh Xasan YacquubAfahayeenka Wilaayada Xarakadda Shabaabul ee Jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Saaka 06:00 Aroornimo ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo Taabacsan Axmed Madoobe Garabsanayana ururka ONLF.

Sheekh Xasan oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Waxaan Dadka Muslimiinta ah Dhamaan u sheegaynaa Meel kasta oo ay joogaan in Saaka 12:00 Aroornimo in ay Weerar soo qaadeen Ciidamo Taabacsan Axmed Madoobe Garabsanayana ururka ONLF Ciidamadiisa ama Ciidamo ka tirsan”.

Wuxuuna intaa ku daray “waxayna Weerar ku soo qaadeen Degmada Xagar oo Fariisimo u ahaa Ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka, ilaahay Fadligii qeybta Koowaad ee Dagaalka waa lagu Jabiyay 6 Nin oo Mayd ahna meesha waa uga Carareen, ka dibna Dib bay Dagaal kale u soo qaadeen insha allaahu wixii Dagaalkaasi ka soo kordhana Muslimiinta Dib ayaan ooga soo sheegi doonaa”.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca al-Xisbul Islaami oo ku aadan Dagaaladani cusub.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

48 Comment(s)

  1. WAYAAAB WAXA LAYSKU HAYTAAAAAAAAAA

    burco | Nov 16, 2009 | Reply

  2. Dadka yeysan ka hoos bixin nimankaan Shabaab fitno qabiil ayey umada si qarsoon u hoos gelinayaan,iyaguna waxey iska dhigayaan awliyo ilaahey oon qabiil shaqo ku laheyn!

    Markey ONLF leeyihiin iska garo waxey ujeedaan Ogaadeene ONLF Koofurta Soomaaliya kama dagaalantee Soomaali Galbeed ayey ka dagaalantaa.

    marti sharaf | Nov 16, 2009 | Reply

  3. ahmed madoobe & ONLF meey soomali galbeed ka xoreystaan gaalada tigree.mise kismaayo oo maamul islaami ah ka jiro beey rabaan?ahmed madoobe waa jaajuus aan metelin xizbul islam.meedkii xitaa wey ka carareen. hub badana waa laga qanimeystay.shaqsi walbo oo xaqdaro kusoo duulo jab ba au sugnaaday sida ahmed madoobe iyo ONLf kusoo duulay. guusha waxaa leh mujahdiinta daacada u ah diinta islamka sida ALSHABBAUL MUJHAAHIDEEN. wabilaahil towfiiq!

    Khowla | Nov 16, 2009 | Reply

  4. Marti Sharafow adiga laftaada ayey ka muuqataa qabiil iyo qabyaalada waxaad difaacaysaa Ogaadeen. Marka Soomaalidu waa dad walaalo ah oo wada dhashay qabiil qabiil ka fiican ma jiro, hadba waxaa fiican qofkii Ilaahay ka baqa.

    Ilaahay (SWT) dhiiga muslimiinta ee dhexdooda ku daadanaya Ilaahay ha qaboojiyo oo ha tuso walaalnimadooda.

    Ali | Nov 16, 2009 | Reply

  5. SCK AKHRISTOW WAXAAN AAD ULA YAABANAHAY IS XAG XAGASHADA JAMUURIYADI SOOMALIYA DHAXDEEDA KATAAGAN IYO CEEBTA JOOGTADA AH MAXA MUJAAHIDIINTA XAQ UDURIRKA AH EE SOOMALIDA OGADEENIYA KUNOOL EE LAGUMAYSTO XORIYADA URAADINAYA WA ONLF LOO XAG XAGANAYO OO LOO CEBAYSAN OO WALIBA HABARTI HABAR SOMALIYA KU DHAX LAGADABA AY UTIDHAAHDA HABARTAAS ILAGADAY ONLF AYAA TAAGEERAYSAY ONLF XABADEEDU WAXAY KUWAJAHAN TAHAYXABASHIDA WAXAY KUDHAARTEEN INAYSAN QOF SOOMAALI AH XAQDARO KUDILI AMA AYSAN URUR SOOMAALI AH KUSO WEERARIN
    SOOMAALIDUNA SIDAAS HA U OGAATO

    Ahmed A. | Nov 16, 2009 | Reply

  6. Warka axmed madoobe maalinba maalinta ka danbeysa muslimiinta iyo mujaahidiintaba wuu u sii cadaanayaa………..

    ONlf xagee ka soo gashay xisbul islaam?

    halgankii sheekh xasa turki iyo shujaacadiisiiba axmed madoobe ayaa ciid ku wada marka waxaa fiicnaan lahayd in walaalaha kambooni iyo guud ahaan xisbul islaam inta wadaadada ah inay mowqif cad ka istaagaan mida kale ku biiraan walaalaha shabaab iyagaa marakan hogaan mideysan leh

    Geedi | Nov 16, 2009 | Reply

  7. alaaaaahu akbar xaqii waa cadaaday baaadilkiina waa jabay murtad axmed madoowe iyo onlf iyo waxa la fikirka ahba oo kasoo horjeeda waliyaada islaamiga ah ee jubooyinka iyo cadaalada ka jirta dhulkaas somalia gaar ahaan jubooyinka ragaas diidan ilaahay umada muslimiinta ah ee reer somalia haka qabto yaa rabi ihzim hum amin amin amin ilaahow u gaar gaar walaalaheena mujaahidinta reer somalia ilaahow jabi qolo walba oo xaqa kasoo hoejeesata yaa rabi yasir amaral mujaahidiin aaaaaamin

    jacfar | Nov 16, 2009 | Reply

  8. Khowla Waad ku mahadsantahay jaceylka aad uhayso jihaad xaq ah iyo dadkiisa.laakiin waxaa yaab leh inaad si kontorool la’aana ugu nacamleyso afhayeen urur isla markaana uukaa muuqdo nac “ogaadeen”adoo iska dhigaya qof mujaahidiinta xaqqa ah garab taagan.a.madoobe haduu jaajuus yahay isagaa Allah dartii loo dhaawacay ,waqti dheerra loo xiray mujaahidiinta soomaaliya markay qabaailkooda iska soo saareena isaga beeshiisa sharafta leh ayaa ku mintidey sababtoodna jihaadkii kusoo noolaadey.s.galbeed waa dhul soomaali oo dhan ka maqan,waajib ayaana kawada saaran xoreyntiisa hadalka yacquubna waa nin dhinac daacad u ah Allah dartiina uma wax uma noqon calool weyn ayaana kutaalla waana nin fidmaale ah oo jecel in mu’miniinta dhiigooda uu idaacadaha kufriga ugu bishaareeyo oo gaalada kafarxiya.khowla adiga ujaadadaadu qabiil ahaan ucadeyso ama sida qof Muslima waxaad hubto wanaagiisa taageer!!!!!!!!!!

    Keenadiid | Nov 16, 2009 | Reply

  9. khawla

    waxaad tiri:”ahmed madoobe & ONLF meey soomali galbeed ka xoreystaan gaalada tigree”.

    Hadaba hadii sida Shabaab ood taageersantahey ku doodayaan dhulka muslimku dego uu yahey mid aan la kala xigin maxaa Axmed Madoobe iyo ONLF kaligood dusha ka saarey iney Soomaali Galbeed xoreeyaan? Mise markey xoreeyaan kadib unbuu noqonayaa dhul aan la kala xigin?

    Aqligu ha shaqeeyo, qabyaaladana yaan diinta lagula hoos dhuuman.

    marti sharaf | Nov 16, 2009 | Reply

  10. A/C Illah hakala badbaadiyo Dadkan Xoolaha ah, waxa ay sheeganayaan Diin iyo Islanimo, meesha waxa kaga cad inaysan mesha oolin, Sababtoo ah qof islam ah qofkale oo islam ah dhiigisa mabaneysteen, marka nimankan iskushegay inay yihiin dad illah kabaqo sida ay u dhigeen “waxan ka dilnay 6″ macnaheedu waa lix muslin ah, waxayna sheegan oo leyihiin insha’allah iyo wax la xiriiro.
    rali ahaada diinta aad sheganaysaan idinka marka hore ku camal fala, umadana qabiilka ka dhaafa idinka oo din hogsan.

    Samatalis | Nov 16, 2009 | Reply

  11. Acww.
    salaanta islaamka ka dib anigu waxay iila muuqataa meeshaas qabiil kama marna maxaa yeelay dad islaam ah isma dilaan ee diinta ayaa lagu kala baxaa.
    kan wax dilaya iyo kan la dilayba waa ahlu naar

    Abdidahir | Nov 16, 2009 | Reply

  12. waxay ila tahay shabaab waa wareereen hada ayay ba dad aan meesha joogin keeneen onlf baa nala dagaalamaysa yey wax kaga raadinayaan waa la og yahay in ay xisbul islaam is haystaan. ma itoobiya aya taageero ka rabaan shabab markay leeyihiin onlf ayaa na weerartay

    heaga | Nov 16, 2009 | Reply

  13. sxbayaal onlf waxbo yaa lagu mar marsiyoon ahmed madoobe dhulka asaga ayaa leh kismaayo cid ka xigta ma jirto ee dadka halkaan ka qaylinaya sidii ayga oo kale waxaan dhihi laha aiska aamusa fuck shabaab iyio adiga

    ahmed | Nov 16, 2009 | Reply

  14. s/c dhammaan tiin waxaynu ku jirnaa waqtigii nabigeenu s.c.w. inoo sheegay ee waqti fidmada ahaa waxaana ka badbaadaya qofkii isaga dhex baxa ee geed jiriddii qabsada waxani mel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaanna ma jirto waana wax aan dhammaan waa loogu talo galay meeshaanna niman yahaw ogaada cid diin u dagaalamaysa ma jirto ani waxaan ahaa dadkii taageer sanaa xarakaadka lakiin wax ahdaaf ah ama takhdiid oo mesha yaala ma jirto oo aan ahayn wax dila war waa fidmo taasi wana wax ummadda la gu rogayo malinba mid baa nasoo weeraray idamka allena waan iska difaacnay maydna way ka carareen uun baa nala hayaa ummadiina way ku dhammaatay meesha bal fiiriya hadda waxaa la yidhi axmed madoobe oo jajus ah una shaqeenaya danaha ithobia iyo ONLF ayaa na soo weeraray maxaa isu kenay ithobia iyo ONLF iyagaaba is dilaya eh ma hoostay haddana ka wada shaqeeyaan ??????? fitmo uun dheh

    xaqdoon | Nov 16, 2009 | Reply

  15. Dadku waa laba qay bood qabiil taageere iyo jihaad taageere
    waxaan dhihi lahaa nimanka dagaalka kusoo qaadaaya alshabaab miyeyna arag daba qoodhigu dhaantada ay ku kor tumanyaan maydka walaahi wuxuu soo daayey dayniile fililnaxdin iyo cara leh waxaana falkaa galay kuwo aan waxbadan dhaamin onlf hadana dadka u dilaaya inay taageersan yihiin onlf marka nimanka walalahay ah ee uu qabiilku madax marow bal dhankale kafiirsha layaabse malahoo soomaalaad qabiil itihiin kuwa sheegta soomaali galbeedna way kasii daran yihiin waxaaba ay lakici la, yihiin waaba qabiil mid wuxuu leeyahay soomaaligalbeed waana sida saxdaa midna wuxuu lee yahay ogaadeen waana tan gumaysigu doo naayo

    abuu fatima | Nov 16, 2009 | Reply

  16. ahmed madoobe waa in dhagta dhiga loo daraaa because dano gaalo ayuu kashay nayaa marka walaala shabbabaka xabada yeysan ka joojin admed tuuugiyo waxa la socda ..
    waaa in xuduuda kenya laga talaabsiiya walaahi talo kale malahan
    takbiiir

    mohamed | Nov 16, 2009 | Reply

  17. AXMED MADOOBE WARKIISA HALA ISKA HUBSADO

    abuabakar | Nov 16, 2009 | Reply

  18. Wax kastaa oo Alle dartiis ah wuu hadhi xumbadana way …….

    Gaal eri | Nov 16, 2009 | Reply

  19. Shabaab waa makaabaan jabayn
    Waa midigta diintiyo
    Mawjadaha jihaad kaa
    Waana nimankan magaciyo
    Muunadu ay huwan tahay
    Madoobiyo majaafana
    Marna gaari maa yaan
    Kii qabiil umuuqdana
    Maanla yaaloo waxa tihiin
    midiidine
    waxba hays maldihinina
    Inaad maalin aadaan
    Malasiyo amxaarada
    Maalinkale u oradaan
    Kiinyada madow daa
    Maalinkalena qabataa
    Qolo reer maraykana
    Muslinimo ku doo daan
    Ma ahaan karay see
    Bal un meel ukaalaya
    Shabaab waa rag mii goon
    Waa muslim xaq soor badan
    Waa sharaf mudh soo yiri
    Majaafiyo madoobiyo kuwo
    Malasya keeneen
    Marna ianayan hananay
    Malkadii kis maanyaad
    Meeshaba mataalee warhooy
    Musuqyadoow hara
    Yaan laydin marinine
    Moor yaan uhiishigay
    Qabiil magaca ku raadsiga
    Gaalo magan u orad kaas
    Mar horaad lahay deen
    Muslimkuna kafeejigan
    Inay marin habow shaan
    In yar oo madoobiyo
    Gaalo magac u yee leen
    Waxaadse soo madhoo dhayn
    Horaad magac ku way deen
    Waa mushkilad idiin taal
    Marna kama xishoo taan
    Kala miirid rag israba
    Markaadse makii kibin
    Duulaan markale jira
    Maad marqura un aadaan
    Macatablaydan gaalaad
    Miyaad magaca wadaag taan
    War hooy malagin baa galay
    War hooy maagan joo jiya
    War hooy mee hanaw giyo
    Muluq yayntan naga daa
    Aan dunidan muriqiyo
    Midig taba ku qabanee
    Hadiikale shabaab maag
    Aan aragna madashiyo
    Waxaad maanta keen taan

    abuu fatima | Nov 16, 2009 | Reply

  20. ASW, walaalayaal, waxaa fiintu ka oydaa waxa soo socda, dalkii, dadkii, diintii, duunyadii waa baaba’eed waxaan noqonay ceeb dunada dusheeda saaran, dibad iyo gudo ma mari karno, wadan aadan qax ku tagin, ma jiro, waa la ina nacay, koox wadaado ah (anigoo dacwada ka soo shaqaynaya ilaa 31 sano)dhamaan maqaasidii shareedada waan ku tumanay, alshabab, xisbul islaam iyo qolyaha iyo suufiyaba waa dad muslim ah, dhiigoodu waa xaraam, waana waxyaalaha quraanka, sunaha, ijmaaca, iyo dhamaan adillada sharciga ahi si cad u xaaraameeyeen, Axmed madoobe waa murtad iyo axmed Cabdi baa murtad ah ee midba midka kale ha dilo ayaa talo ku dhamaatay, dalkaan nabad buu u baahanyahay, daganaan buu u baahanyahay,

    calas dheere | Nov 16, 2009 | Reply

  21. heaga
    kkkkkkkkk warkaagu waa mid meesha imaan kara hadii aqli lagu garto jiro. Ninka ONLF baa Jubbooyinka nagula dagaashey ku andacoonaya waa labo uun midoode, adinkuba garta labadaas tuu yahey:
    1. Nin Itoobiya baaq beer laxawsi ah u diraya oo leh cadawgiinibaan is heynaaye nala socda.

    2. Ama inuu baaq qabyaaladeed jeedinayo oo uu qabiilooyinka ku leeyahey Ogaadeenbaan dagaal kula jirnaaye aan iskugu tagno, waydinkii colka ahaaye!

    Labadaas taan aheyn oo sedexaad oo meesha ONLF loo soo geliyo hadey jirto noo sheega.

    Waase tee ONLF ta gobolkaas joogta, hadaan qabiilka dhan ONLF loo aqoon?

    Ceeb iyo foolxumo weyn ayey Shabaabku faraha kula jiraane allow na astur. Qofkii taageersana ha isku laabto.

    marti sharaf | Nov 16, 2009 | Reply

  22. Khawla, waan kubaa in diin jacayl badani kugu jiro, ilaahay ha kuu aqbalo, hana ku dhawro, walaal dagaalka dhacayaa waa dhaawac dhamaanteen inaku yaala, Soomaali iyadoo xattaa kan khamriga cabbaa uu la socdo bay Xabashi la dagaashay oo 1977 la ogyahay wixii nagu dhacay, hadda markaan is gumaadno, oo alshabab iyo xisbul islaam is laayaan haddana alshabab iyo balaayo kale oo hubaysan uun baa is heli doona, dhiig joogta ah, qax joogta ah, dhaawac joogto ah, tabar beel ayaa ku xiga, kadibna dalka waa laala wareegayaa sida ay wax ku socdaan, umaddu waxay u baahantahay in la isu ururiyo, in la heshiisiiyo,in dhaawaceeda la dhayo, in baadideeda la soo ururiyo, in keeda dhunsan xaqa lagu sasabo, in kuwa baadiyoobay dib diintii loogu soo maslaxo, in keeda baahan bogiisa gubanaya la qaboojiyo, in dalkii dib loo dhiso, haddaan nabad la helin waxaa ina haysanaya kooxo, qaar dawlad sheeganayo, qaar qabiil sheeganayo, qaar diin sheeganayo laakiin qalbiga iyo niyada wuxuushta leh, oo yeyda ka hunguri badan oo aan waxba reebayn oo aan naxayn, oo wixii dhinta aan kala jeclayn,
    KHAWLA xanuun badan baa jira walaal, ONLF waa walaalo aan aaminsanahay inay u dirirrayaan hawl soomaali wada leedahay inkastoo aan rumaysnahay in sidaa ay yihiin si ka Soomalisan ay yeeli kareen siyaasad ahaan,

    calas dheere | Nov 16, 2009 | Reply

  23. Asclm.marka.hore.dhiga.islamka.alaha kalaq abojiyo.midakale wax an.wafidmo.waxan ug ubaqaya.walalaha.sha bab inayjojiyan.dhiga labanaysan iyohebel wamurtad erayga ciy armagalo dadan cilmi gedalahayna inay iska hadlan.sida xasanyacq ubokale lomabahna.ta kale.waxanleyahay.shabab inay iskadayan. Magaca onlf.waniman galaladagalama.inay mesha kenan mahan waxankula.talinlaha.shabab.waryeysan.idin kudhicin.sidi.alqacida kaqabsatay.ciraq gala na ugafaidaysatay.tas oahayd.khaldadka.had a.adsamaynaysan.okal e.waxanalasameyey.sa xwa.alqacida.meshay martay.walaoga.mah mahba.waxaydhahdaa tala ladido tilmanteda ayeyledahay.hadad.de nwaydan.waxan.adwa dan.waxad arkidontan ayadolaleyahay.warwadadya arkay.dhibki.d hacana idinja unbatun ka.saran.?

    Dahir | Nov 16, 2009 | Reply

  24. AS Calaamu caleeyku dhamaan dadka islaamaka ah meel kasta oo joogaan WAXAAN RABAA IN AAN U SHEEGO DADKA MUSLIMKA WAXA KAJIRA IN ONLF KU JIRTO DAGAALKA KA QARAXAY XAGAR WALALYAAL WAXAAN AHAY QOF IS LAAM AH OO JECEL IN AAN SHEEGO WAXAAN OGAHAY WALALYAA SAAKA DAGALKA WAXAA KU JIRA CIIDAN ONLF AH OO GAARAYA 120 ASKARI OO GARAB IINAYA NINKA XUKUN DOON KA AH EE AXMAED MADOOBE NINKII U BAAHAN WARKA FAAHFAHINTIISANA WAXAAN SIINAYAA TELL BADAN OO DHOBLEY IYO AFMADOW ARINKAAN WAA ARIN RUN AH ONLF WAXAY BARAKICIYEEN DADKII AY U DHASHEEN WAXAYNA KASOO CARAREEN AXMAARO IYO KUWA MALIN WALBA U DHIIBYA ITHOPIA DHAMAANA WAXAY ISU GARAB SANAYAA WAA QABIIL EE ISLAMKU HALA JIHAADO WAA THAALIMIIN AHMED IYO ONLF SALAAMU CALEEYKUM

    cabdi xanaan mubarak | Nov 16, 2009 | Reply

  25. Kkk war onlf xabashidii cayrsan jirtay ayay mujaahidiintu ciida somalia kujiideen waabase kuwii lacayrsan jiray sheekada axmed madobe waa nin daad qaaday xumbo cuskay waxuuna kudaba jiraa qabqabla yaashii dagaalka ee kahoreey magaca mujaahidnimona muduu kusoo caana maalay lkn saan aadan udhalan waa sadex bari amniyaadka xarakau shabab aad ayuu usareeyaa meel dheer buuna toosh koodu waxka arkaaa siduu u arkay kuwii isaga ka horeyay ee sharif c.cali cumar janaqow indhacade iwm

    Nasrullah | Nov 16, 2009 | Reply

  26. ONLF xaq ayey u leeyihiin in ay yimaadaan jubbooyinka, sababtoo ah qabiilkooda ayaa daga. Laakiin ma la is weydiiyey waxa ciidamada Uganda iyo Brundi ka qabanayaan Muqdisho?!!!!!!!!!!!!

    Raage Ugaas | Nov 16, 2009 | Reply

  27. Tixraac gaaban dowladii dhexe ee somaliya waxay gashay dgl aan loo tabaabushaysan 1977 kii ayadoo u adkaysan wayday dadka iyo dhulka somaliyeed e gumaysigu haysto natiijadiika dhalatayna waxay noqotay burburkii iyo barakacii somaliya kadib markii ay gaalo isku habar wacanay lana soojabiyay ciidamadii xooga dalka waxaa xigag soobixotaankii maxkamadihii islaamka kadib markay katakha luseen qabqabla yaashii waxa xigay oo kutaagnaa waxay aheen inay culayska kadulqaadaan walaala hooda somali galbeed ayagaa hukii iyo ciidankii ugu badnaa geeyay gudaha itobiya meelihii ay somalia k

    Nasrullah | Nov 16, 2009 | Reply

  28. asc
    salan ka bacdi. yaab waxaa ah hadii qofki dantiisa ama danta urukiisa sida ay ku jirto waaya ama lagaga horyimaado inuu isu arko mujaahid kan ka horyimidna murtad u arko. waxa ka sii yaab badan in dadka leh waa jihaadaynaa ee iyaga hada xabada isla dhacaya aysanba garanayn hadii la waydiiyo maxay waysadu kaaga burtaa jihaadku haba danbeeyee. waxana u daliil ah raga hormuudka u ah labada qolo ee isku haysa gacan ku haynta kismaayo oo ah rag la yaqaano oo aan bage ka culumada somaliyeed ku jirin iskaba dhaaf in ay ku jiraane aan xalaqaadka cilmiga lagu aqoonin in ay yimaadan inta uusan alshabaab aasaasmin ka hor.
    hadaba geel duqdiisa durdurisay aarankiisa maxad moodaa. kuwa ad kala taageeraysaan ayaa waxay kala yihiin kuwa aan kor ku soo xusnay adinka inaad is caysaan ama is xagxagataan la yaab maaha.
    waxan idin odhan lahaa caqliga meesha lagu soo qoray caqli waayeel maaha koleeye, dhalayarooy diinta hala barto waliba waxad raadisaan fatwooyinka iyo muxaadarooyinka hada dhowrcasho ka hor ay ka qabteen culumo udiinka somaliyed nairobi oo ay ka mid yihiin shiikh umal iyo shiikh abduqaadir.
    fitanta iyo nimankan dhiiga islaamka gacmaha kula jirana hakala taageerina hadii kale waad la qabtaan oo uurka ayaad ka jeclaysateen illayne. wabilaahi towfiiq

    abduu mohamad abdi | Nov 16, 2009 | Reply

  29. Alshabab haday mujaahidiin yihiin maxay u weerari waayeen Axmaarada maalin walba fadhida kala-bayr, jande-kunishe oo ay u muuqdaan.

    ONLF waxay cagta marisay 7 saldhig oo waaweyn oo ciidamada Ethiopia leeyihiin. Markaa ma ONLF ayaa jihaad ku jirta,mise mooryaanta Alshabab ee haweenkii Muqdisho ka siibtay raja-beetadii naasaha ugu jiray, amase dadka ka ra’yi duwan madaxa ka toogta markay salaada ka soo baxaan,sida ganacsade Daa’uud Dirir oo ay Kismaayo ku dileen bishii hore.??!!!!!!!!!!

    Qamaan Bulxan | Nov 16, 2009 | Reply

  30. Gudahana culays kusaaray taa dabadeed waxaa xigay in xabashidu gashay dhulka somalia ooy dishay kumaan shacab iyo mujaahidiin ah dhaawac iyo barakac iyo burbur hantiyeed xisaab maleh intaas oo dhacday damaca iyo mujaahidiinta iyo shacabka som oo ah xuraynta dadkaasi wali waabaaqi lkn xitaa bahalka looyaqaano waraabaha haduu dabin kudhaco wuuyaqaanaa dadka soo ag istaaga qofka naxariiistu kamuuqato ee maxaa dadkan kaqariyay wanaaga walaala hooda somaliyeed iyo mujaahidiinto larabaan ooo ay qodaxda is kugu fogaynayaan waa yaab caaqil koow faham

    Nasrullah | Nov 16, 2009 | Reply

  31. War ONLF tan lasheegaya farabadaan. Puntland iyo Soamliland dhib ayeey kuhaaysaa. Asbuucan oo kaliya 7 saldhig ciidan oo Ethiopian ah ayeey qabsadeen. Hadana Alahsbaab ayaa leh axmed madoobe ayeey lasocdaan. Barre Hiiraale markii magaalada laga eryay wuxuu yiri Alshabaab iyo ciidamadii Xassan Turki oo ONLF lasocota ayaa magaalada iga qabsaday.

    Waa yaab?? Farabadaan ONLF? Mise Somalida ayaan Absamaha uogoleyn in aay dhul kuleeyihiin labada Juba? War dadka degan Jubada Dhexe iyo Jubada hoose magaraneysaan? Mise ma ogtihiin in Axmed Madoobe/Hassan Turki iyo ONLF isku fikrad ahayn? Goormuu Xassan Turki noqday ONLF? Goormuu Xisbul Islam ONLF noqday?

    Walaalayaal propaganda-da iska daaya dad muslim ayaan mahay. Ururadan dhamaan diin uma dagaalamayaan ee waa siyaasad. Kuwana somalinimo ayeey udagaalamaayaan kuwana Sh Usama

    Xassan Macalim | Nov 16, 2009 | Reply

  32. hadaad damqan lahaydeen
    dugaagaan na wee raray
    Wayla dili lahaydeen
    Haday diintu dhab un tahay
    Madoobiyo dhankiisaba
    Dhuyacbaad dhabarka saari laydeen
    Amxaarbaa dhaaqaliyo
    Waxyaroo dhaalsiya
    Soo dhibay shalay oo
    Dhibtu taa un wee yaan
    Dhalanteedka joo jiya
    Dhurwaayeynta naga daa
    Qabiil dhabar kataabtiyo
    Dhoohanoow warkaa garo
    Hadi kale ladhalan dhool
    Dharbaaxada shabaabkiyo
    Dhuyicii ay qorayeen
    Dolow dhawaaqii
    Kasoo dhacay doraad baa
    Maanta dhaxalki joo gaa
    Dhankastaba qabiilkiyo
    kii dhumiyeye diintuba
    Dhabahay ku joogaan
    Ma hayn dhalqara iyo
    Onlf dhankee dee
    Dhurwaayadu idaylkood
    Dhabtii dhamaa yeen
    Dhidarkii hiraaliyo
    Warfaa dhuuni qaatiyo
    Wixii dhalasha shaydaan
    Dhabtii ay wadaa geen
    Meesha waw dhamaayee
    Dhamacbaase loo qoray
    Mid dhintiyo dhabac yiri
    Dhaawac iyo wax yeelaa
    Rabi dhabar usaa roo
    Moor yaan dhamaataye
    Soo dhawee shabaabkiyo
    Wiilashaa dhankeenaa
    Dhalyahana islaamkiyo
    Caqiidaa u dhabar adag
    wax kalana ha dhuganina
    Ceebtana kadhowr sada
    Ufku dhaha midkii raba
    Inaan qolo udhimaniyo
    Inaan qodobyo dhawraba

    abuu fatima | Nov 16, 2009 | Reply

  33. waayaab marwalboon maqlo dadkaan dagal kooda meesha igodo alaha raxm,aankaa og ilaahayoow xaq udirirka gaalada kamadax banaan eeraba somali inuu kitaabka kudhaqa ilaahayoow guusha sii oo silama filaan ah oga soosaar isreebreebkan axmed madoowe waxaan gadaal kaariixaayo waacadow gii ilaaheeye maatka fiirsatit nin walboo isku daye inuu hor istaago kitaabkan ilaaheey dabaqadiisa sumcadiisa kusuuleeysa maahane inshaa alaah gabar iyo wii wa ukala haraayo malahan inta ilaaheey iyo rasuukiisaNNKH raacsan oondana kala fiirsaneynin waalawada galaayaa

    nasrulaah | Nov 16, 2009 | Reply

  34. a/s walaalyaal waa ilahay mahadiis in uu cadaado warka ahmed madoobe waayo walalaha xisbul islam ayaa ku wareersana hadan waxa cadaatey in uu yahay gaal u adeega ku maaxafsanay qabiil allow u hiili ninka xaqa wada aniin amiin amiim

    jarabun | Nov 16, 2009 | Reply

  35. Shabaab waxay bilaabeen sheekadii ay ku cayn jireen DKMG sheekadu waxay aheed shiikh shariif waxaa wata Dowlada shisheeye, Hada shabaab waxay keeneen ONLF ayaa nasoo weerartay sheekadaan waxay taageero uga rabaan ITOOBIYA barina shabaab waxay soo wadaan eritereya ayaan nasoo weerartay , Dadka soomaliyeed waxa ay xiligaan kujiraan fadeexad diimeed oo qatara mana ahayn diinta waxa kashif mayee waa qolooyinka BURCAD DIIMEEDKAA SHABAAB IYO XISBI, NINKA U MALEEYA IN QOLO JANO KU GALAYSO DAGAALKA KISMAAYO KASOCDA IYO XAMAR WAA QOF AAN DIIN AQOON WAX MAGARADANA, BAL AAN ARAGNO HADII SHIIKH AXMAD SHIIKH MAXAMAD ISLAAM UU YAHAY ITOOBIYAAN INA GODENO IYO YACQUUBNA YIHIIN E HELU DIIN.KALIYA SHIIKH AXMED WAXA UU KU QALDANAA WALAAL KIIS SHIIKH SHARIIF IN UU RIDO KU SHEEGO SHIIKH SHRIIF OO AH NIN KII GACANTA CADOWGA KA SOO BIXIYAY ILAAHAY KASOKOW.

    jaamac kadiye | Nov 16, 2009 | Reply

  36. qiimo ma laha, dooda ONLF ayaa dagaal ku jirta, iyo kuma jirto, dagaalkuba waa mid xaraam ah, waa mid aan maslaxada umadda u adeegayn, waa ceeb iyo foolxumo huwan, waxaa is laynayaa labada dhinacba wax lagu qabco oo caqli gal ah dadka uma sheegi karaan, waan Jabinay iyo waan ka qabsanay, waxaa ka dhintay, hub ayaan ka qabsanay, waxaaas oo dhan dadka caqligooda ka ixritaama,waxa ka socda Soomaaliya iyo Jubooyinka waa maxaysatanimo, dhiigyacabnimo, mooryaanayn,
    Ilaahay ha soo hanuuniyo,
    Umadd inay is layso uun u nool ayaan nahay,
    Dagaalkaan kuwa ku jiraa dhicay doonaan ha ahaadeene dantooda yarta ah oo ciriiriga ah, oo naafada ah bay ugu jiraan,
    kan gabayga jacburka ah tirinayoow, adeerkay maxamed siyaadba waa loo gabyay, alshabaab aad amaantay na hadday wax garanayaan maanta dadwaynaha inay jecelyihiin yo in cale daraaso ha ku sameeyaan,

    calas dheere | Nov 16, 2009 | Reply

  37. A.r mubaarak-Mohamed-nasrulah nimanka kumagacaaban iyo kuwa kale ee lamidka ah waxaan Odin leehay (muutuu bigheythikum)waxaad kamideysantihiin “ogaadeen naceyb” alshabaab taageere looguma noqdo qabiil dartii waana munaafaqnimo inaad ujeedo qarsoon aad ujeedo cad utaageerto “ogaadeen” waa qoys qabaailka soomaaliyeedna waa farabadanyihiin Marka isbahaysi dulli ah ayaa idinka muuqda waxaad wax kudhisteenna waa dhalanteed waxbana isuma tari kartaan ogaadeen waxba kuyeelimeysaan,qabiil qof kushaqeystana waa mujrim Allah waa la col mujaahidiinna waa la col marka qabiilku shabaab yuuna idinla galine badheedhehiina cadeysta Beena waxba haisku taageerina ee wax lataaban karo laimaada Axmed Madoobabena waa qaaid mujaahida sax iyo khaladna 2thaba waa laga heli e adinku dulliyoow xageed la jirtaan(muthabthabiina beyna thaalika laailaa haa ulaai’walaa ilaa haa ulaa’ waman yudlilillaahu falantajida lahuu nasiiraa)

    Keenadiid | Nov 16, 2009 | Reply

  38. Axmad madoobe:: Ashahaada la dagaalanka aad hadda u soo tafa xeedatay Uraradii kaaga horeeyey wax ka weydii.

    Mujaahid | Nov 16, 2009 | Reply

  39. abuufaatima

    Hadaad ka xuntahey dadka meydkooda laga dul dhaanteeyey maad u gurmatid waa adiga u dig dam leh oo u gabyaya dagaal dad walaalo ah ku dhex maraya koofurta fog ee soomaaliee.

    Waad degantahey ama way kuu muuqataa soomaali galbeede sideed ugu soo leexisaa Soomaalida Waamo degta hadaadan ookiyaale qabiil wax ku eegeyn?

    marti sharaf | Nov 16, 2009 | Reply

  40. asc. labadii xaqdaro ku heshiiso oo diinta isloamka been ka sheegto saan baa u danbeyso. kursi iyo xukun bey donayaan ama shabab ahoow ama xisbul islaam ahoow. kursiga shiiq shariif bey wada doonayaan. ala maxey been noo sheegeen oo ay dhahen shariif waa gaal o murtid ah, maantane axmed madoobe ku shegeen gaal, berine xasan daahir, saa danbane?? kkkkkkkkkkkkkkkk. ala maxaa shacabka iyo maatada been lo shegey iyo dad aan caqli laheen. kkkkkkkkk.

    faysal | Nov 16, 2009 | Reply

  41. war ilayn ninkan h madome yaa naga qabta oo mu
    muslimah mujahidintu isku jabin rabaa
    lakin ahamed madobe waxaba ka sidaran mujahidiinta xabada isku haysta cajiiib
    maysan ogeyn dakalka mujahidintu inu yahay farxada kufartaa maxay cadowgooda ufarax galinayaan mujahidiintu maxa helay
    RABI ban idin baryayna ee yan gal iyo gal rac laga farxiin ascwrwb

    umu mumtaz | Nov 16, 2009 | Reply

  42. Asc waxaan rabaa inaan usheego dadka oranaya dagaalkan waa fitno inay miqyaas sax ah oo ay isku miizaamaan dad dooyinka iyo calaamaad 2 qolo 1-mujaahidiinta xarakada mujaahidiinta shabaab waxay fuliyaan xuduuda allah.2.salaada ayay dadka amraanzakadana kaqaadaan, waxa ay col layihiin dhamaan gaal iyo gaalo raac,3waxay walaal uyaqaanaan walana lawadaagaan dhamaan islaamka saxda ah ee aan barxaneyn,dhamaan sifaadkaasi waxay ucadaynayaan.MANYURIIDUL XAQ WAXA AY YIHIIN lkn mr madobe waxa uuleyahay intaa badalkeeda sidaa darteed Haadaa huwal jihaad

    Nasrullah | Nov 16, 2009 | Reply

  43. Dad uu ku dhacay wax la yiraahdo Daarood nacayb ayaa shabaab ku dhuumanaya, shakina igagama jiro arintaas oo waa irirsm aan la isu qarinayan. Ninbaa yiri hada ka hor reer hebel waan necbahay, markaasaa la yiri ma dhamaantood ayaad necebtahay mise qof iyo laba ka mid ah, kolkaasuu ku jawaabay say u dhanyahiin ayaan necbahay. Waxaa lagu yiri iyagoon kuwada maqal ayaad dhiman.

    Dadka meeshan ka buuxo oo qabiil soomaaliyeed colaadiniya iyagoon idin wada maqal ayaad aduunka ka tagaysaan waliba waxaa kaaga daran say u fara badan yahiin.

    sahal | Nov 16, 2009 | Reply

  44. Somali miror fadlan ha af jigina

    ONLF baa na soo wareertay kulahaa? Xasan Yacquub markii 1aad oo uu ka beensheego diinta iyo xisbul islaam ma’aha.

    Shaley markii ay wareereen mucaskarii mujaahidiitna Kambooni iyo Canoole waxay dhaheen waxaa weeye qabiiloyin taagera ka heysta Kenya iyo Etoobiya.

    Xasan Turki markii uu yiri war maamulkii heshiiska lagu ahaa soo celiya waxay yiraaheen qabiil buu noqday

    Markii guddigii dulyadeyn xamar ka yimid oo soo jeedey inay qirteen bilowgii dagaalka, bixiyaan diyadii dadkii dhintay, kismaayo ku wareejiyaan maamul islaami ah oo labada dhinac midna ahayn ilayn umad khayr kama dhamaado e waxay dhaheen diidney

    Markii Xasan Daahir iyo shuurada Xisbul yiri Axmaed madoobe waa rug cadaa mujaahid oo ka tirsan hoggaanka sare ee xisbul islaam waa falsafeeyeen oo diidey

    Markii la yiri war aan midowno idinka oo halaq oo idil wata waa diiden

    Waxay wareer isdaba joog ah ku qaadeen janaax cabdalla iyaga oo adeegsanaya Bare hiraale mooryaantiisa oo cimaamad guduudan xirtey

    Raggii shabaab ka soo gostey ee u galey shariifka iyo mooryaantii TFG waxay sheegeen inay laqi waayeen takfiirinta xisbul islaam iyo khiyaanada iyo cilmi laaanta meesha ka jirta

    Gobolka kasta waxaa ka taliya mujaahidiintii u dhalatey sida Gedo, Bay , Bakool, Banaadir, Shabeelooyinka iyo Hiiran….maxaa kismaayo u diidey dadkii u dhashey oo ku soo dhaweeyey shabaabka inay hogaanka u qabtaan gobolka haddii shabaaaaab khiyaameeyeen taliskii wadajirka ahaa

    War wax garta oo shabaab uma jeedaan dawlad islaami, diinna ma yaqaanaan ee yeysan daadin dhiigga mujaahidiinta.

    Haddii aydan aqoon shabab innagaa naqaan oo god iyo gorofba la galney. Waxaa ka buuxa jawaasiis isku magacaaba muhaajiriin. Qadriga iyo khaayanada waa u nolol waxaan iyaga ahayn.

    Haddii aysan ku biirin Xisbul islaam oo ku milmin maalinba sida koox uga tageyso ayey ka dhigi doonaan jihaadkii meel cidla ah.

    Kuwa xamaaseysan ogaada in shabaab ay berigii hore ahaayeen dad diinta ka dhab ah maanta xaalku waa isbeddeley.

    Madaxdoodu waa laba diktaroor ah oo an la arag, shuro malaha, maxkamadooda waa majhuul, Abu subeer wuxuu rumeysan yahay Somaliland iyo qurunkeeda.

    Dagaalkan istaagi maayo ilaa shabaab ay ka sameyso laba mid

    1) in mujaahidiinta kambooniyiinta lagu karameeyo degaankooda oo xasan yacquub iyo Abuu subeeer aadan Bay iyo Hargeysa ama meel kale

    2) In labadooda mid guuleysto….sida muuqto guusha mujaahidiinta Axmaed madoobe iyo canoole waa masalad waqti ah keliya insha Allah.

    Cali Guure | Nov 16, 2009 | Reply

  45. WAR DOQONMADA KHOWLE OO KALE AH WALI MA AYSAN BARAARUGIN MIYAA, SXBYAAL ONLF HADII AAD KU EEDEEYSEEN IN AYS OO WEERAREEN SHABAAB WAA CAJIIB, ADINKABA FIKIRA HADA WAX AY MAREEYSAA SHABAAB AYAA SAXAN IYO UMADA ISLAAMKA AH EE CAALMAKA DAGAN, HADII AAD TIRAAHDEEN CID WALIBA ANAGAA KA SAXAN ANAGAA JANDA AADEEYNO ANGAA WANAAG WADNO CIDNA LA TASHAN MEEYNO CIDNA LA HADLI MEEYNO HANA LAGU SOO DABA FEELYO, SXB YAAL WADA LA SOCOTAAN KOOFURTA SOMAALIYA TAA IN AYSAN KA SOCON, EE NIMANYAHOW WAAN IDINLA TALIN EE AADA WAQOOYI IYO MAJEERTEEN CAQLI YARE , HADII AKL;E KU BAABA’A KOOFURTA ADINKA ARKI DOONA MEESHEY KU DANMBEEYDAA,

    SIILAANYO XAMAR | Nov 16, 2009 | Reply

  46. ONLF in ay cilmaaniyiin, qandaraasna ku soo qaateen in ay mujaahidiinta laayaan mel walba ay joogaan, Admiralkooda dagan UK ayaa si toos ah u sheegay. Shabakadaan barakaysanna baaritaan lagu sameeyay oo labo qaybood ah ayaa lagu soo bandhigay. Koonfurna way joogaan, waaba meesha kaliya ay Soomaaliya kaga tababartaan, dumarka iyo caruurta keensadaan. ONLF waa kuwa mujaahidiinta Soomaali Galbeed dhowr goor dagaal ku qaaday iyagoo fulinaya ballanqaad uu Maraykanku u qaaday. Markaa qariib ma aha in ay Axmed Madoobe soo taageeraan iyagoo markaanna uu Mareekan uu ballan cusub u qaaday.

    Mujaahidiinta Allah ha sugo oo ha guuleeyo. Gaalo iyo gaalaraacna Allah ha jabiyo cadaabtana haku fogeeyo.

    Bismillaah | Nov 16, 2009 | Reply

  47. a/w allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar shiikh xasan yacquub afhayeenka wilaayada allaah ku xafido kuwa afka kugu taagaana waxaan leenahay muutuu bigaydikum insha allaaah axmad madoobe mufatinka jubooyinka waa ku bakhtin insha allaaah gacanta mujaahidiinta mida kale waxaa leeyahay kuwan sheeganaya qabilka aniga dhalasho ahaan waxa ka soo jeeda beesha gobolada dhexe ma dago jubooyinka sh xasan yacquubna afhayeenka wilaayadana waa walaalkay muslim ah sidaa ayaana ku taageerayaa ilaahayna ha xafido walaalkay muslimka ah shaqada uu u hayo ilaamkana waa ku mahadsanyahay wilaayadana ilaahay haka xafido waxa wada xaqdiga iyo qabilka iyo cadowga allaah
    insha allaaah xaqaa sarayhaa iyo carabka sh xasan yacquub xafidahullaaaaaaaaaaaaah

    ciid | Nov 16, 2009 | Reply

  48. SCK WAXAY UMUUQATA INAY AL-SHABAAB JABEEN WAXAA CADAYN U,AH MARKAY YIDHAAHDEEN ONLF AYAA NASO WEERARTAY SHALAY AYAY AHAYD MARKUU BARE HIIRALE LAHA AL-SHABAAB IYO ONLF AYAA ISO WEERARAY WAR NIMANKI SHABAAB HABNUGULA SOO IYAGILAHA GURIGA CAD EE MARAYKANKA AYAAN KUTUKAN DOONA WAMAXAY QAYLADAN AYKAWAREEGEN WAXAAN ODHAN LAHA WAR HADAAD TIHIIN AL-SHABAAB IYO XISBUL ISLAAM WAR WADAAD GU,I AYA KADHACAY WADAAD WACEEBOOBAY AYARA FADHIISTA OO DHUUNTA ILAAHNA TOWBO WAYDIISTA INTIINA HADHAY INTII DHIMATAYNA ILAAH BAA LAXISAAB TAMIDOONA ONLF IDINMA SO WEERARIN EE IDINKA IS WEERARAY

    Ahmed A. | Nov 16, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo