3 Bangi oo Maraykan ah oo Bur-bur Dhaqaale ku yimid

Published on November 16, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

3 Bangi oo ka mid ah Bangiyada Maraykanka ayaa Bur-bur Dhaqaale ku yimid taas oo noqonaysa in Sanadkani lagu gudo jiro oo kaliya ay Bur-bureen 123 Bangi oo Maraykan ah taas oo ku keeni karta Dhaqaalaha Maraykanka inuu Fadhiisto isku dhex yaacna uu ku yimaado Nidaamka Dhaqaalahiisa.

Saddexda Bangi ayaa ku kala yaala Florida iyo California waxaan Iridaha isku laabay Mas’uuliyiinta Maamula Suuqa Lacagaha Maraykanka.

Shabakadda CNN ee Maraykanku leeyahay ayaa sheegtay in Mas’uuliyiintaasi ay xireen 2 Bangi oo la kala yiraahdo “Century” iyo “The Federal Saivingz
” oo ku yaala Sarasota Florida.

Sidoo kale waxaa la xiray Bangiga la yiraahdo “Pacific National Bank” oo ku yaala San Clemente ee Gobolka California.

Bur-burka Bangiyadani waxay ku kalifaysaa Hay’adda Bad-baadinta Bangiyada Maraykanka in ay Bixiso Aduun lacageed oo dhan 986.4 Milyan oo Doolar.

7 November ayay ahayd maalintii ay Mas’uuliyiin Maraykan ahi Xireen 5 Bangi ka dib markii ay Bur-bureen dhaqaalahoodii.

Bangiga Ganacsiga ee “United Bank” ee ku yaala San Francisco waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Bangiyadaasi midka ugu weyn isla markaana uu haysto lacag gaaraysa 11.2 Milyan oo doolar.

Bangigani wuxuu leeyahay 63 Farac wuxuuna Mashaariic kala duwan ku leeyahay Hong Kong iyo Shanghai ee Wadanka Shiinaha, waxayna gaareysaa Daynta lagu leeyahay 7.5 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Dadka qaar ayaa aaminsan in Bur-burkan Dhaqaale ee ku yimid Bangiyada Maraykanka ay sabab u tahay Ribada Noocyadeeda kala duwan ee ay ku dhaqmaan Bangiyadaasi.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 7 Askari oo Maraykan ah oo lagu Dhaawacay Ciraaq
  2. Saraakiil Maraykan ah oo qayb ka ah Dagaalada Muqdisho
  3. Askar Maraykan ah oo lagu laayay Ciraaq
  4. 2 Askari oo Maraykan ah oo lagu Dilay Afqanistaan
  5. 2 Askari oo Maraykan ah oo lagu Dilay Afqanistaan.

Readers Comments (7)

  1. Kaysane says:

    Alaha burburiyo maraykan iyo ribadiisa

  2. Kaysane says:

    Waa ku farax sanahay, Alaha burburiyo maraykan iyo ribadiisa

  3. nasrulaah says:

    waan kufaraxsanahay alaha burburiya mareykan iyo ribadiisa ilaahayoow ma arki doonaa mareykan ooburburay ilkahaan ogaciilbiililaheen

  4. xasan says:

    ilaahay ayaa mahadleh waa dulmigay naga galayaan wax badana waa u harsan yihiin

    waxaan sugaynaa intuu kuligii masalafo biraha iyo qalabka xafiisyada u yaalo inuu noogu keeno soomaaliya gaajo ku dhacday awgeed si aanu uga xaraashno taana ilaahay waxba lama dhama

  5. xoriyo says:

    ilaahey idin bur buri oo dhulka idinla goo waxaa muslim ciqaabteen ilaahey dartii idinku ciqaab adinka iyo muslim iska yeelka idiin adeegaba baa baba oo bur bura muslimiinta allah quweeyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiin

  6. abu fatima says:

    Sidii baraf dhalaaloo
    Dhamac qorixi qabatiyo
    cusbo biyo dhexmarayaan
    Rabigay ha dhabar furo
    wax kastoo dhaqaa laa
    Wax kastooy dhig teenba
    Qasaara aan dhamanayn
    Dhuxul gubata yoo kale
    Dambas dhada kor fuu shiyo
    Rabi dhooba qalashiyo
    Ceel la dhuray kayee yoo
    Fakhri dhabarka kuu saar
    Bangiyadu dhamaa doo
    Dhankii nii yaboohsigu
    Soo dhaaf qiyaas tee
    Macaluul dhashiinana
    Ladha maa tay kuligeed
    Wax dhan baad dhib keeniyo
    Kujidheen dhecee nee
    Dhuuni qaa ta yaa loow
    Wax kastoo dhibaa taa
    Rabi dhoob dhankiiniyo
    Mee shaad udhala teen
    wali maan dhamaynine
    Bal uqaata soo dhawayn

  7. Dulmidiid. says:

    Bismilaahi Ebow,Araxmani Ebow. Baaba Allow ka yeel dhammaan bangiyadooda. Boog aanan bogsooneyn iyo balaayo aan dhammaaney Allow ku baley. Baqtigooda oo bannaanka tubaniyo balaayo Allow ay ku habsato.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 7 Askari oo Maraykan ah oo lagu Dhaawacay Ciraaq
  2. Saraakiil Maraykan ah oo qayb ka ah Dagaalada Muqdisho
  3. Askar Maraykan ah oo lagu laayay Ciraaq
  4. 2 Askari oo Maraykan ah oo lagu Dilay Afqanistaan
  5. 2 Askari oo Maraykan ah oo lagu Dilay Afqanistaan.

Latest Headlines