Shir aad u ballaadhan oo ay si habsami leh usoo agaasimeen jaaliyadda Samawadal ee UK ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Southall ee UK markay taariikhdu ahayd 25/10/09. Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dad aad u badan oo ka kala yimid gobolada waddanka UK, waxaa lagaga hadlay arimo isugu jiray warbixino la xiriira Markaska Al-furqaan ee Masalaani, taakulayn dhaqaale oo ay
jaaliyadda Samawdal gaadhsiisay dad ku tabaalaysnaa magaalada Godey iyo waliba arimo kale oo aad muhiim u ah.
Dadka shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sh. Cismaan Axamed Guure oo xubin muhiim ah ka ah guddiga jaaliyada Samawadal ee UK, halkaas oo uu si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii golaha Samawadal iyo sida uu ugu hanweyn yahay in la xoojiyo xiriirka guud ee u dhexeeya golaha iyo dadka Samawadal ee ku kala nool dacalada dunida gaar ahaan S/Africa, Kenya, Carabta iyo Australia si markaas loo helo xiriir joogto ah, wada-tashi iyo iskaashi dhinac waliba ah.
Sh. Cusmaan waxaa kale oo uu shirka kusoo bandhigay waxqabadkii golaha Samawadal ee UK iyo waxyaabihii u hirgalay lixdii bilood ee lasoo dhaafay isagoo muujiyay yididiilo weyn iyo rajo ballaadhan isla markaana caddeeyay in ilaahay ku guuleeyay inay gaadhaan waxqabad la taaban karo iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah. Waxaa kale oo uu Sh. Cusmaan sheegay inay ku guuleysteen inay Markaska u aruuriyeen lacag gaadhaysa $10,000 muddo labo bilood gudahooda ah. Waxaa kale oo uu sheegay in lacagtaas lagu hirgalin doono dhisme labo qol ah oo waaweyn kuwaas oo loogu talo galay taxfiid iyo in qur’aanka loogu dhigo caruurta agoonta ah ee uu Markasku gacanta ku hayo. Sh. Cusmaan wuxuu intaas ku daray in lacagtaas loo gudbiyay maamulka Markaska Sh. Cismaan Yaxye Shakuul halkaas oo lagu fulin doono mashruucii loogu talogalay.
Waxaa kale oo uu goluhu ku guulaystay inuu jaaliyadda Samawadal kasoo aruuriyo lacag dhan $1,060 oo iftaar ah halkaas oo loogu qeybiyay Markaska iyo dad kale oo ku tabaalaysan magaalada Godey.
Ibraahim Cabdi Qaasim oo kamid ah odayaasha iyo waxgaradka jaaliyada Samawadal isla markaana gacan weyn ka gaystay hirgalinta mashaariicda jaaliyadda Samawadal ayaa isaguna kamid ahaa dadkii halkaas ka hadlay. Ibrahim waxuu halkaas mahad weyn ugu soo jeediyay jaaliyadda Samawadal ee UK sida wadajirka ah ee ay uga qayb qaateen gargaarka walaalhooga tabaalaysan iyo taakulaynta Markasta agoonta ee Masalaani. Waxaa kale oo uu Ibrahim mahad ballaadhan u soo jeediyay maamulka mashaariicda Markaska sida habsamida leh ee ay waajibkooga u guteen iyo waqtiga badan ee ay galiyeen horumarinta mashaariicda markaska.
Gabagabadii shirka, wuxuu maamulku ku baaqay in kulan kale oo ballaadhan laysugu yimaado bisha 3aad 20010 – shirkaas oo uu ulajeedadiisu yahay in lagu aruuriyo lacag dhan $10,000 oo loogu talogalay in lagu daboolo baahiyada kala duwan ee Markaska agoonta ee Masalaani.
Waxaa kale oo uu shirweynuhu halkaas si wadajir ah ugu duceeyeen inuu ilaahay caafimaad siiyo Sh. Yuusuf Sayid Calidhuux oo kamid ah culimada soomaaliyeed ee sida wayn looga qadariyo Geeska Afrika isla markaana in muddo ah ku xanuunsanaa waddanka South Afrika – iyo Naasir Carte oo kamid ah masuuliinta gobolka oo isaguna arin caafimaad loo geeyay wadanka India ayagoo ilaahay uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
Shirkan wuxuu ku dhammaadey guul iyo farxad wuxuuna shirweynuhu halkaas ugu mahadceliyay dhammaan dadka somaliyeed ee kheyrka jecel gaar ahaan jaaliyada Samawadal ee S/Africa iyo UK sida wanaagsan ee ay qeybta libaax uga qaateen horumarinta mashaariicda markaska Al-furqan. Shirweynuhu wuxuu sidoo kale ku baaqay inay jaaliyadaha Samawadal ee dibaddu is abaabulaal oo ay xiriir joogto ah yeeshaan. Waxaa kale oo halkaas loogu mahad celiyay culimada iyo hawl-wadeenada Markaska kuwaas oo laysku raacay inay yihiin laf dhabarta dadka gobolka isla markaana u taagan wacyi-galinta, baraarujinka, iyo jahli ka saaridda bulsho weynta Samawadal.

Related posts:
Akhristayaal badan ayaanan garanayn Masalaani ee bal u faahfaahiya, Mahadsanidiin.