Shil gaari oo dhaliyay dhaawaca 3 Askari iyo qof rayid ah ayaa maanta duhuradii ka dhacey wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna shilkan yimid ka dib markii gaari Cabdi-bile oo ciidamadu wateen iyo gaari Bus oo rayid isku dhaceen.
Dhaawacyada ciidamada soo gaarey ayaa dhanka lugaha u badnaa, halka qofka rayidka ahna dhaawacu ka gaaray Caloosha iyo Dhabarka, waxaana goobtii ka qaadey gaadiidka caafimaadka.
Gaariga Cabdi-bilaha ee ciidamadu wateen oo xaaware sare ku socdey ayaa ku dhacey gaariga rayidka ee Bas-ka, mana aha markii ugu horeysay oo shil noocan oo kale ah khasaarena dhaliya galaan Gadiidka dagaal ee ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM wataan.
Dhawaan ayay aheyd markii gaariga kuwa gaashaaman ee AMOSIM si bareer ah u dul maray gaari rayid oo marayay wadada makka Al-mukarama oo darawelkii saarnaa khasaare xoogani ka soo gaaray.
Dhinaca kale Duqeyn dhalisay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 5 kale oo wada rayid ah kana imaaneysay dhanka xarumaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ayaa maanta lala beegsadey qeybo ka mida Degmooyinka Yaaqshiid, Boondheere iyo shibis.
Duqeyntan ayaa daba socotay iska hor’imaad muddo kooban socdey oo goobahaas ka dhacdey, una dhaxeysay ciidamada DKMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda.

Related posts:
a.s
salaan kadib reer somalimirror maxaa dhacay oo aadusoo qori la dihiin dagaalkii xalay dhacay
ee magaalada tayeeglow mise waa been la buun buuniyay bal akhbaarteeda nasoo siiya walaalayaal
sory warka waan arkay waanna akhriyay ee nabadeey
Calala uustu waxay ka cararayaan Malakul mowt oo ASH-SHABAAB baa meel walba u taagan daqiiqad walbana qarax miino ku gaadaya.
ILAAHOOW idin guulee baan idin leenahay Shabaabkoow.