Kuuriyadda Koonfureed ayaa Shaacisay Maalinimadii Shalay Qorshe ay Ciidamo ugu Dirayso Wadanka Afqanistaan si ay uga Mid noqdaan Ciidamada Gumeysiga ee Dagaalka ka wada Dalkaasi.
Wakaalada Wararka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Qorshahaasi uu yahay in Ciidamo gaaraya 200 oo askari iyo Tobonaan Booliis ah si kaalmaati ah loogu biiriyo Ciidamada NATO.
Afahayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Dibada Kuuriyada Koonfureed Moon Tae Young ayaa ku sheegay Bayaan uu soo saaray Shalay “Xukuumadda Afqanistaan waxay Kuuriya ka Codsatay inay xoojiso Dadaalka loogu jiro Dejinta iyo Dib u dhiska Afqanistan, sidaa darteed waxay kuuriya go’aansatay inay ka qeyb qaadato…”.
“Waxaa loo dirayaa Ciidamada inay ilaaliyaan Kooxaha Dib u dhiska Goboladda oo kaliya, kamana qeyb galayaan wax Dagaal ah illaa la soo weeraro Xubnaha Dib u dhiska ku jira”.
Afqanistaan waxaa ka socda Dagaal adag oo u dhaxeeya Xarakadda Islaamiga ah ee Daalibaan iyo Ururka Al-Qaacido oo isku dhinac ah iyo Gaashaanbuurta NATO.

Related posts:
HAYEEE!!
DHIIGGA NINKA CADI QAALI BUU KU YAR NOQDAY.
BAL WAA INTAASOO DHIIGIINA DAADINTIISA WAX
KA NAXAABA AYSAN JIRIN.
WALEE TAALLIBAAN BAA BUURAHA DUSHOODA IDINKU
SUGAYSA,OO AAN IDIIN NIXIN EE IS KEENA.
allaahu akbar allaah baa meceenna ah waligiinba is kaashada allaah baa nala jira ciddii allaah lajiraana guuleysan doonta gaal wuxuu ula haray majirto in uu tir tiro xaqa laakiin allaah wuu ka diiday ciidanka allaahna wey badan yihiin laakiin waxba ma fahmayaan,kuwa gaal garabsadayoow isku mid baad tihiin halkii ay maraan baana la idin marin doonaa insha allaah