1 Qof oo Rayid ah ayaa ku Geeriyooday 3 kalana waa ay ku Dhaawacmeen iska hor’imaad Xalay ku dhex maray Ciidamo kala taabacsan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Al-Xisbul Islaami Magaalada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.
Isku dhacaasi oo si goos goos ahi u socday Mudo saacado ah, ayaa sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo aanu la xiriirnay waxa uu noo sheegay inuu salka ku hayo is fahmi waa ka dhashay Bandow ay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin la damacsanaayeen inay ku soo rogayaan Magaalada Tiyeegloow.
sarkaalkaasi ayaa noo xaqiijiyay in waxgarad iyo xubno ka tirsan labada dhinacba ay ka dhex wadaan Waan-waan la xiriirta sidii loo xalin lahaa Khilaafkooda.
Isla ilahaasi ayaa sheegay in saaka xaalku deganyahay, iyada dadka deegaankuna ay sheegayaan inay Cabsi weyn qabaan walina ay xiranyihiin Iskuuladii iyo Goobihii Ganacsiga.

Related posts:
Shabaab ha ku wareejiyaan degmadaasi Xisbiga inta goori goor tahay. Sababtu waxay tahay Xisbiga waa uga naxariis badan dadka, shacbiga waa ka jecel yihiin xisbiga marka la fiiriyo shabaabka. Shabab ma oga hoggaankooda dadka doortay, waana hubaal inay og yihin dawlad islaami oo Soomaaliyeed in ay dooneeyn. Dagaalka ay billaabeen waxay hor dhac u tahay tuurista miraha jihaadka.
Shabaabka ha ku biiraan mujaahidiinta xisbul Islaam inta aysan dhumin miriha jihaadka.
alaahu akbar ma gaaladii ay jihaadka u iclaamiyeenbaa dabin u qoolayso iyagiina canshuur iyo caadoqaatenimay ka dhamaan la yihiin taasina waxay ku tusinaysaa niyada fasahaadsan e ka buuxdo duuflaalayaasha sheeganayo inay kalimada ilaahay koryeelayaan ala ilaahay maxaa la hafrayaa
waxaan halkaan ugu soo jeedinayaa xisbul islam inay ilaah ka cabsadaan oo walaalahooda islamka ah ka daayaan cadaawada iyo xiqdiga sida aan ognahay xisbul islaam waa dad ku shaqeeya afkaa nraha qabiilka waxaa taa daliil u ah ahmed madoobe qolyihii maalin dhaweeta u galay dowlada faasiqa ah marka diin ahaan uma dhisna waa moor yaantii oo cimaamada loo saaray like yuusuf indha cada camal
marka waxaan oran lahaa ciidan kiina diinta bara iyo caqaa ida
SHABAAB QABQABLAYAALKIBA WAA KADAREENEE, MAY UMADA ISLAMKA AH NABADGALIYAAN
WAXAA LAMA HURAAN AH IN SHEEKH XASAN DAHIR IYO HOGAANKA SHABAAB ISLA GARTAAN MAWQIF MIDAYSAN.
RAGGA QAAR EE LABADA DHINACBA KA TIRSAN BAAN LOO
BAAHNAYN KA MID AHAANSHAHOODA LABADA URRUR AY
KA MID YIHIIN.
WAXAA WANAAGSANAAN LAHAYD IN HAL URRUR LAYSUGU GEEYO MAAMUL MIDAYSAN OO SAADDIQ AH, HADDI KALE
JID QALDDAN OO MEEL AAN WANAAGSANAYN IDINLA TAGA
AYAAD LABADIINABA KU DAMBAYN.