Dagaala ka dhacey agagaarka Rab-dhuure ee G/Bakool.

Published on October 31, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Xarakada Shababul Mujaahidiin iyo KMG ah ayaa maanta barqadii ka dhacdey meel u dhow deegaanka Rab-dhuure ee Gobolka Bakool.

 

Dagaalkan oo qaabkii uu ku bilowday warar rasmi ah aan laga heynin ayaa yimi, xilli maalmihii ugu danbeeyay Ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmada Yeed dhibaatooyin kale duwan ku hayeen dadka rayidka ah ee halkaa ka dhow.

 

Sida la wararka lagu helayo shaley Ciidamada Dowladu, agagaarka deegaanka Rab-dhuure waxay ku dileen qof rayid xoolana waxey ku dhaceen.

 

Dagaalkii saaka dhaley oo warar faahfaahsan ilaa iyo hadda aan laga helin, hadana Sarkaal Al-shabab ka tirsna oo nala soo xariiray waxa uu sheegteen khasaare ciidamada DKMG ah inay u geysteen, sida dhimashada 4 Askari iyo sarkaalkii watey ciidamada oo lagu magacaabo Daahir Boon.

 

Goobtii dagaalku ka dhacey waxaa ku sugan oo u harey Ciidamada Al-shabab, sida wararka madaxa banaan ee la helayo tibaaxayaan, dhinaca kale xaalada ayaa degan mana jiro hadal dhinaca kale ka soo baxey oo dagaalkan ku aadan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal Culus oo ka qarxay Degmada Rab-dhuure ee G/Bakool
  2. Dagaal ka dhacey meel 30km u jirta Deg. Waajid ee G. Bakool
  3. Iska hor’imaad Xaley ka dhacey agagaarka Kala-beyrka.
  4. Iska Hor’imaad Ka Dhacey Agagaarka Horel Ramadaan
  5. Dagaal Beeleed ka dhacey Agagaarka Deg. Cadale ee G/Sh/Dhexe.

Readers Comments (3)

  1. muxsin says:

    maan shaa alaah waa wax lagu diirsado laguna farxo burcadkaan sheeganayo dowlada , waa khaa imiin dowlad isku sheeg ah illah dadka haka qabtee, ma haday waxay u soo dhigteen dadka xoolihiisa.

    qaatala humu allaah, inahum munaafiquun

  2. abuu fatima says:

    miyaanaan gowracayn
    dhamaan ilama gaalo raac
    miyaan galad eebe iyo
    guulaan naga kala go ayn
    gudoon kee dii la helin
    libinta alaa gar ule
    garbaha wiilashaa kuraray
    gantaalaha cadawga guba
    inay gar wadeen noqdaan
    ninkee baa uga garlaa
    inay gayigaan hantaan
    ninkee baa uga garlaa
    ninkaan eex goynahayn
    wuxuu dhihi waa gartood
    inay niman kaa guntayaday
    gayiga noo maa mulaan
    wadaadada guu xayoow
    ninkaan gaalka dafacayn
    miyuu gacal noo ahaan
    miyuu guule nagu xukumay
    inuu gabre nagu tun taa
    wadaadada guu xayoow
    xujada noo goo bayow
    miyaad gar uleedi hiin
    gadaala u lee xad kiyo
    dagaalka ka gaabin tiis
    misana aad naga gadaan
    gaalka iyo gaal kalkaal kuba
    gacmaha ruuxii ufura
    fidnuu bartamaha u galay
    khawaarij gabawday iyo
    shaydaan goostay buu ahaa
    wadaadada guu xayoow
    gantaalaha cadawgu rido
    ku gaasiro reernabada
    ee deed noogu gii jiseen
    maxaad diinta ugu gafteen
    daliilka u gaar madhee
    ileen gaal bugcadu galaa
    garbay muslim ugu lahayd
    inuu gurmad ugu tagee
    anana gacan joo jiyoo
    gafkii naan la ildarayn

  3. Faysal says:

    ASH-SHABAAB ILAAHAY baa u hiilinaya si kasta oo ay reer galbeed-ku ugu hiiliyaan Murtadiinta diintoodii iyo dalkoodiiba iibsatay..Hadaba labada ciidan kan guuleysanaya aynu aragno.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal Culus oo ka qarxay Degmada Rab-dhuure ee G/Bakool
  2. Dagaal ka dhacey meel 30km u jirta Deg. Waajid ee G. Bakool
  3. Iska hor’imaad Xaley ka dhacey agagaarka Kala-beyrka.
  4. Iska Hor’imaad Ka Dhacey Agagaarka Horel Ramadaan
  5. Dagaal Beeleed ka dhacey Agagaarka Deg. Cadale ee G/Sh/Dhexe.

Latest Headlines