3 Qof ayaa ku Dhimatay Tiro kalana waa ay ku Dhaawacmeen Dagaal shalay Galinkii Danbe ku dhex maray Ciidamada Xisbul Islaam iyo kuwa DKMG ah Deegaanka “Buurta Qowlada” oo u dhaxeysa Baladweyne iyo Ceel-gaal ee Waqooyiga Magaalada Baladweyne.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Dagaalkaasi ay Qaadeen Ciidamada Al-Xisbul Islaami, isla markaana ay beegsanayeen Goob ay ku sheegeen inay isku Abaabulayeen Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah oo damacsanaa inay weerar ku soo qaadaan Magaalada Baladweyne.
Dagaalka ayaa ka dhacay Meel banaan oo aysan wax Rayid ahi ka dhaweyn, waxaana la sheegayaa in Dadka Dhintay iyo kuwa Dhaawacmayba ay ahaayeen labadii dhinac ee Dirirtu dhex martay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac, balse wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay wadaan dhaq-dhaqaaq xoogan walina ay is-horfadhiyaan.
Dagaalkaasi ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka isticmaali jiray wadada Ceel-gaal.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

Related posts:
Shacabka Beledweyne ma aha shacab deggan meel bad ah oo dekedo waaweyn oo dhaqaale kasoo galo leh.
Mana aha qabiil meel walba oo Somaliya ah deggan oo markiba u bara kici karaya,Mana aha dadki raaisulwasaarayaasha iyo madaxweynayaasha dalka soo ahaan jirey oo dhaqaalaha ciidda ka badan ka helay dawladihi hore ee ilaa xornimadi somaliyasoo marey.
Shilin kasta oo dadka beled weyne soo gala waa shilin ay dhib kusoo shaqaysteen.ama wax yar oo qof debedda jiraa biil ugu soo tuuro qoskooda.
Xaaladda dalka Somaliya waxay ka deganaysaa meel halis ah oo aan degganayn isbeddelo badanna xambaarsan.Shalay qabqable dagaal ayaa hardamaayay iyo ururradi SS la baxay maalin maxkamado ayaa talinaaytay maanta dawlad ku meel gaar ah iyo xisbi aya dagaallamaya, berritona waxaan arki doonaa qofki xagga xabbadda u ridaayay oo dhinaca kale u ridaaya.
Waxaan ka codsan lahaa dadka u dhashay reer Hiiraan ee labada dhinac ee dawladda iyo mucaaradkaba ku jira, inay dadkooda uga turaan burbur noloshooda iyo fayqabka dadkoodaba ku dhaca.ayna uga turaan dadkooda dgaallada aan jihada lahyn ee hadba dhinaxc la isu baacsanaayo.waxaan duqoowda iyo wax garadkaba ka codsnayaa inaysan gacnaha laaban quusna noqon ee isku dayaan si xeeladeysan oo dadka nhantidoodaba lagu nabad gelin karo in la helo.Gaar ahaan dawladda ciidankeeda waxaan u sheegi lahaa maadaama dhawr jeer oo magaalada ay qabsadeen ay haysan waayeen wax maalin ka badan in aysan ku degdegin dagaal magaalada ay ka ridaan ilaa inta ay ka hubsanayaan in dawladdu ay ku guulaysatey dalka intiisa kale oo awood u yeeshaan inay haysan karaan meesha ammankana sugi karaan.Haddi kale waxay u ekaanaysaa in borobagaando aad isku muujinaysaan joogitaankiinna aad sabab ugu noqonaysaan baab’a iyo burka dadkiina iyo degaankiinna.
ASC waa fikrad cajiib ah oo qiima badan balse walaalkay C/risaaq faarax waxaan usheegi lahaa inaan isla qirno reer hiiraan waxa dhibka kuhaya waa isla iyaga waayo,kuwa maalin walba itoobiya kasoo duulaya dawladna sheeganaya waa iyaga,hasoo duulaane nabada unbay dumiyaane nabad makeenaan oo inta ay joogaan umadda ay ka dhasheen xax bay kasiiyaan ilayn cadaw bay dabada kuwataane,marki reer hiiraanka kale ee muslinka dabada kuwataahi kaqabtaan umaddana waxay dib ugu cararaan cadawgi itoobiya oo soo diray.marka reer hiiraan hakala doorto ragooda muslinka kuxiran oo wanaagooda kashaqaynaya,iyo ragooda cadawga kuxiran oo dhibkooda kashaqaynaya.