Kooxda Burcad Badeeda ee gacanta ku haya 2 lamaane ee Ingiriiska u dhashey oo dhawaan ay afduubeen, waxay dalbadeen $7Milyan oo madax furasho ah si ay u sii daayaan.
Nin ka mida Burcad oo Jimcihii BBC-da la hadley ayaa sidaa sheegay, waxa kale oo uu sheegay hadii aan dalabkooda laga jawaabin inay dhibaato gaarsiinayaan.
Lacagta ay doonayaan ayuu sheegay inay dhibaad ka tahey dhibaatooyinka kale duwan ee Maraakiibta shisheeye ka geystaan Biyaha Soomaaliya iyo Kaluumeysatada.
Paul iyo Rachel Chandler oo ah 2 Lamaane ee Burcad Badeed u gacan galey Khamiistii ulana dhaqaaqeen dhanka bariga, ayaa codsadey in Burcada laga siidaayo.
Afduubka labadan Qof, waxa uu imaanayaa xilli Biyaha Soomaaliya ku sugan yihiin Maraakiib shisheeye oo ka kala socda 16 dal, sheegtana inay ka dhan yihiin Burcad Badeeda.

Related posts:
Burcad badeed haddi ay ku doodi jireen dalkeenna ayaa ka ilaalinaynaa kallumaysiga xaq darrada ah iyo qashinka warshadaha iyo nukleerka ah ee xeebeeheenna lagu shubayay.
ama ay hunguri ka raadsanyeen doonyaha iyo markiibta ganacsiga ee shirkaduhu leeyihiin.
Bal aan is weydiinnee Reerkaan benshanka noqday ee sida caadada dadka rer yurub ay tahay in qoysku ku riyoodo maalin noloshooda ka mid ah inay dunida doonni kusoo wareegaan.
oo riyadoodi ahayd inay ku muujiyaan kalagacalka ay isu hayaan labadaan waayeel doonnida aysoo kireysteen inay dunida iskula soo wareegaan.
Bal burcadda aan weydiinnee haddi ayadaa ama awoowahaa maanta la qabsado la hayste laga dhigo lacag meqa aya laga heli karaa.
7 malyan maxaa looga jeedaa.
waxaan kula talin lahaa nimankaan inay u fududeeyaan waayeelladaan inay iska sii wataan socodkoodi caalmka ay kusoo wareegi lahayeen oo u rumooba.aysanna magcooda iaga dilin waxaan qiimo lahyn.dhibkana ka dayaan dadka tabarta daran ee wayeellada ah.
Anigu waxaan qabaa in nimankaa xun ee isku sheegaya burcad badeed ay baniiaadanamadii ay dhaawaceen sharaf xumona ay soomaalida u soo hooyeen .
Anigu waxaan leeyahay nimankaa qurunka ah iska sii daayaa dadka masaakiinta ee aad haysataan mana heli doontaan lacagtan aad sheegaysaan .
Ilaahayna wuu idin arkayaa ciqaabna xagga ilaahay ayaad ka heli doontaan dadkaa masaakiinta ah ee aad xoriyadoodii ka qaadeen .
horta burcad badeed waa la yaqaan oo waa daroogaystayaal doonaya waxay daroogo iyo tumasho ku helaan ee maaha niman dal iyo dad difaaca amaba istaahili kara arrintaa oo iyaga ayaa fisqi iyo xumaan dalka ugu filan ,laakiin ninka la yiraahdo abdirisaaq Faarax yaa isaga looyar uga dhigay kuwan la qafaashay see ayuuse ugu doodaa gaalo ilaah ka furatay ,yaase kuwan beeshinka aad ku sheegtay siiyey ruqso iyo fasax u siiyey inay xeebaheenna wareegaan oo ku dalxiisaan ,la yaab maleh oo iyagoo dhan ayaa caadaystay inaanay waxba noo dhawrin bad ,barri iyo hawada intaba ilaa ay gaartay inay barriga ka ugaarsadaan ugaarta dalkeenna taa iska daaye dadkayagaa la ugaarsadaa ee maxaad c/rasaaqoow arimahaa uga doodi wayday intaad habar iyo oday gaalo qurunleey ah u doodayso mise qalinkaa kula leexday
Qof kasta of dulmiya qof baniiaadam ah ama muslin ha noqdo ama gaal ilaahay ayaa ka sareeya oo arkaya ciqaabna la maagan ama ha noqoto mid deg-deg ah ama mid aakhiro, hadaba nimankan aan ilaahay garanayn ee dadka aan hubaysnayn ee wadada iska marayay intay qabteen jeelka ku haya waxaan leeyahay dadkan shicibka ah is sii daaya oo ilaahiinii idin abuuray ka cabsooda, waan jaahilnimo iyo sharaf darro qof miskiin ah oo aan danbi lahayn ayaan madax furasho ka doonayaa. Odayaasha nimankaasi waa inay la hadlaan oo ka sii daayaan dadkan masaakiinta ah .