Soomaali miyaanay isir iyo arlaba wadaagin?
By SomaliMirror on 30 Oct, 2009 8:52 PM in Main, Maqaallo
Axmed C/samad
Waxaa jira sifooyin badan oo dadka mideeya ama ay isku kala xigsadaan, waxaana ugu caansan diinta, dhalashada, afka, dalka, midabka, taariikhda iyo danaha.
Dadka arrimahaas ka faallooda way isku khilaafsanyihiin kan ugu muhiimsan oo saldhigga u ah inta kale, waxayse isku raacsanyihiin in mar kasta oo ay bataan tilmaamaha laga midaysanyahay ay sii xoogaysanayso midnimada iyo xiriirku. Xarigga ugu adag ee ummadda muslimiinta isu haya waa diinta, xariggaas la’aantiisna inta kale qiime weyn ma laha, haddii isaga laga midaysanyahayna inta kale waxay u sii kordhinaysaa xoog iyo midnimo.
Midnimada Soomaaliyeed
Haddaba Shacabka Soomaaliyeed waa bulsho ka midaysan diin, dal, af, dhalasho iyo taariikhba, nolosheeda iyo masaalixdeeduna isku xirantahay. Ma jiraan wax teed ah oo bulshada Soomaaliyeed dhexyaalla noocuu doono ha ahaadee. Qofka Soomaaliga ah wuxuu awood u leeyahay in uu soo daaqo Laasgardafuuy, ka dibna uu ku arooro Hawaash, nurka xigana uu u hayaamo Cali-sabiix, kan ka dambeeyana Laamo, iyada oo aysan jirin cid socodkiisa carqaladaynaysa ama uu turjumaan uga baahanyahay inta uu dhulka intaa isu jira isaga gooshayo.
Sidaas oo ay tahay gumaystayaashii waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidii ay dadkaas walaalaha ah u kalagayn lahaayeen, wayna ku guuldaraysteen ujeeddadaas si kasta oo ay dalkii u kala googooyeen, magacyo kala duwana ugu baxsheen, waxaana ka qeybqaatay fashilinta shirqooladaas dadweynaha oo ku qanacsanaa walaalnimadooda, isla markaasna dareensanaa khatarta kalafogaynta shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo xoojinayey walaalnimadooda iyo isku duubnidooda Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed oo ay ku caddayd midnimada Shacabka Soomaaliyeed, qodobka arrintaa caddaynayana wuxuu u qornaa sidaan:
(Qod. 4aad )
(Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed)
1. Shacbiga Soomaaliyeed waa shacbi mid ah, Jinsiyadda Soomaaliyeedna waa mid qura.
Ma garbaa in aynu is kala soocno, yaase ina kala sooci kara?
Haddaba in loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeed jinsiyado kala duwan oo qaar muwaadiniin yihiin, kuwana ay yihiin ajnabi dhalasho kaliya naga dhexayso ama loo qaybiyo shisheeye dhulku naga dhexeeyo iyo sokeeye aan dhulka nala wadaagin waa xaajo khilaafsan dastuurkii soo jireenka ahaa ee dalka, isla markaasna burinaysa mawaaqiftii taariikhiga ahayd ee rasmiga iyo shacbigaba ahayd, waxayna albaabka u furaysaa in si sharciyaysan bulshoweynta Soomaaliyeed loogu kala furfuro jees jees iyo magaalo magaalo, faraq baana u dhexeeya in shacabka xoog lagu kala faquuqo iyaga oo diidan sida haddaba dhacday iyo in arrintaas noqoto wax qaanuuni ah oo bulshadu ku qanacsantahay.
Waxaa kale oo xusid mudan in aan cidna awood qaanuuni ah u lahayn inay si gaar ah u buriso mabaadi’dii asaasiga ahayd ee ummaddu ku taagnayd, ayna ku heshiisay iyada oo midaysan, ciddaasi ha ahaato beelo ama maamulo ama shakhsiyaade, waxaana jira arrimo iska daa maamul’e uusan baarlaamnka guud ee qaranku go’aan kama dambays ah ka gaari karin ilaa shacabku u codeeyo.
Kala qoqobista shacabka Soomaaliyeed yay u darantahay?
Cidda qur ah ee ka faa’iidaysanaysa kala goynta iyo is-nacsiinta bulshada Soomaaliyeed waa quruumaha ay is hayaan, mana jirto wax maslaxad ah oo Soomaaliweyn ama qayb ka mid ah ugu jirta arrintaas haba yaraatee. Ciddii ku andacoota in kala faquuqiddu dhibayso beelo ama deegaano kale ee ay iyaga qabiilooyinkooda iyo maamuladooda dan u tahayna iyadaa caddayn laga rabaa.
Si kastaba ha ahaatee haddii aan waxba laga soo qaadin masaalixda istiraatiijiga ah ee ummadda Soomaaliyeed, ee kaliya loo fakaro masaalixda gaar ahaaneed ee gobolada ama beelaha ama dadka markaas maamulka haya cidda ugu horreysa ee in shacabka Soomaaliyeed loo kala qoqobo muwaadin iyo ajnabi ku khasaaraysa dhinac walba waa maamulada hadda sida gaarka ah u takooraya dadweynaha reer S/galbeed iyo reer koonfureed; waayo tillaabadaani waxay saamaynaysaa qeyb weyn oo ka mid ah dadka la haybta ah qabaa’ilka dega P/land iyo S/land oo iyagana la oran karo waxaa ina ka dhexeeya dhalasho ee isku dal ma ahin!.
Qodobkii aynu cuskanay soo la inagu qaadi maayo?
Sharciga aynu u cuskanay fongorista qayb ka mid ah dadkeena waa xariiqihii gumaystayaashu dhexmariyeen dadweynaha iyo dalweynaha Soomaaliyeed oo kala qaybqaybinayey hal magaalo, hal beer iyo oday labadiisa bohood. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku hortaagnaayeen kala jaristaan caqiido adag, qaanuun qoran iyo ficil ay ku buriyeen. Haddaba maamulada Soomaaliyeed haddii beelaha ay wadaninimada u diideen qiil uga dhigtaan in aynu wadamo kala duwan nahay soow beelo aan la fogayn Karin xeerku qaban maayo?.
Puntland iyo raadka xeerka cusub?
Ingiriisku isagaa mar isku haystay dalweynaha Soomaaliyeed marka laga reebo Jibuuti, mararna wuxuu gaar u haystay dhulka hadda lagu kala magacaabo S/galbeed, S/land iyo NFD, ka dibna isagaa xarriiqo kala dhexmariyey oo seddex qaybood ka dhigay. Qayb wuu ka baxay, labo qayboodna wuxuu kala siiyay Itoobiya iyo Kenya. Haddaba markii aynu raacno sida Ingiriisku wax u kala xarxariiqay Ogaadeen kaliya shisheeye ma noqonayaan ee dadka degan dhulka u dhexeeya xuduud beenaadka iyo Wardheer ee ay beelaha P/land hayb wadaaga yihiin waxay noqonaynaan dad aan isir wadaagnahay, dalkuna aanu naga dhexayn, Itoobiyana waxay xaq u yeelanaysaa in iyaga iyo Ogaadeen isku si loogu dhiibo, wasiiraba ha inoo ahaadeene; waayo labaduba xarriiqda way ka shisheeyaan, isir wadaagna waa wada nahay.
Haddii beelaha haybta soke la wadaaga reer P/land ay dhalashada jamhuuriyadda ku heleen eheladooda degan jamhuuriyadda sow Ogaadeenka S/galbeed iyana kuma heli karaan eheladooda degan jamhuuriyadda?.
Dhinaca kale xarriiqda Ingiriisku waxay martaa meelo waxyar u wada jira magaalooyinka waaweyn ee P/land, sida Boosaaso, Qardho iyo Garoowe. Haddaba marka la raaco xarriiqihii Ingiriiska waa in dadka woqooyi ka xiga xarriiqdaas loo wada aqoonsado ajnabi, ciddii soo dalbatana loo wada dhiibo, illeyn walxa isku mid ahna labo xugun lama kala siiyo, walxo kala duwana isku xugun lama siiyee. Taa macneheedu waxaa weeye in aysan gar ahayn in xariiqaha Ingiriiska midna sharci laga dhigo, midna sharci daro ama dadka ka shisheeya qaarna muwaadin noqdaan, kuwana ajnabi.
Talyaanigu ma ina midayn karaa?
Sidii aynu soo xusnay xarigga ugu adag ee isu haya bulshadeena waa diinta, ka dibna ehelnimada, dalka, afka, taariikhda iyo danaha. Mugga dadkii reer S/galbeed iyo reer S/land ee intaasiba inaga dhaxaysay haddii ajnabi lagu kala noqday xarriiqihii Ingiriiska ma laga yaabaa in reer P/land iyo reer koonfur ku walaaloobaan Talyaanigii wada gumaystay darti iyada oo wixii kale oo dhan wax tari waayeen?. Haddii Talyaanigu ina midayn waayase sow in Gaalkacyo bartankeeda Customs la dhigo ma aha?.
Gabagabo
Soomaali wax kasta oo dad mideeya ayaa ka dhexeeya, dhab ahaana way ka midaysantahay wax kasta oo aan maamulada u kala taliya ahayn. In la kala soocana gar ma aha, wixii Soomaali oo isku duuban ay wada go’aansatayna ma jirto cid gaara oo kaligeed burin karta. Sidaas oo kale ma jirto cid Soomaali ah oo dani ugu jirto kala goynta shacabka Soomaaliyeed ee beel kasta iyo deegaan walba way dhibaysaa. Haddii kala sooca qiil looga dhigo xarriiqihii gumaysigana dadka loo dan leeyahay kaliya ma saamaynaysee dad in laga soo reebo la jecelyahay baa soo galaya. Haddii la isku dayo in ehelada qaar ku fakadaana qolo walba jamhuuriyadda ehelo ay ku gabbadaan waa u dagantahay. Mar haddii xarriiqihii Ingiriisku Soomaalida woqooyi iyo tan galbeed ina kala sooceen xarriiqdii Talyaaniguna ina midayn mayso.
Haddaba waxaa ina la gudboon waqtiga xun ee la marayo iyo cadawga ina ka taagroonaaday dartood in aynaan uga tagin mabaadi’dii aasaasiga ahayd ee Soomaaliyeed iyo masaalixdeedii istiraatiijiga ahayd. Haddii maamuladu xammili waayaan cadaadiska Itoobiyana ma aha inay ummadda majara-habaabiyaan ama ay jiirta markaas kaga gudbaan tanaasulaad khatar ah ee waa inay la yimaadaan xeelado iyo farsamooyin ay xeegana ku xagtaan ilkana ku nabadgalaan, dadkoodana ay la kaashadaan sidii ay dabinada uga bixi lahaayeen. Ninkii u bareera inuu meel ka dhac sameeyana waa in aanu khaladkiisa falsafadayn ee uu ku gaabsado gafka kaliya. Ugu dambayn nin walba, reer walba iyo deegaan kasta iyagaa qoraya taariikhdooda, aakhirana waa dambaysaa, waana la doogine yaan la dacaroon.
Daabaco

Saaxiib Soomaali kala socotay oo way kala irdhowday, qolo walba waa in meeshood hagaagsadaan oo is maamulaan. Markaad belaayo aad ka shaqeyso way kugu soo laaban ee ogow, dan xumada aad ka maleegto Koofurta iyo galbeedka Soomaaliya waa ku daba joogaan.
Said | Oct 30, 2009 | Reply
khayr ALLAHA haku siiyo shiikh a. c/samad runtii waxaa ka muuqda hadaladiisa qiiro iyo dad iyo dal jacayl runtii waxaan islahayn furoole waa madaxwaynaha puntland oo in badan buu dhaamayaa maamuladii ka horeeyay laakiin waxaad moodaa in aan arinkaasi waxba ka naasacadaan, somali galbeed waxaa daga qabiilooyin badan oo ood wadaag la ‘ah reer puntland (daarood) sida shiikhu sheegay waa maxay sababta reer khalaf reer bicid yahan, reer maxamud, leelkase, iyo qabiilooyin kale aan ethiopia loo gacan galin ee bartilmaameedku yahay kaliya qabiilka ogaadeen sida shiikhu sheegay taas waxaa ka saamaxaysa waa reer puntland qabiilooyinka kale marka laga reebo ogadeen oo asagu aan ka mid ahayn reer puntland laakiin ah s/ galbeed, war mala ilaaway sida sheekhu sheegay diintii dadka ka dhexaysay, afkii, dhaqankii, dhalashadii, hadaanu nahay reer puntlandka ku nool qurbaha waxaan canbaaraynaynaa waxii ayaan tii dhawayd ka dhacay puntland oo loogaystay walaalahayo s/galbeed waxaase hadal iga raacay waa la doogine yaan ladacaroon???
waxaan u gartay islaamiyiinta ayaa puntland la wareegaya ama hawga yimaadeen konfurta ama howga yimaadeen puntland dhexdeedee ilaahoow saani si maahee sida noodhaan waan isduleynay hadaan nahay reer puntland waxaana wax loo dul qaadan karo maaha
maxamed | Oct 30, 2009 | Reply
aad buu u mahadsanyahay walaalku
cale geeddi | Oct 30, 2009 | Reply
maashaa alaah salaan aad u saraysa ayaan qoraaga u dirayaa iyo boga somalimirrorba a/c.
salaantaa ka dib waxaa horay loo yidhi (khaanadaha waxunbaa ku hadhsan!, ragiina wali waxbaa ka hadhay!!).
axmadoow alaha ku dhawree walaalkay ayad tahay dhan kastaba qabiilkaad doonto noqee, hadana askari ayaan kuu noqon lahaa ikraah la,aan!! war ina adeeroow intaynaan xariiqyadaad sheegtay ku kala tagin untana laga aqbalin, maad inoo iclaamisid xisbigii midnimada soomaaliyeed ee caqli iyo cilmi ku jiidhi lagaa caada qaatayaasha aan xishoonayn ee dabaqoodhiga ah ee qabaailkii nasabkaa la dursaartay? waa su,aal kaliya aadna waad u mahadsantahay. w/c
aw nuuriye | Oct 30, 2009 | Reply
sheekh war fiican waad qortay lkn soomaali iyada is kala faquuqaysa nin walba meel ayuu isku dhajiyay Puntland haday sidaa garatay aduunku inta ay ka joogaan ma ahan meel kasta looga badan loogana xoog badan tusaale kenya hadii uu dhibka uu wado maamulka puntland sii socdo wuxuu gaadhi masaakin puntland u dhalatay oo keenay ka xamaatalada in iyagana kenyanka lagu diro nala dhoho waa argagixiso oo koonfurta ayay ka yimaadeen taas o ka dhigan qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa
aynu aragno bal halka ay xaajadu gaadho
Wadahaye | Oct 30, 2009 | Reply
WAX GARAD WAX GARAD DHALAY . OO INA WASIIR IS TAAHILA AR IGAARKU MUXUU XEEL DHEERE YAHAY . YAASE LA FAHMAAYA QADIYADA UU KA HADLAAYO
JAAMAC DOOLI | Oct 30, 2009 | Reply
Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaalkayoow. Su’aashuse waxay tahay dadka damiirka wanaagsan leh ee soomaaliyeed sidaadoo kale diyaar ma u yihiin in ay hadalka ficil u badalaan oo cadawga uga hiiliyaan walaalahooda dulman oo ay taageero hagar bax ah u fidiyaan halganka ka socda Ogadenia? Haddii jawaabtu maya tahay wixii la qoro ama lagu hadlaayi waa uun “shimbirayohow heesa, hees wanaagsan heesa!”
Geelle | Oct 30, 2009 | Reply
QABYAALAD,JAHLI IYO DABA DHILIF IS BIIRSADAY AYAA HALKAAN SOMALI DHIGAY SIDOO KALE QARBIGA DANTIISA TAADA MA AHAN, CIILOOW WAYEEY TALO XUMAAN CUDUR KA WAYNAYNE, KII DILAY AYAY SOMALI MACIIN KA SUGAYSAA!!!!!!!
Idiris | Oct 30, 2009 | Reply
If it is true that puntland government has handed some somali people from Ogaden to Ethiopia is not acceptable for any healthy minded human. I am origin from Puntland and cannot understand why the puntland government handed flow somalis to our common enemy.they could put him in prison if he done something against puntland laws or he may want to do unlawful activities.I can not see any difference those who from ogaden and puntland that they get different treatment if they commit crime because they are all somalis, muslim, may be kablalax, darood, so the leadership in puntland are idiots who can understand fear and interested in money from the enemy of somalia.the flow brother from ogaden do not treat people from puntland as those leaders in puntland so you commit same crime as we condemed them.
wabillahi tawfiiq,
abdirisag f.g
abdirisag | Oct 31, 2009 | Reply
Asalama calaykum.
Waxan u qiraya Axmed Cabdisamad in u yahay qoraa leh xigmad iyo garasha dheer, aadna ugu weyn tahay wax u sheega iyo tusaalaynta dadka u ka dhashay oo Soomaali ah. Balse nasiib xumada jirta inta fahmi karta ama qoraalkan intay akhrisato saameyn ku yeelan karto ayaa ka yar 3.6 % hadii la badiyo. Balse Sheekh Axmed marna ha ka daalin dadaalkaga iyo qoraaladada waxa dhici karta in ay kuwa hada jooga ama kuwa ka danbeya wax u tartee. Waxan sido kale u mahad celinaya bahda reer Somalimirror oo sido kale ku mahadsan in ay umada u so gudbiyan qoraladan oo kale.
Wabilahi atawfiiq
Dalmar | Oct 31, 2009 | Reply
Asalamu calaykum
Aad ayuu u mahadsanyahay sh. axmed c/samad allaahna waxaan uga baryayaa inuu miisaankiisa xasanaadku ugu daro qoraalkaas diinta iyo xikmadda xambaarsan.
sh. axmed waa caalim, waa caaqil waana waaqici isaga oo kale ilaahay umada ha noogu badiyo.
Mawduuca sheekhu qoray waxba ugama uusan tagin waxaanse rabaa inaan wax yar halkaan ku xusuusiyo walaalahayga reer b/landwaxana leeyahay soomaalidu waxay ku maahmaahdaa magac iyo musiibaba maalin ayay baxaan,puntland reer reeraha soomaaliyeed ka mid ah oo taariikh wanaagsan oo cariiq ah leh ayaa dega soomaalina ku taqaan xadaarad qoto dheer, maantase waxa ka socda oo ah in dad muslimiin ah,soomaali ah, hadii hayb la yiraahdana ay hayb isu xigaan in cadaw taariikhi ah oo diin ahaa iyo dad ahaan iyo dal ahaanba noola col ah, arintaasu waxay keenaysaa in taariikh xun ay ka harto dadkaas walaalaha ah,nasriga eebbe waa dhawyahay itoobiyana waa jabaysa insha allaah laakiin taariikh ayaa haraysa, waxaan dhihi lahaa in la is daba qabto, dadka reer puntland inaysan sumcadda uga ciyaarin dad aan taariikh,diin,dad iyo daltoona u danaynayn, mana la aqbali doono cudurdaarna ma noqon donto dawlada ayay waxaasu ku egyihiin, dawladda waxaa doortay culimada, salaadiinta,boqorada iyo wax garadka intaba.
muxsin | Oct 31, 2009 | Reply
Asalamu calaykum
Aad ayuu u mahadsanyahay sh. axmed c/samad allaahna waxaan uga baryayaa inuu miisaankiisa xasanaadku ugu daro qoraalkaas diinta iyo xikmadda xambaarsan.
sh. axmed waa caalim, waa caaqil waana waaqici isaga oo kale ilaahay umada ha noogu badiyo.
Mawduuca sheekhu qoray waxba ugama uusan tagin waxaanse rabaa inaan wax yar halkaan ku xusuusiyo walaalahayga reer b/landwaxana leeyahay soomaalidu waxay ku maahmaahdaa magac iyo musiibaba maalin ayay baxaan,puntland reer reeraha soomaaliyeed ka mid ah oo taariikh wanaagsan oo cariiq ah leh ayaa dega soomaalina ku taqaan xadaarad qoto dheer, maantase waxa ka socda oo ah in dad muslimiin ah,soomaali ah, hadii hayb la yiraahdana ay hayb isu xigaan in cadaw taariikhi ah oo diin ahaa iyo dad ahaan iyo dal ahaanba noola col ah oo waliba cadaw gumaysto in intii ka soo fakatay gacanta loo geliyo,arintaasu waxay keenaysaa in taariikh xun ay ka harto dadkaas walaalaha ah,nasriga eebbe waa dhawyahay itoobiyana waa jabaysa insha allaah laakiin taariikh ayaa haraysa, waxaan dhihi lahaa in la is daba qabto, dadka reer puntland inaysan sumcadda uga ciyaarin dad aan taariikh,diin,dad iyo daltoona u danaynayn, mana la aqbali doono cudurdaarna ma noqon donto dawlada ayay waxaasu ku egyihiin, dawladda waxaa doortay culimada, salaadiinta,boqorada iyo wax garadka intaba.
muxsin | Oct 31, 2009 | Reply
Waa maqaal xiiso leh oo eey ka muuqato macaanka midnimadu iyo soomaalinimada asalkeeda, laakiin Bari iyo waqooyi ayaan u maleeynayaa in eey Dan utahay in eey soomaliya Kala daadsanaato, Bari wexeey taagantahay AMA aan idan xukun Ama midnama la’aan, woqooyina waaku waa calankii gubay oo ictiraaf aan jirin raadinayo, anigana waxaan aaminsanahay inaba hayaraatee qabiilada gacan siiyay gumeeystaha in aan xukun loo dhiiban in eey ka qeeyqaataan mooyee,ilaahay quluubteena ha isku sharaxo.
Nabad | Oct 31, 2009 | Reply
ADEERYLOW SOMALILAND FARAH KAL BAXA WAXAAN WAXAA KA BADAN MIYAN IDIIN L DAGALAN MAR LABAD SOMALIB ADUNKA HA LAG WAAYE ADEERYLOW WAXA DHIBTA DAD REER SOMALILAND IDIIN MA GAYIISTAN EE IDIINKU MID HABAR MID YUHUD KU SHEEG MID MAMULKOOD KA SOO HO JEEST WAR SIDAN WAA KHALAAD EE BAL SOMALIYEEY WAXAA SAX HAAAA LAYIIDANK ARAAK TA LABAAD AAD IYO AAD AYAAN UGU SOO HOR JEEDAN IN UMAAD ISLAAM CIIDU DOON AHAA AHAADE GAALO XUN GACANT LOG GALIYO TAASI WAXAA WAXAA LAG MURUGOOD MARKASI LAKIIN WAXAA KU XUN NINKA MALIIN WALAAB UMAAD ISLAAM KU SHEEGAY GALO IYO REER BINU ISREAL TAASI KA WARAM YAAD SOW WAXAA LAG XUMAADOMA AHAA
somalilader | Oct 31, 2009 | Reply
Masha Allah, walaalkas Alle swt ha xifdiyo hana ka abaal mariyo baraarujintas.
Dalmar | Oct 31, 2009 | Reply
asalaamu calykum
ilaahay haku abaaliyo sheekha, arinkaan waa arinka taagan meelo badan oo soomaaliya ahna wayka jirtaa, ilaahay amarkii waagii hore qofka qayrumasuulka ah ee aan waxbo astaahilin ayaa ficilada foosha xun ku kici jiray, bal in taladanadu dulawday ayaa idiinsheegine meel walbo oo soomaliyi degto maanta waxaa madax noo noqday gaangaystaro dhaqanlaawe yaal ah oo qaarka mid ahba masuuliyadii caruurtiisa iyo xaasakiisiiba gabay oo aan waxbo u hayn, inta wasiirada u ahna waa kuwo isaga kasiidaran, waxaakaloo layaableh danaha caamka ah waxaaka shaqynjiray dadka afkaarta caamka ah axanbaarsan ee inuu dadkiisa wax u qabto ku taamayo. hadana waxaa badalay mid uun ka fikirayo caruurta seed meeshaan ooga biilataa sideedguryo iyo lacag badan ku heshaa meeshuna waa meeshii umada loogu shaqaynayey ilaahayoow hana dulayn,waxaase su,aal mudan inaanu iswaydiino bal nin mas,uulah mama madaxweyne ama wasiir amaba kahoose ma wuxuu waayayaa wuxuu cuno oo si sharafleh ku qaato. waxaanu indhaha saaray nin madaxweyne sheeganayo ama wasiir oo umad u dhaartay ooka baqayo inuu gaajo u dhinto oo uu waayo wuxuu cuno. waana taas mida keenayso talaabooyinka fooshaxun ee ay madaxdeenii ku dhaqaaqday, waxaa qoorta naloo galiyey oo masuul noo noqday kuwii xabsiyada ku uri lahaa haduu sharci jirilahaa.
arinkaana dulmi naguma aha ilaahna nama dulmine waa waxaanu kasbanay maxaa yeelay soomaaliyi wax ha qaybsato markii la yiraahdaba qolo walbo waxay soo hormairas kii habaarqabaha ahaa ee muslimiintu wadadaka mariwayday.
waxyaabaha ay u dulqaataan ee ay gaaladu soo farto waa wuxuusan u dulqaadan ninwaxyaroow ah oo cidiisa xaabada usoogado, waa wax uusan u dulqaadan qof muslim ah iska daaye xataa cawaandi waxay u dulqaataan.
ilaahayoow waanu ku barianaye madaxdanada noo hagaaji oo cisi iyo karaamo quluubtooda ku shub oo tus waxa ay yihiin.
xasan | Oct 31, 2009 | Reply
Masha Allah qoraal fiican. Haddii Xisbul Islaam iyo alshabaab ka hadli lahaayeen Soomalidu inay tahay mid qura cantarabaqashkan magacyada leh sida Somali land, puntland iwm dadku way fahmi lahaayeen.
Jihaadka socda maanta waxaa ka maqan qidaab siyaasi oo adkeeya midnimada Somaliya.
Shariif waxaad moodda meelaha uu marmaryey inuu ku guuleystay in magacii Soomaliya uu dib u soo celiya walow uu daba dhilif yahay. Waxa la dhaho Soomaliland ay tahay mid ugu daran ee dharbaaxo ku dhacday oo shariifku meelwalba dhigta safiir.
Xaqiiduse waxay tahay Somaliwayn waxaa soo celin kara qidaabka Siyaasiga ee mujaahidiinta iyo inta raacsan oo wata qori iyo qalin iyo xamlo wacyi gelin ah.
Cali Guure | Oct 31, 2009 | Reply
waxaa ka mas’uul ah kala qoqobka ummada soomaaliyeed kooxyo diimeedka ku dhisan danaha shaqsiga ah ee ku dadaalaya sidii ayan dadka isugu imaan lahayn , gaar ahaan yaaney nabad ka dhicin koonfur , waa tan xasan daahir uu saaxibadii ku eedaynayo inay qabyaaleystiyaal yihiin , shukran weebabka u khidbeeya xagjirada
faarax | Oct 31, 2009 | Reply
Ahmed C/Samad,
Saaxiib, bal, yara feker oo dib ugu noqo xaqiiqada ka jirta su’aashaadii ahayd sidatan:
“Soomaali miyaanay isir iyo arlaba wadaagin?”
Waxaanan su’aashaas aad maqaalkaaga cinwaanka uuga dhigtay aan soo qaatay maadama ay jirto muran dhuleed ku saleysan QABYAALAD IYO ISIRNIMO oo ay wadaan Reer Puntland gaar ahaan Beesha Harti ama Daarood kuwaasoo ku dooda in degaanada Sanaag-Bari, Sool-Bari iyo Degmada Buhoodletan ay Isir ahaan ka soo jeedaan Puntland, sidaas daraadeed, waa in ay ka mid noqdaan maamul goboleedkaas ku dhisan Isirnimada halka, Somaliland ay ku doodayso in dhulka iyo qaranka Somaliland uu ka dhexeeyo dhamaan beelaha wada dega oo aaney Beesha Isaaq si gaar u lahayn ama u sheegan karin sidaas nabad lagu wada noolaado wax la wada qabsado oo meel looga soo wadajeesto danaha ummaa iyo dalka.
Murankan Isir ahaaneedna kuma koobna oo keliya Puntland ee wuu ka jira xita dhulalka Somaliyeed oo dhan sida Somalia, NFD, Somali Galbeed, iyo DJibouti.
Haddii aan hadalka kuu yara jilciyona, jawaabta su’aashaada bal, horta, waxaad weydiisa Harti Koombe ama Kablalax ama Darood inay Somalidu isku Isir tahay iyo inkale intaaney beelaha kale sida Isaaq, Hawiye, Digil iyo Mirifle, Jareer Weyn, Barwaani, iwm kuu jawaabin.
Guul iyo Gobanimo.
Mr. Halgame | Oct 31, 2009 | Reply
Asw salan kadib walale AXMED C/SAMAD
waad mahadsantahay sida ay xigmada kudheehan ee aad ugu caqli celisay ciday wanadu waxtarayso.
walaale ,hadan kahadlo xalada hada tagan waa mid aad iyo aad qatar u ah wayo shacabkii somaliyeed ayaa noqday xoolo lasuuqgeeyo oo lagu kala tartamo si loogu kala hormaro iibsigooda, marka waxan dhihilahaa ninba waa maalintiisa ee dadka s/gelbeed haday manta dhib kujiran arintu way meeri doonta oo sida hooska geedka ayaay noqon ee waxaan leeyahay halays daba qabto oo qabiilada hataan dhulkooda dadka lagu dhibaataynahayo ha kadhiidhiyeen waxa manta ay samaynahayan kuwa ayaga matala .
ugu danbayntii waxaan arkahaya nin leh qaniiya qaniiyaa kaafujisa taasna waa mid ubahan inta hada fikirkaas qabta dadka laga qabto haddii kale way fadarayndoonan umada waalalah ………………… axmed waad mahadsantahay walale ilah ajar aan lakoobi karin hagaasiiyo waxaana kudhihilahaa siiwad baraarujinta walaal ,,,,…. ASW.
amin | Oct 31, 2009 | Reply
Mr.Halgame,walaal,
A.Cabdisamad ma uusan ku eedayn qbyaaladda
inay qolo gaar ahi isticmaasho.
Waa arin aynu wada ognahay in Soomaaliyoo dhan
ay si xun u isticmaasho.
Murtida hadalka Cabdisamad waa Soomaliyay aynu
ka waynaano Qabyaaladda iyo mashaariicda yar yar
ee qibiliga ah, taasoo ina badday in marka qabiil Soomaliyeed iyo mid kaloo Soomali ahi is qabtaan, mid ama labadaba isticmaar iyo ajnabi isu adeegsadaan.
Dhibtaas masuuliyaddeda shacabka ama raaciyada ma laha, ee waa arin uu masuuliyaddisu qaadayo
hogaanka ummadi leedahay.
Somaliyana kali kuma aha kumana ahanayso kala furfuridda ummadda iyo iska hor keenkeeda, ee
mantiqadoo dhan dunida muslinka haba ugu badnaatee buu damacsan yahay isticmaarku inuu
kahirgaliyo, inkastoo Soomaliya aad ugu najaxeen.
Qofka caadiga ee aan garaadkiisa siyaasiga sidaa
u sii buurnayn ma agaran karo in GACAN DAHSOONI
ka dambayso is nacaybka iyo kala shakiga la dhex dhigay umadda.
Waxaa la doonayaa inay inaka soo dhex baxaan
RAG GEESIYAAL ah oo hamigooda aad uga wayn yahay
mashruuca yaree qibiliga ah.
Waa ku mahadsan yahay qoraaga Cabdisamad jidkaa cusub ee fikriga ah ee uu jeexay, waxaan rajaynayaa in qorayaal kalana ku daysadaan.
farah | Oct 31, 2009 | Reply
war intat ku meeraysanaysaan somaliaiyo putland iyo somaliland mad ka hadashaan dantiin sabto ah ma jirto cid aad wax qabanaysaanin aad isku dirtaan mooye isla yaab ilaahay baa rag inga dhibay hadii aad haysaan wax soomali wax u taray soo qora laakiin iska daaya qab yalada horta maxaa lo waayey nin qudha oo danta soomali caadi uga hadala iska oo aan qabiil soo qadanaynan illaahay ka baqo iska daaya magacan daba so cotaan wabilaa towqiiq
cabdillahi | Oct 31, 2009 | Reply
Asc bahda wax akhrisa e somaliyed
dhibaatada ina haysata waxaa weeye, bulshadu 90 % ilaa hadda waddadii toosneyd ma haleelin, xornamada maalintii la qaatay ayaa hoggaankii jirey qardo jeex galay Walina qarda jeexii ayan ku jirnaa. Dalka iyo dadku waxay u baahan yihiin maskax fayow oo ilaahay ku kalsoon oo dadka waddada toosan dib ugu soo celiya, kana saara edagsada gumeystuhu doonayo, in uu dharar nagu xiro, maskaxda hala furo yaa maali jirey ayey mareysaa. Maanta 3 ayaa loo baahan yahay hoggaan daacad ah, xoog daacad ah, hiil iyo hoo bulsho.
Waddani | Oct 31, 2009 | Reply
Aad baan ugu mahadcelinayaa figrada wanaagsan ee sheekha
haduu faroole ku dayday riyaale waxaan lee yahay farooloow waxaan moodaynay inaan wax aanan isu ahayn riyaale isu nahay
marka filo wixii aan isla marnay ree waqooyiga
c/xakiin | Oct 31, 2009 | Reply
ASC
Diinta ha lagu noqdo, Allehna ha laga runsheego, kuwa hadda arrinkaa ku dadaalayaana aflagaadada ha laga daayo.
Qof yaaban | Oct 31, 2009 | Reply
Aslama calykum ? Shiikha khayr alle hakasiiyo qurmadan aadna waan ujeclahay fikirkiisa toosan ee kuqotoma diinta iyo xigmada, waxaan dhaliil usoojeedinlahaa shiiqa qoraalkiisa inuu usoogubiyo qaab wadaadnimo iyo diinu kudheehantahay Halka uu hada uhadlayo qaab wadaniyeed meelaha qodobada dastuurkii dowladii cilmaaniga ahayd uusooqaatahay waxaa fiicnaan lahayd in uu aayado quraana sooqaato.!!!!
Nuux | Nov 1, 2009 | Reply
SOMALI CAQLIGA SALIMKA AH MA KAASHATO OO DANTEEDA IYO CADOWGEEDA MA TAQAANO!
Marka laga reebo, wixii aanu inagu isu kala geysanay, waxa Somali isu kaashaday oo mudo dheer burburkeeda iyo bahdilaadeeda ka shaqeenayey dalalka deriska gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Uganda; waxaaney Somali garan la’dahay inay saddexdaas dal ee nacabka ahi ay ku bareejeyso saddex qaran oo walaala ah oo Somaliyeed oo ay geyigan Geeska Afrika ka taagaan kuwaasoo kala ah Somalia, Somaliland, iyo Djibouti taasoo keeni lahayd in marka hore aanu talo iyo awood ku yeelano Urur Goboleedka IGAD inagoo weliba kaashanayna dalka Islaameed ee Sudan ee aynu walaalaha nahay iyo Eritrea-ba; waxaanan hubaa in iyadoo aaney xitaa dhiig dambe ku daadan ay Somali Galbeed iyo NFD iskood u xoroobi lahaayeen maadama labada dal ee hada gumeysta ay burbur ummad ahaaneed, qaran ahaaneed, iyo dal ahaaneedba ay hada fooda u saaran yihiin oo weliba kii inoogu darna ee Ethiopia uu si weyn u daciifay oo uu maanta bad xidhan yahay kaasoo dantu keliftay inuu u adeeco cashuuraadka xad dhaafka ah ee ay ku soo rogtay dalka Somaliyeed ee Djibouti si uu dekadeeda uu wax uugala soo dego mararka qaarkoodna uu wax kala soo dego Dekeda Berbera ee Somaliland. Bal, ka yara feker sida uu u wiiqmay iyo sida fudud ee hada loo go’doomin karo ee ruugaga dhulka loogu soo dhigi karo wax kastana loo marsiin karo nacabkeenaas soo jireenka ahaa.
Waxa se ayaan daro ah in Reer Somalia iyo Reer Somali Galbeed, ay dantooda iyo danta Somaaliyeedba aany aqoon oo ay weli dabada hayaan mabda’ii gaboobey ee Somaliweyn ee gabalkiisu dhacay ee calamka oo dhami inagula coloobay iyadoo mabda’aas sidan aan kor ku sharaxay looga soo wareegi karo oo shantaas Somaliyeed si kale oo fudud loo wada xoryn karo oo marka ay wada xoroobaana ay sameysan karaan ururka SOMALI UNION (SU) sida ururka EUROPEAN UNION (EU) iyadoo ay mid waliba qaran iskeed u taagan yahay oo ay ganacsiga iyo isu socodka ummadaha Somaliyeed isu furan oo ay xitaa sameystaan hal lacag sida SOMALI DOLLAR sidaasna ay ku kobciyaan dhaqaalaha umadahooda iyo dalalkoodaba laakiin, waxaan xadarada iyo horumarka heerkaas ah aan lagu gaadhi karin qabiileystayaasha Reer Somalia iyo Reer Somali Galbeed ee la soo taagan uun weedhaha iyo kelmadaha foosha xun sida SOMALI DIID IYO IDOOR taasoo keentay inuu cadow aad u daciifay uu weli sida uu doono uu Somalida ugu leexeysto.
Haddi aad dooda u rogto dhinaca DIINTA iyo SHAREECADA ISLAMKA in la isku xukumona, waxa ay midaasina ku guuleysan kartaa habkaas aan ka soo sheekeeyey ee yaan lagu daba lumin DIIN IYO SHAREECO LAGU DABAQAY MABDA’II SOMALIWEYN EE GOBLAMAY.
Hadal iyo dhamaantii, ama yaqiinso ama ha yaqiinsan ee badbaadada Aadnimada, Diinta, Dhaqanka, Ummadaha, iyo dhulalka Somaliyeed sida Somalia, Somaliland, Djibouti, Somali Galbeed, iyo NFD, waxay ku jirtaa in caqliga saliimka ah ee Eebe inoogu deeqay la kaashado oo bal, marka hore, la isla wada garto danta Somaliyeed cadowgana meel looga soo wada jeesto oo la wada aqoonsado in Somaliland ay tahay qarankii saddexaad ee Somaliyeed ee Geyiga Geeska Afrika kaasoo isna heshiisiin doona ummadahaas Reer Somalia iyo Reer Somali Galbeed ee isku foogan cadowguna uu sida baas ee waxaashnimada ahi uu dhinacyada uga rifaayo iyo halaagaas baaxada weyn lehi ee ay ku sugan yihiin.
HADDII ARRINKIINU SOMALINIMO IYO ISLAMNIMO TAHAYNA, WAA TAAS TALADII EE AMA KU DHAQAAQA AMA SIDIINAAS ADOONTAAS KENYAANKA, UGANDHEYSKA, BURUNDIYAANKA, TIGREYGA, IYO XULUFADOODA MASIIXIYIINTA AHI HA IDIIN SII RIF RIFEEN WELIGIIN.
Guul iyo Gobanimo.
Mr. Halgame | Nov 1, 2009 | Reply
KUWAAN WAXAAYI KU WASHEEN SOMALILAND HURUUDO LA AAN AYAA NIMAANKAN KO KA DHIIGATY SOMALILAND BAY KU HADAQAYN SOMALILAN WAAYO HORT MA MAANTA AYEEY SOMALI NOQODEEN MARKII JASIIR IYO XAMAR LAGU XASUUQAYEY YAAAAAAAA AHAAYEN MALIINTAS SOW SOMALI KHALADAN MA AYII AHAAYI IYO MAHAMARYOW QUDHKA AAD TAHAYI WAS KAL MA ADO LA MID AHAA WAR XISHOOD DANHIIN RAAC SOMALIEYEY SIDAASI AYAAN IDIIN LEYAHAY
cunaye | Nov 1, 2009 | Reply
a/c/w
waa arin aad iyo aad uqoto dheer oo ubaahan in cidwaliba akhriso oo soomaali sheeganaysa aadna loo fahmo qoraagana waxaan kula talinayaa inaadan dayn qoraalada noocan ookale ah
c/laahi | Nov 1, 2009 | Reply
Asalamu celeykum
Marka Ugu Horeyso Qoraga, Somalimirror iyo Dadweynaha wad wada salaman tihin
Wallayaal Aniga Waxaanba Ka Cabsana Ineeynu Noqonobo Qolodi U Ka Hadlay Nabiigeeni Subana SCW- Ee U Yiri Waxaa Kacbada Dumin Doono Qolo Ka Imaatay Ardulxabash, Sida Aanu wada Maqalnayna Buundada Laga Sameyn Rabo Jabuuti Midaasna waa Midi sahli laheyd.
Wallaalayaal aan Illaah ku Labano Oon danbi dhaaf warsano Midaas ayaa Kuligeen No qeyr Roonee.
Hadeynu Nahay Islam Xariiqin Iyo Xaduud Intaba Ma Lihin
Ee illaah an ku laabano waa ino wada dan midaas
Hore lo yiri amiinta ducadiyo alabariga moye waxkale ma heynee
O Allah, forgive me all of my sins, the small and great of them, the first and last of them, and the seen and hidden of them.”
M Muse | Nov 1, 2009 | Reply
Ac
Sheekh waad ku mahadsan tahay qoraalkaaga iyo sida aad u jeexjeexday xiriirka Soomaali.
Waxaa jirta in ficil ahaan uu xun yahay P/land arinta ay sameynayso waxaase isweydiin mudan waxa ku kalifaya in ay sameyso ficilkaas oo baxthi aad ku sameysaan. Waxaa kaloo baxthi u baahan qabiilka Ogaadeen iyo Harti waxay si foolxun ugu hordameeyen magaalada kismaayo marka ma isleedahay in ay jirto in aysan isu caloolfayoobeyn labada beelood inkastoo ay walaalo yihiin hadana ma jirtaa in loolankaas uu sababay in aanan lala simin kuwo kale oo dega S/galbeed. mise jirtaa in P/land aysan aheyn cida ka danbeysa afduubka walaalaha ee ay jiraan calooshood u shaqeystayaal iyo dawlada ethopia oo arintaas si awood sheegasho ah P/land iyo S/landba aysan waxba ka qaban karin maadaama ONLF iyo ethopia ay dagaalamayaan.
Aaran | Nov 2, 2009 | Reply