Gudoomiyaha Xizbul Islam, Sh.Xassan Daahir Aweyn oo maanta Salaadi Jimcada kadib Muxaadaro ku qabtay Masjidka Abu-Hurayra ayaa ka hadlay Arrimo farabadan oo ku saabsan Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira Dalka Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Sh.Xassan Daahir ayaa Gaashaanka u daruuray Warka ka soo baxay Afhayeenka Xisbiga ee uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadalka ay ku baaqday Dowladda Liibiya taas oo uu ku tilmaamay War ku kooban Ra’yi Shaqsi isla markaana aan ka turjumayn Go’aamada Xisbiga wuxuuna yiri “ warkaas war nin waaye war jamaacana maaha mana ka soo fulin waa ra’yi shaqsi ku kooban, waana laga yabaa in sida uu u waday iyo sida loo qaatay ay kala gadisan yihiin”.
Sheekha ayaa Muxaadaradiisu waxay u badnayd dhinaca boorinta in lala dagaalamo Ciidamada AMISOM oo uu Dagaalkooda ku tilmaamay mid Waajib ah isla markaana qofkasta oo awooda looga baahanyahay sida Salaadda looga rabo oo kale isla markaana ka haritaankiisa lagu danbaabayo.
Sh.Xassan ayaa isweydiiyay waxa Dagaalka ka reebay Culumadda uu ku tilmaamay Ah-lu Saxwa & Towxiid wuxuuna ku fasiray in sababtu tahay Caadifo Qaloocan oo dad badan ku jirta daraadeed in ay Jihaadka uga fariisteen Caadifadaas oo uu ugu magac daray mid qabyaaladeed ee aan diinta sal ku lahayn wuxuuna yiri “waa ijmaac Culimada islaamku ku kulansan tahay in qofkii Gaalada Muslimiinta uga hiiliya oo kaashada uu islaam nimada ka baxayo, waa ijmaac weyn marka Caadifad miyaa lagu qaadi karaa mise fiqhi qaloocday, Caadifadda aan afka ku balaariyee waa Hawiyiisim iyo Iririisim, marka waxaas cilmigii ilaahay lagu dhuminayo sax maaha” Wuxuuna intaas ku daray in qofkii gaalada iyo cadowga la socda uusan koofiyad islaam ku ahaanayn.
Sh.Xassan ayaa diiday in dagaalka hadda socda uu yahay mid Fitno ah balse wuxuu ku tilmaamay mid waajib ah asaga oo sheegay in uu xaaraam yahay dagaalka dhex mara muslimiinta balse wuxuu ku tibaaxay in dagaal Muslimiinta dhex mara uusan keenayn in dagaalka Waajibka ah ee uu ku tilmaamay kan AMISOM iyo DKMG ah laga tanaasulo wuxuuna booriyay in dagaalkaas laga qayb qaato kan Xaaraanta ahna laga dheeraado.
Sh.Xassan ayaa khaladaadka ka dhaca saaxada ku sheegay in ay sabab u tahay culimadii oo aan ka qayb qaadanayn Dagaalka taasina ay sabab u noqotay dhalinyarada oo aan cilmi badan lahayn ay ka dhacaan khaladaad ayna culimadi ku tuhmaan in ay dhinac ka yihiin.
Sh.Xassan ayaa Xaaladda caalamka islaamka guud ahaan ku tilmaamay in uu marayo xilligii Tataarku ku soo duulay isla markaana uu qabsaday Casimaddii Islaamka ee Baqdaad, asaga oo barbar dhigay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, Afgaanistaan, Falastiin & Ciraaq.

Related posts:
Asc wr wb.
Xayaakallaah sheekh xasan daahir. Illaahey haku xifdiyo sheekh xasan daahir waxaa laga yaabaa soomaligiisa marka uu iclaamka la hadlayo in dad badan uusan qiimo u laheyn.
Hadaadse eegto sheekha cilmi ahaan iyo muwaaqiftiisa iyo nuxurka hadalkiisu waa dhaxal wuxuuna noqon doonaa taariikh Muslimiinta naga dambeysaa insha Allaah looga sheekeeyo.
Maashaa allah allow sheekha kuwa uula socdaa aysan ka gadanin gaalada
Nin rag weeye Shiikhu, nin rag weeye, nin rag ah waaye. Hadalkii waa asiibay!!!!
xisbiga waa dad an isla socon shalay nin ayaa uu hadlay oo dhahay waxaana ahay afayeenka xisbiga manta waxaa hadlay hogamiyaha xisbiga marka aniga sida ey ila tahay xisbul islaam islama baa socdo dhamantiisa maxaa yelay waa dad an isla janqadi karin kuwana waa ka dacad waxaa ey higsanayan kuwana aduun iyo malin un waxeey afka geliyaan ayee ugu jiran xisbiga ee aniga waxaa dhihi lahay xisabiga inta gori gor tahay ha iska saro inta ah asxabul hunguriga ah ama hami aduunyo dartiisa ugu jirto xisbiga waxaa noqoten ayaan idin le yahay sida mida shariif oo kale oo malin walbo loogu bartay kala hadalka saxafada horteeda inta soo istagan malin walbo hal eray ugu warbixiyo erayo iska soo hor jeedo ee waxaa idin dhihi lahay noqda dad hal afayeen iyo ha madax leh
WAA WAR AAD LOOGU FARXO IN SHEEKHUU UU BARI KA NOQDO WUXUU KU HADAAQAY WIILKII KU DAGSOOMAY WIXII SHARIIF HALKAA DHIGAY.
QADAAFIGA UU LAHAA WAA WALAALKAYO WAA NIN ILAAHNIMO SHEEGTAY QURAANA ALIFTAY.
SHEEKHA ILAAHAY KHAIR HA SIIYO SHEEKH XASAN DAAHIR AWAYS
sh.xasan daahir aweys waa sheekh mabda,iisu cadyahay weligiina hal mawqif taagnaa oo aan iska bedelin ra,yigiisa laga soo bilaabo wakhtigii uu bilaabay halganka ee dawladdii siyad barre ilaa maanta hal mawqif ayuu taagan yahay oo ah in somalia laga dhaqan geliyo shareecada islaamka ,wadankana laga badbaadiyo cadaw kasta oo ku soo duula ama is hortaaga shareecada alle .waa aabaha halganka jihaadiga ah waana nin degan oo maskax badan taariikhduna way xusi doontaa waanuna ku dayan doonnaa hab dhaqankiisa geesinimada ku dhisan .
waa maro ku dheg mayyal adag oo aan isbedbedlin marxalad kasta iyo duruufkasta oo lagu jiro .
allaah ha dhawro oo ha xifdiyo hana siiyo caafimaad iyo cimri dherer ,noloshana shahiidnimo ha ugu soo gebagebeeyo .
Masha Allah sheekh Xasan. Waa Hawiyism iyo Irirism la safashada shariifka. Waa fuleynimo iyo qabyaalad kuwa jihaadka diidey. Waa fuleynimo iyo fiiro gaabnimo kuwa Amison oo taagan afka iyo gacanta ku taaga mujaahidiinta kale. Waa iska indha tir iyada oo ukuntii muslimiinta la banneeystay in qoriga lagu jeediyo mujaahidiinta kale.
Shiiqa waxaa uu tusay in culimadii rabbaaniga markii laga fogaadey in dhallinyarada qaladkoodi batey.
Alshabaab ha ku daba feeleen shiiq Xasan inta goori goor tahay.
U dhaarashadoodi puntland iyo somalilayn maanta ma xumeen laakin nabiga sow ma dhihin alxarbu qudca. Maxaa la isu sheeg sheegaa.
Maanta markaan lahaa qidaabka siyaasadeed ee xisbul Islam ha caddaatoo ruux kastoo wax gard ah wuu garnaayey sida afhayeenku u hadley in laga saxnaa. Nin baa iska hadli markaasi la dhahaa xisbigaa qaba.
Laakin isweydiin ma xumee maxaa u yeelay xisbigan boqol afhayeen. sida shabaab meey yeeshaan hal afhayeen. Waa hubaal diktaarooyidaa alshabaab oo kale ma sameeen karaan laakin isku dubad ridnaan baa la rabaa.
Alshabab hoggamiyahooda waa diktaatoor. Wax doortey lama oga. Masaakiinta shabaabka ma oga dadka u taliya shuurana ma jirto. Sidaa awadeed shabaabka ha soo raaceen xisbiga. Oyan ahayn fadlan maamul wanaagsan oo majo iyo madax leh sida loo doortaana cadahay ha keenen.
Ashuun aadaan waa waxa na diley.
nin hal waayay haan gacanta gali wadaad ka xukun baa ka cararay,waxaana taas lagu ogaaday marka uu hadlayo waxa uu gacanta u taagaa xaga iyo fila soomaaliya,ee gacanta oma taago xaga samada
A/C
sheekh xasanow wax waliba waxay leeyihiin meel ay bilowdaan iyo meel ay ku dhamaato,sheekh waxaan waydiin lahaa dagaalku xili buu bilaabmay ee xili muu dhamaanayaa? ma wuxuu dhamaanayaa marka aan amsom dalka laga saaro? mise xata nimankaas gaalada ah laga saaro dagaalku waa sii soconayaa ileen weli waxaa haraya nimankii dowlada ahaa ee ay amisom saaxiibada ahaayeene? waxaan kuu sheegayaa sida aad hadalka ama muxaadirada aad u sheegtay uusan lahayn meel uu ku dhamaado sheekh xasanow,,,waxaanse aad iyo aad u naxaa marka aan kaa arko saxaafada shacniga iyo wanaaga kaamuuqda aadan moodin in aad maalin gelinkeed aad dagaalamin ama rafaadin iyo shacabka aad dagaalka ka dhexwado sida ay u egyihiin ama guryaha ay ku jiraan oo ay ka muuqato darxumo dhamaanteed,,,sida dhimasho,dhaawac,gaajo,dhaxan,ho’ la’aan,caafimaad xumo,biyo la’aan,wax barasho la’aan,markaa sheekh miyey ka dhamaatay naxdintii?alaahu akbar,,, waxaa kaaga daran sida uu ma dhalayska u yahay dagaalka uu sheekh iclaamiyey oo aan ilaa iinka qolona ku guulaysan,,,waxaaba kasii daran in sheekh xasan culimadii cadaysay dagaalka somaliya in uu yahay fitno ee uusan jihaad aheyn ee ku ijmaacday uu ugu sheegay caadifiyiin ama isirnimo qabyaaladeed oo runtaa aan u cuntamin in nin sheekh ahi waxaasoo kale afkiisa soo mariyo,,,sheekh xasan ilaahay ka baq una toobad keen oo bal wax miisaan,
a/c
WAA KAN SHEEKH XASAN DAHIR AWAYS.
Waa runtaa, waxay Hawiye kaaga hiiliyeen,dan Hawiyoo qaas ah baadan wadin.
Ilaahay ha ku waafajiyo danta Muslinkoo dhan oo
aad u taagan tahay.
Sheekh Aways, xizbulislam kala dir ama ha ku hoos yimaadeen.
labadaa jidaan ahayn ma kuu furna.
jazaakallaahu khayr
waa warar wada macquul ah
waa runtiis sheekha caalamka islaamka dhib ayaa haysta waxaana u keenay dadkii oo jihaadka ka fariistay gaalana weli ka dhigtay.
Muslimiinta ilaahay ha udembi dhaafo hadii ay yihiin kuwo wax fahansan oo mutaqiin ah.
laakin waxaa wax walba ku dheelaya culimada Xun ee diinta alle yaqaan laakin shahwadooda ka hor mariya.
bal eega waxa caalamka ka socdo waxaana horseed u ah culimo iska yeel yeel.
Sheekh Qardaawi iyo dandaawi yaa cilmi badan yaase ka taageerid badan kuwa aan shareecada wax ku xukumin.
hadii wiil yar baraarugo oo uu gaal wax ka sheego ama uu qoriga qaato waxaa ladhahaa Mutamarid, Irhaab, Xagjir iyo Erayo kale.
ilaahow kuwaan nooga Hiili yaa Rabbi Arbaab Amiin
allahu akabrallaha dhowro mujaahidka weyn ee shiikh xassan daahir aweys jazaakalahu khayr
Hasan daahir culumada hadayna ku raacin fidnada ow wado wuxu ku tilmaama inay qabiili yihiin.Hasan daahiroow xukundoon inaad ku banaysato dhiiga muslimka culumad kaa yeeli mayso.
Runtii waa arrin loo baahnaa in la caddeeyo. Waayo waxaa wax aad loola yaabo ahaa hadalka uu sheegay ninkan isku sheega afhayeenka. Skiikha waqti ay ku habbooneyd ayuu caddeeyey mowqifka xaqa ah.
asc wr wb allllllllllaaaaaaaaahu akbar walaahi warka shiikha sheegay waa run ee ilaahey uga baqa cimigiina iyo diintiina qabiil haka dooranina islmnimada cabdulaahi yuusuf walala jihaaday maxaa shariif laaga haray
BISMILAAH
Waxaan aad ula yaaba hadalka sheekh xassan dahir laba arimood mid kood
1- hadalka afhayeenka kasooo baxay ee uu gaashaanka u daruuray horta waa arin aan la aqbali karin taasina waxay cadaynaysa in xisbul-islaam aanu isu war hayn halkaasna waxaa ku cadaatay in hadalo hore oo afhayeenku sheegay ay noqdeen kuwa aanay waxba ka jirin wakhtigii dagaalku ku dhexmaray xisbul islaam iyo shabaabka oo afhayeenku hadalo aad u kulul ka sheegay
2- arinta kale sheekh xassan wuxuu culimada ku sheegay rag qabiiliism ah oo ka leexday jidkii hadaba walaalayaal waxaad eegtaan labadan bayaan oo iyo culimada joogta madashaaas ma ragaas ayaa qabiil ah oo lagu tilmaami karaa in anay qabiil ka doorteen dacwadii iyo diintii islaamka madashaas miyaanu ahayn sheekh xassan dahir kii gashaanka u daruuray warkii culimada oo waxba ka dhacaysan waayay bayaanadadii ay soosaareena waxba kama jiraan a dhigay
-alshabaabka sheekh xasan leeyahay culimi la leh waxayna isu arkeen in culimadii dhinac ka raacday maanta ayaad garatay markii adigana ay waxba kaa dhagaysan waayeen oo xataa dagaal kugu hayaan goor ay noqotaba in aad ku biirto ama aad hubka ku wareejiso weeyaan ….
waxaan kusoo koobayaa dib u akhriya taariikhda walaalayaal oo ila eega bayaankan culimada soo saartay ilaahay baan idinku dheershee ma ragaas baa qabiil lagu tilaami karaa
http://www.somalimirror.com/2009/02/19/shirkii-culimada-ee-mdisho-oo-la-soo-xirey-bayaan-ka-soo-baxey/
bayaankan kalena ila eega taariikhiga ah
http://www.somalimirror.com/2009/05/11/bayaank-ka-soo-baxay-shirka-2-aad-ee-hay%e2%80%99adda-culumada-soomaliyeed/
waxaan idinka codsanayaan inaad taariikhda dib u raacdaan waa macalin kuugu filan waxa jooga inaad garato soomaalidu waxay tidhaa nin aan waxa jooga garanin waxa soo socda ma garto
xasa Daahir Hawiye iyo soomaali midna waxba kaama rabaane asagu naftiisa meel ha u raadsado Waaka afkiisa Hawiye ku taagayee Hawiye markii uu dagaalka kujiray asagu Casamra ayuu ABC ingiriis ah luugu dhigayay asagoo da’daasa soomalida nin walba waxa uu gudo iyo waxa uu galo waa layaqaan xasan daahiry haduu talo hayo dumarkii iyocaruurtii itoobiya ka qaxay maanatay ma ag fadhiyeen ee sida Al-shabaab ayuu ku faanilahaa in 10 gobol kataliyo!
sheeq xasan ilaaheey haku sugo waxaat kuliibaaneeysaa waligaa ilaaheey uun raaligali citna qabiil haku taageerin qofkaat u arakto inuu diinta aljiro taageer hadal dadna dhakta ha udhigin waxaa daran nin kuu ilaaheey kacareeysiiyo isku dayna alshaab inaat wada hada shaan oo waxaan qilaafkaan dhaxdiina laga saaro qofka waxuu go aansado wuugaaraa xataa adiga utanasul ogoowna ilaaheey waxuu lajiraa cida samirta ogoowna xisbiga wuu qashin badan yahay oo waxaa kabuxa dad dana gaar ahleh iyo ineey uun meel kugaaraan
walaalayaal bal ila eega bayaankan kalena ma ragan ayaa qabiil lagu sheegi karaa
http://www.somalimirror.com/2009/05/23/shir-culumo-u-diin-oo-ka-dhacay-birmingham/
kuwa culimada aduunku kasoo saareen kagana codsadeen in la joojiyo dagaalka iyo dhiiga xaqdarada ku daadanaya wey farabadan yihiin tirona ma leh
http://www.somalimirror.com/2009/05/27/bayaan-ku-aadan-xaalada-soomaaliya-oo-ka-baxey-ururka-islaamka/
hadaba culimada uu leeyahay sheekh xassan wey ka aamuseen jihaadka waa kuwee sheekhu mid mid ha inoogu sheego culimada uu jecel yahay inay kala hadlaan xaalada wadanka ka jirta maanta mise sheekh xassan maanta ayuu baraarugay oo gartay dorkii culimadu lahayd iyo baahida loo qabo …..
wacane
********************
ASC
Sheikh Hassan Dahir, Allah ha ku cizeeyo, xaqa ayaad ku taa
gantahay,
ku adkee agtaa, dheg ha u dhigin kuwan ku ambaaraynayo.
A/C.. Somaalidu waxay ku baa ba’day, ku halaagsantay sanadihii na soo dhaafay..in ay ku dhiirigeliyaan shaqsiga khaldan mujrimka ah in uu falkiisa sii wato,ayagoo keliya eegaya qolada uu ka tirsanyahay. caadifada uu Odayga sheegayaa waa tan ragga aan damiirka lahayn halkan ku soo qoraya maashaa alla sheekhu kalmada wuu asiibay..taa oo aan anigu u fasiranayo2 Maashaa alla sheekhu wuu na xasuuqay* Xasan daahir markuu xamar yimid, dabkii shabaab shiday bansiin buu ku shubay..dagaal buu huriyay..Somalida aan caadifada qabiilka lahayn xasan daahir waxay ku xukumeen dambiile dagaal, dushana ka saartay intii ku nafwaayday kuna curyaantay dagaaladii uu huriyay.TV ga waad ku aragteen reero badan oo u barakacay ceelasha..ku waasoo bilaabay inay ku soo laabtaan guryahooga, iyo kuwo ganacsigii bilaabay. Xasan Dahir waa kii mar labaad ka barakiciyay aqlkooda, qaar waxaa jiray oo madfac ku habsaday..maa shaa alla ayaa shacabka xasuuqay…ma aragteen hooyadii ilmaynaysay..ayadoo ku sii socota markii labaad ceelasha biyaha iyadoo leh” Itoobiyaanka markan haddii ay yimaadaan caleemo qoyan ayaan ku soo dhaweyneynaa”..ma shaa alaaaa..
subxaanalah daahir aways ayaa dad dhahaayo qalbiileysi waye asaba ugu wayn qablista waynaday waye daahir aways qabiil intuu afka ka galya ayuu caloosha u fadhiyaa waligisna sidas ayu qabiil u ahaa hadan qabiilasyte ahayn sxbkisa indha cade oo masaakinta berahoda iyo xolahoda xoga ku haystay ma tageri lahayn waa qaacinul wadan aan naxayn oo dinta ku ganbanayo waxana haysa waa aqon yari iyo somaliyana manta waxay ku baa baday waxa wax laga dhagastaa kii hadlaba war yaa akhii dadkano kale yan la dhagaysanin
Asalaamu Calaykum marka hore ilahey ayaa mahad oo idil u sugnaatay marka xigtana waxan halkan kaga mahad celinayna shabakada soomaali mirro intaa kadib waxan rabaa inan u mahad celiyo Aabaha Mujahidiinta {Sh.xasan Daahir Aweys} waxan illahey ha xafido makrika cadawga illahey haka xifdiyo iyo dhaman dadka muslimiinta ahba intaa kadib sh.xasan daahir wanagiisa meeshaan laguma soo koobi karo ee waxan leeyahay illahey ha u siyaadiyo waa amiirkeena waa amiirka muslimiinta oo dhan ninkii khilaafana waa nin doonayo tafaraaruqo iyo kala tag dadka islaamka ah dhexdoda li,ajli daalika fayajuuso khalcuhu wa qitaaluhu. asc.