
Midowga Europe ayaa Shaaciyey inuu Dowlada KMG ah u fidanayo Taageero dhanwalba leh, wuxuuna intaa ku daray inuu indha indheyn doono wadooyinka lagu Taageerikaro Amaanka iyo Dowlada KMG ah ee Xrunteedu tahay Muqdisho.
Iskudabaridaha Siyaasada Arimaha Dibada ee Midowga Europe Javier Solana ayaa Sheegay in Reer Europe Dowlada KMG ah waxwalba la qeybsan doonaan ayna taageeri doonaaan.
Solana ayaa hadalkan ka Sheegay kulan ay asaga iyo Ra’iisaul wasaaraha DKMG ah Cumar C/rashiid ku yeesheen Magaalada Presales ee Dalka Belgium-ka waxaana sidoo kale kulankaas ka qeybgalay Axmed Walad C/lla oo Q.M u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka kadib ayuu Solano soo saaray bayaan uu ku Cadeynayo in ay ka wada hadalyeen Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika waxaana lagu yiri bayaanka: “Soomaaliya aad ayey muhiim ugu Tahay Midowga Europ waxaanan Taageero buuxda siin doonaa Dadaalada DKMG ah ay ku dooneyso Nabad ku soo dabaalida Dalka iyo in mustaqbalka Amaan Booxo oo loo helo Soomaaliya iyo Shacabkeeda”.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu Sheegay inayba haatan Dadaalo ka waadan reer Europe Dalka Soomaaliya sida inay Qiimeynayaan sidii lo xoojin lahaa Taageerada Amniga Soomaaliya iyo Ciidamada Haatanba ka jooga Xeebaha Soomaaliya ee Burcad Badeed ladagaalnka loogu Magac daray.
Dhanka kale Cumar C/shiid Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa lakulmay ergeyga midowga Eupore u qaabilsan Arimaha bani aadanimo waxyna ka wada hadleen sidii midowga Europe ugaarsiin lahaa Soomaaliya Kaalmooyinka Suurtagalka ah.

Related posts:
ac/ walaalyaal gaalo waxa ay isku raacday inaytaageerto dhibaatada somaali haysata iyo umada muslimka ah meelkasta oo joogtaba waayo somali xalkeeda ilaahaybaa haya hadii ilaahay loonoqdana arinkiinu uu xalismidoonaa hadii gaal taageero laga raadiyona ilaahaybaa inoo cadhoon waarmarkaa waxaan leeyahay umadu xaqaa iga ha u noqoto oo ilaahay halaga yaabo
hadi tageradiinu waxa tareyso bakistan iyo afaqanistan ayad taageera tan mada waxa u qabatan waa idinaka maliin kasate baqatigin ladaada gureeyo dkmg ee dirowday ben ha usheginin waada tageratan waxab umidan qaban waan guleysan doona in shaalaah